Showing posts with label doorasho. Show all posts
Showing posts with label doorasho. Show all posts

Sunday, 29 March 2009

Axmed Siilaanyo Oo Meel Adag Iska Taagay Muddo Kordhinta Cusub M/Weyne Rayaale

Hargeysa (XOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa si kulul u naqdiyay Go’aankii Golaha Guurtidu ay maanta muddo lix bilood ah u kordh

iyeen Madaxweyne Rayaale iyo Ku Xigeenkiisa, waxaanu tallaabada golahaasi ku tilmaamay mid gabal dhac ku ah gedi socodkii hanaanka dimuqraadiyada Somaliland.
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay in aanay jirin asbaab nabad gelyo darro oo dalka ka taagan oo sababta in muddada loo kordhiyo Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay Waraysi uu caawa siiyay laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da, waxaanu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan go’aankan maanta ka soo baxay aqalka Odayaasha, waxaanu yidhi "Waxaan u arkaa go’aankaas mid ayaan darro ah, waa go’aan Guurti, laakiin waxaan u arkaa inuu go’aankaasi ku yahay gabal dhac u dhacay geedi socodkii oo waxyeelo aan laga soo waaqsan u geysanaya horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalka, kuna bilaabay jidkii kali-talisnimada iyo xoriyad la’aanta u horseeday ayaan u arkaa inuu yahay."
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu sheegay in Golaha Guurtidu ay u xilsaaran yihiin inay muddada u kordhiyaan xukuumada ama aanay u kordhin isagoo sabab uga dhigaya haddii ay jirto nabad gelyo darro. "Dalka Somaliland wuxuu ku faa’iiday inuu xoriyad iyo xasilooni haysto, sababta ay qodobkaas u cuskadeen waa wax aan suurto-gelayn oo aan sharciyada iyo dastuurka ku jirin,"ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Komishanka doorashooyinku ay iyagu wakhtiga u cayimaan doorashada, balse aanay Guurtidu raacin wakhtigii Komishanku ay shaaciyeen.
"Horta marka u horreysa Guurtidu ma aha shaqadeedana ma aha inay wakhtiga doorashooyinka u qabato, taasi cid kale ayay xilkeeda tahay sharciguna wuu qeexayaa, arrimahan kalena sharcigu si qudha ayuun buu ogol yahay in loo kordhiyo waxaana weeyaan nabad gelyo darro ka taagan maalinta doorashadu dhacayso, maanta doorasho la leeyahay nabad gelyo darro ayaa ka jirta oo ay tilmaamayaana ma jirto, wax tallo ah oo ay axsaabta weydiiyeena ma jiro. Waxaan aaminsan nahay in gedi socodkii Somaliland meel weyn lagaga dhacay, inay dhaawac ku keenayso horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalku ku tallaabsanayay ama ummaddeedu ay hawaysanaysay,"Ayuu yidhi.
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd in duruufaha guurtidu cuskadeen ay yihiin kuwo munaasib ah iyo in kale.
Md. Siilaanyo, oo la weydiiyay waxay Xisbi ahaan xal u arkaan haddii ay diidan yihiin muddo kordhintan cusub, waxaanu yidhi "Anagu maanta xal ka hadli mayno, jawaabtaydii u horreysay kaas weeye, xisbi ahaana weli tallo isaga-maanu iman oo maanta uun bay ahayd, tallo xisbi ahaan waanu isugu noqon doonaa, ummadda oo dhana way u taalaa."
Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyay in komishanka doorashooyinka ay la shaqaynayaan iyo in kale wuxuu tilmaamay inay Komishanka mar walba shaqo fiicani ka dhaxayso.
Md. Siilaanyo wuxuu cambaareeyay xadhiga saddex Suxufi oo ka tirsan idaacada Radio Horyaal oo Hargeysa lagu xidhay, waxaanu tilmaamay in wadanku qaaday wadaddii keli-talisnimada.


