Saturday, 4 October 2008

Soomaaliyad Xabsi ku mudatay ninkeedii oo


London (XOL)- Ninka noqon gabadhu u doonanayd oo noqon lahaa qarxiyihii July 21 khadadka marinada dhulka hoostiisa ayaa lagu xukumay saddex sannadood oo xadhig ah gabadhii ay is-guursan lahaayeen, ka dib markii ay ku cadaatay inay iyadu siisay Xijaabkeedii si uu dalka Ingiriiska dibada uga baxo. Sidaana waxa lagu faafiyay warbaahinta caalamiga ah.
Farduus Cabdillaahi oo 17 jir ahayd xilligii qaraxyadu ka dhaceen magaalada London, dhalashadeedana lagu sheegay Soomaali, ayaa lagu tilmaamay inay u gelisay Yaasiin Cumar dirays buuxa oo lebiska haweenka muslimka ah, isla markaana horseeday inuu ka baxsado magaalada Birmingham iyadoo aan la aqoonsan. Waxaanay sidoo kale u bedeshay talefoonkeedii si aan loo dhegaysan talefoonkiisa, halka waqti dambena ay been uga sheegtay booliska, iyadoo markaa sheegtay inaanay ogayn meel uu ninkaasi tegay. Mr Cumar waxa uu ka baxay London ka dib markii boorso uu ka buuxiyay waxyaabaha qarxaa uu ku guuldaraystay inay shaqeeyaan oo ku qarxaan jid-tareenka dhulka hoostiisa ee Warren Street. Mrs Cabdillaahi oo la sheegay inay leedahay uur 24 toddobaad jira, ayaa qiratay inay dembiile ku tahay caawimada ay siisay ninkaas. Maxkamadda ayaa dhegaysatay sida ay gabadhaasi maskaxda uga xanuunsanaysay ilaa markii ay jirtay 12 sannadood, isla markaana ay cadaadis ku saareen Cumar iyo qoyskiisu sidii uu u baxsan lahaa. Hase ahaatee, Xaakimka Maxkamadda Judge Paul Worsley oo la hadlayay gabadhaas ayaa ku yidhi, “Masuuliyadaada dalkani way ka waynayd masuuliyadda aad u haysay ninkaaga.” “Xabsigu waa inuu ka duulaa xaqiiqada ah in qof kasta oo caawiya kuwa ku dhaqaaqa tallaabo ay ku laynayaan dad fara badan, isla markaana waa in lagu ciqaabaa dembiyadooda,” ayuu raaciyay hadalkiisa xaakimku. Farduus oo Soomaaliya ka tagtay 1998-kii, isla markaana heshay sharciga muwaadinnimada Ingiriiska sannadkii 2004-tii ayaa lagu khasbay inay is-mehersadaan Yaasiin Cumar afar maalmood oo keliya ka hor qaraxyadii London ee July 21, 2005. Afar maalmood ka hor xilligaasna waxay Farduus ka soo baxday cusataal lagaga dawaynayay xanuunka qulubka iyo cuqdada, kaas oo ay ka soo qaaday waxyaabihii ay Afrika ku soo aragtay. Waxa Mr Cumar baray inaadeerkeed, waxaanay isku mehersadeen Masaajidka Finchley July 17. Inkasta oo aanay iyadu waqtigaa kala ogayn in Yaasiin Cumar uu qorshaynayay weerarada qaraxyada ahaa, hadana waxay ka caawisay inuu booliska marin-habaabiyo ka dib markii uu ku guuldaraystay qarxintiisii. Xeer-ilaaliyaha dacwaddan oogaysay Emma Gargitter ayaa la sheega inay tidhi, “Waxay ku taageertay inay siisay talefoonkeedii si aanu u isticmaalin kiisii uu lahaa. Waxay ka caawisay inay u alifto lebiska haweenka islaamka July 22, waxaanay u sii dhawaysay ilaa Istaanka Basaska waawayn ee Golders Green Coach Station, halkaas oo uu uga ambabaxay Birmingham. Waxaanay warar khaldan ka siisay booliska oo la xidhiidhay aqoontii ay u lahayd Yaasiin Cumar halka uu jiray.” Mrs Cabdillaahi waxay habeenkii uu ninkeedu baxsnayay kula qaadatay huteel ku yaala badhtamaha London, halkaas oo ay ku siisay lebiskeedii xijaabka ahaa. Jonathan Cooper oo ah looyarka daacayay ayaa sheegay inaanay la wadaagayn ninkeeddaas ujeedooyinkiisii, isla markaana ay ahayd qof jilicsan. Isaga oo dib u eegayay nolosheedii horena wuxuu sheegay inay maskaxiyan u buktay. “Mr Cumar ayaa ka xoog-badnaa, isla markaana maamulanayay,” ayuu yidhi garyaqaanku. Inkasta oo ay ka qiratay makamadda horteeda inay ninkaa caawisay bihii la soo dhaafay, hadana qirashadeeda lama soo bandhigin ilaa xilligan.
Si kastoo ay ahaydba, Mr Yaasiin Cumar oo ay weheliyaan Mukhtaar Ibraahim, Xuseen Cismaan iyo Ramzi Maxamed waxa bishii July ee sannadkii hore lagu xukumay xabsi daa’in. Isla markaana gabadhan guurkeedii guuldaraystay, ka dib markii aanay u suuragelin inuu ninkeeddaasi ka baxsado dalka Ingiriiska, waxaana lagu xukumay saddex sannadood oo xadhig ah.

