Saturday, 18 October 2008

Pictured: The man who can write calligraphy with water squirted from his eyes


It's the party trick that puts all others to shame.

Beijing (XOL)- A Chinese man is able to shoot water from his eyes so accurately that he can write calligraphy from up to ten feet away.
Ru Anting, 56, of Luoyang, Henan province, sucks up the water with his nose and then sprays it through his tear ducts.
It took three years of intensive training to get to this point.
But Ru recently demonstrated his skill at the Lotus World park in Shanshui city, Guangdong.
Onlookers were flabbergasted as he wrote four characters, 'Fu Ru Dong Hai' ('Fortune as vast as the sea'), on a board covered with red paper.
Ru told the China News Network that he discovered his unusual talent as a child while swimming in the river.
"Sometimes I would swallow water while swimming, and once I accidentally discovered the water I swallowed could be shot out through my eyes. My friends were all shocked to see it," he said.
But it wasn't until the 1990s, when Ru lost his job in a local fertilizer factory after more than 20 years, that he began to develop his unusual talent.
"At that time I started to train myself and hone my eye spraying skills," he explained.
After three years of intensive training, he found he could shoot water accurately up to 10ft from his eyes at will

Hottest ever planet is discovered - at a sizzling 2250c it's half as hot as the Sun!


Madrid (XOL)- Scientists have made an amazing discovery in space - the hottest planet ever found.
Known as WASP-12b, it is a sizzling 2250 centigrade as hot as many stars and half as hot as the surface of the sun.
The planet, which is one and half times the size of Jupiter, orbits at one fortieth the distance between the Earth and the Sun. It takes just over a day to circle its host star making it the planet with the fastest orbit.
Despite the mind-boggling temperature of the new planet, it may not necessarily keep hold of its record for long. Wasp-12b only just edges out the recently discovered HD 149026b, which is a searing 2040C.
The discovery was made using two sets of telescopes, one in Spain's Canary Islands and the other in South Africa. They have been set up to search for signs of 'transiting' planets, which pass in front of and dim their host stars as seen from Earth.
Astronomers have found extrasolar planets too dim compared to their host stars to be directly measured, but the size of planets and orbital distances can be worked out from the transit observations.
From this they can work out how much starlight falls on the planets and take their temperature.
Leslie Hebb, of the University of St Andrews, was part of the team which made the discovery.
She explained the importance of the find, as most observed exoplanets have orbital periods of three days or longer.
'When the planets form and migrate inward, something is causing them to stop and preferentially stop with a period of three days,' she said.
'I was surprised that the period could be so much shorter.'

Wednesday, 8 October 2008

Guatanamo Bay: Maxaabiis Muslimiin Shiine ah oo muran ka dhex abuurtay Maraykanka


