Showing posts with label Kulmiye. Show all posts
Showing posts with label Kulmiye. Show all posts

Sunday, 29 March 2009

Axmed Siilaanyo Oo Meel Adag Iska Taagay Muddo Kordhinta Cusub M/Weyne Rayaale

Hargeysa (XOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa si kulul u naqdiyay Go’aankii Golaha Guurtidu ay maanta muddo lix bilood ah u kordh

iyeen Madaxweyne Rayaale iyo Ku Xigeenkiisa, waxaanu tallaabada golahaasi ku tilmaamay mid gabal dhac ku ah gedi socodkii hanaanka dimuqraadiyada Somaliland.
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay in aanay jirin asbaab nabad gelyo darro oo dalka ka taagan oo sababta in muddada loo kordhiyo Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay Waraysi uu caawa siiyay laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da, waxaanu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan go’aankan maanta ka soo baxay aqalka Odayaasha, waxaanu yidhi "Waxaan u arkaa go’aankaas mid ayaan darro ah, waa go’aan Guurti, laakiin waxaan u arkaa inuu go’aankaasi ku yahay gabal dhac u dhacay geedi socodkii oo waxyeelo aan laga soo waaqsan u geysanaya horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalka, kuna bilaabay jidkii kali-talisnimada iyo xoriyad la’aanta u horseeday ayaan u arkaa inuu yahay."
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu sheegay in Golaha Guurtidu ay u xilsaaran yihiin inay muddada u kordhiyaan xukuumada ama aanay u kordhin isagoo sabab uga dhigaya haddii ay jirto nabad gelyo darro. "Dalka Somaliland wuxuu ku faa’iiday inuu xoriyad iyo xasilooni haysto, sababta ay qodobkaas u cuskadeen waa wax aan suurto-gelayn oo aan sharciyada iyo dastuurka ku jirin,"ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Komishanka doorashooyinku ay iyagu wakhtiga u cayimaan doorashada, balse aanay Guurtidu raacin wakhtigii Komishanku ay shaaciyeen.
"Horta marka u horreysa Guurtidu ma aha shaqadeedana ma aha inay wakhtiga doorashooyinka u qabato, taasi cid kale ayay xilkeeda tahay sharciguna wuu qeexayaa, arrimahan kalena sharcigu si qudha ayuun buu ogol yahay in loo kordhiyo waxaana weeyaan nabad gelyo darro ka taagan maalinta doorashadu dhacayso, maanta doorasho la leeyahay nabad gelyo darro ayaa ka jirta oo ay tilmaamayaana ma jirto, wax tallo ah oo ay axsaabta weydiiyeena ma jiro. Waxaan aaminsan nahay in gedi socodkii Somaliland meel weyn lagaga dhacay, inay dhaawac ku keenayso horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalku ku tallaabsanayay ama ummaddeedu ay hawaysanaysay,"Ayuu yidhi.
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd in duruufaha guurtidu cuskadeen ay yihiin kuwo munaasib ah iyo in kale.
Md. Siilaanyo, oo la weydiiyay waxay Xisbi ahaan xal u arkaan haddii ay diidan yihiin muddo kordhintan cusub, waxaanu yidhi "Anagu maanta xal ka hadli mayno, jawaabtaydii u horreysay kaas weeye, xisbi ahaana weli tallo isaga-maanu iman oo maanta uun bay ahayd, tallo xisbi ahaan waanu isugu noqon doonaa, ummadda oo dhana way u taalaa."
Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyay in komishanka doorashooyinka ay la shaqaynayaan iyo in kale wuxuu tilmaamay inay Komishanka mar walba shaqo fiicani ka dhaxayso.
Md. Siilaanyo wuxuu cambaareeyay xadhiga saddex Suxufi oo ka tirsan idaacada Radio Horyaal oo Hargeysa lagu xidhay, waxaanu tilmaamay in wadanku qaaday wadaddii keli-talisnimada.