Ma jiraa wadahadal laga yeeshay Madax-furashada Markabka Hubka sida, yaase bixinaya lacagta?

Nairobi (XOL)- Wararkii u dambeeyay ee ka soo baxay Markab laga leeyahay dalka Ukraine oo siday Hub iyo Saanad Milatari, isla markaana ay Koox Budhcad-Badeed Soomaali ahi afduub ugu haystaan meelo ka tirsan Xeebaha Maamul-gobolleedka Putland ee Somalia, ayaa sheegaya in shir ay Dibloomaasiyiin ka kala socday dalal kala duwan oo Dunida ahi shalay ku yeesheen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay gebo-gebadii kulankoodaa isla garteen xalka kaliya ee lagu soo furan karo Markabkan Hubku ku raran yahay uu kaliya yahay in la bixiyo Lacagta Madax-furashada ah ee Budhcad-Badeeddu dalbadeen. Hase ahaatee, waxa iyana soo baxaya su’aalo ku wajahan cidda Lacagtan Madax-furashada ah bixinaysa.
Sida lagu baahiyay Shabakadda Wararka ee International Herald Tribune oo aanu Warkan ka soo xiganay, sidoo kale Dibloomaasiyiinta Shirkan isugu yimi ayaa soo bandhigay jid kale oo ay sheegeen in uu yahay in weerar Milatari lagu qaado, balse arrinkaas ayaan ahayn mid ay ku niyad-san yihiin. Waxa jira wada-hadallo ku wajahan Lacag Madax-furasho ah oo ay dalbadeen Kooxda Budhcad-Badeedka ahi oo u socda Kooxda Budhcad-Budeedka ah iyo dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Mulkiilaha Markabka, Shirkadda Maraakiibta ee Ukraine, Masuuliyiinta Dawladda Ukraine, Shirkadda uu Markabku caymiska kaga jiro iyo Ehelada dadka saaran Markabka dushiisa ee afduubka loo haysto. Iyada oo ay marba-marka ka dambaysa isa soo tarayaan su’aalaha ku wajahan haddiiba wada-hadalladan lagu guulaysto cidda bixinaysa Lacagta Madax-furashada ah. “Waxa jira qaybo badan oo wada-hadalladan ku lug leh. Sidaa darteed ma cadda cidda masuuliyadda bixinta Lacagta Madax-furashadu saaran tahay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ehelada dadka afduubka loo haysto ee Markabkan saaran oo u warmay Shabakaddan IHT.
Kooxda Budhcad-Badeedka ah ee Markabkani u afduuban yahay ayaa dalbaday Lacag Madax-furasho ah oo qaddarkeedu dhan yahay 20-Milyan oo Dollar. Inkasta oo Wararka qaarkood sheegayaan in ay hoos u dhigeen oo ay qiimahaas wax ka dhimeen.
Dhinaca kale, Saddex Markab oo ay in muddo ah Xeebaha Soomaaliya ku haysteen kooxaha Budhcad-badeeddu ayaa gaadhay dalka Jabuuti, kadib markii ay dhawaan sii daayeen. Isla markaana dawladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay inay ka qaybgasho dagaalka ka dhanka ah kooxaha Budhcad-badeedda Soomaalida. Waxaana shalay oo keliya ay weerar balaadhan ku qaadeen ilaa shan Markab oo marayay xeebaha Soomaaliya.
Saddexdan Markab ee ay Budhcaddu sii daysay waxa laba ka mid ah laga leeyahay dalka Malaysia, halka ka kalena ay leedahay dawladda Masar, mana cadda in sii dayntooda lay Madax-furasho ka qaateen iyo in kale iyo muddada ay Budhcaddu haysatay Xeebaha Puntland.
Wasiirka warfaafinta Jabuuti Cali Cabdi Faarax ayaa sheegay in dawladiisu ka qayb qaadan doonto la dagaalanka kooxaha Budhcad-badeedda Soomaalida. Wasiirku waxa uu tilmaamay in Soomaalidu xaq u leedahay inay xeebaheeda ka difaacdo kooxaha Kaluumaysiga u taga, balse falalka Budhcad-badeeddu aanu ahayn mid loo dulqaadan karo. Waa markii ugu horeysay ee Jabuuti si cad u sheegto inay ka qaybgalayso dagaalka ka dhanka ah Budhcad-baddeedda Soomaalida.
Weerarada kooxaha Budhcad-badeeddu ku hayaan Maraakiibta isticmaala Badda Cas ayaa noqday kuwo joogto ah, isla markaana shalay oo keliya waxay weerar ku qaadeen shan Markab, kuwaas oo mid ka mid ah laga leeyahay dalka Talyaaniga, halka mid kalena laga leeyhay Imaaraadka Carabta. Ururka Markableyda Jarmalka ayaa sheegay inuu diiwaangeliyay 500 boqol oo isku day oo kooxaha Budhcad-badeeddu ku qaaday Maraakiibta.