Xigasho: Ramaasnews

Iibsiga Kaadhadhka Codbixinta Doorashooyinka oo Xukumadu Si toosa u bilowday Iyo Doorasho Xalaala oo ay ka dhigayso in aanay suurtoobayn

Hargeysa (XOL) - Suuqyada iyo maqaaxiyaha ku yaala Magaalada Hargeysa ayaa xalay la dareemaayey kala iibsiga kaadhkii diiwaangalinta codbixiyayaasha ee dhowaan dadku qaateen”

Gudi u saaray Daahir Riyaale inay Kaadhadhka diiwaangalinta codbixiyayaasha ee dhowaan dadweynaha Somaliland qaateen u soo iibiyaan , ayaa xalay bilaabay inay dirtaan dad badan oo dilaaliina oo u soo uruuriya dadka danyarta ah ee shaqo la,aantu daaashatay oo midkiiba loo sheegay inuu keeno tiro ilaa 30qof kuwaas oo ilaa xalay laga dareemayey Magaalada hargeysa ,
Hawshan Xukuumadu bilowday oo lagu fulinayo lacagtii dowladu dhawaan soo daabacatay oo ah hanti qaranku leeyahay ,ayaa waxaa lagu talo jiraa in hawshan lagu balaadhiyo waqtiyada soo socda magalooyin kale oo loo qoondeeyey kharashaad kale oo lagu kala iibsanayo dadka danyarta ah ee ku nool degaanno ka tirsan Somaliland
dadka u dhuundaloola arimahan ayaa sheegay in gudidan hawsha wada ay heleen kharash badan oo ay hawsha ku fuliyaan lagana soo magaacabay Madaxtooyada oo loogu talo galay in mudo bil gudaheeda ay ku soo iibiyaan kaadhadh badan oo codbixiyaasha magalooyinka badan siiba Hargeysa Iyo Burco oo 50% siiba dadka danyarta u badan ee ku dhaqan magalooyin la calaamadiyey

sida saaka la xaqiijiyey gudaha magaalada hargeysa ayaa waxaa ay dilaaliintu ilaa xalay gacanta ku hayeen hawshan iyadoo dilaaliintu ay soo uruuriyeen dad u badan dhalinyaro iyo dadwayeela oo danyar u badan.
Hooyo ka mida dadkaa saaka la qaaday oo caanaha ku iibisa Suuqa magaalada hargeysa ayaa sheegtay in bas lagaga qaaday xafada ay degantahay iyada iyo dadkale oo dhalinyaro u badan ka dibna la geeyey guriga shaqaalaha oo halkaa ay ugu tageen dad diyaar ku ah ka dibna kaadhkeedii laga siistay $60 aakhirkii ,qaar ka mida darawiliintii basaska laga raaco magaalada gudaheeda ayaa iyaguna cadeeyey in laga kireystay 12basaska oo ka shaqeeya magaalada oo ka qaadayey dadka meelo ka mida xaafadaha magaalada oo dadka lagu uruuriyey aakhirkiina laysugu keenay Guriga Shaqaalaha .
Qorshahan ay xukuumadu ku bilowday in ay hantidii qaranka ku iibsato kaadhadhka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ay dadweynuhu qaateen, ayaa dhabar jab ku noqonaysa rajadii laga qabay inay doorasho xalaali ka dhacdo Somaliland.

"Arrintani waxay ku bilaabantay markii hore si qarsoodiya . Suuqyada iyo maqaaxiyahaba waxa lagu kala iibsanayey kaadhkii diiwaangalinta codbixiyayaasha ee dhowaan dadku qaateen, iyadoo laga kala iibsanayey inta u dhexaysa $20 ilaa $50midkiiba,lakiin iminka waxay noqotay wax aan qarsoonayn oo Guriga shaqaalaha aakhirka aad lacagta ku soo qaadanayso.

