Monday, 9 March 2009

"Guddoomiyaha Komishanku waxa uu u muuqdaa inuu afhayeen u yahay UDUB

Hargeysa(XOL)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, ayaa mar kale ku celiyay in aanay aqbali doonin mudo kordhin markale waqtigii xil-hayntiisa loogu kordhiyo Madaxweyne Rayaale.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Dhexe ee xisbiga, waxa uu si kulul uga hadlay eedaymo Xukuumadda ka soo yeedhay oo ay ku sheegay in xisbiga Kulmiye dalka ka abuurayo xaalad Nabadgelyo-daro.
“Waxa keliya ee ay caanka ku yihiin waa barobagaandaha,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in hadalada Wasiiro Xukuumadda ka tirsani ku sheegeen inay masuuliyiin Mucaaradka ka tirsani doonayaan inay qalalaase dalka ka abuuraan, ay la xidhiidho sidii ay bulshada uga jeedin lahaayeen dhaliilaha Xukuumad ahaan loo jeediyo iyo inay jaahwareer geliyaan ummadda, si ay uga galgashaan waajibaadkii loo doortay oo uu tilmaamay inay fulinteeda ku fashilmeen.
“Annagu Ciidan, hub iyo xabsi midna ma haysano. Laakiin, dad la xidh-xidho iyo wax la dilo waa shaqadooda…Ninka Daalinka ahi wuu baqaa oo waa fule..” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Kulmiye, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in lala xidhiidhiyo inay doonayaan sidii ay dalka xasilooni-daro uga abuuri lahaayeen. “Waxay yidhaahdaan Afrikaanka dawladda xilka haysa uun baa joogta…Waxaan leeyahay; Afrika maahee tani waa Somaliland oo laguma kala adka,” ayuu raaciyay.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax waxa uu sheegay in muddadii umaddu dooratay Madaxweyne Rayaale iyo intii guurtidu u kordhisay-ba ay dhamaatay, isla markaana aanay aqbali doonin muddo-kordhin markale loo sameeyo.
“Mr Daahir Rayaale Kaahin shan sannadood bay umaddu dooratay, shantaa la doortay iyo intii loo kordhiyayba way dhamaatay. Isaga loo kordhin maayo, kordhis dambe oo imanayaana ma jiro. Ma doonayno in nala horkeeno muddo-kordhi, aqbalina mayno,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay, “Madaxweyne; dalka yaanu inaga burburin kordhis dambe oo aan xaq ahayni.”
Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga Kulmiye, waxa kale oo uu ka hadlay eedaymo Wasiiro Xukuumadda ka tirsani u jeediyeen ururkii SNM iyo hoggaamiyeyaasheedii, wuxuuna taas bedelkeeda masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in aasaaskii SNM ka dhashay xad-gudubyo ay qayb ka ahaayeen badhkood oo uu shacabka u gaysteen Maamulkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre, taasoo uu sheegay in badi masuuliyiinta Xukuumadda Rayaale xilligaa ka tirsanaayeen.