“Boorama kama jiro dadweyne qaybsamay, waana barobagaando dawladdeed”


“Siyaasadda waan ku cusbahay mana jirto cid dibada ah oo taageeradayda kala soo xidhiidhay KULMIYE”

Cabdiraxmaan Seylici: Waraysi

Hargeysa (XOL)- Murashaxa Madaxweyne-Kuxigeenka xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Seylici) ayaa sheegay in aanu jirin qorshe hogaanka xisbigoodu ku doonayo in todobaadkan uu ugu socdaalo magaalada Boorama, isla markaana aanu jirin abaabul iyo diyaar garow arrintaa la xidhiidha oo uu ka wado magaaladaa.
Khamiistii doraad waxa la sheegay in ciidamo Boolis ah oo aan hore u joogi jirin la dhigay jidka isku xidha Hargeysa iyo Boorama, kuwaasoo baadhis ku samaynayay qaar ka mid ah gaadiidka gaarka ah, isla markaana dib ugu soo celiyay Hargeysa Dr Axmed Ibraahin (Obolos) oo xubin ka ah xisbiga KULMIYE, kuna sii jeeday dhinaca magaalada Gabiley. Waxaanu Dr Obolos oo arrintaa wax laga waydiiyay sheegay inuu tuhunsan yahay inay la xidhiidho olole xukuumaddu kaga hortegaysay wefti ay horkacayaan masuuliyiin sare oo xisbiga Kulmiye ka tirsan oo la filayo inay socdaal ku tegaan Boorama. Sidaa daraadeed, Cabdiraxmaan Seylici oo xalay Ogaal wax ka waydiiyay jiritaanka socdaalka weftigaa Kulmiye iyo ujeedadooda, waxa uu yidhi; “Socdaal hogaanka xisbigu ku yimaado Boorama maalmahan oo qorshaha noogu jiray ma jirto.”
Muddooyinkii u dambeeyey waxa jiray tibaaxo muujinayay in Ra’yulcaamka Boorama ku qaybsamay xulashada Cabdiraxmaan Seylici loogu doortay Murashaxa Madaxweyne-kuxigeenka KULMIYE. Hase yeeshee, Cabdiraxmaan Seylici waxa uu ku tilmaamay borabagaando xukuumadda Rayaale wado. “Waa arrin dabiici ah in haddii laba qof tartamayaan la kala taageero. Midda kale, arrin ah labada Murashax ee gobolka ka soo wada jeeday tartanka ka dhexeeyay waa lagu kala baxay sidaad ogtahay, wixii intaa ka dambeeyayna waxa meesha yaala ee keliyi waxa weeye; dawladda maanta dalka ka talisa oo u aragta in aan anigu caqabad ku ahay iyo in aan ahay ninka keliya ee gobolka codka kula qaybsanaya (Rayaale). Markaa taas uun baa taal, laakiin dadweyne kala qaybsamay ma jiro ee barobagaando dawladdeed.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Seylici.
Mar wax laga sii waydiiyay dooddiisa ah inuu yahay masuulka keliya ee gobolka Awdal kula tartami karaya Daahir Rayaale oo ah hogaamiyaha UDUB iyo madaxweynaha Somaliland in taas loo fasilan karo in Cabdiraxmaan aw Cali oo hore KULMIYE ugu sharaxay Madaxweyne-kuxigeen uu kaga cod badan yahay, waxa uu yidhi “Anigu hebel ku odhan maayo, laakiin shaqsiyadayda ayuun baan ka hadlayaa. Waxaanan ku leeyahay shaqsiyan waxay u arkaysaa xukuumaddu in culays kaga soo kordhay qof magac ahaan, maamuus ahaan iyo gobol ahaanba qiimaha uu ku leeyahay aad u weyn yahay, taageeradiisuna gobolka Awdal ku faro badan tahay, waana taa ta keenaysa in dawladdu borobagaando iyo culays badan samayso.”