Arrintan naxdinta leh ee ay Xukuumadu iminka bilowday ee iibsiga kaadhadhka codbixintu markii hore ahayd qarsoodi, balse hadda si caadi ah loo kala iibsanayo, ayaa lagu tibaaxay ujeeddada ka dambaysa qorshe ay xukuumadu doonayso inay kaadhadhka Codbixiiyaasha soo iibsato ,si ay codadka xisbiga udub ugu hesho kaadhadh codad badan oo ay ku guulaysato "Kaadhadhka la kala iibsanayaa waa kuwa diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo keliya oo lama iibsano ka muwaadinimada.

iyadoo wakhtigii hawsha diiwaangalinta codbixiyeyaasha ka socotay degaannada Gobolka Saaxil ,Sanaag iyo Sool, ayaa Xukuumadu waxa soo baxay tibaaxo sheegaya in ay iibsatey kaadhadhka badan oo codbixineed oo ay soo siistay qiimayaal kala badan .

Si kastaba ha ahatee Hawshan ay Xukuumadu ay ku bilowday hantidii qaranka ee iibsiga kaadhadhka codbixiyaasha ayaa ka dhigan in aanay Somaliland ka dhacayn Doorasho Xalaala kana dhigaysaa diiwaangelintii codbixiyaasha ee kharashka badan ku baxay mid khasaaara ah gebihaanba .


Adan Yusuf Elmi .