Washington (New York Times/Ogaal)- Xaakim ka tirsan maxamadda Federaalka Maraykanka ayaa shalay ka dalbaday xukuumada Madaxweyne Bush inay si dhakhso ah u sii dayso 17 Muslimiinta Shiinaha ka tirsan oo ku xidhnaa 7 sannadood Xabsiga Guantanamo Bay, isla markaana ay ku noolaadaan Maraykanka, maadaama aan loo tixgelinayn inay ahaayeen cadow dagaal lagu qabtay.
Xukunkan oo gacanta ku soo qaaday Xaakimka Federaaliga ah ee Ricardo M. Urbina, ayaa noqonaya markii ugu horaysay ee maxkamad Ameerikaan ahi ay ka hortimaado dacwad dawladda dalkaasi wadato, isla markaana amarto sii-daynta maxaabiis ku jirta xabsiga Guantánamo Bay oo ah saldhig ciidamada badda Maraykanku ku leeyahay Jasiirrada Cuba. Xaakim Urbina ayaa sheegay in xadhiga 17-ka maxbuus oo ka tirsan qabiilka Uighur oo ka tirsan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dega galbeedka Shiinuhu ay ahayd tallaabo sharci-darro ah, isla markaana wuxuu xusay in dastuurka Maraykanku uu mamnuucayo xadhi xabsi oo aan eedaymo loo haynin. “Waxaan in immika la gaadhay xilligii la iftiimin lahaa dastuuriyan sababaha la xidhiidha xadhiga dadka,” ayuu yidhi xaakimka. Maxaabiista uu xaakimku xukumay in la sii daayo ayaa dhamaantood rag ah, kuwaas oo la hor-keeni doono maxkamaddiisa Jimcaha soo socda, hase ahaatee, dawladda Maraykanka ayaa soo jeedisay inay ambiil degdeg ah ka qaadan doonaan xukunkaas, isla markaana waxa la sheegay in laga yaabo in saraakiisha laanta socdaalku ay raggaas xidhi doonaan marka ay Maraykanka soo gaadhaanba. Waxase arintaa lafteedu aad u cadhogelisay xaakimkaas oo sheegay inuu doonayo in maxaabiistaas aanay si xun ula dhaqmin cid kasta oo xukuumada ka tirsani. “Waxa jirtay baahi cadaadis lagu saarayay in la helo sababaha ay maxaabiistaasi u xidhnaayeen toddoba sannadood — si wax looga bedelo xaaladdaha ay ku soo jireen,” ayuu yidhi Xaakim Urbina.
Xaakimkani wuxuu diiday dalab kaga yimi dhinaca wasaaradda cadaaladda oo sheegayay inuu ka joogo xukunka uu ridayo, isla markaana u soo jeedinayay inuu ka lumay dulqaadkii dawladda Maraykanku. “Dhamaan waxyaabahaasi waxay ka dhigan yihiin habsaamin,” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku sii daray, “Isla markaana habsaamintu waa magaca ciyaarta lagu metelayay ilaa immika.” Maxaabiistan Shiinayska ah oo laga soo xidhay dalka Afgaanistaan sannadkii 2002-dii ayaa sheegay inaanay weligood cadow ku noqonin Maraykanka. Isla markaana ay meesha ka saareen shakiyadii jiray sannadkii 2004, balse ay ugu sii jireen xabsiga sababo la xidhiidha carqalado ka taagnaa halka ay tegi karaan. Waxaanay sheegeen in xabsi lagu xukumayo ama la laynayo hadii ay Shiinaha ku noqdaan. Sidoo kalena dedaalo loo galay oo loogu raadinayay waddan ay ku noolaadaan ayaa waxa hadhaysay cabsi ay dalal badani ka muujiyeen saamayn ay ku yeelato xidhiidhada diblomasiyadeed ee ay la leeyihiin Shiinaha. Sannadkii 2006 dalka Albania ayaa gabood siiyay shan ka md ah Uighurs-ka ku jira xabsiga Guantánamo, inkasta oo taas ay dawladda Shiinuhu ka hortimi. Maamulka Madaxweyne Bush-ka Maraykanka oo diiday inay aqbalaan hoy-siinta 17-kaa maxbuus ayaa iyana sheegay inay ku guuldaraysteen inay u helaan waddan raba inuu dadkaa qaato. Dawladda Shiinaha ayaa shalay la sheegay inay sidoo kale dalbatay in dhamaanba maxaabiista dalkooda u dhashay ee ku jira xabsiga Guantánamo Bay loo soo celiyo dalkooda.

“Markabka waanu sii daynaynaa maanta marka heshiisku dhammaado”

Afhayeenka Budhcad-Badeedka

-Sidee Cuntada loogu geeyaa Budhcad-Badeedda Markabka haysta?

