Sunday 29 March 2009

Axmed Siilaanyo Oo Meel Adag Iska Taagay Muddo Kordhinta Cusub M/Weyne Rayaale

Hargeysa (XOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa si kulul u naqdiyay Go’aankii Golaha Guurtidu ay maanta muddo lix bilood ah u kordh

iyeen Madaxweyne Rayaale iyo Ku Xigeenkiisa, waxaanu tallaabada golahaasi ku tilmaamay mid gabal dhac ku ah gedi socodkii hanaanka dimuqraadiyada Somaliland.
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay in aanay jirin asbaab nabad gelyo darro oo dalka ka taagan oo sababta in muddada loo kordhiyo Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay Waraysi uu caawa siiyay laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da, waxaanu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan go’aankan maanta ka soo baxay aqalka Odayaasha, waxaanu yidhi "Waxaan u arkaa go’aankaas mid ayaan darro ah, waa go’aan Guurti, laakiin waxaan u arkaa inuu go’aankaasi ku yahay gabal dhac u dhacay geedi socodkii oo waxyeelo aan laga soo waaqsan u geysanaya horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalka, kuna bilaabay jidkii kali-talisnimada iyo xoriyad la’aanta u horseeday ayaan u arkaa inuu yahay."
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu sheegay in Golaha Guurtidu ay u xilsaaran yihiin inay muddada u kordhiyaan xukuumada ama aanay u kordhin isagoo sabab uga dhigaya haddii ay jirto nabad gelyo darro. "Dalka Somaliland wuxuu ku faa’iiday inuu xoriyad iyo xasilooni haysto, sababta ay qodobkaas u cuskadeen waa wax aan suurto-gelayn oo aan sharciyada iyo dastuurka ku jirin,"ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Komishanka doorashooyinku ay iyagu wakhtiga u cayimaan doorashada, balse aanay Guurtidu raacin wakhtigii Komishanku ay shaaciyeen.
"Horta marka u horreysa Guurtidu ma aha shaqadeedana ma aha inay wakhtiga doorashooyinka u qabato, taasi cid kale ayay xilkeeda tahay sharciguna wuu qeexayaa, arrimahan kalena sharcigu si qudha ayuun buu ogol yahay in loo kordhiyo waxaana weeyaan nabad gelyo darro ka taagan maalinta doorashadu dhacayso, maanta doorasho la leeyahay nabad gelyo darro ayaa ka jirta oo ay tilmaamayaana ma jirto, wax tallo ah oo ay axsaabta weydiiyeena ma jiro. Waxaan aaminsan nahay in gedi socodkii Somaliland meel weyn lagaga dhacay, inay dhaawac ku keenayso horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalku ku tallaabsanayay ama ummaddeedu ay hawaysanaysay,"Ayuu yidhi.
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd in duruufaha guurtidu cuskadeen ay yihiin kuwo munaasib ah iyo in kale.
Md. Siilaanyo, oo la weydiiyay waxay Xisbi ahaan xal u arkaan haddii ay diidan yihiin muddo kordhintan cusub, waxaanu yidhi "Anagu maanta xal ka hadli mayno, jawaabtaydii u horreysay kaas weeye, xisbi ahaana weli tallo isaga-maanu iman oo maanta uun bay ahayd, tallo xisbi ahaan waanu isugu noqon doonaa, ummadda oo dhana way u taalaa."
Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyay in komishanka doorashooyinka ay la shaqaynayaan iyo in kale wuxuu tilmaamay inay Komishanka mar walba shaqo fiicani ka dhaxayso.
Md. Siilaanyo wuxuu cambaareeyay xadhiga saddex Suxufi oo ka tirsan idaacada Radio Horyaal oo Hargeysa lagu xidhay, waxaanu tilmaamay in wadanku qaaday wadaddii keli-talisnimada.


Xigasho: Ramaasnews

Ciidamada Booliska Oo Xabsiga Dhigay Afar Suxufi Oo Ka Tirsan Warbaahinta Madaxa-banaan

Hargaysa (XOL)- Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga dhigay afar wariye oo ka tirsan saxaafadda Madaxa-banaan, waxaana wariyayaashaasi la xidhay saddex ka mid ah la qabtay habeenkii xalay, kuwaasi oo kala ahaa Liibaan Maaweel Shire, Cabdi Abokor iyo Ducaale Maxamed.
Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa isna ciidanka Boolisku qabteen maanta gelinkii hore isaga oo hawl maalmeedkiisa ku guda jira waxaana laga qabtay xarunta baarlamaanka ee magaalada Hargaysa.

Lama garanayo sababta keentay xadhiga suxufiyiinta, balse waxa ay qayb ka tahay cabudhinta iyo cadaadiska xukuumadda Madaxwayne Riyaale ku hayso saxaafaddda madaxa banaan.Madaxda Idaacada Madaxa banaan ee Radio Horyaal, Madaxda ururada saxaafadda Madaxa banaan iyo madaxda axsaabta mucaaridka ah ayaa cambaareeyay xaqdhiga suxufiyiinta, waxaanay masuuliyiinta xukuumadda ugu baaqeen in ay degdeg xoriyadoodii ugu soo celiyaan suxufiyiintaasi.


Xarshinonline News : Shabakadda Wararka Xaqiiqda ah

Iibsiga Kaadhadhka Codbixinta Doorashooyinka oo Xukumadu Si toosa u bilowday Iyo Doorasho Xalaala oo ay ka dhigayso in aanay suurtoobayn

Hargeysa (XOL) - Suuqyada iyo maqaaxiyaha ku yaala Magaalada Hargeysa ayaa xalay la dareemaayey kala iibsiga kaadhkii diiwaangalinta codbixiyayaasha ee dhowaan dadku qaateen”

