Sunday, 29 March 2009

Axmed Siilaanyo Oo Meel Adag Iska Taagay Muddo Kordhinta Cusub M/Weyne Rayaale

Hargeysa (XOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa si kulul u naqdiyay Go’aankii Golaha Guurtidu ay maanta muddo lix bilood ah u kordh

iyeen Madaxweyne Rayaale iyo Ku Xigeenkiisa, waxaanu tallaabada golahaasi ku tilmaamay mid gabal dhac ku ah gedi socodkii hanaanka dimuqraadiyada Somaliland.
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay in aanay jirin asbaab nabad gelyo darro oo dalka ka taagan oo sababta in muddada loo kordhiyo Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay Waraysi uu caawa siiyay laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da, waxaanu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan go’aankan maanta ka soo baxay aqalka Odayaasha, waxaanu yidhi "Waxaan u arkaa go’aankaas mid ayaan darro ah, waa go’aan Guurti, laakiin waxaan u arkaa inuu go’aankaasi ku yahay gabal dhac u dhacay geedi socodkii oo waxyeelo aan laga soo waaqsan u geysanaya horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalka, kuna bilaabay jidkii kali-talisnimada iyo xoriyad la’aanta u horseeday ayaan u arkaa inuu yahay."
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu sheegay in Golaha Guurtidu ay u xilsaaran yihiin inay muddada u kordhiyaan xukuumada ama aanay u kordhin isagoo sabab uga dhigaya haddii ay jirto nabad gelyo darro. "Dalka Somaliland wuxuu ku faa’iiday inuu xoriyad iyo xasilooni haysto, sababta ay qodobkaas u cuskadeen waa wax aan suurto-gelayn oo aan sharciyada iyo dastuurka ku jirin,"ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Komishanka doorashooyinku ay iyagu wakhtiga u cayimaan doorashada, balse aanay Guurtidu raacin wakhtigii Komishanku ay shaaciyeen.
"Horta marka u horreysa Guurtidu ma aha shaqadeedana ma aha inay wakhtiga doorashooyinka u qabato, taasi cid kale ayay xilkeeda tahay sharciguna wuu qeexayaa, arrimahan kalena sharcigu si qudha ayuun buu ogol yahay in loo kordhiyo waxaana weeyaan nabad gelyo darro ka taagan maalinta doorashadu dhacayso, maanta doorasho la leeyahay nabad gelyo darro ayaa ka jirta oo ay tilmaamayaana ma jirto, wax tallo ah oo ay axsaabta weydiiyeena ma jiro. Waxaan aaminsan nahay in gedi socodkii Somaliland meel weyn lagaga dhacay, inay dhaawac ku keenayso horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalku ku tallaabsanayay ama ummaddeedu ay hawaysanaysay,"Ayuu yidhi.
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd in duruufaha guurtidu cuskadeen ay yihiin kuwo munaasib ah iyo in kale.
Md. Siilaanyo, oo la weydiiyay waxay Xisbi ahaan xal u arkaan haddii ay diidan yihiin muddo kordhintan cusub, waxaanu yidhi "Anagu maanta xal ka hadli mayno, jawaabtaydii u horreysay kaas weeye, xisbi ahaana weli tallo isaga-maanu iman oo maanta uun bay ahayd, tallo xisbi ahaan waanu isugu noqon doonaa, ummadda oo dhana way u taalaa."
Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyay in komishanka doorashooyinka ay la shaqaynayaan iyo in kale wuxuu tilmaamay inay Komishanka mar walba shaqo fiicani ka dhaxayso.
Md. Siilaanyo wuxuu cambaareeyay xadhiga saddex Suxufi oo ka tirsan idaacada Radio Horyaal oo Hargeysa lagu xidhay, waxaanu tilmaamay in wadanku qaaday wadaddii keli-talisnimada.


Xigasho: Ramaasnews

Ciidamada Booliska Oo Xabsiga Dhigay Afar Suxufi Oo Ka Tirsan Warbaahinta Madaxa-banaan

Hargaysa (XOL)- Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga dhigay afar wariye oo ka tirsan saxaafadda Madaxa-banaan, waxaana wariyayaashaasi la xidhay saddex ka mid ah la qabtay habeenkii xalay, kuwaasi oo kala ahaa Liibaan Maaweel Shire, Cabdi Abokor iyo Ducaale Maxamed.
Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa isna ciidanka Boolisku qabteen maanta gelinkii hore isaga oo hawl maalmeedkiisa ku guda jira waxaana laga qabtay xarunta baarlamaanka ee magaalada Hargaysa.

Lama garanayo sababta keentay xadhiga suxufiyiinta, balse waxa ay qayb ka tahay cabudhinta iyo cadaadiska xukuumadda Madaxwayne Riyaale ku hayso saxaafaddda madaxa banaan.Madaxda Idaacada Madaxa banaan ee Radio Horyaal, Madaxda ururada saxaafadda Madaxa banaan iyo madaxda axsaabta mucaaridka ah ayaa cambaareeyay xaqdhiga suxufiyiinta, waxaanay masuuliyiinta xukuumadda ugu baaqeen in ay degdeg xoriyadoodii ugu soo celiyaan suxufiyiintaasi.