Xigasho: Ramaasnews

Monday, 9 March 2009

"Guddoomiyaha Komishanku waxa uu u muuqdaa inuu afhayeen u yahay UDUB

Hargeysa(XOL)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, ayaa mar kale ku celiyay in aanay aqbali doonin mudo kordhin markale waqtigii xil-hayntiisa loogu kordhiyo Madaxweyne Rayaale.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Dhexe ee xisbiga, waxa uu si kulul uga hadlay eedaymo Xukuumadda ka soo yeedhay oo ay ku sheegay in xisbiga Kulmiye dalka ka abuurayo xaalad Nabadgelyo-daro.
“Waxa keliya ee ay caanka ku yihiin waa barobagaandaha,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in hadalada Wasiiro Xukuumadda ka tirsani ku sheegeen inay masuuliyiin Mucaaradka ka tirsani doonayaan inay qalalaase dalka ka abuuraan, ay la xidhiidho sidii ay bulshada uga jeedin lahaayeen dhaliilaha Xukuumad ahaan loo jeediyo iyo inay jaahwareer geliyaan ummadda, si ay uga galgashaan waajibaadkii loo doortay oo uu tilmaamay inay fulinteeda ku fashilmeen.
“Annagu Ciidan, hub iyo xabsi midna ma haysano. Laakiin, dad la xidh-xidho iyo wax la dilo waa shaqadooda…Ninka Daalinka ahi wuu baqaa oo waa fule..” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Kulmiye, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in lala xidhiidhiyo inay doonayaan sidii ay dalka xasilooni-daro uga abuuri lahaayeen. “Waxay yidhaahdaan Afrikaanka dawladda xilka haysa uun baa joogta…Waxaan leeyahay; Afrika maahee tani waa Somaliland oo laguma kala adka,” ayuu raaciyay.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax waxa uu sheegay in muddadii umaddu dooratay Madaxweyne Rayaale iyo intii guurtidu u kordhisay-ba ay dhamaatay, isla markaana aanay aqbali doonin muddo-kordhin markale loo sameeyo.
“Mr Daahir Rayaale Kaahin shan sannadood bay umaddu dooratay, shantaa la doortay iyo intii loo kordhiyayba way dhamaatay. Isaga loo kordhin maayo, kordhis dambe oo imanayaana ma jiro. Ma doonayno in nala horkeeno muddo-kordhi, aqbalina mayno,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay, “Madaxweyne; dalka yaanu inaga burburin kordhis dambe oo aan xaq ahayni.”
Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga Kulmiye, waxa kale oo uu ka hadlay eedaymo Wasiiro Xukuumadda ka tirsani u jeediyeen ururkii SNM iyo hoggaamiyeyaasheedii, wuxuuna taas bedelkeeda masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in aasaaskii SNM ka dhashay xad-gudubyo ay qayb ka ahaayeen badhkood oo uu shacabka u gaysteen Maamulkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre, taasoo uu sheegay in badi masuuliyiinta Xukuumadda Rayaale xilligaa ka tirsanaayeen.
“Maalintii nimanka maanta joogaa dadka laynayeen ee ay Xiniinyaha Kalbada kaga qabanayeen, SNM baa ka dhiidhiday.” Sidaa ayuu yidhi. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka mid ahaa aasaasayaashii SNM, waxa uu sheegay in aanay SNM mudnayn aflegaado loo jeediyo. “SNM hadaan waxba loo qabanayn, wax kalena la siinayn aflegaadada halaga daayo,” ayuu yidhi.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, waxa uu masuuliyadda dib-u-dhacyada doorashada dusha u saaray Madaxweyne Rayaale iyo Komishanka doorashooyinka. “Waxa ku guuldaraystay Komishanka iyo Madaxweynaha, in doorasho dhacdo masuuliyadeeda koowaad waxay saaran tahay Madaxweynaha.” Sidaa ayuu yidhi.
Waxa uu tilmaamay in aanay diidanayn dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada, balse marka hore loo baahanyahay in laga wadahadlo ta ay noqonayso dawladda muddada doorashada ka hadhay xilka sii haynaysa. Wuxuuna tilmaamay in go’aan ka gaadhista arrintaasi tahay mid u taala goleyaasha Baarlamaanka.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ka codsaday inay fikir talo midaysan ka yeeshaan xaaladdan cusub ee la galay, maadaama sida uu xusay uu hore iskaashi uga dhexeeyay. “Waan ku ixtiraamayaa fikirkooda, waxaanan UCID leeyahay yaan la idin beerla-xowsaninee aan isku duubnaano,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Kulmiye waxa uu si adag u weeraray hawl-gudashada shaqo ee Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Jaamac Maxamuud Cumar, kaasoo uu sheegay inuu ka leexday doorkiisii dhex-dhexaadnimo.
Guddoomiye Ku-xigeenku waxa uu isbarbar-dhig ku sameeyay habka shaqo ee Guddoomiyeyaashii hore ee Komishanka iyo guddoomiyaha cusub.
“Saddexda nin ee u kala dambeeyay xilka Guddoomiyaha Komishanku waa saddexdii xubnood ee uu soo magacaabay Madaxweynuhu. Laakiin, labadii hore iyo Jaalle Jaamac mid bay ku kala duwan yihiin, waxaanad moodaa Guddoomiyaha cusubi (Jaamac-Sweden) inuu badheedhay oo uu cadaawad u hayo xisbiga Kulmiye. Wuxuu umadda ula muuqdaa Afhayeenka xisbiga UDUB.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka hadlayay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa.
Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Komishanku ka badheedhay u adeegista xisbiga talada haya ee UDUB, isla markaana ay xisbi ahaan la yaaban yihiin qaabka hawl-gudashadiisa. Wuxuuna intaa ku daray, in Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinku ka leexday doorkiisii dhex-dhexaadnimada, isla markaana uu u xaglinayo xisbiga UDUB una sinayn xisbiyada qaranka.
Hase yeeshee, wuxuu uga digay inuu talaabada noocaas ah kusii socdo, waxaanu kula taliyay inuu ka laabto talaabadaas dhexna u noqdo xisbiyada qaranka oo aanu mid gaar ah xilka uu hayo ugu adeegin.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, waxa uu sheegay in marka ay Guddoomiye Jaamac Iswiidhan isugu yimaadaan kulamada wada-shaqayneed ee ay Komishanka la leeyihiin, inuu difaaco xisbiga UDUB iyo Xukuumadda, taasina ay dhaawacayso karaamada iyo shaqada looga baahanyahay ee dhexnimo.