“Maalintii nimanka maanta joogaa dadka laynayeen ee ay Xiniinyaha Kalbada kaga qabanayeen, SNM baa ka dhiidhiday.” Sidaa ayuu yidhi. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka mid ahaa aasaasayaashii SNM, waxa uu sheegay in aanay SNM mudnayn aflegaado loo jeediyo. “SNM hadaan waxba loo qabanayn, wax kalena la siinayn aflegaadada halaga daayo,” ayuu yidhi.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, waxa uu masuuliyadda dib-u-dhacyada doorashada dusha u saaray Madaxweyne Rayaale iyo Komishanka doorashooyinka. “Waxa ku guuldaraystay Komishanka iyo Madaxweynaha, in doorasho dhacdo masuuliyadeeda koowaad waxay saaran tahay Madaxweynaha.” Sidaa ayuu yidhi.
Waxa uu tilmaamay in aanay diidanayn dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada, balse marka hore loo baahanyahay in laga wadahadlo ta ay noqonayso dawladda muddada doorashada ka hadhay xilka sii haynaysa. Wuxuuna tilmaamay in go’aan ka gaadhista arrintaasi tahay mid u taala goleyaasha Baarlamaanka.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ka codsaday inay fikir talo midaysan ka yeeshaan xaaladdan cusub ee la galay, maadaama sida uu xusay uu hore iskaashi uga dhexeeyay. “Waan ku ixtiraamayaa fikirkooda, waxaanan UCID leeyahay yaan la idin beerla-xowsaninee aan isku duubnaano,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Kulmiye waxa uu si adag u weeraray hawl-gudashada shaqo ee Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Jaamac Maxamuud Cumar, kaasoo uu sheegay inuu ka leexday doorkiisii dhex-dhexaadnimo.
Guddoomiye Ku-xigeenku waxa uu isbarbar-dhig ku sameeyay habka shaqo ee Guddoomiyeyaashii hore ee Komishanka iyo guddoomiyaha cusub.
“Saddexda nin ee u kala dambeeyay xilka Guddoomiyaha Komishanku waa saddexdii xubnood ee uu soo magacaabay Madaxweynuhu. Laakiin, labadii hore iyo Jaalle Jaamac mid bay ku kala duwan yihiin, waxaanad moodaa Guddoomiyaha cusubi (Jaamac-Sweden) inuu badheedhay oo uu cadaawad u hayo xisbiga Kulmiye. Wuxuu umadda ula muuqdaa Afhayeenka xisbiga UDUB.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka hadlayay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa.
Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Komishanku ka badheedhay u adeegista xisbiga talada haya ee UDUB, isla markaana ay xisbi ahaan la yaaban yihiin qaabka hawl-gudashadiisa. Wuxuuna intaa ku daray, in Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinku ka leexday doorkiisii dhex-dhexaadnimada, isla markaana uu u xaglinayo xisbiga UDUB una sinayn xisbiyada qaranka.
Hase yeeshee, wuxuu uga digay inuu talaabada noocaas ah kusii socdo, waxaanu kula taliyay inuu ka laabto talaabadaas dhexna u noqdo xisbiyada qaranka oo aanu mid gaar ah xilka uu hayo ugu adeegin.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, waxa uu sheegay in marka ay Guddoomiye Jaamac Iswiidhan isugu yimaadaan kulamada wada-shaqayneed ee ay Komishanka la leeyihiin, inuu difaaco xisbiga UDUB iyo Xukuumadda, taasina ay dhaawacayso karaamada iyo shaqada looga baahanyahay ee dhexnimo.