Xarshinonline News : Shabakadda Wararka Xaqiiqda ah

Iibsiga Kaadhadhka Codbixinta Doorashooyinka oo Xukumadu Si toosa u bilowday Iyo Doorasho Xalaala oo ay ka dhigayso in aanay suurtoobayn

Hargeysa (XOL) - Suuqyada iyo maqaaxiyaha ku yaala Magaalada Hargeysa ayaa xalay la dareemaayey kala iibsiga kaadhkii diiwaangalinta codbixiyayaasha ee dhowaan dadku qaateen”

Gudi u saaray Daahir Riyaale inay Kaadhadhka diiwaangalinta codbixiyayaasha ee dhowaan dadweynaha Somaliland qaateen u soo iibiyaan , ayaa xalay bilaabay inay dirtaan dad badan oo dilaaliina oo u soo uruuriya dadka danyarta ah ee shaqo la,aantu daaashatay oo midkiiba loo sheegay inuu keeno tiro ilaa 30qof kuwaas oo ilaa xalay laga dareemayey Magaalada hargeysa ,
Hawshan Xukuumadu bilowday oo lagu fulinayo lacagtii dowladu dhawaan soo daabacatay oo ah hanti qaranku leeyahay ,ayaa waxaa lagu talo jiraa in hawshan lagu balaadhiyo waqtiyada soo socda magalooyin kale oo loo qoondeeyey kharashaad kale oo lagu kala iibsanayo dadka danyarta ah ee ku nool degaanno ka tirsan Somaliland
dadka u dhuundaloola arimahan ayaa sheegay in gudidan hawsha wada ay heleen kharash badan oo ay hawsha ku fuliyaan lagana soo magaacabay Madaxtooyada oo loogu talo galay in mudo bil gudaheeda ay ku soo iibiyaan kaadhadh badan oo codbixiyaasha magalooyinka badan siiba Hargeysa Iyo Burco oo 50% siiba dadka danyarta u badan ee ku dhaqan magalooyin la calaamadiyey

sida saaka la xaqiijiyey gudaha magaalada hargeysa ayaa waxaa ay dilaaliintu ilaa xalay gacanta ku hayeen hawshan iyadoo dilaaliintu ay soo uruuriyeen dad u badan dhalinyaro iyo dadwayeela oo danyar u badan.
Hooyo ka mida dadkaa saaka la qaaday oo caanaha ku iibisa Suuqa magaalada hargeysa ayaa sheegtay in bas lagaga qaaday xafada ay degantahay iyada iyo dadkale oo dhalinyaro u badan ka dibna la geeyey guriga shaqaalaha oo halkaa ay ugu tageen dad diyaar ku ah ka dibna kaadhkeedii laga siistay $60 aakhirkii ,qaar ka mida darawiliintii basaska laga raaco magaalada gudaheeda ayaa iyaguna cadeeyey in laga kireystay 12basaska oo ka shaqeeya magaalada oo ka qaadayey dadka meelo ka mida xaafadaha magaalada oo dadka lagu uruuriyey aakhirkiina laysugu keenay Guriga Shaqaalaha .
Qorshahan ay xukuumadu ku bilowday in ay hantidii qaranka ku iibsato kaadhadhka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ay dadweynuhu qaateen, ayaa dhabar jab ku noqonaysa rajadii laga qabay inay doorasho xalaali ka dhacdo Somaliland.

"Arrintani waxay ku bilaabantay markii hore si qarsoodiya . Suuqyada iyo maqaaxiyahaba waxa lagu kala iibsanayey kaadhkii diiwaangalinta codbixiyayaasha ee dhowaan dadku qaateen, iyadoo laga kala iibsanayey inta u dhexaysa $20 ilaa $50midkiiba,lakiin iminka waxay noqotay wax aan qarsoonayn oo Guriga shaqaalaha aakhirka aad lacagta ku soo qaadanayso.

Arrintan naxdinta leh ee ay Xukuumadu iminka bilowday ee iibsiga kaadhadhka codbixintu markii hore ahayd qarsoodi, balse hadda si caadi ah loo kala iibsanayo, ayaa lagu tibaaxay ujeeddada ka dambaysa qorshe ay xukuumadu doonayso inay kaadhadhka Codbixiiyaasha soo iibsato ,si ay codadka xisbiga udub ugu hesho kaadhadh codad badan oo ay ku guulaysato "Kaadhadhka la kala iibsanayaa waa kuwa diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo keliya oo lama iibsano ka muwaadinimada.

iyadoo wakhtigii hawsha diiwaangalinta codbixiyeyaasha ka socotay degaannada Gobolka Saaxil ,Sanaag iyo Sool, ayaa Xukuumadu waxa soo baxay tibaaxo sheegaya in ay iibsatey kaadhadhka badan oo codbixineed oo ay soo siistay qiimayaal kala badan .