“Komishanka waxaan leeyahay; haku mashquulina Kulmiye’e, shaqadiina ku ekaada,” ayuu yidhi.

XIGASHO: Ogaal



Shabakadda Wararka Xaqiiqda ah

Thursday, 26 February 2009

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska oo la tashi gaar ah la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE iyo Daahir Rayaale oo deg deg loogu yeedh

Hargeysa (XOL) - Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa looga yeedhay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Britain, waxaanu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Ingiirika u qaabilsan Afrika, Lord Mallach-Brown, si loola yeesho la tashi ku saabsan arrimo khuseeya siyaasadda Somaliland ee wakhtigan xaadirka ah iyo mawqifka xisbiga KULMIYE. Madaxwayne Daahir Rayaale na waxaa si deg deg ah loogu yeedhay inuu London yimaado si uu uga jawaabo dareenka KULMIYE iyo dib udhaca doorashada.
La tashiga KULMIYE iyo yeedhitaanka Daahir Rayaale waxay ka danbaysay warbixin uu xoghayaha arrimha dibadda ee KULMIYE dhawaan uu u gudbiyay dawladda Ingiriiska iyo barlamaankaba oo ka turjumaysay dareenka siyaasadeed ee shacabka Somaliland iyo aragtida xisbiga KULMIYE ee ku wajahan sida uu madaxwayne Daahir Rayaale u maamulayo hawlaha diyaargarowga doorashooyinka madaxwaynaha iyo faragalinta sharciga khilaafsan ee uu ku hayo golayaasha qaranka.
Ujeedada kulankan maantuna waxay ahayd in dawaladda Ingiriisku si qoto dheer ugu kuur gasho dareenka haatan ka taagan Somaliland ee la xidhiidha doorashada madaxwaynaha iyo mawqifka xisbiga KULMIYE oo ah xisbiga mucaaradka ugu wayn.
Arrimaha ay laba geesood kulankan ku lafa gureen waxaa ugu waynaa doorashada madaxwaynaha oo xukuumaddu ay ka shaqaynayso sidii mar kale dib loogu dhigi lahaa. Dr. Maxamed Cabdillahi wuxuu shirkan uu la galay dawladda Ingiriiska ka caddeeyay in haddii doorashadu wakhtigeeda dhici waydo ay masuuliyada dib u dhacaasi leedahay xukuumadda Daahir Rayaale, ee aan eedda dusha laga saari karin Komishinka Doorsshada Qaranka ama hayadaha shisheeye ee Somaliland la shaqeeya. Wuxuu xoghayuhu u sheegay Lord Mallach-Brown in arrinta dib u dhaca doorashadu ay ka turjumayso ujeedo siyaasadeed oo xukuumaddu leedahay, ee aan lagu sifayn karin cilad farsamo.