“Komishanka waxaan leeyahay; haku mashquulina Kulmiye’e, shaqadiina ku ekaada,” ayuu yidhi.

XIGASHO: Ogaal



Shabakadda Wararka Xaqiiqda ah

Saturday, 7 March 2009

Xarshinonline News: “Sh. Shariif wuxuu Saxaafadda ka sheegayo ma dhegaysanayno, balse..”

Xarshinonline News: “Sh. Shariif wuxuu Saxaafadda ka sheegayo ma dhegaysanayno, balse..”

“Sh. Shariif wuxuu Saxaafadda ka sheegayo ma dhegaysanayno, balse..”

Xasan Daahir Aways
Asmara (XOL)- “Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu u shaqeynayaa Itoobiya, wuxuuna khiyaameeyay Islaamiyiinta, sidaas darteed waanu la dagaallami doonnaa ilaa ay Shareecada Islaamka uga soo rogaan Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi Xasan Daahir Aweys oo eedayn u jeediyay Maamulka cusub ee loo dhisay Somalia.
Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo Waraysi la yeelatay Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Garabka Isbahaysiga Dib-u-xoraynta ee Magaalada Asmara, Aweys waxa uu sheegay in aanay Mucaarad ahayn, isla markaana aanay aqoonsanayn Dawladda Somalia. “Ma nihin mucaarad ee waxaanu nahay Xornimo-u-dirir, mana jirto dowlad aan aqoonsannahay oo Soomaaliya ka jirta, ragga hadda joogana waa kuwo qayaanay dalkooda iyo dadkooda” ayuu yidhi Sh. Xasan Daahir Aweys. Waxaanu Dawladda Itoobiya eedayn ugu jeediyay in ay si indho-la’aan ah u taageertay Dawladda Shariif Sh. Axmed. “Itoobiya si indho la’aan ah ayay u taageertay una ammaantay Shariif, taasina waxay muujineysaa in wadanka ay weli lugta kula jirto Dowladda Itoobiya iyo wakiilladeeda, waana taas sababta aanu u dagaallameyno” ayuu yidhi Xasan Daahir Aweys, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Marka cadaw soo duulay uu dalkaaga soo galo, isla markaana uu isku dayo in uu kuugu qasbo in aad Diintaada ka baxdo, isla markaana uu diido Qarannimadaada iyo Madax-bannaanidaada, uuna si sharci ah u qaato kheyraadkaaga ma jirto Waddo kale oo kuu furan oo aan ka ahayn in aad dagaal gasho.” Mar Xasan Daahir Aweys la waydiiyay sida uu u arko hadal dhawaan ka soo yeedhay Shariif Sh. Axmed oo ah in Shareecada Islaamka uu Somalia ku dhaqayo, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Ma dhegeysaneyno waxa uu saxaafadda u sheegayo, laakiin si dhab ah ayaanu u fiirineynaa waxa ka suurtagala waxa uu sheegay” waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi ugu dambayntii, “Guryaha burbura dib baa loo dhisi karaa, laakin guri qurxoon oo aan xornimo lahayn qiimo ma laha”



Xigasho: Wargeyska Ogaal

Wasiir Cawil muxuu ka yidhi Guryaha isaga iyo Rayaale ka dhisteen dibada?