Si kastaba ha ahatee Hawshan ay Xukuumadu ay ku bilowday hantidii qaranka ee iibsiga kaadhadhka codbixiyaasha ayaa ka dhigan in aanay Somaliland ka dhacayn Doorasho Xalaala kana dhigaysaa diiwaangelintii codbixiyaasha ee kharashka badan ku baxay mid khasaaara ah gebihaanba .


Adan Yusuf Elmi .

Friday, 27 March 2009

Gaashaanle Sare Ibraahin Canjeex oo sheegay in loogu hanjabay Xogtii uu a bixiyey Xasuuqii Jasiira.

Hargeysa (XOL) – Sida ay sheegtay shabakadda wararka ee Ramaasnews, waxa la soo xidhiidhay galabta Gaashaanle Sare Ibraahin Cali Barre "Canjeex". Ibraahin wareysi kooban oo uu xafiiska shabakadda Ramaas ugu warramay, wuxu ku sheegay in uu maanta la soo xidhiidhay safiirka Soomaalida ee Suuriya, isla markaana uu ku wargeliyey in uu shandadihiisa ka qaato dalka.


Waxa kale oo uu Ibraahin intaa raaciyey in illaa iyo markii warbaahinta laga sii daayey wareysigiisii ku saabsanaa Xasuuqii Jasiira, ay dunida dacaladeeda kala soo xidhiidheen dad u gaysanaya handadaad. Waxaanu yidhi taas ayey la xidhiidhaa fariintan safiirka ee maantuna. Ibraahin iyo safiirka Soomaalida ee Suuriya waa isku beel.


Waxa ay ahayd todobaadkii hore markii uu Gaashaanle Ibraahim qaar ka mid ah warbaahinta uga warramay sidii uu u dhacay xasuuqii xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho loogu gaystay dad badan oo reer Somaliland ah.


Xigasho: Ramaas News

Tuesday, 24 March 2009

Rayaale Oo Ku Hungoobay Kulan Uu La yeeshay Xildhibaanada Harti Ou Uu Kalsooni Uga Doonayay Mooshinka Muddo Kordhinta Ee Golaha Guurtida Horyaalla

Hargeysa(XarshinOnline) - Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumadiisa ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay u tafa xaytay kaambayn cusub oo ay ka bilaabeen golaha guurtida dhexdiisa kaas oo ay ku doonayaan inay ka helaan kalsoonida mudanayaasha golahaas mooshinka muddo kordhinta ee uu Madaxweynuhu qoraalkiisa gaadhsiiyay Golaha Guurtida.
Duhurinimadii doraad ee Axadii ayuu Madaxweyne Rayaale qado sharaf u sameeyay xubnaha beesha Hartiga ka jira golaha guurtida, kulankaas oo ahaa kii ugu horeeyay kaambaynkiisa cusub waxa la sheegay inuu Madaxweynuhu ku hungoobay oo aanu ugu dhicin sidii uu doonayay, sida ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah xildhibaanada la casuumay oo ka dhawrsaday in magacooda la sheego.
Warku wuxuu intaa ku daray in ay casuumadaas madaxweynaha tageen 6 xildhibaan oo keliya halka ay beeshaas hartiga golaha guurtida kaga jiraan 20 Mudane, kuwaas oo la sheegay in wakhtigan 3 ka mid ahi ka maqan yihiin Hargeysa halka ay 17-ka kaleba ku sugnaayeen Magaalada. Mudane u waramayay Saxansaxo ayaa xaqiijiyay inuu Madaxweynuhu xildhibaanada casuumada ugu tagay u sheegay hadal kooban kaas oo ahaa inuu doonayo inay meel mariyeen go’aanka komishanka doorashooyinku uu ku mudeeyay qabashada doorashada 31-ka May,
Goluhuna uu is waafajiyo mnaalintaas iyo mudada xilka madaxtooyada ee dhamaanaya.
Warku wuxuu intaa ku daray in Mudanayaasha casuumada ka qayb
galay mid ka mid ahi uu Madaxweynaha u sheegay in laga yaabo in uu Goluhu dhinaca kale u badan yahay oo aanay iyagu waxba ka tari karin, dhinacaas oo ah in aanu Goluhu xilligan u muuqanin mid u bisil in uu aqbalo muddo kordhin dambe oo xukuumada loo sameeyo. Beesha Hartiga oo keliya ma aha cida uu Kaambaynka xukuumada ku jihaysan yahay, waxase la filayaa inay maalmahan xildhibaanada kale oo beel beel ah ay kulamo la yeeshaan, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii Axadii waxa uu Golaha guurtida u gudbiyay Digreeto uu ku soo gaadhsiiyay go’aanka uu komishanka doorashooyinku ku cayimay mudada cusub ee doorashada ee 31-ka May kaas oo uu kaga dalbaday inuu Goluhu is waafajiyo dhamaadka xilka Madaxweynaha iyo maalinta loo cayimay doorashada,taas oo uu Macnaheedu yahay inuu golaha guurtidu mar kale sameeyo go’aan uu madaxwaynaha iyo ku xigeenka mudada xilka ugu kordhinayo.


Shabakadda Wararka Xaqiiqda ah