Dr Maxamed wuxuu sharaxaad ka bixiyay mawqifka xisbigiisu ka qaadanayo arrintan. Wuxuuna sheegay in dawladu ku fashilantay xil-gudashadeedii qabashada doorashada ee ku beegnayd April 2008 kii, markii loo dheereeyay muddo sanad ahna ay haddana muuqato inay ku fashilantay mar labaad in doorashadu wakhtigeedi dhacdo, sidaa awgeed loo baahan yahay in, iyadoo la raacayo distoorka dalka, ay golayaasha qaranku soo dhisaan maamul ka madax banaan xukuuamada oo dalka si ku meel gaadh ah u maamula kaasi oo xilkiisu ugu wayni yahay inuu dalka doorasho ka hirgaliyo.
Xoghayuhu wuxuu u gudbiyay dawladda Britain qorsha xisbigiisi ee ku aadan doorashooyinka iyo arrimaha siyaasiga ah ee ka socda dalka iyo gobolkaba, wuxuuna ugu yeedhay xukuumadda Somaliland in aanay u isticmaalin hantida iyo ciidanka qaranka in lagu cabudhiyo xorriyadda iyo rabitaanka shacabka Soomaliland, haddii ay tasi dhacdana ay waxyeeli karto nabadgalyada dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska ee qaabilsan arrimaha Afrika wuxuu shirka ka sheegay in barnaamijka dimuqraadiyada iyo xukunka ku dhisan doorashooyinku ay yihiin guulaha ugu waawayn ee adduunku umadda Somaliland ku ixtiraamo, looguna soo joogsada. Waxaana loo baahan yahay buu yidhi in aan hormarkaasi la dhaawicin.
Doorashoyinka oo la qaban waayaa wakhtigooda ama awooda xukunka dawliga ha la dheeraystaa waxay burburin kartaa horumarka Somaliland gaadhay, ayuu yidhi Lord Mallach-Brown. Waana arrimaha aanu sida wayn ugala hadli doona madaxwaynaha Daahir Rayaale marka uu noo yimaado todobaadka. Lord Mallach- Brown, wuxuu balan qaaday inuu sii wadi doona wadatashiga KULMIYE iyo dawladda Ingiriiska.
Dr. Maxamed Cabdillahi iyo Lord Mallach-Brown waxay kaloo kawada hadleen arrimo la xidhiidha kobcinta xidhiidhka Somaliland la leedahaya Ingiriiska iyo wadamada Afrika, iyo arrimo la xidhiidha dadalka Somaliland ugu jirto sidii ay aqoonsi siyaasadeed u heli lahayd. Wuxuuna Xoghayuhu ka waramay dadaalka xisbigiisa uu ugu jiro aqoonsiga Somaliland.
Kulanka waxaa labada masuul ku weheliyay saraakiil sare oo ka tirsan wasraasradda arrimaha dibadda ee Igiriiska. Kulanka ka dibna, wuxuu xoghayaha arrimaha dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, uu kulan gaar ah la yeeshay diblomaasiyiin ka tirsan qaybta Afrika ee wasarradda arrimaha dibadda ee Ingirriska oo ku saabsanayd Soomaliland, waxana halkaa lagu waydiiyay su’aalo la xidhiidha hinisayaasha xisbiga KULMIYE ee ku wajahan Somaliland iyo wadamada jaarka la ah.
Kulankani wuxuu ku soo beegbay xilli ay xukuumadda Somaliland doorbidayso in ay doorashada madaxwaynaha dib u dhigto, xisbiga KULMIYE na uu doonayo inaan dib loo dhigin.
Madaxwyne Daahir Rayaale marka uu yimaado London todobaadkan (jimcaha) waxay xukuumadda Ingiriiska oo u matalayo David Miliban iyo Lord Mallach-Brown ay lagali doonaan kulan adag oo lagu waydiin doono su’aalo la xidhiidha doorashada raagtay iyo dareenada ku hareeraysan.
Sanadkii hore, waxaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE kulan la tashi ah ugu yeedhay mudanyaal ka tirsan Aqalka Odayaasha ee Baarlamaanka Ingirrika oo uu ka codsaday in Daahir Rayaale loo yeedho.
Xigasho: Somaliland.org

Thursday, 11 December 2008

Xisbiga Kulmiye iyo Urur-siyaasadeedka Qaran oo sheegay inay isu bahaysteen Hanashada Talada Dalka