Gudi u saaray Daahir Riyaale inay Kaadhadhka diiwaangalinta codbixiyayaasha ee dhowaan dadweynaha Somaliland qaateen u soo iibiyaan , ayaa xalay bilaabay inay dirtaan dad badan oo dilaaliina oo u soo uruuriya dadka danyarta ah ee shaqo la,aantu daaashatay oo midkiiba loo sheegay inuu keeno tiro ilaa 30qof kuwaas oo ilaa xalay laga dareemayey Magaalada hargeysa ,
Hawshan Xukuumadu bilowday oo lagu fulinayo lacagtii dowladu dhawaan soo daabacatay oo ah hanti qaranku leeyahay ,ayaa waxaa lagu talo jiraa in hawshan lagu balaadhiyo waqtiyada soo socda magalooyin kale oo loo qoondeeyey kharashaad kale oo lagu kala iibsanayo dadka danyarta ah ee ku nool degaanno ka tirsan Somaliland
dadka u dhuundaloola arimahan ayaa sheegay in gudidan hawsha wada ay heleen kharash badan oo ay hawsha ku fuliyaan lagana soo magaacabay Madaxtooyada oo loogu talo galay in mudo bil gudaheeda ay ku soo iibiyaan kaadhadh badan oo codbixiyaasha magalooyinka badan siiba Hargeysa Iyo Burco oo 50% siiba dadka danyarta u badan ee ku dhaqan magalooyin la calaamadiyey

sida saaka la xaqiijiyey gudaha magaalada hargeysa ayaa waxaa ay dilaaliintu ilaa xalay gacanta ku hayeen hawshan iyadoo dilaaliintu ay soo uruuriyeen dad u badan dhalinyaro iyo dadwayeela oo danyar u badan.
Hooyo ka mida dadkaa saaka la qaaday oo caanaha ku iibisa Suuqa magaalada hargeysa ayaa sheegtay in bas lagaga qaaday xafada ay degantahay iyada iyo dadkale oo dhalinyaro u badan ka dibna la geeyey guriga shaqaalaha oo halkaa ay ugu tageen dad diyaar ku ah ka dibna kaadhkeedii laga siistay $60 aakhirkii ,qaar ka mida darawiliintii basaska laga raaco magaalada gudaheeda ayaa iyaguna cadeeyey in laga kireystay 12basaska oo ka shaqeeya magaalada oo ka qaadayey dadka meelo ka mida xaafadaha magaalada oo dadka lagu uruuriyey aakhirkiina laysugu keenay Guriga Shaqaalaha .
Qorshahan ay xukuumadu ku bilowday in ay hantidii qaranka ku iibsato kaadhadhka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ay dadweynuhu qaateen, ayaa dhabar jab ku noqonaysa rajadii laga qabay inay doorasho xalaali ka dhacdo Somaliland.

"Arrintani waxay ku bilaabantay markii hore si qarsoodiya . Suuqyada iyo maqaaxiyahaba waxa lagu kala iibsanayey kaadhkii diiwaangalinta codbixiyayaasha ee dhowaan dadku qaateen, iyadoo laga kala iibsanayey inta u dhexaysa $20 ilaa $50midkiiba,lakiin iminka waxay noqotay wax aan qarsoonayn oo Guriga shaqaalaha aakhirka aad lacagta ku soo qaadanayso.

Arrintan naxdinta leh ee ay Xukuumadu iminka bilowday ee iibsiga kaadhadhka codbixintu markii hore ahayd qarsoodi, balse hadda si caadi ah loo kala iibsanayo, ayaa lagu tibaaxay ujeeddada ka dambaysa qorshe ay xukuumadu doonayso inay kaadhadhka Codbixiiyaasha soo iibsato ,si ay codadka xisbiga udub ugu hesho kaadhadh codad badan oo ay ku guulaysato "Kaadhadhka la kala iibsanayaa waa kuwa diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo keliya oo lama iibsano ka muwaadinimada.

iyadoo wakhtigii hawsha diiwaangalinta codbixiyeyaasha ka socotay degaannada Gobolka Saaxil ,Sanaag iyo Sool, ayaa Xukuumadu waxa soo baxay tibaaxo sheegaya in ay iibsatey kaadhadhka badan oo codbixineed oo ay soo siistay qiimayaal kala badan .

Si kastaba ha ahatee Hawshan ay Xukuumadu ay ku bilowday hantidii qaranka ee iibsiga kaadhadhka codbixiyaasha ayaa ka dhigan in aanay Somaliland ka dhacayn Doorasho Xalaala kana dhigaysaa diiwaangelintii codbixiyaasha ee kharashka badan ku baxay mid khasaaara ah gebihaanba .


Adan Yusuf Elmi .

Friday 27 March 2009

Gaashaanle Sare Ibraahin Canjeex oo sheegay in loogu hanjabay Xogtii uu a bixiyey Xasuuqii Jasiira.

Hargeysa (XOL) – Sida ay sheegtay shabakadda wararka ee Ramaasnews, waxa la soo xidhiidhay galabta Gaashaanle Sare Ibraahin Cali Barre "Canjeex". Ibraahin wareysi kooban oo uu xafiiska shabakadda Ramaas ugu warramay, wuxu ku sheegay in uu maanta la soo xidhiidhay safiirka Soomaalida ee Suuriya, isla markaana uu ku wargeliyey in uu shandadihiisa ka qaato dalka.


Waxa kale oo uu Ibraahin intaa raaciyey in illaa iyo markii warbaahinta laga sii daayey wareysigiisii ku saabsanaa Xasuuqii Jasiira, ay dunida dacaladeeda kala soo xidhiidheen dad u gaysanaya handadaad. Waxaanu yidhi taas ayey la xidhiidhaa fariintan safiirka ee maantuna. Ibraahin iyo safiirka Soomaalida ee Suuriya waa isku beel.


Waxa ay ahayd todobaadkii hore markii uu Gaashaanle Ibraahim qaar ka mid ah warbaahinta uga warramay sidii uu u dhacay xasuuqii xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho loogu gaystay dad badan oo reer Somaliland ah.