Friday, 6 March 2009

Kulan laga yeeshay dhaqaalaha Doorashada oo

Hargeysa (XOL/Ogaal Newspaper) – Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ayaa ka dalbadey Wasaarada maaliyada iyo Komishanka doorashooyinka inay dib ugu noqdaan miisaaniyada loogu tala-galay doorashada Madaxtooyada, Islamarkaana maanta ahaan dib ugu soo celiyaan giddiga dhaqaalaha miisaaniyad ay isku raacsan-yihiin.
Guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo ku hawlan naaqishaada iyo dib u eegista odoroska miisaaniyada dawlada ee 2009 oo dhawaan Wasaarada maaliyadu u soo gudbisay, ayaa Isniintii todobaadkan kullan ay la yeesheen Gudiga doorashada ku ogaadey in aan Komishanku wax-ba kala socon kharashka wasaaradda maaliyadu u qorshaysay doorashada madaxtooyada ee ku xusan miisaaniyada 2009. Sidaa daraadeed, kullan sadex geesood ah oo ay shalay gudiga dhaqaaluhu isugu keeneen Wasaarada maaliyada iyo Komishanka doorashada.
Xildhibaan Cali Maxamed Xassan (Cali Mareexaan) oo ka mid ah guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo wargeyska Ogaal xog-waran gaar ah ka siiyay arrintan ayaa waxa uu yidhi. “Kullankii hore ee aanu la yeelanay, Komishanka doorashooyinka waxaa nooga soo baxday in aan Wasaaradda maaliyada iyo Gudiga doorashadu wax wadda tashi ah ka yeelan naaqishaada miisaaniyada ku baxaysa Doorashada Madaxtooyada. Sidaa daraadeed, waanu isugu yeedhnay kullan sadex geesood ah saaka (Shalay) oo ay ku kulmeen Wasaarada maaliyada, Komishanka iyo Gudiga dhaqaalahu si ay meesha uga soo baxdo miisaaniyad la isku raacsan-yahay oo doorashada lagu qaban karraa. Ujeedaduna waxay ahayd in la is waafajiyo bajadka doorashada ee ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyadu iyo ka ay sitaan Komishanka doorashooyinku oo farqi ayaa jiray. Laakiin, waxaanu u sheegnay inay iyagu ilaa beri (Maanta) gelinka hore, isa soo arkaan. Dabadeed-na Miisaaniyad la isku waafaq-san yahay ay keenaan.”
Xildhibaan Cali waxaa uu tilmaamay in Komishanka doorashooyinku xaq u leeyahay, inay soo qiimeeyaan oo sameyaan Bajadka ku baxaya doorashada maadaama ay gacanta ku hayaan. waxa kale, oo uu muujiyay in Komishan ahaan odoroska ay sitaan uu ka badan-yahay ka wasaarada maaliyadu ku soo dartey Miisaaniyada sanadka, sidaa daraadeed ay ugu dalbadeen inay dib isugu noqdaan.
Kullankan sadex geesoodka ah markii uu dhamaaday saaka, waxa sidoo kale saxaafada xog waran kooban ka siiyay Wasiirka Maaliyada Xusseen Cali Ducaale (Cawil.) “Waxa la nooga baahan-yahay inaynu ku darno kharashka doorashooyinku ku qabsoomayaan 25%, taasoo u dhiganta 8 - Milyan oo Shilinka Somaliland ah, anaga xukuumad ahaana waa naga diyaar, miisaaniyadana way noogu jirtaa, wixii dheeraad noqdana waxaanu balanqaadaynaa in aanu ku darayno.” Sidaa waxa hadalkiisa ku bilaabay Wasiirka Maaliyada Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil).
Wasiirku waxa uu sheegay in Doorashooyinku ay yihiin waxa keliya ee ay Somaliland ku faanto, isla-markaana ay xukuumada uu ka tirsan yahay wadanka ka hirgelisay 3 doorasho oo ka horeeyay ta fooda inagu soo haysa. “Doorashooyinkuna waxay ka mid yihiin waxyaabaha aynu ku faano oo saddex doorasho oo ay xukuumadani fulisay ayaa dalka ka soo qabsoomay taariikhdana way noo galaysaa. Muhiimada koowaad ee na hortaalaana waa doorashada, anigu in berito la qabto doorashada ayaan aad u jeclaa, dawlado badan oo aanu la kulanayna waxay noo sheegeen ta kaliya ee maanta mustaqbalkeena iyo ictiraafkeenu ku xidhan yahay inay tahay doorashada inagu soo fool leh. Waxayna yidhaahdeen taa markaad ka baxdaan ictiraafka cid aad u daba joogsanaysaan ma jirto.”
Wasiirka Maaliyadu waxa uu ku baanay in xukuumadu ay qayb libaax ka qaadatay, kana soo baxday waajibkii la saaray hawshii diiwaangelinta, isaga oo tilmaamay in diiwaangelintii dalka ka soo qabsoontay ay deeqbixiyayaashu markii hore xukuumada ku wargeliyeen inay bixiso kharashka 2 milyan iyo badh. Hase yeeshee ay markii dambe yidhahdeen malyuun iyo badh bixiya iyaga oo diyaar la ah oo ay xukuumad ahaan bixiyeen Malyuun iyo badh dollar, taasoo ay uga dambaysay kharashkii ku baxay goboladii uu kordhiyay Madaxweyne Rayaale ee Sanaag Bari iyo Sool oo aan iyagu ku jirin qorshihii diiwaangelinta ee Komishanka.
Wasiirka Maaliyada oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay mawqifka ay wakhtigan iska taageen xisbiga Kulmiye arrinta dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada ee Komishanku dhawaan shaaciyay oo anay ilaa xiligan ogolaanin inay saxeexaan, komishankana ay isku diidan yihiin ayaa waxa uu yidhi: “Siilaanyo iyo Muuse waa saaxiibaday, waa niman dalka magac iyo sharaf ku leh oo rag waawayn ah, xashaee kama filayo inay ku kacaan wax dalka iyo dadka khalkhal-gelinaya oo wax u dhimaya oo ay intoodii wanaagsanayd iyo sharaftoodii daamur-madaw ku marinayaan ee wuxuun baan leeyahay sidaa axsaabta iyo komishanku yeeleen idinkuna yeela.”