Hargeysa (Xarshinonline)- Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Urur-Siyaasadeedka Qaran ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay ku guul-darraysatay sugidda Amniga iyo qaddiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland. Waxaanu Xisbiga Kulmiye ku dhaliilay Xisbul-xaakimka UDUB in aanu qabsan Shirweynihiisii, isla markaana aanu iska dhex dooran Musharaxiinta Jagooyinka M/weyne iyo M/weyne-xigeen ee Doorashada M/weynenimo.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in ay Xisbi ahaan haddii ay ku guulaystaan talada dalka wax ka bedeli doonaan Qaab-dhismeedka Dawladda, isla markaana ay fasaxi doonaan furashada Ururada Siyaasadeed. “Dastuurkeenu Waxyi maaha oo Kitaab Quraan ah ee Inaga ayaa samaysanay, ujeedo ayaa looga jeeday. Waa dhab Taariikhaha aynu soo marnay iyo sida Bulshadeenu u samaysan tahay waa lagu fikiray in Axsaabta iyaga oo aan jirin lagu soo koobo saddex Xisbi oo tartan loo galay oo saddexda Xisbi ee imika joogaa soo baxeen. Laakiin, wax walba waa koraan, meel haddii la taagnaa horaa looga sii socdaa. Waxay tahay in lays waydiiyo abid ma saddexda Xisbi ayaa waligood jiraya, mise dadka iyo Shacbiga iyo Jiilasha soo socda fursad baa loo siinayaa in ay Ururo furtaan, Dimuqraadiyadda qaab kale u dhigaan, horumarinta qaab kale loo dhigo oo loo farsameeyo” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo shalay ka hadlayay Munaasibad shalay loo qabtay Heshiis Iskaashi oo dhex maray Kulmiye iyo Ururka Qaran. Waxaanu sheegay in ay h
Guddoomiyuhu wuxuu Xisbul-xaakimka UDUB ku dhaliilay inaanu qabsan Shirweynihiisii. “Xisbiga laga waayo Dimuqraadiyad gudihiisa ah, mid dalka iyo dadkana ah ma soo wado. Maanta Xisbiyada nala tartamaya ee leh tartan baanu idinla galaynaa, weli Shacabku waa sugayaa oo waanu sugaynaa, ilaa maalintii Xisbiga UDUB la abuuray oo ah Xisbigii ugu horreeyay ee la abuuro, ilaa waqtigaa Shirweynihiisii ma hayno, oo Golihiisii dhexe ma hayno oo iyada oo aanu Waqtiba ka hadhin Doorashadii goor alla goor ay qaban doonaan iyo si ay u soo saari doonaan cidi kama war hayso. Xisbiga Kulmiye wuxuu ku faanayaa in uu yahay Xisbiga hawlihiisa dhammaystay ee maanta qarka u saaran waxyaabihii uu ku hanan lahaa dalkan iyo dadkan.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye.
Muuse Biixi Cabdi:
Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay khilaaf ka dhashay Shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye Burco, kaas oo keenay in muran dhex maro Hoggaanka Xisbiga iyo xubnaha Golaha dhexe. “Khilaafku sidiisaba inta Bani’aadamku nool yahay wuu la socdaa. Khilaafku waxay ku xidhan tahay hadba sida uu u maareeyo, faa’iidana waa ka soo saari karaa, khasaarena waa ka dhaxli karaa…Hddii Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo talo-qabeenka Somaliland ay iska hor iman waayaan oo Ra’yi isweydiin waayaan oo ay meel kaliya isku daba galaan soo Xisbigii Hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed soo noqon maayo. Soo in la helo maaha dad kala duwan iyo Aaraa kala duwan oo talada dalka ka danaysa..Xisbiyada waxa loo furtay inay soo ururiyaan muranka Siyaasadeed oo ay meel isugu keenaan Aragtiyo Kooxo badan oo Bulshada ka mid ah. Haddii Xisbigu taa ururin waayo ka uu yahayba, oo uu noqdo meel Ra’yi qudha ama Qof fikraddii ka socoto, wuxuu noqonayaa mid lagu jabo.” Ayuu yidhi Muuse Biix, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Beryahan dambe Saxaafadda qaarkeed waxay sii buunbuurineeyn Kulmiye khilaafkiisiibaa batay..Waxa jira Xisbiyo aan weli Shir qabsan oo laba Cali aanay ku wada hadal oo aan la hadal haynin, dadka qaar ayaa sidaa ku ammaanaya. Kula yaabi maayo oo ninka sidaa ku raacsani waa fikraddiisa..Ninka Kulmiye ah ee taa fulin waayay ee markuu tiisa waayay ka duday, mabada’’ii KULMIYE kumuu shaqayn, tu gaar ah ayuu ku dhuumanayay. Ninka Xisbigiisa u dul qaadan waaya ee u tudhi waaya ee arki waaya danta fog, waxaanu lahayn yool fog ee wuxuu lahaa gaaban ayuu lahaa.”
Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Kulmiye waxa uu Shacabka ku cannaantay in aanay ka fiirsan cidda ay Talada iyo Hoggaanka u dhiibanayaan. “Diimuqraadiyadda aynu hadh iyo habeen isku haysano, waxa bud-dhig u ah in Shacabku muddo cayiman oo uu awoodda gacantiisa ku qabsado uu Madaxda ku bedelo. Dimuqraadiyaddu in uu dalku horumaro oo Madax wanaagsan la helo..go’aankaa dadweynaha ayay gacanta u gelisay. Qolada Beeralaydu waxay yidhaahdaan Ciiddu kuma dafirto oo waxaad ku riddo ayuun bay soo saarataa. Haddii aad Tiin ku beerato ha filin in Canab iyo Rumaan gurato oo ay kuu soo baxaan oo aad cunto. Shacabku maalinta uu gacanta ku hayo Codkiisa haddii uu Tiin beerto yaanu Canab sugin oo berito horumar sugin. Haddaba waxaynu maqalnaa dadka reer Somaliland waa dad wanaagsan, Anigaa idiin marag-furaya in ay dad wanaagsan yihiin..Haddase taladoodu ma fiican tahay haddii ay halkaa ka wanaagsan yihiin? Haa iyo Maya qofku ka uu doonaaba wuu odhan karaa. Laakiin, waxa weeye laba isma qabato Madaxdaa xun iyo Shacabkaa wanaagsan. Waayo, Madax Somaliland xoog ku qabsataa ma jirto, mana jiri doonto oo taa Dhiig baynu ku qornay. Markaa haddii la yidhi Muwaadinta Somaliland-ow oo ninka Nolosha kuu qaabaynaya soo saar, oo waynu u simanahay Cirroole iyo Caruur wixii 16 jir ka wayn, maxaynu u canaananaynaa Madaxdaynu soo saarno. Ma marka hore ayaynaan ka fiirsan, ma wax baynaan garanaynin, ma taladay cid kale inoo haysaa. Su’aasha in Somaliland isweydiiso mudani waa taas.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Muwaadinta Waraaqda Diiwaangelinta qaatay ee codaynayoow, adiga ayay ku saaran tahay Masuuliyaddii berito Qarankani ama ku jabi lahaa ama ku guulaysan lahaa. Waxaynu goob-joog u nahay khaladka dhaca, in Shacabka badankiisu oo dadka ugu mutacalimsan iyo Salaadiintu ugu horrayso ay yidhaahdaan Inaga yaa inoogu jira iyo yaynu dooranaynaa. Weli ismaynu waydiin yaa wax ina taraya, Ninkaa aynu meesha gaynaynaa taariikhdiisu maxay ahayd iyo maxaa lagu yaqaanaa..Ninka aad masiirkaaga iyo Qarankaaga u dhiibayso ee aad doonayso in uu aayahaaga fog ka taliyo, miyaad u meel dayi wayday. Mise, waxa ka wayn Nin da’da uu doono ha ahaadee Af-maal ah oo firfircoon oo aqoontiisu tahay inuu shaqaysto ayaa Somaliland u taliya. Wuxuu odhanayaa, Inagu haddii aynu reer Hebel nahay, Hebel baynu Codka siinaynaa oo Inaga wuu inoo wanaagsan yahay, Odayaashiisana waanu is-naqaanaa oo hadhow iyaga ayaa inaga qaban doona. Somaliland uma baahna M/weyne la doorto oo dan qoys iyo mid reer fuliyee, waxa loo baahan yahay M/weyne danta Qaranka guud ka eega oo waxa Mandaqadda ka jira ka saara. Marka reer dhan oo 10,000 Cod haya uu nin kaliya u gooyo oo uu yidhaahdo halkaas ayaynu Codkeena marinaynaa ee ay Codka wada siiyaan, hadhow ma cannaanan kartid. Waayo, Adigu maad dooran ee Aw-Hebel baa doortay. Aw-Hebel Land-cruiser waa la siin, Kharash-na waa loo dhiibi, Albaabkana horaa looga furi doonaa, Inankiisana meel dhac-dhac leh ayaa loo geyn. Laakiin, 10,000 ee kale Biyana heli maysaan, Shaqana heli maysaan, Inammadiina Jaamacadaha dhammaystayna meesha ayay fadhiyi doonaan.”
Muuse biixi waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha Nabadgelyada iyo Weeraradiii 29/10. “Waxaad moodda inuu inala dagaallamayo Cadow fiiro dheer, deggan, wixiisa qorshaynaya, inoo tudhayn oo doonaya inuu Xididdada inoo siibo. Qaran ahaan wali inaynaan siday tahay arrintaa u wajahin ayaan qabaa. Qolada Xukuumadda waa lagu garab-taagan yahay in ay Nabadgelyada ilaaliyaan. Laakiin, Su’aal baa jirta oo adduunka oo dhan haysata taas oo ah, sidee laysku waafajiyaa in Qofka Xorriyaddiisii la ilaaliyo iyo Nabadgelyada ilaainteeda..maalintii Qaraxyadii dhaceen ka dib waxa dhacay saddex tusaale ayaan ka soo qaadnaayaa. Mar haddii dadkii la ilaalinayay aan ahay waa in aan Dawladda ka nabad galaa, haddii ay I disho maxaad ilaalin, muxuuse Cadowgu igu soo gaadhi doonaa. Maalintii u horraysay waxaynu maqalnay Xildhibaan baa la garaacay oo lagaga dhiijiyay. Ma inankaa dembiga leh, ma Askarigaa leh? Muwaadinka ayaa dembigaa leh, waayo cid buu doortay, cid buu I yidhi I hoggaami oo I ilaali, oo ma bartay ha dhibin ee Cadowga ka ilaali. Mise waxay tidhi wixii I soo eega ee aan aniga ahayn Madaxa ku dhufo… waxa xigtay Nin Gabadhiisii oo Umul ah sida, dabadeed inta uu Askari joojiyay ayuu Madaxa ka toogtay..Intaas oo dil buu Ciidankeenii marayaa ee miyuu ina dilayaa, mise wuu ina ilaalinayaa. M/weynaha, Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka midna laguma canaanan. Waxa la odhanayaa Ninku (Askarigu) waa Qoloma, waa Reer Qudhac. La odhan maayo waa Ina Dawladeed, waa Ina Boolis oo Taliyaha ayaa ka masuul ah, Aabbihi waa Ninka Qoriga u soo dhiibay, intaas ayuu Shacabku garan la’ yahay. Muwaadin berito waxa la doonayaa in aad cid doorato, maxaad dhisaysaa?” ayuu yidhi Muuse Biixi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Arrimaha u baahan in aynu eegno oo haddii layna weeraray maaha in aynu Inagu Nafta iska qabano. Markaynu bil gudaheed saddex dil iska marayno, sanadkii maxay noqonaysaa. Waxaan leeyahay Hindiya