Xigasho: Ramaas News

Tuesday 24 March 2009

Rayaale Oo Ku Hungoobay Kulan Uu La yeeshay Xildhibaanada Harti Ou Uu Kalsooni Uga Doonayay Mooshinka Muddo Kordhinta Ee Golaha Guurtida Horyaalla

Hargeysa(XarshinOnline) - Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumadiisa ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay u tafa xaytay kaambayn cusub oo ay ka bilaabeen golaha guurtida dhexdiisa kaas oo ay ku doonayaan inay ka helaan kalsoonida mudanayaasha golahaas mooshinka muddo kordhinta ee uu Madaxweynuhu qoraalkiisa gaadhsiiyay Golaha Guurtida.
Duhurinimadii doraad ee Axadii ayuu Madaxweyne Rayaale qado sharaf u sameeyay xubnaha beesha Hartiga ka jira golaha guurtida, kulankaas oo ahaa kii ugu horeeyay kaambaynkiisa cusub waxa la sheegay inuu Madaxweynuhu ku hungoobay oo aanu ugu dhicin sidii uu doonayay, sida ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah xildhibaanada la casuumay oo ka dhawrsaday in magacooda la sheego.
Warku wuxuu intaa ku daray in ay casuumadaas madaxweynaha tageen 6 xildhibaan oo keliya halka ay beeshaas hartiga golaha guurtida kaga jiraan 20 Mudane, kuwaas oo la sheegay in wakhtigan 3 ka mid ahi ka maqan yihiin Hargeysa halka ay 17-ka kaleba ku sugnaayeen Magaalada. Mudane u waramayay Saxansaxo ayaa xaqiijiyay inuu Madaxweynuhu xildhibaanada casuumada ugu tagay u sheegay hadal kooban kaas oo ahaa inuu doonayo inay meel mariyeen go’aanka komishanka doorashooyinku uu ku mudeeyay qabashada doorashada 31-ka May,
Goluhuna uu is waafajiyo mnaalintaas iyo mudada xilka madaxtooyada ee dhamaanaya.
Warku wuxuu intaa ku daray in Mudanayaasha casuumada ka qayb
galay mid ka mid ahi uu Madaxweynaha u sheegay in laga yaabo in uu Goluhu dhinaca kale u badan yahay oo aanay iyagu waxba ka tari karin, dhinacaas oo ah in aanu Goluhu xilligan u muuqanin mid u bisil in uu aqbalo muddo kordhin dambe oo xukuumada loo sameeyo. Beesha Hartiga oo keliya ma aha cida uu Kaambaynka xukuumada ku jihaysan yahay, waxase la filayaa inay maalmahan xildhibaanada kale oo beel beel ah ay kulamo la yeeshaan, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii Axadii waxa uu Golaha guurtida u gudbiyay Digreeto uu ku soo gaadhsiiyay go’aanka uu komishanka doorashooyinku ku cayimay mudada cusub ee doorashada ee 31-ka May kaas oo uu kaga dalbaday inuu Goluhu is waafajiyo dhamaadka xilka Madaxweynaha iyo maalinta loo cayimay doorashada,taas oo uu Macnaheedu yahay inuu golaha guurtidu mar kale sameeyo go’aan uu madaxwaynaha iyo ku xigeenka mudada xilka ugu kordhinayo.


Shabakadda Wararka Xaqiiqda ah

Wednesday 11 March 2009

KALA SOCO WARARKA MAALIN WALBA

Maamuulka Shabakadda Wararka Xaqiiqda ah ee XarshinOnline waxa uu ogeysiinayaa akhristayaasha in ay maanta laga bilaabo maalin walba kala socon doonaan warar, maaweelo, ciyaaro iyo sheekooyin, Insha Allah.

Tuesday 10 March 2009

Guddi Hoosaadka Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Oo Maanta Golaha Hor Keenay Naaqishaadii Odoroska Miisaaniyadda