Su’aal aan ka waydiinay inuu jiro culays dhinaca maamulka gobolka kaga yimi oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasaddeed , waxa uu ku jawaabay, “Wax toos ah oo ay iila yimaadeen ma jirto wax sharci daro ah oo aan ku dhaqaaqaana ma jirto. Laakiin, siyaabo dadbani way jiri karaan.”
Wararka laga helayo magaalada Boorama waxay sheegayaan in khilaafkii ka dhashay shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye kala qaybiyay maamulka xisbiga ee gobolka Awdal, isla markaana aanu fiicnayn xidhiidhka Cabdiraxmaan Seylici iyo maamulka xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal. Cabdiraxmaan Seylici oo arrintaa wax laga waydiiynayna waxa uu yidhi, “Maamulka xisbiga ee gobolku ma kala qaybsana. Laakiin, waxa jira hal nin oo ah kii magaca Guddoomiyaha haysan jiray, ninkaasina marka horeba nin naga ridoobay buu ahaa oo warbixin laga soo bixiyay intii aan Shirkii Burco-ba la tegin. Markaa waxaanu nidhi waqtigii aanu shirka tegaynay maadaama aan markii hore la bedelin hayska tago (Shirka) hortee iska daaya. Ninkaas oo aan xisbiga u tirsanayn Guddoomiyihiisii iyo arrimihiisiina loo dhisayo xisbiga mooyee, wax maamul ah oo qaybsani ma jirto.”
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Seylici waxa uu ku dooday in khilaafka soo dhexgalay xisbigu uu haatan gebogebo yahay, isla markaana ay isku soo laabteen dhinacyadii khilaafku kala kexeeyay intoodii badnayd. “In hawshaasi dhammaatay waa iska ogtihiin oo xisbiga aqlabiyadiisii isku soo noqday, inta hadhayna wax yar oo kooban ay yihiin. Waxa la yidhi gari laba nin kama wada qosliso, walaalahayaga hadhayna waxaanu jecelahay inay aqbalaan oo nala shaqeeyaan. Laakiin, khilaaf xisbi oo maanta la sheegaa oo hadhay ma jiro.” sidaa ayuu yidhi Mr. Seylici. Wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi; “Laba boqol iyo labaatan (220) weeye Golaha Dhexe ee xisbigu. Markaa miisaanku maaha qofka ee waa xaga loo badan yahay, qof qof haddii loo eegana mid aan miisaan lahayni ma jiro. Markaa 220-ka Golaha Dhexe haddii shan-lix nin cadho bani-aadam ku maqan yihiin ma odhan karo miisaan baa maqan. Laakiin, rag muddakar ah oo weli cadhadii ku maqani wey jiraan, kuwaana kama maarano oo waanu jecelahay inay noo yimaadaan.”
Saylici waxaa uu ku dooday in Xisbigu ku xushay dedaal iyo sabir uu mudadii Axsaabtu jirtay ugu soo shaqeeyay Kulmiye, waxaana uu beeniyay tibaaxo muujinaya in ay jiraan dedaalo dibadeed oo Axmed Siilaanyo ku dhiiri-geliyay inuu u doorto ku xigeenkiisa ku wehelin doona tarantanka Madaxtooyada. Su’aal arrintaa laga weydiiyay Cabdiraxmaan waxaa uu kaga jawaabay qosol kooban ka dib oo uu yidh “Waxaa weeye, sida aad saxaafad ahaanba qortaan, anigaaba weli saaxadda Siyaasada ku cusub, markaa Siyaasadaydu weli dibada Somaliland ugamay bixin….mana jirto, cid dibada igala soo xidhiidhay ama arrintayda danaynaysa oo Xisbiga kala soo hadashay dibadu.”