Hargeysa (XOL/Ogaal Newspaper)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Xusseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay in ay Xukuumadda ahaan diyaar u yihiin qabsoomida doorashada Madaxtooyada, isla markaana haddii damaanad looga baahanyahay waqtiga doorashada la waydiiyo Komishanka doorashooyinka oo uu tilmaamay inay xaq u leeyihiin muddaynteeda.
Wasiirka oo shalay u waramay Telefishanka Horn Cable, waxa uu ku doodday inay jiraan waxyaabo badan oo ay Xukuumad ahaan ku faani karaan inay wax ka qabteen, kuwaasoo uu sida uu tilmaamay ay ka mid yihiin dhismaha Ciidamada, gaadhista Xuduudda dalka, doorashooyinka iyo qodobo kale. “Waxaan u arkaa in Kulmiye khaldan yahay. Doorashada cida ka masuulka ah waqtiga la qabanayaa waa Komishanka....Adduunka oo dhan iyo jaarkeena aynu eegno, doorasho markay dib u dhacdo dawladda markaa joogta uun baa umadda gaadhsiisa doorasho. Dawlad cirka laga keenayaa ma jirto….Marka aad siyaasi tahay, waxa loo baahan yahay inaad Gartaada akhrisato, Kulmiyena Gartooda ha akhristeen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.
Cawil Cali Ducaale waxa uu ku baanay inuu yahay nin Qoraa ah, isla markaana uu mararka qaarkood ku fekero in taariikhdii 1960-kii dib u soo noqotay oo ay dabada ka riixayso fikirka xisbiga Kulmiye. “Waxaan mararka qaarkood is idhaahdaa nimankan mutacalimiinta ah ee Kulmiye intaa may garan waayine, waayo qofka caadiga ah ee suuqa marayaa garanaya in aan dawladdi ka bixin meel oo aan cid kale Cirka laga keenin, dawladd dhisana mid kale lagama dul dhiso. Marka taas rag dalkan u soo halgamay oo taariikh ku lihi ka leexdaan, Ingiriisku wuxuu ku maahmaahaa taariikhdu iyadaa isa soo celisa. Mararka qaarkood waxaan is idhaahdaa 50-kii sannadood baa la gaadhay, waayo 50-kii sannoba mar bay soo noqotaa. 1960-kii bay dawladdi inaga luntay, maantana kontonkii sano ayaa buuxsamay,” ayuu yidhi. Wasiirku waxa uu tilmaamay in xisbiga Kulmiye la mid yahay xisbigii SNL ee sannadkii 19960-kii Xamar geeyay dawladnimadii Somaliland ee xilligaa xoriyadda ka qaadatay Ingiriiska. “Siyaasiyiinta Kulmiye mawjad taariikheed bay dusha ka saaran yihiin, mawjaduna Maraakiib dhan bay Badda ku dartaa. Markaa mawjad culus oo intaas le’eg oo Dimoqraadiyada tuurta ayay dhakada ka saaran yihiin, aqoontii ay kaga degayeena ma laha……Sannad ka hor baanu heshiis galnay, kaasoo sheegayay haddii doorasho dhici waydo waxa la yeelayo, inay heshiiskaa dafiraana maaha,” ayuu raaciyay. Wasiirka Maaliyaddu waxa uu ka galgashay in heshiiskaa oo 8 qodob ka koobnaa ay fulin waayeen dhinacooda qodobaddii khuseeyay, sida qodob sheegayay in la sameeyo guddi joogto ah oo ka wada shaqeeya hawlaha doorashada iyo ilaalinta hantida qaranka in aanay cid gaar ahi adeegsan. Wuxuuna ku doodday in heshiiskaa qodobka ugu muhiimsani ahaa qodobka sheegayay haddii doorasho dhici waydo waxa looga gudbayo. “Ta damaanada waxa loo baahanyahay in Kulmiye, UCID, UDUB iyo dawladduba inta aanu horfadhiisano Guddiga doorashooyinka in aanu nidhaahno damaanad na siiya waqtiga aad ku qabanaysaan doorashada, haddii aad xilligaa ku qaban waydaana xalka noo sheega,” ayuu yidhi oo wax laga waydiiyay damanaad-qaad la xidhiidha dib u dhac mar kale ku iman kara doorashada Madaxtooyada.