Hargeysa (XOL) - Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa fadhigoodii maanta warbixin ka dhageystay guddi hoosaadka dhaqaalaha. Guddidaas oo muddo todobaad ka badan dabagal iyo naaqishaad ku sameynayey Odoroskii miisaaniyadda sanadka 2009-ka ee ay dhawaan xukuumadu u soo gudbisay.
Fadhigaas oo guddoominayey ku simaha guddoomiyaha ahna, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Md. C/casiis maxamed Samaale, waxa goluhu warbixin dheer ka dhageystay guddida dhaqaalaha oo iftiimiyey gol-daloolooyin ay sheegeen in ay miisaaniyadda ku jirto, taas oo la xidhiidha isu dheelitir la’aan dhinaca kharashka ah.
Guddi hoosaadku waxay Hanti dhawraha guud ee qaranka ku eedeeyeen in uu ku milmay Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana aanu golaha hor keenin xisaab xidhadii miisaaniyadda ee sanadihii 2006, 2007 iyo 2007.
Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in lacagaha dawladdu ka hesho shirkadda TOTAL aan lagu darin miisaaniyadda dalka.
Warbixintaa oo uu fadhiga ka hor akhriyey Md. Cali Xasan Maxamed ”Cali Mareexaan”, waxay u dhignayd sidan:
Gudoomiye iyo mudanayaal, intii uu shaqaynayey golahan lasoo doortay waxaa hore golaha u soo martay sadex miisaaaniyadood oo kala ah
2006‐ 2007‐2008. Goluhu isagoo gudanaya wajibaadkiisa dastuuriga ee qodobka 55
‐aad ee dastuurka qaranka Dhamaan sadexdaa miisaaniyadood wuxuu ka soo saaray Go’aamo iyo talooyin uu raaciyey. Miisaniyadii 2006 wuxu goluhu u kordhiyey mushahar 30% dhammaan shaqaalaha dawlada iyo ciidamada waxan uu raaciyey talooyin.
MiIsaaniyadii 2007 goluhu wuxuu waxka bedel ku sameeyey miisaaniyada mushaharka madaxweynaha isagoo ka jaray qadar lacag ah kuna kabay cusbitaalada iyo jaamacadaha dalka, isaga oo goluhu miisaaaniyadii 2008 ‐dii go’aamiyey wasaarada maaliyadana lifaaq ka qoray lacagta bedelka giinbaarka gobolada bari iyo 2% gii horumarinta gobolada bari. hadaba waxaa xusid iyo xusuus mudan in dhammaan go’aamadaas waxba aanay xukuumadu ka fulin haba yaraatee.
Iyadoo ay sidaasi jirto ayaa waxaa golaha la horkeenay 01/03/2009 odoraska miisaaniyada 2009, waxaana gudiga dhaqaalaha loo soo gudbiyey 02/03/2009, si gudiddu warbixin faahfaahsan uga diyaariso, ka dibna u gudbiso golaha wakiilada.
Hadaba gudiga dhaqaaluhu si ay u hesho macluumaad dhab ah oo ku saabsan miisaaniyadda iyo dhakhliga dalka wuxay kulamo isdaba joog ah la yeeshay wasaarada iyo hay’adaha ay khusayso oo kala ah :‐
1 ‐ Wasaaradda Maaliyadda.
2 ‐ Komishinka Doorashooyinka Qaranka.
3 ‐ Maamulka Dekeda Berbera.
Komishinka Doorashooyinka Qaranka iyadoo aynu wada ogsoonnahay muhiimada ay doorashooyinku qaranka ugu fadhiyaan isla markaana aynu ku jirno sanad doorasho ayaa gudida dhaqaaluhu si ay u hubiyaan in miisaniyada xukuumadu u qoondaysay doorashooyinka in ay tahay mid ku filan ayaa, waxay gudidu xafiiskooda ku booqdeen komishinka doorashooyinka 02/03/2009.
kulankaa komishinka iyo guddida dhaqaalaha waxaa ka caddaatay in miisaaniyda ay wasaaaradda maaliyaddu u qoondaysay doorashooyinku aanu komishinka waxba lagala socodsiin isla markaana aanay ku filnayn in lagu qabto doorasho, komishinkuna aaney ku qanacsanayn. Hadaba si loo helo miisaaniyad ku filan doorashada waxaa gudidu isugu yeedhay wasaaradda maaliyadda iyo komishinka doorashooyinka waxaana kulankaasi ku qabsoomay qolka shirarka ee golaha wakiialda 04/03/2009 iyadoo gudiduna goobjoog ahayd.
waxaa komishinku soo gudbiyeen miisaaniyaddii ay u arkayeen in ay ku qaban karaaan doorashada taas oo ka badnayd tii wasaaradu u qoondaysay oo dhammayd 8,598,461,800.
kulan fool ka fool ah oo ay labada dhinac iskula gorfeeyeen waxay isla garteen in miisaaniyadda doorashooyinka laga dhigo 11,339,461,800 iyada oo aanay noqonayn lifaaq balse lacagta dheeraadka laga soo wareejinayo madax ‐xigeenada (1.5.34 Deeqaha kala duwan ee Wasaarada Maaliyadda iyo Madax xigaha 1.5.19 ee Gurmadka Hawlaha Lamafilanka ah ee wasaarada mataxtooyada), taas oo ah 25% looga baahnaa xukuumada oo weliba ay tahay in ay ka horayso ta deeqbixiyayaasha (in advance) sidaas ayaa wasaaradda maaliyaddu noogu soo gudbisay qoraal rasmiya oo ay ku cadahay miisayaniyadda rasmiga ah toos oo aanu u qaybinayno golaha.
Kulanka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Gudida waxaa gudidu la yeelalatay kulan qaatay sadex saacadood 03/03/2009 wasaaradda maaliyada, kulankaas oo gudida dhaqaalahu si qoto dheer uga waraysteen wasaarada arimaha miisaaniyadda. waxyaabihii kulankaa lagaga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:
1. waxaa keenay hoos u dhaca ku yimi miisaaniyada 2009 marka loo eego 2008
2. sarifka lacaga adag oo is khilaafsan dakhli badanina uu umadda kaga maqan yahay.
3. xisaab xidhadii miisaaniyadaha oo aan golaha la horkeenin si sharciga waafaqsan.
4. iibinta hantida maguurtada ah ee dawlada oo aan miisaniyada ku jirin
5. halka ay martay 2% loo qoondeeyey gobolada Sool iyo Sanaag‐bari
6. bedelka lacagtii giinbaarta gobolada bari oo ugu yaraan labadii miisaaniyadood ee hore ku jirtay laakiiin aan la fulin.