Thursday, 2 October 2008

C/laahi Yuusuf iyo Xukuumaddiisa oo u guuraya Nairobi

Kismaayo: Kaniisad loo bedelay Masaajid, lagana eedaamay

Muqdisho (Press TV/Ogaal)- Madaxweynaha Maamulka TFG ee Somalia, Ra’iisal-Wasaaraha Xukuumaddiisa Nuur-Cadde iyo Xubnaha Baarlamaanka isla Xukuumaddaas, ayaa la sheegay in xarun loo dhigayo, isla markaana dib loogu rarayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ka hor intii aanay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay fadhiisin ka dhigan xarun u ahayd, waqti ay jiraan Dagaallo iyo Weeraro ay si joogto ah ugu dhimanayaan Dad u badan rayid. Isla markaana waxa Maamulka Maxaakiimtu Magaalada Kismaayo ka burburiyeen Dhisme Kaniisadeed oo halkaa ku yaalay.
Sida uu faafiyay Telefishanka laga leeyahay dalka Iran ee Press TV oo aanu Warkan ka soo xiganay, kulan muran badani hadheeyey oo ay isugu yimaadeen Midowga Afrika ayaa lagu go’aamiyey in 275-ka Xubnood ee Baarlamaanka Xukuumadda TFG oo ay weheliyaan Cabdilaahi Yuusuf iyo Ra’iisal-Wasaarihiisa Nuur-Cadde loo rari doono Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Inkasta oo aanay si rasmi ah u caddayn sababta keentay go’aankan, haddana Warar Madax bannaan ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Xukuumadda TFG ay dalbadeen arrintan, si ay wada-hadallo toos ah oo aan qas lahayn ula yeeshaan Hoggaanka Mucaaradka ee ka soo horjeeda Siyaasadooda, isla markaana ay u sameeyaan Dawlad Wadaag ah. Arrintan ayaa ku soo beegantay waqti ay gudaha Somalia si joogto ah uga dhacaan Weeraro, Dilal iyo hanjabaado is-daba joog ah oo ay waxyeellada ugu badani ka soo gaadho Dadka rayidka ah iyo Masuuliyiinta Maamulkan ka tirsan.
Baarlamaanka Xukuumadda TFG ee Somalia ayaa hore u degannaan jiray Deegaano ka tirsan Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya, ha hor intii aanay u guurin oo aan loo rarin Magaalada Baydhabo ee Somalia 26 February 2006.
Dhinaca kale, Maamulka taabacsan Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho oo ka taliya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ee Somalia, ayaa shalay burburiyay Dhismaha Kaniisad ku taalay bartamaha Magaalada Kismaayo. Kaniisaddan oo halkaa laga dhisay waqtigii Gumaystaha Talyaanigu ka talinayay Somalia, ayaa Xoghayaha Warfaafinta Maamulka Magaalada Kismaayo Xasan Yacquub Cali oo la hadlayay dad isugu yimi tukashada Saaladda Ciiddal-Fidriga, ayaa sheegay in goobta ay Kaniisaddan ka burburiyeen ay ka dhisi doonaan Masaajid. “Halkan waxaa lagu caabudi jiray Sheydaamo, sidaas darteed ayaan u burburinay, waxaana ka dhisi doonnaa Masjid Allaah lagu caabudo, maantana (shalay) waa laga adimay sida aad maqleyseen” ayuu yidhi Sh. Xasan Yacquub Cali oo la hadlayay dad isugu soo baxay burburinta Kaniisaddaas.
Mar Xasan Yacquub wax laga weydiiyay halkay ku dambeeyeen Dad Rayid ah oo muddooyinkan u dambeeyay deganaa dhismaha Kaniisaddaas, isla markaana ka geli jiray qabowga habeenkii iyo kuleylka Qorraxda, ayaa waxa uu sheegay in ay dadkaas u dhisi doonaan guryo.
Sanadkii 2005-dii ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho ay Maxkamadaha Islaamiga ahi ka qodeen, isla markaana ay Lafahii ka soo faqeen Qubuuro Talyaanigu waqtigii Gumaysiga ku aasay dad dalkaa u dhashay, iyaga oo goobtaa ka dhisay Masaajid.