Thursday, 26 February 2009

Cabdillaahi Darawal oo ku Baaqay in Talada Dalka Lagu Wareejiyo Labada Gole Baarlamaanka

“Nimankan Saaxiibaday sharaftoodu waxa ay ku jirtaa, in ay iscasilaaan, talada
dalkana ku wareeiyaan Golayaasha Baarlamaanka”

Hargeysa (XOL)- Md. Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo hormuud u ah mucaaridka xisbiga UDUB dhexdiisa ayaa ku baaqay in hadii doorashdu Madaxtooyadu ku dhiciweydo wakhtiga loo mudeeyey ee 29-ka bisha March 2009,ay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu iscasilaan, isla markaana talada dalka ku wareejiyaan labada gole ee Baarlamaanka Somaliland si looga badbaado khilaaf siyaasadeed oo dhasha.
Md. Darawal oo u warramayey shalay Jamhuuriya iyo shabakadda wararka ee Ramaas News, ayaa isagoo daba jooga hadal Komishanka Doorashooyinku ku sheegeen in dib-u-dhac ku yimi waqtigii doorashada madaxtooyada waxa uu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan in yar ka idhaahdo arrimahan taagan iminka ee wakhtigii xukuumadda ee la kordhiyayna uu hadda soo gebageboobay, iyadoo aan wax doorasho ah dalka ka dhicin, Komishinkuna caddeeyeen inaanay wakhtigeedii dhacayn. Horta waxaan idiin sheegayaa in aanay la yaab lahayn in la maqlo arrintaas, dadka caadiga ahna waxay u noqotay wax caadi ah. Haseyeeshee, nimankan saaxiibaday ah ee aan meesha kaga imi maanta sharaftooda iyo magacoodu wuxuu ku jiraa haddii ay in uun dhaxal ka tagayaan, dalkuna uu ku badbaadayaa, iyagoo iscasila oo yidhaahda mar haddii aan ku guuldarraysanay inaanu doorashadii qabano, waannu iscasilnay, talada dalkana labada Shirguddoon ee goleyaasha Baarlamaanka u dhiiba, haddii ay taas diidaan waxaan u arkaa uun niman doonaya inay xoog wax ku haystaan.”
Md. Darawal waxa uu Golaha Guurtida ku eedeeyay in markii nabadgelyadii dalku taabbogashay ay shaqadoodii ka dhigteen muddo kordhin iyo dastuur jabin joogta, “Waxyaabaha aan anigu la yaaban nahay Golihii Guurtida oo waddankan ilaa halgankii ilaa intii Somaliland jirtay waddankan hawlo badan oo dhaxalgal ah ka soo qabtay oo qiime ballaadhan ku lahaa dalkan ayaad moodaa markii nabadgelyadii iska sugnaatay oo ay taabbogashay inay u digo rogteen inay kordhin uun shaqadoodii noqotay, oo had iyo goor ay qodobka 83-aad ee dastuurka dalka xarafkiisa shanaad ay cuskadaan oo dastuurkeenna marka la akhriyo ku ah dastuur jabin dadka baddidiisu u arkaan, qodobkaasi wuxuu sheegayaa nabadgelyo-darro iyo aafooyin uun in lagu kordhin karo. Iyagu laakiin mar kasta ay shraciga si caadi ah u jabiyaan iyagoo sabab ka dhiganaya dawlad la’aan ayaanu ka cararaynaa.”
Waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Golaha Guurtidu waxay iloowsan yihiin inay dhiirrigelinayaan in sharciyadii dalka in la jabiyo, taas oo aad mooddo inay gaadhsiisay xukuumadda iminka oo saddex jeer oo hore loo kordhiyay, markii u horreysay ee la saaray meesha Madaxweynahan [Rayaale] ee marxuumkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dhintay, waa la kordhiyay hal sanno ayaa lagu daray.