7. Shirkada kootada shidaalka ee Total iyo madmadawga ku jira shaqadooda, qodobadaas iyo arimo kale oo muhiim ah ayaa kulankaas lagu lafa guray. hadii aynu amuurahaas mid mid u soo qaadano:
a) Sarifka Lacagta Adag:
Waxaa jira dakhli dalka ku soo gala lacag adag, kasoo ‐xarooda xoolaha nool, madaarada, shidaalada iyo meelo kaleba. Dakhligaas oo ugu yaraan lagu qiyaasay ilaa 11 milyan oo dollar, waxaa miisaaniyada qaranka ay ugu jirtaa qiimaha 3500 sl sh. waxaa sarifkaa ku baaqsada in ku dhaw kala badh oo ah dakhligii lacagta adag, wasaaradda maaliyadu waxay ku doodaysaa in lacagtaa adag ay ku kabaan raashinka ciidamada, wax baaqsadaana aanay jirin, laakiin waxaa lagama maarmaan ah in goluhu arrintaa ku sameeyo baadhitaan qoto dheer si uu xaqiiqada u ogaado.
b) Xisaab Xidhadii Miisaaniyadda:
Sida laga wada war qabo mudadii lixda sanadood ahayd ee u dambeysey ma jiro wax xisaab ‐xidh ah oo golaha la horkeenay, marka laga reebo 2005 oo xisaab ‐xidh aan sax ahayn golaha loo keenay kaas oo uu goluhu ku celiyey cod aqlabiyad ah kuna amray in ay ku soo saxaan laba bilood gudahood, wax la soo saxayna aany jirin, ilaa hadana aan Hanti ‐dhawraha wax jawaab ah laga hayn.
Iyadoo aan xisaab ‐xidhadii hore ay ku maqanyihiin xisab‐xidhkii 2005 ee Goluhu ku celiyeyna aanu kasoo jawabin ayuu wuxu hanta dhawruhu Golaha keenay xisaab‐xidh qoraal ka kooban 30 page oo uu ku tilmaamay xiaab ‐xidhkii 2006.
Wasaarada maaliyadu waxay eeda baaqashada xisaabxidhada isaga riixday Hanti ‐dhawraha Guud ee Qaranka. hadaba sida uu dhigayo dastuurka qaranka
Q.55 f.6‐7 oo leh sidan “waa waajib u soo bandhigida xisaabxidhka sanad maaliyadeedkii dhamaaday muddo aan ka badnayn lix
bilood oo ka bilaabmaysa taariikhda dhamaadka sanad maaliyadeedkii hore, iyada oo golaha wakiildu ka doodayo, go’aana ka gaadhayo. usoo bandhigida xisaab xidhka miisaaniyadda waxaa u xil saran hanti dhawraha guud” sida ku cad qodobka dastuurka ee kor ku xusan hanti
‐dhawraha guud ee qaranka ayey waajib dastuuriya ku ahayd in uu golaha horkeeno xisaab xidhadaa. Waxa kaloo hantidhawruhu waligii Golaha aanu horkeeenin xisaab‐xidhada hay’adaha madaxa banana ee Qaranka sida (Dekeda, Hamaha shidaalka iyo Total, Madbacada ‐Qaranka, Wakaaladaha kale). Maamulka Dekadu waxay sidoo kale sheegen in sannad kasta ay u gudbiyaan xisaab xidhkooda Hanti ‐dhawraha guud oo aan iyaga waxba ku baaqan. hadaba waxaa cad in hanti dhawruhu uu gabay xilkii uu qaranka u hayey kana soo bixi waayey xilkiisii, isagoo ku milmay wasaaradda maaliyadda, halkii ay ka ahayd in uu hubin iyo daba gal ku sameeyo.
c) Iibinta Hantida Maguurtada Dawlada:
xukuumadu kumay soo darin miisaaniyadda wax dakhliya oo ah iibinta hantida ma guurtadda ee qaranka, sida ku cad boga soo koobida dakhliga madax ‐xigaha (3.1.0). arintaas markii aanu waydiinay
Wasaarada Maaliyada sababta ay misaaniyada ugu soo dari waayeen, waxay sheegeen in aanay jirinba hanti ma guurto ah oo ay iibiyeenba. hadaba waxaa golaha ku waajib ah in ay soo baadhaan soona xajiijiyaan arintaas .
2% Loo Qoondeeyey Sool Iyo Sanaag‐Bari: waxaa golaha wakiiladu ansixiyey sanadkii hore 2% loo qoondeeyey horumarinta sool iyo sanaag bari. ansixintaa waxaa goluhu ku qayday muddo sanad ah oo ahayd 2008 ‐dii ka dibna goluhu dib u qiimeeyo.
Dhamaan dhakhligaa ka soo xarooday 2% laguma soo darin miisaaniyadda, isla markaana xukuumadu golaha kamay soo dalban in loo sharciyeeyo isticmaalka lacagtaas, sida uu dhigayo qodobka dastuurka 55 f 3 “ golaha wakiilada ayaa ogolaanaya kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin” wasaarda maaliyadu waxay noo sheegeen in ay lacagtaasi kujirto account gaar ah.
e) Bedelka Lacagtii Giinbaarta G/ Bari: sida laga warqabo waxaa goluhu ka hawlgalay, islamarkii lasoo doortayba, sidii gobolada bariga dalka looga bedeli lahaa lacagta loo yaqaan giinbaarta oo dhibaato dhaqaale oo aad u foolxun ku haysa umadaas.
Waxaa lagu guulaystay in lagu soo daro miisaaniyadii 2007 lacag ka badan 5 bilyan sl sh. lacagtaas oo wasaarada maaliyadu ku sheegtay in ay tahay lacagtii lagu soo daabacayey, isla sanadkii xigay 2008 waxaa golaha la horkeenay miisaaniyadii sanadkaa taas oo lifaaq ay wasaarada maaliyadu ku balanqaadayso in laga bedeli doono lacagta giinbaaarka goboladaa bisha lixaad 2008. hadaba iyadoo 2008 ‐dii la soo daabacay lacag cusub oo iminka suuqyada wareegaysa ayaaney jirin haba yaraatee wax laga bedelay goboladaas.
waxaa iyana xusid mudan in dhamaan lacagaha uu bangigu soo daabacday aan laga ansixin golaha wakiilada sida uu dhigayo qodobka dastuurka 54 farqaiisa 3 oo ka hadlaya awoodaha golaha dhinaca maaliyada wuxuu leeyay sidan “in la daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo kuwo kale oo leh qiimo dammaanadeed” arintani waxa ay u baahantay in goluhu go’aan sharciya ka gaaadho.
f) Shirkada Shidaalka Ee Total:
