Saturday 7 March 2009

“Sh. Shariif wuxuu Saxaafadda ka sheegayo ma dhegaysanayno, balse..”

Xasan Daahir Aways
Asmara (XOL)- “Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu u shaqeynayaa Itoobiya, wuxuuna khiyaameeyay Islaamiyiinta, sidaas darteed waanu la dagaallami doonnaa ilaa ay Shareecada Islaamka uga soo rogaan Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi Xasan Daahir Aweys oo eedayn u jeediyay Maamulka cusub ee loo dhisay Somalia.
Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo Waraysi la yeelatay Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Garabka Isbahaysiga Dib-u-xoraynta ee Magaalada Asmara, Aweys waxa uu sheegay in aanay Mucaarad ahayn, isla markaana aanay aqoonsanayn Dawladda Somalia. “Ma nihin mucaarad ee waxaanu nahay Xornimo-u-dirir, mana jirto dowlad aan aqoonsannahay oo Soomaaliya ka jirta, ragga hadda joogana waa kuwo qayaanay dalkooda iyo dadkooda” ayuu yidhi Sh. Xasan Daahir Aweys. Waxaanu Dawladda Itoobiya eedayn ugu jeediyay in ay si indho-la’aan ah u taageertay Dawladda Shariif Sh. Axmed. “Itoobiya si indho la’aan ah ayay u taageertay una ammaantay Shariif, taasina waxay muujineysaa in wadanka ay weli lugta kula jirto Dowladda Itoobiya iyo wakiilladeeda, waana taas sababta aanu u dagaallameyno” ayuu yidhi Xasan Daahir Aweys, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Marka cadaw soo duulay uu dalkaaga soo galo, isla markaana uu isku dayo in uu kuugu qasbo in aad Diintaada ka baxdo, isla markaana uu diido Qarannimadaada iyo Madax-bannaanidaada, uuna si sharci ah u qaato kheyraadkaaga ma jirto Waddo kale oo kuu furan oo aan ka ahayn in aad dagaal gasho.” Mar Xasan Daahir Aweys la waydiiyay sida uu u arko hadal dhawaan ka soo yeedhay Shariif Sh. Axmed oo ah in Shareecada Islaamka uu Somalia ku dhaqayo, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Ma dhegeysaneyno waxa uu saxaafadda u sheegayo, laakiin si dhab ah ayaanu u fiirineynaa waxa ka suurtagala waxa uu sheegay” waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi ugu dambayntii, “Guryaha burbura dib baa loo dhisi karaa, laakin guri qurxoon oo aan xornimo lahayn qiimo ma laha”



Xigasho: Wargeyska Ogaal

No comments:

Post a Comment