“Xogta dhabta ah ee Guantanamo-da Afrika”


Warbixin laga qoray tuhunka Argagaxiso ee Gobolka

‘War uma hayo, mana jirto Siyaayad Qaran oo aan kaga hadli karo arrintan’
Jendayi Frazer

“Laba saacadood ka dib, waxay is-arkeen iyaga oo ku sugan Jidka Diyaaradaha ee Madaarka Muqdisho.”

‘Waxa ku jiray Rag, Dumar iyo Carruur. Indhaha ayaanu ka xidhnayn. Dadku way ooyayeen,”

Addis-Ababa (BBC/Ogaal)- Weriye ka tirsan Laanta Afka Ingiriisiga ee Idaacadda BBC-da oo lagu magacaabo Robert Walker, ayaa baadhis uu ku sameeyay xadhigga 10 Qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalal kala duwan, kuwaas oo muddo sanad ka badan arrimo argagixiso ugu xidhan Dalka Itoobiya ka dib markii laga soo qabtay meelo kala duwan ka dib waxa uu soo bandhigay xaqiiqooyinka dhabta ah ee xadhigooda, Jidh-dil la sheegay in lagu sameeyay, Doorka Maraykanku ku leeyahay arrintan iyo qoddobo kale.
Warbixintan uu Weriyuhu soo bandhigay oo uu dhinacyo kala duwan ku waraystay oo ay ku jiraan dadkan Maxaabiista ahi, ayaa waxa uu ku bilaabay sidan;
“Saalim Awadh wuxuu igala hadlayaa qol yar oo ku yaala meel ka mid ah Caasimadda Itoobiya ee Addis-Ababa. Waxa jira toddoba maxbuus oo kale oo Qolkan yare e madow kula jira, waxaanu bilaabay inuu ii waramo.
Dawladda Kenya ayaa muddo u arkaysay Somalia inay ka ka hawlgalaan Argagixiso. Si degdeg ah ayuu hadalkii u joojiyay. Waxaan hoosta Cod murugo leh. Dabadeed wuxuu ii sheegay inuu hadda hadalkiisa sii wadi karo. ‘Xaaladuhu runtii waa kuwo aad u xun, ma haysano cunto nagu filan iyo sidoo kale adeeg Caafimaad. Qolku waa mid qoyan oo caafimaad xumo taalo.’ Ayuu yidhi. Waxaanu intaa raaciyay, ‘Waxaanu seexanaa Dhulka, halkii aanu ka seexan lahayn Gogosha, hase ahaatee qoyday. Mid ka mid ah Dadka Maxaabiista ah ayaa si xun loo garaacay, Lug baana laga jebiyay.’
Saalim wuxuu awooday inuu ii waramo ka dib markii uu Laaluush siiyay mid ka mid ah Ilaaladii, si uu u helo Telefoonka Gacanta oo uu igala hadlay. Toddobaaddo ayaan isku dayay inaan xog ka helo isaga iyo Maxaabiis kale oo ku xidhan meeshan oo loogu yeedho ‘Guantanamo-da Afrika’. Arrintani waa mid Dawladaha ku lugta lehi aanay doonayn in laga hadlo.
Bishii January ee sanadkii 2007 Ciidamada Itoobiya waxay la wareegeen gacan-ku-haynta Caasimadda Somalia ee Muqdisho, markii ay ka saareen Ciidamadii Maxaakiimta Islaamka.
‘Waxay isku dayeen inay igu qasbaan inaan qirto in Ninkaygu ahaa argagaxiso. Waxay sheegeen inaan u sheego runta ama inay I deldeli doonaan.’ Sidaa waxa tidhi Fatma Chande.