Heshiiska shirkadaa xukuumadu la gashay waxaa laalay baarlamankii kan ka horreeyey laakiin weli waxay dalka kaga sii shaqaysaa sifo aan shariga waafaqsanayn, sidaas oo ay tahay ayaa hadana waxay tahay meelaha dalka ugu musuqmaasuqa madan. warbixintii gudida dhaqaalaha ee 2006 ‐dii waxay gudidu ku soo bandhigtay in lacagta shiidaalka dulsaarka ku ah ee ay qabato shirkada TOTAL oo ah $6.7 foosto kasta ay aad uga badan tahay kharashkii ku baxay dayactirka haamaha shidaalka. mudadaas oo ay iminka ka soo wareegtay adex sanadood weli sidii ayaa ummadda looga qaadaa, mana jirto cid la og marka laga reebo dhawrka masuul ee dalka ugu sareeya, dakhliga qarankana meelna lagagama soo daro.
Kulankii Dekeda Iyo Gudida
waxaa gudida dhaqaluhu 05/03/2009 la yeesheen kulan shaqo maamulka dekeda Berbera, iyadoo kulankaa si qoto dheer loogaga hadlay hawlaha dekeda iyo dakhli soo saarka. Miisaaniyada dekeda ee sanadkan 2009 waxay tii sanadkii hore ka badan tahay 20% taas ay
keentay odoroska badeecaha iyo maraakiibta oo in tii hore ka badan, sida ay noo sheegeen maamulka dekedu, halka ay wasaarada maaliyadu soo bandhigtay hoos u dhac maaliyeed sida ka muuqata miisaaniyadaa 2009. hadaba iyadoo ay 80% soo maraan badeecadaha la cashuuraa dekeda berbera ayaa is qardhaafka kor u kaca miisaaniyada dekeda iyo hoos u dhaca miisaaniyada qarabku waxay muujinaysaa tuhun, taas oo u baahan xog dheeraad ah.
kulankii gudida iyo maamulka dekeda waxaa nooga soo baxay laba arimood oo u baahan in si dhakhso ah wax looga qabto.
Waxa iyana hoos u dhac kuyimi xoolaha dekada ka dhoofa o sannadihii 2006 iyo 2007 ay hoos uga dhaceen 60%. Xoolahas waxay u wareegeen dekedaha jabuuti iyo boosaaso taasoo ay ugu wacantahay kootada ay xukuumadu ugu xidhay dhoofka xoolaha sharkada Al ‐JABIRI.
Kootadan dhoofka xooluhu wuxu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqi ganacsi ee magaalada berbera iyo guud ahaan dalka oo dhan, waxan uu xayiray ganacsato badn oo xoolo ka dhoofsan lahaa dekeda berbera.
Waxay ganacsatadaasi u qaybsameen kuow gebi ahanba joojiyey dhofintii xoolaha iyo kuwo u kala yacay dekadaha jaarka.
Hadaba sida udhigayo qodobka dastuurka ee 11 ‐aad kaaso adkeynaya in ganacsigu xor
ahado muwaadinkuna ka mudan yahay cid kasta, waa in xukuumadu xayiraada ka qaado ganacsatada xoolaha madama xooluhu yihiin laf ‐dhabarta dahqaale ee dalka.
1. ciid ku soo badanaysa dekeda halka maraakiibtu ku xidhato oo hadii aan deg ‐deg wax looga qaban ka dhigaysa dekeda meel aan maraakiibtu ku xidhan Karin.
2. intii ka danbaysay qaraxyadii Hargaysa waxaa maamulka dekedu qaaday talaabooyin lagu adkaynayo amaanka dekeda oo ay ka mid yihiin in dadka ganacsatada ay ka soo lugeeyaan ama baabuur lagaga soo daadgureeyo meel dekeda aad uga fog. taasi waxay dhibaato ku keentay ganacsadii dekeda wax kala soo degaysay oo markii horeba ka cabanayey adeeqa oo hooseeeya iyo xafiisyada cashuuraha oo tiro badan. Arrintaasi waxay niyad jab ku keeni kartaa ganacsatada, waxaana ay wax u dhimi kartaa tartanka ay dekedu kula jirto dekedaha kale.
Gebogebo
ka dib falanqayn dheer oo gudidu ay ku sameeyeen miisaaniyadda waxaa gudida u soo baxday in miisaanayadan 2009 aanay sidii kuwii horeba aanay isu dheeli tirnayn kharshiyaadka loo qoondeeyey wasaaradaha sida ay u kala muhuumsan yihiin, hadii ay tahay arimaha bulshada, sida caafimaadka iyo waxbarashada iyo hadii tahay wax soo saarka iyo horumarinta. horumarinta waxaa loo qoondeeyey 1.64% halka wasaarada madaxtooyada iyo mushaharka madaxtooyada loo qoondeeyey 7.8%, oo shaqaalaheedu yahay 73 qof.
Waxaa kale oo jira maadaama oo aynu ku jirno sanad doorasho miisaaniyadana ay ugu jirto doorashada 11,339,461,800/= waxaa golaha loga baahanyahay in uu si mug leh u eego muhiimada ay qaranka u leedahay qabsoomida doorashooyinka oo ku xidhan kharashka dawladu bixinayso oo dhan 25%.
Soo Jeedinta Gudida Dhaqaalaha
1. Maadaama oo goluhu ku qayday qabashada 2% Sool iyo Sanaag bari sanadkiina uu dhammaaday, in xukuumadu joojiso qabashada 2% iyadoo la dhawrayo sharciga.
2. In 2% wixii baxay iyo wixii hadhayba ay wasaaradu ku soo bandhigto kulanka ay golaha la yeelan doonto.
3. In hanti‐dhawraha guud loogu yeedho golaha hortiisa, si loogala xisaabtamo sababta uu ula maqan yahay xissab xidhadii qaranka.
4. In goluhu isku raaco in la joojiyo lacagta dulsaarka ah ee laga qaado shidhaalka ee ay qabato shirkada TOTAL inta la isla meel dhigayo muhmalka iyo mad ‐madawga ku jira lacagtaas.
Ugu danbaytii Mudanayaal, waxay talada miisaaniyada iyo waxa laga yeelayo u taal Golahan Wakiilada, balse waxa cad in dhamaan dustuurka iyo xeerarkii kale ee miisaaniydda ay xukuumadu jebisay, sidaa daraadeed talda u taal Golahan way ka balaadhantahay waxa laga yeelayo Miisaniyada.
Wabilaahi Tawfiiq.
ALLA MAHAD LEH.
Guddida Dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga.
1. Maxamamuud X. Maxamed Cumar-xaashi Gudoomiye
2. Maxamed Nuur Caraale Ku-simaha Gudoomiyaha
3. Cali Xasan Maxamed Jaamac Xubin
4. Saleeban Cawad Cali Xubin
5. Naasir Xaaji Cali shire Xubin
6. Maxamed jaamac Cali Xubin
7. Maxamed Cismaan Bulqaas Xubin
8. Saleeban Yuusuf cali koore Xubin
9. Cali Obsiiye Diiriye Xubin
10. Axmed Saleeban Nuur xoghaynta gaarka ah ee Gudida