Doorashadii 2003-dii 82 maalmood ayay kordhiyeen, sannadkii 2007-kiina hal sanno ayey ku dareen, saddexduba waxay ahaayeen qayrul-dastuuri, sababtu waxaa weeye qodobka ay cuskadeen ma qeexayo waxay u cuskadeen, wuxuu qeexayaa nabadgelyo-darro iyo aafo midna ma jirin, balse iyagu waxay yidhaahdaan dal baanu badbaadinaynaa. Madaxweynuhu saxaafadda ayaabu ka yidhaahdaa si aan gabbasho lahayn, markii la yidhi, dastuurka ayaad jabisaa, dastuurka ma jabiyee qodobo aan micno lahayn ayaan iska il-duufaa, waayo wuxuu arkay in maalin walba qodob dastuuri ah la jabinayo oo Guurtidii sharci-dejinta ahayd ee la rabay inay sharciga ilaaliso ayaa jabinaysa. Ta kale waxay illowsan yihiin in xuquuq dad leeyahay ay ku tumanayaan bulshada Somaliland waxay xaq u leedahay shan sanno markay dhamaataba inay cid kale doortaan oo ay la xisaabtamaan, bulshadaas dhanna inay xuquudoodii dhaawaceen ma dareensana, waxaanay darreensanayn axsaabta mucaaridka ah ee dastuuriga ah ee shantaas sannadood u soo halgamaysay in xukuumadda kula tartamaan doorashashada, kuwaasna xuquuqdoodii way ku tumanayasaa.”
Waxa kale oo uu Guurtida ku tilmaamay kuwo aan dhuuxin xeerarka iyo qodobadda dastuurka dalka ee la xidhiidha muddaynta wakhtiga xukuumadda iyo qodobadda la xidhiidha la xisbaabtanka xukuumadda, isagoo arrintaas faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Golaha Guurtida waxaan leeyahay waxaa la idiin arkaa cid badhna sharcigii akhriyaysa badhna duudsiyaysa, dadka xaq looguma leh nin saddex jeer loo korodhiyay oo xaq u lahaa inuu shan sannadood madaxweyne ahaado in la yidhaahdo mar kalena ha loo kordhiyo ummadda xaq looguma leh, axsaabta xaq looguma leh oo dalka xaq looguma leh. Laba sanno ayuu dalku doorasho u dal-dalnaa, dadkan waxay u baahan yihiin dawlad la doorto oo dhaqaajisa, waxaynu arkaynaa sicir-bararka, meeshad xumada ka jirta dalka.”
Cabdillaahi Xuseen Iimaan oo ka hadlayey dadka dhawaan laga dhacay lacagaha ku jiray mashruucii fashilmay ee Fadhi-ku0dhereg la magac-baxay, wuxuu yidhi; “Waxaynu arkaynaa dadkii oo xataa tuugtii dhacayso oo maanta inta lacagahoodii si been-been ah looga gurto cirka loo dirayo oo aad arkaysaan in Somaliland oo dhammi ku wareersan tahay oo qoysas dhan ku baaba’een, waxaynu arkaynaa dhallinyaradii oo baddaha ku dhamaatay oo wada tahriibtay, dee dadkaasi waxay u baahan yihiin dawlad la doorto oo wax u qabata.
Golaha Guurtidu ma xisbaad tamaan oo qiimayn ma sameeyaan, markay kordhiyaan ma dabo galaan, marka dambe ee ay doonayaan inay wax ku daraan qiimayn ma soo bandhigaan oo cid dambiga ma saaraan, ha ogaadeen markay maalin walba kordhinayaan inay nabadgelyadii xumaynayaan, waxa lagu wada joogaa waa sharciga.
Golaha Guurtidu waa inuu tixgeliyaa dhibaatada maanta dalka ka taagan, balse waa inaanu tixgelin koox yar oo ku fashilantay inay dalka doorasho ka qabato oo ay xilkoodii ka soo baxaan, dadkuna imika wuu darreensan yahay ee ha ogaadeen, waxaana loo arkaa gole u taagan oo u fadhiya inuu wax kordhiyo mooyaane aan wax kaleba qaban,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Cabdillaahi Darawal.


Xigasho: Jamhuriya Online