Xubnaha Maxaakiimta, Dagaalyahannada Maleeshiyooyinka iyo Shacabkuba waxay dhammaantood u qaxayeen Kenya. Waxa ka mid ahaa, Saalim Awadh oo Kenyan ah iyo Xaaskiisa oo reer Tanzania ah Fatma Chande, labadoodaba waxa la soo xidhay iyaga oo ka tallaabayay Xuduudda (Somalia – Kenya). ‘Waxa Qol yar laygula hayay Dumar kale, dabadeed Ciidamada la-dagaallanka Argagaxisada ee Kenya ayaa I waraysanayay, waxay I waydiiyeen sababta aanu u tagnay Kenya.’ Ayay tidhi Fatma.
Fatma waxaan kula kulmay Gurigeeda oo ka kooban laba Qol oo yar-yar oo ku yaala Magaalada Moshi ee waqooyiga Tanzania. Waxay u hadlaysay si degan, isla markaana codkeedu wuxuu sawir ka bixinayay wixii dhacay. ‘Waxaan u sheegay (Booliska) in Ninkaygu uu u tegay Somalia in uu soo hagaajiyo Telefoonada Gacanta. Laakiin, waxay isku dayeen inay igu qasbaan inaan qirto in Ninkaygu uu argagixiso yahay.
Dawladda Kenya iyo xulafadeeda reer Galbeedku waxay in badan u arkayeen in Somalia ay ku sugan yihiin Argagixiso xidhiidh la leh Ururka Al-Qaacida oo ay ka mid yihiin xubnihii masuulka ka ahaa Weeraradii Bambaano ee Sanadkii 1998-kii lagula kacay Safaaradaha Maraykanku ku lahaa Magaalooyinka Nairobi iyo Tanzania.
Dhaqdhaqaaqa Maxaakiimta awgeed ayay ka baqo qabaan (Kenya) in ay ka gudbaan Xadka (u dhaxeeya Somalia iyo Kenya). Toddobaadadii u horaysay ee sanadkii 2007 ayaa kummanaan qof oo ay ka mid yihiin Caruur iyo Dumar lagu xidh-xidhay Xadka iyaga oo isku dayaya inay u gudbaan Kenya.
Al Amin Kimathi oo ah Madaxa Golaha Xuquuqda Aadamaha Muslimiinta Kenya, ayaa Kooxo tabarucayaal ah u diray Saldhigyada Booliska Nairobi si ay xog u soo ururiyaan. ‘Qaar ka mid ahi waxay ka cadhoodeen markii Sarkaal Booliska ka tirsani nagu yidhi kelmad bilaa macno ah oo ahayd, anaga nama khusayso ee waydiiya Ameerikaanka oo tega Safaaradda Maraykanka. Xitaa waxaanu aragnay Ameerikaanka oo keenay Maxaabiis, isla markaana u qaaday meelo aan ahayn Saldhigyada Booliska Nairobi.’ Ayuu yidhi.
Codsiyada Looyarada Kenya ee sii daynta dadkan oo ay rejaynayeen in la tixgeliyo ayay Masuuliyiintu ka qaadeen tallaabo qayral-caadi ah. ‘Waxay ahayd Sabti, Booliska ayaa noo yeedhay saqdii dhexe ee Habeenkaas. Waxay noo qaadeen Madaarka, ninkayga ayaa lagu qasbay inuu Jilbaha dhigo Jidka Diyaaraduhu ordaan.’ Sidaa waxa tidhi Fatma. ‘Gacmahayaga waxa laba-dible ugu xidhnaa Katiinnad Caag ah. Waxa ku jiray Rag, Dumar iyo Carruur. Indhaha ayaanu ka xidhnayn. Dadku way ooyayeen, balse Booliska ayaa isku dayayay inay aamusiiiyaan.’ Ayay raacisay.