Xarshinonline - Shabakadda Wararka Xaqiiqda ah


Xigasho: Ramaasnews

Xildhibaan Indho-buur oo dalka laga mastaafuriyey

Hargeysa (XOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedaysay Mudane Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur),in isagoo ah muwaadin reerSomaliland ah, misna ahaan jiray badhasaab ku xigeenka gobalka Sool,Ayuu Masuulkani isagoon wax xil wareejinah samayn Xilkii uu, uhayey Somaliland, in ku Biiray Baarlamaanka dawladda Sheekh Shariif, markaas oo uu fasax ka qaatay dawladda Somaliland ee u xilka ka hayey Gudoomiye ku Xegeenimada G/Sool
Mr. Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur) ayaa,26-kii Bishii Febarwari ee la soo dhaafay wuxuu ka soo duulay Dalka Jabuuti isagooka mid ahaa 40ka mid ah Baarlamanka Dawlada Sheikh Shiriif ee dhawaan lagu soo dhisay Magaalada Jabuuti,Mr. Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur) ayaa loo diday in uu ka soo dego Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso, Garoonkas Diyaaradaha oo uu ka Arimiyo Mamulka (SSDF), ayaa Ogalaaday 39ka mid ah Baarlamanka Sheikh Shiriif in uu ka soo Dego Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso Balse (indhabuur) uu diiday in uu ka soo dego Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee mamulka SSDF, Mr.Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur), wuxuu dib ula soo labtay Daallo Airlane oo iyadu xiligaas Duulisteedu ku ekayd Magaalada Hargeysa, waxay ciidamada ammaanka Somaliland (Indhabuur) uu sheegeen in uusan dhaafi karin Airportka magaalada Hargeysa maadama uu hadeer ka tirsanyahay Dawlada Sheikh Shirif ee Somalia oo aysan jiriin wax Ogeysiis ah ama Fiise ah iyo isagoo ah Muwaadin uu dhashay Somaliland ahna jireyna Gudoomiye ku Xegeenka G/Sool oo usan si sharci ah ku wareejin Xilkaas, Sida darteed waxay ciidamada ammaanka Somaliland waxay sadex cisho ku hayeen indhabuur Hotel ku yaala Airportka Hargeysa Sadexda Cisho oo Baadhitan ku Socday Mr.Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur), baadhitanka ka dib waxay Ciidamada amaanka Somaliland Ogaadeen Mr.Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur), in safarkiisu usan ahayn Hargeysa ee Arintan ay ka danbeyeen Mamulka (SSDF) ee ka Arimiya Sadexda Gobol Bari/Nugaal/Mudug iyago doonayey in aay fidmo ka dhex abuuran Shacabka Somaliland Mr.Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur), iyadoon la horgayn wax maxkamad ah iyo Xabsi weyntona ayaa xukuumadda Somaliland Diyaarad uu saartay Magaalada Mudisho isbuuci la soo dhaafay, Maaha marki ugu horeyse ee Muwaadin Reer Somaliland ah, oo aaminsan Somaliweyn laga dhoofiyo Airportka Hargeysa ilaa Xiligii laga soo Bilaabo Madaxweynihii ugu horeyey Somaliland Mudane C/raxman Tuur Alle ha u naxariiste, oo Xiligii ina Cigaal laga dhoofiyey Airportka Hargeysa loona Diray Muqdisho,sido kale Jaamac Maxamed Qalib iyo Garaado iyo Suldano badan oo Xadhig ku mutaystay Somaliweynimo, Gabi ahaan Shacabka Reer Somaliland ayaa ku Qanacsan arintan iyada ah!!!Ugu danbaynti Mudane.Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur) wuxuu ka mid ahaa Shaqsiyaadkii sida Geesinimada leh uga Jafay Magaalada Laascaanood Mamulka SSDF ee huwan magaca Mamul gobaledka Puntland

Shabakadda Wararka Xaqiiqda ah


Xigasho: Afnugaal

Monday 9 March 2009

"Guddoomiyaha Komishanku waxa uu u muuqdaa inuu afhayeen u yahay UDUB

Hargeysa(XOL)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, ayaa mar kale ku celiyay in aanay aqbali doonin mudo kordhin markale waqtigii xil-hayntiisa loogu kordhiyo Madaxweyne Rayaale.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Dhexe ee xisbiga, waxa uu si kulul uga hadlay eedaymo Xukuumadda ka soo yeedhay oo ay ku sheegay in xisbiga Kulmiye dalka ka abuurayo xaalad Nabadgelyo-daro.
“Waxa keliya ee ay caanka ku yihiin waa barobagaandaha,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in hadalada Wasiiro Xukuumadda ka tirsani ku sheegeen inay masuuliyiin Mucaaradka ka tirsani doonayaan inay qalalaase dalka ka abuuraan, ay la xidhiidho sidii ay bulshada uga jeedin lahaayeen dhaliilaha Xukuumad ahaan loo jeediyo iyo inay jaahwareer geliyaan ummadda, si ay uga galgashaan waajibaadkii loo doortay oo uu tilmaamay inay fulinteeda ku fashilmeen.
“Annagu Ciidan, hub iyo xabsi midna ma haysano. Laakiin, dad la xidh-xidho iyo wax la dilo waa shaqadooda…Ninka Daalinka ahi wuu baqaa oo waa fule..” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Kulmiye, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in lala xidhiidhiyo inay doonayaan sidii ay dalka xasilooni-daro uga abuuri lahaayeen. “Waxay yidhaahdaan Afrikaanka dawladda xilka haysa uun baa joogta…Waxaan leeyahay; Afrika maahee tani waa Somaliland oo laguma kala adka,” ayuu raaciyay.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax waxa uu sheegay in muddadii umaddu dooratay Madaxweyne Rayaale iyo intii guurtidu u kordhisay-ba ay dhamaatay, isla markaana aanay aqbali doonin muddo-kordhin markale loo sameeyo.
“Mr Daahir Rayaale Kaahin shan sannadood bay umaddu dooratay, shantaa la doortay iyo intii loo kordhiyayba way dhamaatay. Isaga loo kordhin maayo, kordhis dambe oo imanayaana ma jiro. Ma doonayno in nala horkeeno muddo-kordhi, aqbalina mayno,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay, “Madaxweyne; dalka yaanu inaga burburin kordhis dambe oo aan xaq ahayni.”
Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga Kulmiye, waxa kale oo uu ka hadlay eedaymo Wasiiro Xukuumadda ka tirsani u jeediyeen ururkii SNM iyo hoggaamiyeyaasheedii, wuxuuna taas bedelkeeda masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in aasaaskii SNM ka dhashay xad-gudubyo ay qayb ka ahaayeen badhkood oo uu shacabka u gaysteen Maamulkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre, taasoo uu sheegay in badi masuuliyiinta Xukuumadda Rayaale xilligaa ka tirsanaayeen.
“Maalintii nimanka maanta joogaa dadka laynayeen ee ay Xiniinyaha Kalbada kaga qabanayeen, SNM baa ka dhiidhiday.” Sidaa ayuu yidhi. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka mid ahaa aasaasayaashii SNM, waxa uu sheegay in aanay SNM mudnayn aflegaado loo jeediyo. “SNM hadaan waxba loo qabanayn, wax kalena la siinayn aflegaadada halaga daayo,” ayuu yidhi.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, waxa uu masuuliyadda dib-u-dhacyada doorashada dusha u saaray Madaxweyne Rayaale iyo Komishanka doorashooyinka. “Waxa ku guuldaraystay Komishanka iyo Madaxweynaha, in doorasho dhacdo masuuliyadeeda koowaad waxay saaran tahay Madaxweynaha.” Sidaa ayuu yidhi.
Waxa uu tilmaamay in aanay diidanayn dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada, balse marka hore loo baahanyahay in laga wadahadlo ta ay noqonayso dawladda muddada doorashada ka hadhay xilka sii haynaysa. Wuxuuna tilmaamay in go’aan ka gaadhista arrintaasi tahay mid u taala goleyaasha Baarlamaanka.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ka codsaday inay fikir talo midaysan ka yeeshaan xaaladdan cusub ee la galay, maadaama sida uu xusay uu hore iskaashi uga dhexeeyay. “Waan ku ixtiraamayaa fikirkooda, waxaanan UCID leeyahay yaan la idin beerla-xowsaninee aan isku duubnaano,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Kulmiye waxa uu si adag u weeraray hawl-gudashada shaqo ee Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Jaamac Maxamuud Cumar, kaasoo uu sheegay inuu ka leexday doorkiisii dhex-dhexaadnimo.
Guddoomiye Ku-xigeenku waxa uu isbarbar-dhig ku sameeyay habka shaqo ee Guddoomiyeyaashii hore ee Komishanka iyo guddoomiyaha cusub.
“Saddexda nin ee u kala dambeeyay xilka Guddoomiyaha Komishanku waa saddexdii xubnood ee uu soo magacaabay Madaxweynuhu. Laakiin, labadii hore iyo Jaalle Jaamac mid bay ku kala duwan yihiin, waxaanad moodaa Guddoomiyaha cusubi (Jaamac-Sweden) inuu badheedhay oo uu cadaawad u hayo xisbiga Kulmiye. Wuxuu umadda ula muuqdaa Afhayeenka xisbiga UDUB.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka hadlayay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa.
Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Komishanku ka badheedhay u adeegista xisbiga talada haya ee UDUB, isla markaana ay xisbi ahaan la yaaban yihiin qaabka hawl-gudashadiisa. Wuxuuna intaa ku daray, in Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinku ka leexday doorkiisii dhex-dhexaadnimada, isla markaana uu u xaglinayo xisbiga UDUB una sinayn xisbiyada qaranka.
Hase yeeshee, wuxuu uga digay inuu talaabada noocaas ah kusii socdo, waxaanu kula taliyay inuu ka laabto talaabadaas dhexna u noqdo xisbiyada qaranka oo aanu mid gaar ah xilka uu hayo ugu adeegin.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, waxa uu sheegay in marka ay Guddoomiye Jaamac Iswiidhan isugu yimaadaan kulamada wada-shaqayneed ee ay Komishanka la leeyihiin, inuu difaaco xisbiga UDUB iyo Xukuumadda, taasina ay dhaawacayso karaamada iyo shaqada looga baahanyahay ee dhexnimo.