Waxa kale, oo uu ku dooday in Xukuumad ahaan dhaqaalihii ay ku bixiyeen doorashada Xisaabiyaha dawladu u hayo, Islamarkaana ay filayaan in tii deeq-bixiyayaashu ay haystaan tii ay dhinocooda ku bixiyeen. Waxaana uu u soo jeediyay Kulmiye inay saxeexaan dhinacooda mudada cusub ee uu qabtay Komishanku.
Wasiir Cawil waxa la weydiiyay arragtida uu ka qabo sida ay ku doodaan Mucaaradku iyo Lexjaclada ay had iyo jeer ku doodaan inay dalka ka qabaan maadaama ay dagaal badan u soo mareen. “Baribaa dhageysanayay marxuukii Cigaal uu yidhi, Dalkan waxaan ka xoreynaynaa kuwii soo xoreeyay…waan yaabi jiray hadalkaa culeyskiisa… waxa weeye, wey dhacdaa Taariikhda aduunka hadaad dib u raacdo, rag u soo halgamay oo waxay u soo hal-gameen burburiyay aduunka waa ka dhacdaa inaga uun maaha” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku, waxaana uu ku dooday in horumar hadii xukuumad ahaan ay ku tilaabsadaan ay ka naxaan. Waxaana uu yidhi, “Kaanbeykoodaa I dhibay, UCID kaabeynkeedu wuxuu ahaa mid hufan… laakiin Kulmiye, wixii guul ah ee dawladu keentaba waxaan ogsoonahay inay ka naxaan oo ay u qaataan dawladaa ku helaysa cod.”
Wasiirka maaliyada oo la weydiiyay sababta uu xisaab xidhadii dawlada u geyn waayeen Golaha Wakiilada, waxaa uu ku dooday in hanti dhawrka dawladu uu hayo oo ay tahay inay Wakiilladu kala xidhiidhaan, islamarkaana ay cid kasta u fasaxayaan dakhliga iyo kharashka Miisaaniyada. “Xisbaayaha guud ayaa gaadhsiiya hanti dhawrka, anaga marka ay halkaa gaadho nama khuseeyo xisaab xidhku, ..Hantidhawrkuna wuu u gudbiyay Golaha Wakiillada” ayuu ku dooday.
Waxaa la weydiiyay Wasiirka maaliyada sida ay wax uga jiraan Guryaha uu ka dhistay magaalada Nayroobi iyo sidoo kale daaraha Madaxweyne Rayaale ka bineystay dalalka dibada gaar ahaan Masar iyo imaaraadka Carabta. Waxaana uu ku dooday in aanu shilin ka lunsan dalka, Islamarkaana ay arrintaasi been tahay. “Waxa jira wax wax haddaad nin weyn tahay laga xishoodo, qof been lagama sheego hadaad hadlayso. Waxaan xasuustaa Marxuum Cigaal, Ninkaa masuulka ah ee habeenka dhaweyd hadlayay, waxa uu odhan jiray Lacag buu banaanka dhigtey, Beeruu leeyahay, guryo ayuu leeyahay, Baxrayn ayay lacagi u taalaa. Markuu dhintay, I rumayso Boqol kun oo shilin kamuu tegin. Diyaaradii lagu qaaday, daynteedii anaa bixiyay markii Wasiirka Maaliyada la ii magacaabay, waan naxay, Cusbitaalkii la dhigay anaa bixiyay dayntiisii, anoo wasiiru-maaliye ah. waa ninkii ninkaa masuulka ahi uu lahaa lacag-buu haystaa.” Sidaas ayuu yidhi, waxaana uu ku dooday in waqti uu ka ahaa Safiirka Dawlada Soomaaliya ee Nayroobi sidan oo kale loogu yidhi waxaad dhisatay Guryo, balse aanay jirin. “Waa la iska jecelyahay, hebelbaa daaro dhistay. Xaasha Madaxweynuhuna sidoo kale, dalkan waa u daacad wuu u dhaartay.”
Wasiirka Maaliyada waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin xidhiidh gaar ah oo ka dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Rayaale oo ka duwan wasiirada kale.
Wasiirka Maaliyadu waxa uu sheegay in haddii Xisbiga UDUB hadii doorashada laga helo uu dib ugu noqon doono shaqo uu jecelyahay oo ah dhinaca qoraalka. “Hadaan doorashadan weyno, waxaan ku noqonayaa shaqadii aan ugu jeclaa oo ah inaan wax qoro” ayuu yidhi.






