Showing posts with label Total. Show all posts
Showing posts with label Total. Show all posts

Monday, 24 November 2008

Wasiirka Maaliyadda Oo Sheegay In Shirkada Total Oo Kaliya Ay Shidaal Ka Soo Dejin Karto Dekedda Berbera

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa sheegay in aan dekedda Berbera ku jirin meelaha ay Xukuumaddu fasaxday in shidaalka laga soo Dejiyo hase yeeshee cidii shidaal keenaysaa ay soomarin karto marinada kale ee Dalka sida saylac IWM, isla markaana waxa uu sheegay in Berbera ay joogto shirkadda TOTAL sidaa darteedna ay Xukuumaddu Doonayso in Shirkda Total laga qaato shidaalka, wasiir Cawil oo wakhtigan safar howleed u jooga magaalada Berbera oo uu maalintii shalay Gaadhay ayaa sidaa waxa uu ku sheegay mar uu maalintii shalay ugu waramay weriyeyaasha halkaasi u jooga warbaahinta Maxaliga ah.
Wasiirka oo ugu horayn ka waramay ujeedadada Safarkiisa Berbera ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkiisu yahay kormeer howled, kaas oo uu ugu kuur galayo sida ay howlaha maaliyadu u socdaan wakhtigan.
wasiirka oo la waydiiyey Dhowr su’aalood ayaa isaga oo ugu horeyn ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida uu u arko laba doonyood oo dalka yamen ka keenay shidaal oo loo diiday inay ku rogaan Dekedda waxa uu yidhi “xukuumadu hore ayey u fasaxday keenista shidaalka laakiin halkan (Berbera) waxa joogta Total oo waxaanu doonaynaa in iyada shidaalka laga qaato ciddiise shidaal keenaysaa waxay ka soo dejin kartaa marinada kale ee ay Saylac ka mid tahay Dekedda Berbera oo ah Halbowlaheena DHaqaale uma Ogolin nabad gelyo ahaan in shidaal laga rogo oo waa halis ay dhici karto in dab ka dhasho markaa waa sidaas sida loogu diiday in laga rogo shidaal”
wasiirku mar uu ka jawaabayey su’aal kale oo ahayd waxa jira warar sheegay in ay todobaadkan horaantiisii Dooni xoolo ka qaaday Marsooyinka Yaryary ee Bariga Berbera waxa uu yidhi ” ma ogin wax xoolo ah oo laga Raray hadayse jiraana waanu ka howl gelaynaa oo ma ogolin wax kootara baan ah oo dalka ka dhoofa”halkaasi oo shir kula yeeshay madaxda heer gobol, degmo, dekeda iyo masuuliyiinta Kastamka iyo cashuuraha bariga G/Saaxil shirkaasi oo aan saxaafada loo ogolaan kadib waxa uu Wasiirku sheegay in ujeedada socdaalkiisu tahay kormeerkiisa caadiga ah waxaanu yidhi “Labo casho ayaan joogayaa, Socdaalkaygu waxa uu la xidhiidh kormeer aanu ku eegayo hawlaha kastamka iyo dekeda mana jirto wax aan si gaar ah u eegayo”
Wasiirka oo su’aalo la weydiiyey oo ku saabsanaa Arimaha Shidaalka,Cashuur kordhin la sheegay iyo raashin dhacay oo la sheegay inuu dekeda yaalo isago oo ka jawaabaya waxa uu yidhi “Gudi ayaan usoo dirnay inay cunadaas baadhaan haddii ay noqon weydo wax inoo cuntama oo ay Dhakhaatiirtu marka ay xaqiijiyaan in cunadani dhacday waxa balan ah in la gubo waad arki doontaan, Cashuur aanu kordhinay ma jirto habayaraatee ee macaash macaashkii aanu qaadi jirnay sanadka dhamaadkiisa ayaanu soo qadinay oo aanu la xisaabtamaynay nin walba waxa uu bixiyey”
Wasiirku mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey shidaalka lagu keeno doonyahay ee Yemen ama dalalka kale ee ka baxsan kan Total waxa uu yidhi “Shidaalka wayno u fasaxnay dadka laakiin waxa weeye TOTAL baa halkan ah Berbera waxa loo baahanyahay in Totol shidaalka laga qaato haddii aynu keeno xoogaa tafaariiq ah waxay inaga gubi kartaa Dekeda, Dekeda Berbera waa hal bawle wadanku ku taaganyahay markaa wixii khatar galin kara waa laga joojinayaa, Total ayeynu heshiis la galnay waxa weeye haddii aynu xeebaha wada furno way ina dhaawacaysaa oo kootara baan bay noqonaysaa” ayuu yidhi Wasiirku Isagoo dhiirigalinya in la qaato shiidaalka Total.
Wasiirku waxa uu socod ku dhexmaray Dekeda Berbera halkaasi oo la tusay badeecooyinka cunada ah ee dhacay iyo ku kale waxaana arimahaasi u sharaxayey Maareeyaha Dekeda iyo Maamulka Kastamka Berbera.