-Shirkadda Markabka Hubka lagu afduubay oo shaacisay cidda dhab ahaan u leh Shixnadda

Nairobi (Ogaal/W.Wararka)- Wararkii u dambeeyay ee Markabka Hubka sida ee u afduuban Budhcad-Badeedda Soomaalida ayaa sheegaya in Budhcad-Badeeddu hoos u dhigtay Qiimaha Lacagta Madax-furashada ah ee ay hore u dalbadeen, waqti ay Dawladda Kenya Maraakiib iyo Ciidamo u dirtay goobta Markabka lagu haysto. Iyaga oo Budhcad-Badeedku sheegay in laga yaabo in ay maanta sii daayaan haddii guul laga gaadho wada-hadallo ay sheegeen in ay gebogebo ku dhaw yihiin, taas oo ku saabsan bixinta Lacagta Madax-furashada ah. Dawladaha Caalamka qaarkood ayaa wada olole ka dhan ah Budhcad-Badeedka oo lagu doonayo in la sameeyo qorshe loo dhan yahay oo lagaga hor tegayo fiditaanka iyo xoogaysiga intan dhaafsiisan ee Budhcad-Badeedda.
Ballanqaadka Budhcad-Badeedka:
Afhayeen u hadlay Budhcad-Badeedka Soomaalida ee afduubka u haysta Markabkan ayaa sheegay in uu gebogebo ku dhaw yahay, isla markaana meel fiican marayo wada-hadallo u socda iyaga iyo dadka arrinta Markabku khusayso. Waxaanay rejo wanaagsan ka muujiyeen sii daynta Markabka, iyaga oo ballan qaaday in ay sii dayn doonaan maanta oo ay shaacin doonaan isla maanta dhammaadka wada-hadalladan. “Heshiiska ayaa laga yaabaa in la gaadho Arbacada (maanta), ka dib waxaanu shaacin doonaa in heshiis la gaadhay.’ Sidaa waxa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay Sugulle Cali oo la sheegay in uu Kooxda Budhcad-Badeedda ah ugu magacaaban yahay Afhayeen. Sidoo kale, Budhcad-Badeedda ayaa la sheegay inay hoos u dhigeen Qiimaha Lacagta Madax-furashada ah ee ay hore u dalbadeen oo dhamayd 20-Milyan oo Dollar. Kaas oo ay sheegeen in ay hadda doonayaan 8-Milyan oo Dollar. “Waxa aad loogu rejo wayn yahay in aanu Markabka sii dayno saacado gudahood haddii ay bixiyaan 8-Milyan.” Sidaa waxa Wakaaladda Wararka ee AP Khadka Telefoonka Satelite-ka ugu sheegay nin Magaciisa ku sheegay Jaamac Aadan oo sheegay in uu metelayo Afhayeenka Kooxda Sugulle Cali oo uu sheegay in waqtigaa aanay suurtogal ahayn in la helo. Waxa kale oo uu ninkani sheegay in Budhcad-Badeedda Markabka saaran ay Cuntada iyo baahiyaha kale ee ay u baahan yihiin Markabka dushiisa ugu geyso Doon nooca yar-yar ah oo ay leeyihiin. “Kooxdu aad bay u fiican yihiin.” Ayuu yidhi Jaamac Aadan. Balse, waxa jira tuhuno tallaabadan ku xeeran, taas oo looga shaki qabo in Doonta yari Hubka fudud dejiso iyo in kale. Hase ahaatee Afhayeen u hadlay Ciidamada Badda Maraykanka ee ku xeeran Markabkan ayaa sheegay in arrintaasi aanay u suurtogalayn oo ay ilaalinayaan. “Maraakiibtayada ayaa Indhaha ku haya, waxaananu si adag ula soconaa Xaaladda.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Ciidamada US u hadlay Lt. Nathan Christensen.
Kenya & muranka lahaanshaha Shixnadda:
Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, Dawladda Kenya ayaa u dirtay goobta Markabkan Hubka siday lagu haysto ee Hobyo 49 Askari oo Ciidamada Badda Kenya ka tirsan oo ku gaashaaman afar Doonyood oo mid ka mid ahi nooca waawayn tahay, si ay uga mid noqdaan Ciidamada ku hareeraysan Markabkan. Waxa jira warar ka soo baxaya lahaanshaha dhabta ah ee Saanadda Milatari ee saaran Markabkan, kuwaas oo sheegaya in loo waday Koonfurta Suudaan. Hase yeeshee Shirkadda Markabkan leh oo lagu magacaabo Ukrspetsksport ayaa difaacday sheegashada Kenya ee lahaanshaha Hubka iyo saanadda kale ee Markabka saaran. “Saanaddan Milatari waxa lahayd Wasaaradda Difaaca Kenya.” Sidaa waxa yidhi Sarkaal u hadlay Shirkaddan. Dhinaca kale, Maxkamad ku taala Magaalada Mombaza ee Dalka Kenya ayaa sii daysay Madaxa Ururka marista Badaha ee Geeska Afrika Mr. Andrew Mwangura, iyada oo ku ridday Xukun lacageed oo dhan 20,000 oo Shilin Kenyan ah, una dhiganta ilaa 2,700 Dollarka Maraykanka ah. Mr. Mwangura ayaa lagu eedeeyay inuu ka been abuuray Wararka ku saabsan Markabka Hubku saaran yahay ee ay haystaan Budhcad-Badeeddu, isla markaana uu xidhiidh la leeyahay kooxaha Markabka haysta.
Qaramada Midoobay:
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobayna shalay ansixiyay qaraar cusub oo ku saabsan la-dagaallanka Budhcad-Badeedda. Kaas oo ugu baaqaya Dalalka Caalamka inay Diyaarado iyo Maraakiib Milatari ku daad gureeyaan Xeebaha Somalia, si ay uga qayb qaataan la-daggaalanka Budhcad-Badeedda. Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 1838 isla markaana uu dabada ka riixayo Faransiisku, ayaa cambaaraynaya falalka Budhcad-badeednimo. Bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay meelmariyeen qaraar dalalka shisheeye loogu ogolaanayo gelitaanka Biyaha Somalia. “Dadka Somalia 3-Milyan ayaa ku sugan Gaajo. Sidaa darteed, sidaad ogtihiin Budhcad-Badeeddu waxay argagaxisanimo ka bilaabeen Biyaha Xeebaha Somalia.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Qaramada Midoobay ee New-York. Waxaanu Xoghayaha guud ku amaanay Dawladda Kanada Maraakiibteeda Dagaal ee galbiya Maraakiibta WFP ee Raashinka gargaarka ah u sida Somalia. “Ilaa hadda ma jiro dal kaliya oo si mutadawacnimo ah u istaagay kaalinta Kanada iska taagtay arrintan.” Ayuu yidhi Ban. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Ilaalin la’aanteed Maraakiibta Caawimada sidaa iman maayaan, haddii aanay iman-na dad badan ayaa dhimanaya.”
Qiimo-korodhka rarashada Maraakiibta:
Shirkad fadhigeedu yahay Magaalada London ee Ingiriiska, laguna magacaabo Chatham House ayaa ka digtay in Ganacsiga adduunku waajaho jaha-wareer, waxaanay sheegtay in khataraha Budhcad-Badeedka awgeed ay Maraakiibtu markay ka imanayaan Waqooyiga Maraykanka iyo Qaaradda Yurub ay ka wareegi doonaan Dariiq dheer, iyaga oo mari doona dhinaca Biyaha Pasific-ga, isla markaana ay ka soo geli doonaan dhinaca Dalka Koonfur Afrika, magaalada Cape of Good Hope. “Haddii qiimaha Shirkadaha Caymisku ay kor u kacaan ama khataro badani ku yimaadaan, Shirkadaha Maraakiibtu way ka wareegi doonaan Gacanka Cadmeed, waxaanay mari doonaan Jidka dheer ee Waqooyiga Yurub iyo Qaaradda Afrika, kaas oo gala Magaalada Cape of Good Hope.” Ayay Shirkaddani ku tidhi War-murtiyeed ay arrinta Budhcad-Badeedda ka soo saartay. Iyada oo intaa raacisay in socdaalka muddada dheer qaadanaya jidka dheer awgii iyo Shidaalka ku baxaya ay kor u kici karaan qiimaha rarashada Maraakiibtu.