Geyntii Somalia:
Laba saacadood ka dib, Fatma iyo Saalim waxay is-arkeen iyaga oo ku sugan Jidka Diyaaradaha ee Madaarka Muqdisho. Dawladda Kenya ayaa Somalia u dirtay Diyaarad ay ka buuxaan oo ay saaran yihiin Maxaabiisi, siday caddeeyeen Rakaabka Diyaaraddan oo ay saarnaayeen 85 Qof oo Rakaab ahi. Badankooda waxa degdeg looga qaaday xabsiyo yaryar oo ku yaala Somalia, loona qaaday Dalka Itoobiya. ‘Toddobaad ka dib markii aanu nimi waxa na waraystay Caddaan ah – Maraykan iyo British ah. Waxa lay waraysanayay toddobaaddo.’ Ayuu yidhi Salim.
Waxaanu intaa raaciyay, ‘Waxay hayeen Fayl ay sheegeen inaan Lug ku leeyahay Qaraxyadii Safaaradda Kenya. Sidaa darteed, waxa lay qaaday oo la I geeyay meel cidlo ah oo aan kali ku ahaa muddo laba bilood ah, iyada oo ay Lugahayga iyo Gacmahaygu seetaysnaayeen oo uu Xadhig ku xidhnaa. Waraysiga lay waraysanayay wuxuu socday ilaa shan bilood. Had iyo jeer su’aalo isku mid ah ayaa ku saabsanaa Qaraxii Kenya.’
Dadkani waxay rumaysan yihiin in ay yihiin Ameerikaanka kuwa su’aalahooda iyo xadhiggoodaba ka msuulka ahi, balse aanay ahayn Itoobiyaanka. Ururada Xuquuqal-Insaanka ee Gobolka ayaa sheegay in arrintani ay tahay hab cusub oo aan caqli-gal ahayn.

Doorka Maraykanka:
Maraykanku lug kuma laha qaadista iyo xadhigga dadka looga shakisan yahay falalka Argagixisanimo, balse in ay xukumaan waraysiyadooda iyo habka loola dhaqmo.
Madaxa Golaha Xuquuqal-Insaanka Muslimiinta Kenya Al Amin Kimathi wuxuu rumaysan yahay in Itoobiya tahay goobta ugu wacan ee Jidh-dilka dadkan loogu geysan karo. ‘Waa meesha dabiiciyan ugu wacan ee la geyn karo qof kasta oo la doonayo in la Jidh-dilo. Itoobiya way ogolaatay Jidh-dilka Maxaabiista.’ Ayuu yidhi Al Amin Kimathi.
Bishii April sanadkii hore, Itoobiya waxay sheegtay inay qab-qabaay 41qof oo ka kala yimi 17 Dal, oo ay sheegeen in looga shakisan yahay Argagixiso. Maxaabiista badankooda waa la soo daayay, kuwaas oo ay ka mid ahayd Fatma Chande oo ah Xaaska Salim, ka dib markii su’aalihii la waydiinayay la dhammeeyay isla markaana cadaadisyo ka yimaadeen dalalkoodii. Balse waxay sheegtay in ay hadda u xidhan yihiin 10 qof oo Ajanebi ahi.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Mr. Tekede Alemu ayaa BBC-da u sheegay, ‘Ma hubo in Maxkamad la hor geeyay iyo in kale, balse baadhitaanno ayaa socda. Waxa ku jira dad ka qayb-qaatay waxyaabo wax loogu dhimayo danta Qaranka iyo amniga. Dadkani maaha kuwo aan waxba galabsan.’ Waxa kale oo uu dedafeeyay wararka sheegaya in si xun loola dhaqmay iyo in Wakiillo ka socda Maraykanku xukumaan Waraysiyada Maxaabiista ajaanibka ah.
Sanad iyo badh in ka badan ka dib markii dadkan la xidh-xidhay, Dawladda Maraykanku wali way diiddan tahay in ay ka jawaabto eedaymahan ku wajahan doorka Maraykanku ku leeyahay arrimahan. ‘War uma hayo, mana jirto Siyaayad Qaran oo aan kaga hadli karo arrintan’ sidaa waxa BBC-da u sheegtay Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibedda Maraykanka Jendayi Frazer.
Booliska Kenya ayaa sheegay in aanay dad reer Kenya ahi ku jirin dadkan ay Kenya u dhoofisay Somalia. Iyada oo ay Fatma wali si murugo leh u sugayso Warka ninkeeda. Ka dib markii uu Salim helay Telefoonka Gacanta, wuxuu markii u horraysay muddo ka badan sanad awooday in uu Xaaskiisa kala dhex hadlo Qolkiisa yar ee uu ku xidhan yahay. Hadda Telefoonkii wuu joojiyay shaqadii, Salim-na mar kale ayuu qarsoomay oo ku dhex lumay Qolkii madoobaa.”