Wednesday, 8 October 2008

Maxaa sababay in Shirkadda TOTAL ay mar kale kor u qaado Sicirka Batroolka

Hargeysa (Ogaal) Shirkadda Shidaalka TOTAL ayaa mar kale sare u qaaday qiimaha Batroolka, isla markaana halkii Foosto ku kordhisay 12 doolar, iyada oo uu hore u takhlanaa sicirka Shidaal dalka lagu iibiyo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Cabdiraxmaan Maxamed Cajab oo Ogaal xalay wax ka waydiiyay kor u kaca Shidaalka, waxa uu sheegay in sare u kaca sicirka Batroolka uu weheliyo hoos u dhac ku yimi Naaftada, isla markaana qiimayn ay Wasaarad ahaan sameeyeen kadib ay ogolaadeen ansixinta dalab uga yimi Shirkadda TOTAL oo u saabsan isbedelka qiimaha Shidaalka. “Markii ugu dambaysay ee la kordhiyay wuxuu ahaa Barmiilka (Foostada) Naaftada ahi oo ay TOTAL ku iibinaysay $ 203. Imika hoos u dhigid baa ku timi, waxaana Foostadii laga dhimay 9 doolar, waxayna noqonaysaa $ 194. Laakiin, Batroolku wuu kacay, horena Foostadu 167 doolar bay ahayd, imikana $ 12 baa ku kordhay, waxayna noqonaysaa 179,” ayuu yidhi Agaasimuhu.
Mar wax laga waydiiyay in Shirkadda TOTAL Wasaarad ahaan kala soo xidhiidhay korordhsiimada ay samaysay iyo waxa ay ku sababaysay, waxa uu ku jawaabay; “Haa waanu haynaa. Waxay soo dalbatay horaantii bishii hore. Dabadeedna bishii dhammaatay 14 keedii bay korodhsiimanadan la timi intaanu waanu eegaynay oo daraasad baanu ku samaynaynay. Waxa kale oo aanu eegaynay wixii Shidaal Kayd ah ee yaala Berbera. Waxaanu u ansixinay 27 bishii tegtay. Waxaanu ugu ogolaanay waxaanu haynaa waraaqihii ay ku oo iibisay oo aanu aragnay iyo sicirka Shidaalka adduunka oo sare u kacay. Markaa Shidaalka Naaftada ah ee yaalana waxaanu ku nidhi qiimahaa jaban baa lagu iibinayaa.” “Waxaanu muwaadiniinta Somaliland ee gaadiidka leh, Beeralayda leh, Kalluumaysatada leh ama cid walba leh qiimaha qaaliga ah ee Litirka Naaftada ahi inuu 5700 dhaafo maaha. Dhinaca Batroolka Litirku maanta waa 5500 inuu dhaafana maaha,” ayuu yidhi Mr. Cajab.
Agaasimaha Guud waxa uu tilmaamay in dadku aanay ka soo degin qiimaha ay gaadhsiiyaan sicirka waxa ay iibinayaan marka uu hoos u dhac ku yimaado, isla markaana aanay korodhsiimaha culusi Shidaalka ka iman TOTAL, balse dadku sameeyaan, mar uu arrintaa ka hadlayayna waxaanu yidhi; “Mushkiladu waxa weeye; dadkeenu waxay yaqaanaan kordhi oo qiimuhu ka socdo, laakiin soo deji (qiimo dhimis) ma yaqaanaan. Markaa marka wax dhacaan ama la kordhiyaba waxa loo foodsaaraa TOTAL. Laakiin, maaha Shirkadda ee inaga gudaheena ayay waxani ka dhasheen.” Cabdiraxmaam Maxamed Cajab waxa uu sheegay in hoos u dhaca kooban ee ku yimi sicirka Naaftadu uu wax weyn ka tarayo adeegyada bulshada. “Waxa nasiib-wanaag ah in hoos u dhac ku yimaado Shidaalka, gaar ahaan Naaftada. Waayo; wax-soo-saarkii baa ku xidhan, adeegii baa ku xidhan, hadday noqoto Nalka (Laydhka), Isgaadhsiinta iyo hadday isu socodka noqoto, wax-soo-saarkii Wershadaha iyo Kalluumaysiga hadday noqoto xiligan aad baa loogu baahan yahay, waana wax aan laga maarmi karin,” ayuu yidhi.