sideenan ayaa loo weeraray oo la qarxiyay, Wasiirkii, Wasiir-xigeenkii iyo Taliyihii intiiba way is-casileen, waa Dad damiir leh oo way damqanayaan. Giriig Innamo ayaa Mudaharaaday, mid ka mid ah ayuu Boolisku dilay, toban cisho ayay socota Mushkiladdii..Waxaas oo khalad ah waxa leh Dadweyaha iyo Muwaadinka, waayo waxaynu xalaalaynay haddii ninka Masuuliyad loo dhiibto haddii uu joogo Kastamka inuu Lacagta cuno oo aan ku faaniya oo aan baryaa ayaan u xalaaleeyay. Haddii uu Boolis yahay inuu Aniga I garaacaa ayaan u xalaaleeyay. Maanta waxay ahayd dadkaa la laayahay in lagula xisaabtamo oo Maxkamad lagu soo taago Taliyaha Booliska, Wasiirka Daahiliga iyo Madaxweynaha.”
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose:
Sidoo kale Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa ka hadlay Doorashadii M/weynenimo ee ay dalka ka qabsoontay iyo doorashadii M/weyne Rayaale ka doortay. “Umad aan gefin ma jirto, Doorashadan Doorashadii ka horraysay markii ay dhammaatay ayaa waxaan isweydiiyay waxa Axmed (Siilaanyo) ku waayay, Rayaale-na (Madaxweynaha) ku helay. Haddaan Buuggii Taariikhda, Cilmiga iyo Aqoonta, Khibradda iyo dadnimada eegay, Caqligaygii waa keeni kari waayay, waxaanse u qaatay kufis inay ahayd. Axmed markaan Wejigiisa eego kama muuqato bar madow, waa kaa weli halgamaya. Balse Shacbigii bay bartii madoobayd ka muuqataa. Guri walba maanta waxay taagan yihiin Allow yaa naga dul qaada (Xukuumadda jirta).” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Qaran. Waxaaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Axmedoow (Siilaanyo) sannooyin badan ayaad Bacadka, Cadceedda iyo Kaneecada soo jiidhaysay, Abaal umaad lahayn in Daahir kaaga adkaado Doorashada.”
Jamaal Caydiid Ibraahim:
Guddomiye-xigeenka 2aad ee Urur-Siyaasadeedka Qaran Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay ku guuldarraysatay gudashada Waajibkii loo igmaday. “Waxa dadkeena badankiisu Xukuumadda maanta jirta ay ku doorteen oo ay ugu codeeyeen laba Eray, midi waa Ictiraaf-raadin, midina waa Nabadgelyo. Dadkeena oo aynu ku ognahay Caqli oo aynaan odhan Karin Maskaxda ayaa laga xaday, waxay soo dhawaysteen in ay iska iloowaan wax walba oo ay iloowaan wax walba oo ay aaminaan in Ictiraaf iyo Nabadgelyo loogu maqan yahay. Maanta Nabadgelyadu waxay maraysaa in M/weynuhu Waddadii Gurigiisa hor maraysay uu xidhay. Dee, dadka kale ee inoo martida ahi kama caqli liitaane wuxuunbay is-yidhaahdeen malaha M/weynuhu wax buu ogyahaye, yaan meesha laydunku soo noqon oo way Inaga yaaceen. M/weyne-xigeenkiina Aqalkiiba Aqal buu ka hor dhisay. Dadweynaha intiisii kale, Magaaladii, Baayacmushtarkii iyo Daarihii cid alla cid ay ku halleeyeen, wuxuun baan is-yidhi malaha Ilaahay bay inagaga tageen. Ictiraafkiina Nabadgelyadii ayuu ka dambeeyay oo saaka Ilaahay uun baa inoo maqane, waxaanu is-nidhi ciddii u hawlgeli lahayd Kulmiye ayaa kow ka ah.” Ayuu yidhi Jamaal Caydiid. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Nabadgelyadii iyo Ictiraafkii laynoogu maqnaa wuxuu kallifay in Madaxtooyadii inoogu qiimaha badnayd Kadinka looga galo. Inagu inteenii waynu ilaashanay oo way degannahay Suuqeenii, Lacagteenii iyo Ganacsigeenii. M/weyne-xigeenkii Salaaddii Iidii khudbad uu jeediyay wuxuu yidhi, Waalidka Ubadkoodu Xamar tageen inta aananu u yeedhin ha noo yimaadaan, Waxaan xasuusin lahaa haba u yimaadaan oo ha u yeedhee in uu ku daro Waalidkii 17-ka sanno Ubadkooda Jaamacadda ka soo saaray ee Hargeisa, Burco iyo Borama isku tuuray in uu u yeedho oo uu yidhaahdo Caruurtiina maxaa badda geliyay. In uu Ubadka inoo dar yeelaan oo ay inoo dejiyaan oo ay akhlaaqiyaadka wanaagsan u bandhigaan iyaga ayaynu ka filaynay, markaaa kuwaana ha u yeedho ha waydiiyo sababta Ubadkaasi Badda geliyay. “
Baashe Cabdi Gaboobe:
Baashe Cabdi Gaboobe oo ka mid ah Hoggaanka Urur-Siyaasadeedka Qaran oo isna halkaa ka hadlay ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Madaxda Afrika dadka ugu dhaw ee la-taliyaha u ah ayaa khariba oo aan runtooda u sheegin oo aanay odhan ka joog way khariban tahaye. Maamulka maanta taagan nin alla nin Rayaale ku odhan kara waar waxan dalka ka daa ama Wasiir ha u ahaado ama La-taliye ha ahaadee, ma jiro. Intii u sheegi lahayd ee soo martayna nin la eryay iyo nin isaga tagay ayay noqdeen. Markaa Anagu wax cad baanu la qoranay Kulmiye oo Umadda dan u ah, dalkana dan u ah oo aanu ku garab-taagnaano oo aanu iska kaashanayno sidii loo fulin lahaa oo loo samayn lahaa Dawlad wanaagsaan oo kooban.”
Source: Ogaal Newspaper, Hargeysa, Somaliland