Xigasho: Wargeyska Ogaal

Friday, 6 March 2009

Kulan laga yeeshay dhaqaalaha Doorashada oo

Hargeysa (XOL/Ogaal Newspaper) – Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ayaa ka dalbadey Wasaarada maaliyada iyo Komishanka doorashooyinka inay dib ugu noqdaan miisaaniyada loogu tala-galay doorashada Madaxtooyada, Islamarkaana maanta ahaan dib ugu soo celiyaan giddiga dhaqaalaha miisaaniyad ay isku raacsan-yihiin.
Guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo ku hawlan naaqishaada iyo dib u eegista odoroska miisaaniyada dawlada ee 2009 oo dhawaan Wasaarada maaliyadu u soo gudbisay, ayaa Isniintii todobaadkan kullan ay la yeesheen Gudiga doorashada ku ogaadey in aan Komishanku wax-ba kala socon kharashka wasaaradda maaliyadu u qorshaysay doorashada madaxtooyada ee ku xusan miisaaniyada 2009. Sidaa daraadeed, kullan sadex geesood ah oo ay shalay gudiga dhaqaaluhu isugu keeneen Wasaarada maaliyada iyo Komishanka doorashada.
Xildhibaan Cali Maxamed Xassan (Cali Mareexaan) oo ka mid ah guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo wargeyska Ogaal xog-waran gaar ah ka siiyay arrintan ayaa waxa uu yidhi. “Kullankii hore ee aanu la yeelanay, Komishanka doorashooyinka waxaa nooga soo baxday in aan Wasaaradda maaliyada iyo Gudiga doorashadu wax wadda tashi ah ka yeelan naaqishaada miisaaniyada ku baxaysa Doorashada Madaxtooyada. Sidaa daraadeed, waanu isugu yeedhnay kullan sadex geesood ah saaka (Shalay) oo ay ku kulmeen Wasaarada maaliyada, Komishanka iyo Gudiga dhaqaalahu si ay meesha uga soo baxdo miisaaniyad la isku raacsan-yahay oo doorashada lagu qaban karraa. Ujeedaduna waxay ahayd in la is waafajiyo bajadka doorashada ee ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyadu iyo ka ay sitaan Komishanka doorashooyinku oo farqi ayaa jiray. Laakiin, waxaanu u sheegnay inay iyagu ilaa beri (Maanta) gelinka hore, isa soo arkaan. Dabadeed-na Miisaaniyad la isku waafaq-san yahay ay keenaan.”
Xildhibaan Cali waxaa uu tilmaamay in Komishanka doorashooyinku xaq u leeyahay, inay soo qiimeeyaan oo sameyaan Bajadka ku baxaya doorashada maadaama ay gacanta ku hayaan. waxa kale, oo uu muujiyay in Komishan ahaan odoroska ay sitaan uu ka badan-yahay ka wasaarada maaliyadu ku soo dartey Miisaaniyada sanadka, sidaa daraadeed ay ugu dalbadeen inay dib isugu noqdaan.
Kullankan sadex geesoodka ah markii uu dhamaaday saaka, waxa sidoo kale saxaafada xog waran kooban ka siiyay Wasiirka Maaliyada Xusseen Cali Ducaale (Cawil.) “Waxa la nooga baahan-yahay inaynu ku darno kharashka doorashooyinku ku qabsoomayaan 25%, taasoo u dhiganta 8 - Milyan oo Shilinka Somaliland ah, anaga xukuumad ahaana waa naga diyaar, miisaaniyadana way noogu jirtaa, wixii dheeraad noqdana waxaanu balanqaadaynaa in aanu ku darayno.” Sidaa waxa hadalkiisa ku bilaabay Wasiirka Maaliyada Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil).
Wasiirku waxa uu sheegay in Doorashooyinku ay yihiin waxa keliya ee ay Somaliland ku faanto, isla-markaana ay xukuumada uu ka tirsan yahay wadanka ka hirgelisay 3 doorasho oo ka horeeyay ta fooda inagu soo haysa. “Doorashooyinkuna waxay ka mid yihiin waxyaabaha aynu ku faano oo saddex doorasho oo ay xukuumadani fulisay ayaa dalka ka soo qabsoomay taariikhdana way noo galaysaa. Muhiimada koowaad ee na hortaalaana waa doorashada, anigu in berito la qabto doorashada ayaan aad u jeclaa, dawlado badan oo aanu la kulanayna waxay noo sheegeen ta kaliya ee maanta mustaqbalkeena iyo ictiraafkeenu ku xidhan yahay inay tahay doorashada inagu soo fool leh. Waxayna yidhaahdeen taa markaad ka baxdaan ictiraafka cid aad u daba joogsanaysaan ma jirto.”
Wasiirka Maaliyadu waxa uu ku baanay in xukuumadu ay qayb libaax ka qaadatay, kana soo baxday waajibkii la saaray hawshii diiwaangelinta, isaga oo tilmaamay in diiwaangelintii dalka ka soo qabsoontay ay deeqbixiyayaashu markii hore xukuumada ku wargeliyeen inay bixiso kharashka 2 milyan iyo badh. Hase yeeshee ay markii dambe yidhahdeen malyuun iyo badh bixiya iyaga oo diyaar la ah oo ay xukuumad ahaan bixiyeen Malyuun iyo badh dollar, taasoo ay uga dambaysay kharashkii ku baxay goboladii uu kordhiyay Madaxweyne Rayaale ee Sanaag Bari iyo Sool oo aan iyagu ku jirin qorshihii diiwaangelinta ee Komishanka.
Wasiirka Maaliyada oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay mawqifka ay wakhtigan iska taageen xisbiga Kulmiye arrinta dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada ee Komishanku dhawaan shaaciyay oo anay ilaa xiligan ogolaanin inay saxeexaan, komishankana ay isku diidan yihiin ayaa waxa uu yidhi: “Siilaanyo iyo Muuse waa saaxiibaday, waa niman dalka magac iyo sharaf ku leh oo rag waawayn ah, xashaee kama filayo inay ku kacaan wax dalka iyo dadka khalkhal-gelinaya oo wax u dhimaya oo ay intoodii wanaagsanayd iyo sharaftoodii daamur-madaw ku marinayaan ee wuxuun baan leeyahay sidaa axsaabta iyo komishanku yeeleen idinkuna yeela.”