Maxaa sababay in Shirkadda TOTAL ay mar kale kor u qaado Sicirka Batroolka

Hargeysa (Ogaal) Shirkadda Shidaalka TOTAL ayaa mar kale sare u qaaday qiimaha Batroolka, isla markaana halkii Foosto ku kordhisay 12 doolar, iyada oo uu hore u takhlanaa sicirka Shidaal dalka lagu iibiyo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Cabdiraxmaan Maxamed Cajab oo Ogaal xalay wax ka waydiiyay kor u kaca Shidaalka, waxa uu sheegay in sare u kaca sicirka Batroolka uu weheliyo hoos u dhac ku yimi Naaftada, isla markaana qiimayn ay Wasaarad ahaan sameeyeen kadib ay ogolaadeen ansixinta dalab uga yimi Shirkadda TOTAL oo u saabsan isbedelka qiimaha Shidaalka. “Markii ugu dambaysay ee la kordhiyay wuxuu ahaa Barmiilka (Foostada) Naaftada ahi oo ay TOTAL ku iibinaysay $ 203. Imika hoos u dhigid baa ku timi, waxaana Foostadii laga dhimay 9 doolar, waxayna noqonaysaa $ 194. Laakiin, Batroolku wuu kacay, horena Foostadu 167 doolar bay ahayd, imikana $ 12 baa ku kordhay, waxayna noqonaysaa 179,” ayuu yidhi Agaasimuhu.
Mar wax laga waydiiyay in Shirkadda TOTAL Wasaarad ahaan kala soo xidhiidhay korordhsiimada ay samaysay iyo waxa ay ku sababaysay, waxa uu ku jawaabay; “Haa waanu haynaa. Waxay soo dalbatay horaantii bishii hore. Dabadeedna bishii dhammaatay 14 keedii bay korodhsiimanadan la timi intaanu waanu eegaynay oo daraasad baanu ku samaynaynay. Waxa kale oo aanu eegaynay wixii Shidaal Kayd ah ee yaala Berbera. Waxaanu u ansixinay 27 bishii tegtay. Waxaanu ugu ogolaanay waxaanu haynaa waraaqihii ay ku oo iibisay oo aanu aragnay iyo sicirka Shidaalka adduunka oo sare u kacay. Markaa Shidaalka Naaftada ah ee yaalana waxaanu ku nidhi qiimahaa jaban baa lagu iibinayaa.” “Waxaanu muwaadiniinta Somaliland ee gaadiidka leh, Beeralayda leh, Kalluumaysatada leh ama cid walba leh qiimaha qaaliga ah ee Litirka Naaftada ahi inuu 5700 dhaafo maaha. Dhinaca Batroolka Litirku maanta waa 5500 inuu dhaafana maaha,” ayuu yidhi Mr. Cajab.
Agaasimaha Guud waxa uu tilmaamay in dadku aanay ka soo degin qiimaha ay gaadhsiiyaan sicirka waxa ay iibinayaan marka uu hoos u dhac ku yimaado, isla markaana aanay korodhsiimaha culusi Shidaalka ka iman TOTAL, balse dadku sameeyaan, mar uu arrintaa ka hadlayayna waxaanu yidhi; “Mushkiladu waxa weeye; dadkeenu waxay yaqaanaan kordhi oo qiimuhu ka socdo, laakiin soo deji (qiimo dhimis) ma yaqaanaan. Markaa marka wax dhacaan ama la kordhiyaba waxa loo foodsaaraa TOTAL. Laakiin, maaha Shirkadda ee inaga gudaheena ayay waxani ka dhasheen.” Cabdiraxmaam Maxamed Cajab waxa uu sheegay in hoos u dhaca kooban ee ku yimi sicirka Naaftadu uu wax weyn ka tarayo adeegyada bulshada. “Waxa nasiib-wanaag ah in hoos u dhac ku yimaado Shidaalka, gaar ahaan Naaftada. Waayo; wax-soo-saarkii baa ku xidhan, adeegii baa ku xidhan, hadday noqoto Nalka (Laydhka), Isgaadhsiinta iyo hadday isu socodka noqoto, wax-soo-saarkii Wershadaha iyo Kalluumaysiga hadday noqoto xiligan aad baa loogu baahan yahay, waana wax aan laga maarmi karin,” ayuu yidhi.