Showing posts with label komishanka. Show all posts
Showing posts with label komishanka. Show all posts

Sunday, 23 November 2008

Komiishanka Doorashooyinka S/land Oo Cayimay Wakhtiga Ay Diwaangelintu ka Bilaamayso Gobolka Hargeysa, Iyo Natiijada Gobolada Saaxil Iyo Awdal

Hargeysa (XOL)- Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay tirada hordhaca ah ee iska diiwaangeliyay gobollada Saaxil iyo Awdal oo bishii October ee aynu ka soo gudubnay laga hirgeliyay. Isla markaana waxay cayimeen wakhtiga rasmiga ah ee ay Gobolka maroodi-jeex [Hargeysa] ka bilaabmayso oo ah 01/12/08 ee fooda inagu soo haysaa.
Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed kooban oo xalay nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa,kaas oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Komishanka Maxamed Ismaaciil Maxamed, waxa tirooyinka iska diiwaangeliyay gobolladaas weli kumay kala shaandhayn qalabka kala saxaya inay jiraan dad laba jeer is-diiwaangeliyay.
Balse, waxa ay sheegeen in nidaamka lagu kala sugayo, laguna saxayo dadka isdiiwaangelinta ku noqnoqday ay socoto. “Waxay Guddiga doorashooyinka qaranka dadweynaha ogaysiinayaan in tirooyinka hordhaca ah ee iska diiwaangeliyay gobollada Saaxil iyo Awdal ay yihiin sida soo socota; gobolka Saaxil: 51,538 iyo gobolka Awdal oo ah; 133,864.
Haddaba, nidaamkii lagu ogaanayay qofka mar ka badan isdiiwaangeliyay shaqadiisu way socotaa. Marka taasi dhammaato Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay soo saari doonaan tirada kama dambaysta ah.” Sidaa ayuu Guddoomiye Maxamed Ismaaciil Kaboweyne ku yidhi war-saxaafaddeedkaas.
Dhinaca kale, Guddiga doorashooyinka qaranka, ayaa muddeeyay waqtiga ay rasmi ahaan dib u bilaabi doonaan hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo hore ay sababo amaan dib ugu riixeen. War-saxaafadeedkan oo xalay uu soo saaray guddiga komishanka Qaranku, waxa lagu sheegay in waqtiga cusub ee bilawga diiwaangelinta loo asteeyay ay tahay 1/12/2008 lagana bilaabi doono gobolka Hargeysa.
“Inkastoo ay ina hakisay dhacdadii weerarka ahayd ee 29 October, haddana Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu way socotaa. Khubaradii farsamo-yaqaanada ahaa waxay ku hawlan yihiin inay diyaariyaan habkii Diiwaangelinta ee loo waajihi lahaa gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa).
Sidaa darteed, Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay ogaysiinayaan in shaqaalihii la tabobarayay ay yimaadaan Jaamacadda Hargeysa, maalinta Salaasada ee taariikhdu tahay 25/11/08 toddobada subaxnimo (7:00 am).
Diiwaangelintu waxay ka bilaami doontaa Maroodi-jeex maalinta Isniinta ee bishuna tahay 01/12/08, waxayna soconaysaa lix casho oo ku eeg maalinta Sabtida ee taariikhduna tahay 06/12/08,” Sidaas waxa lagu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Maxamed Ismaaciil [Kabaweyne]

Mustafe-Janaale
Reporter Hadhwanaagnews.com
Hargeysa/Somaliland

Thursday, 20 November 2008

Komishinka Doorashooyinka, Xisbiyada iyo Wasaarada Daakhiliga oo xal ka gaadhday cabashadii hawlwadeenada Diiwaan-gelinta

Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa xalay xal u helay cabashadii hawlwadeenadii diiwaangelinta ee gobollada Saaxil iyo Awdal, oo sheegay in kharash maalmeedkoodii qeyb ka mid ah laga jaray, waxaanay soo saareen go'aamo lagu soo afjarayo cabashadii hawlwadeenadii goobaha diiwaangelinta. balse may sheegin inay lacagtii shaqaalahaasi tirsanayeen ay u hayaan iyo in kale.

Go'aamada lagu xalinayo cabashadii shaqaalihii ka hawlgalay diiwaangelinta ayaa ka dambeeyay shir ay maanta isugu yimaadeen komishinka doorashooyinka, xisbiyada iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland
.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Maxamed Ismaaciil (kaboweyne) oo ka hadlay go'aanka ay soo saareen shirkii ay la yeesheen wasiirka arrimaha gudaha iyo saddexda xisbi qaran ayaa wuxuu yidhi "Markii ilaa saaka aanu shir u wada fadhinay komishirnka, wasaarada daakhiliga iyo saddexda xisbi qaran, waxa lagaga hadlay sidii lacagtii ay shaqaysteen loo siin lahaa dadkii ka hawlgalay hawshii diiwaangelinta codbixiyayaasha ee gobollada Saaxil iyo Awdal, waxaanu go'aaminay qoddobadan soo socda.

Wakiiladii saddexda xisbi qaran ee ka soo shaqeeyay hawsha diiwaangelinta gobolada Awda iyo Saaxil ee lacagtoodii u hadhsanayd waxay tagayaan oo ka qadanayaan lacagtoodii 20 ka bishan xarunta xisbigiisii.
Hawl Wadeenadii komishinka doorashooyinka iyo kuwii maxkamadaha ka tirsanayd ee ka hawlgalay diiwaangelintii gobollada Awdal iyo Saaxil, waxay tagayaan huteelka Crown ee hore loo odhan jiray Araweelo, halkaasi oo lacagtoodii ugu diyaar tahay 20 ka bishan.
Dadkii tababarku u hadhsanaa ee ka hawlgalayay gobolka Hargeysa, waxaanu u sheegaynaa in tababarkii si dhakhso ah u bilaabmi doono".


Wasiirka arrimaha gudaha Md. C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro ayaa isaguna u mahad naqay hawl wadeenadii diwaangelinta gobollada Awdal iyo Saaxil oo uu sheegay inay ka aqbaleen inay joojiyaan buuq ay isniintii ka sameeyeen xarunta ciidanka birmadka oo la doonayay in lacagta lagu bixiyo.

Waxa kale oo uu ammaan u soo jeediyay wakiilada saddexda xisbi oo shalay uu tilmaamay inay ka hawlgaleen sidii xal looga gaadhi lahaa cabashada hawlwadeenadii diiwaangeinta gobolada Awdal iyo Saaxil oo sheegayay in badh laga jaray lacagtii ay xaqa u lahaayeen.
Sidoo kale waxa arrintaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ka socday xisbiga UDUB iyo C/kariim Maxamed (Xinif) oo isaguna ka socda xisbiga Kulmiye kuwaasi oo goob joog ka ahaa shirkii lagu soo afjarayay cabashadii shaqaalihii diiwaangelinta.
Khadar Iid Kaariye
XarshinOnline News Deck
Hargeysa, Somaliland