Monday, 24 November 2008

Ururka QARAN Oo La Sheegay in uu ku dadaali doono in uu taageero X.Kulmiye doorashada soo socota

Hoggaamiyeyaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE iyo ururka la mamnuucay ee QARAN, ayaa shalay kulan ay ku yeesheen xarunta xisbiga KULMIYE kaga wada-hadlay iskaashi wada-shaqayneed oo dhexmara labada dhinac, waxaanay labada dhinac mabda’ ahaan isla qaateen in ururka QARAN kala shaqeeyo xisbiga KULMIYE sidii ugu guulaysan lahaa doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto March 2008.

Ma jiro war rasmi ah oo ay labada dhinac ka soo saareen kulankoodan shalay, hase yeeshee ilo xog-ogaal ah oo kulankaas ka ag-dhawaa ayaa Haatuf u sheegay in masuuliyiin labada dhinac si qoto dheer uga wada-hadleen iskaashi iyo wada-shaqayn dhexmarta.

Kulankan oo ay xisbiga KULMIYE uga qayb-galeen gudoomiyaha xisbiga Axmed Siillaanyo iyo afartiisa gudoomiye ku-xigeen iyo Xoghayaha Guud, halka ururka QARAN ay uga qayb-galeen gudoomiyaha ururkaas Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, labadiisa gudoomiye ku-xigeen iyo weliba xubno kale oo hoggaanka ururkaas ka tirsan, ayaa labada dhinac waxay kaga doodeen qaabkii ay u wada-shaqayn lahaayeen iyo sidii ay u samaysan lahaayeen istaraatijiyad ay kaga wada-hawl-galaan sidii KULMIYE ugu guulaysan lahaa talada dalka.

Sidoo kale waxay labada dhinac kulankoodan iskula soo qaadeen sidii ay is-af-garad uga yeelan lahaayeen qodobo muhiim ah oo wax ka bedel u baahan haddii uu xisbiga KULMIYE ku guulaysto talada dalka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in ururada siyaasaddu ka qayb-qaataan tartanka doorashooyinka si ay fursad ay u helaan siyaasiyiinta reer Somaliland, isla markaana aanay saddexda xisbi oo keliya kooto ugu haysan siyaasadda dalka iyo taaba gelinta xukun wanaaga ku salaysan dimuqraadiyadda.

Inkasta oo aanay labada dhinac kulankaas aanay ku soo bandhigin barnaamijka iyo qaabka ay u wada-shaqaynayaan, haddana waxa laysku af-gartay in qolo waliba dhinaceeda u soo samaysato barnaamijka ay u aragto inay labada dhinac ku wada-shaqayn karaan, kadib kulan dambe laysugu yimaado, iyadoo kulanka dambe loo balamay inuu qabsoomo maalinta Khamiista ee toddobaadkan.

Maaha markii ugu horeysay inay KULMIYE iyo QARAN kulan noocan oo kale ahi dhexmaro, balse waxay hore masuuliyiinta labada dhinac uga dhawaajiyeen inuu jiro iskaashi iyo wada-shaqayn ka yeelanayaan sidii xisbiga KULMIYE ugu guulaysan lahaa talada dalka doorashooyinka Madaxtinimada ee soo socda.

Source: Haatuf Newspaper