“Komishanka waxaan leeyahay; haku mashquulina Kulmiye’e, shaqadiina ku ekaada,” ayuu yidhi.

XIGASHO: Ogaal



Shabakadda Wararka Xaqiiqda ah

Saturday 7 March 2009

Xarshinonline News: “Sh. Shariif wuxuu Saxaafadda ka sheegayo ma dhegaysanayno, balse..”

Xarshinonline News: “Sh. Shariif wuxuu Saxaafadda ka sheegayo ma dhegaysanayno, balse..”

“Sh. Shariif wuxuu Saxaafadda ka sheegayo ma dhegaysanayno, balse..”

Xasan Daahir Aways
Asmara (XOL)- “Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu u shaqeynayaa Itoobiya, wuxuuna khiyaameeyay Islaamiyiinta, sidaas darteed waanu la dagaallami doonnaa ilaa ay Shareecada Islaamka uga soo rogaan Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi Xasan Daahir Aweys oo eedayn u jeediyay Maamulka cusub ee loo dhisay Somalia.
Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo Waraysi la yeelatay Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Garabka Isbahaysiga Dib-u-xoraynta ee Magaalada Asmara, Aweys waxa uu sheegay in aanay Mucaarad ahayn, isla markaana aanay aqoonsanayn Dawladda Somalia. “Ma nihin mucaarad ee waxaanu nahay Xornimo-u-dirir, mana jirto dowlad aan aqoonsannahay oo Soomaaliya ka jirta, ragga hadda joogana waa kuwo qayaanay dalkooda iyo dadkooda” ayuu yidhi Sh. Xasan Daahir Aweys. Waxaanu Dawladda Itoobiya eedayn ugu jeediyay in ay si indho-la’aan ah u taageertay Dawladda Shariif Sh. Axmed. “Itoobiya si indho la’aan ah ayay u taageertay una ammaantay Shariif, taasina waxay muujineysaa in wadanka ay weli lugta kula jirto Dowladda Itoobiya iyo wakiilladeeda, waana taas sababta aanu u dagaallameyno” ayuu yidhi Xasan Daahir Aweys, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Marka cadaw soo duulay uu dalkaaga soo galo, isla markaana uu isku dayo in uu kuugu qasbo in aad Diintaada ka baxdo, isla markaana uu diido Qarannimadaada iyo Madax-bannaanidaada, uuna si sharci ah u qaato kheyraadkaaga ma jirto Waddo kale oo kuu furan oo aan ka ahayn in aad dagaal gasho.” Mar Xasan Daahir Aweys la waydiiyay sida uu u arko hadal dhawaan ka soo yeedhay Shariif Sh. Axmed oo ah in Shareecada Islaamka uu Somalia ku dhaqayo, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Ma dhegeysaneyno waxa uu saxaafadda u sheegayo, laakiin si dhab ah ayaanu u fiirineynaa waxa ka suurtagala waxa uu sheegay” waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi ugu dambayntii, “Guryaha burbura dib baa loo dhisi karaa, laakin guri qurxoon oo aan xornimo lahayn qiimo ma laha”



Xigasho: Wargeyska Ogaal

Wasiir Cawil muxuu ka yidhi Guryaha isaga iyo Rayaale ka dhisteen dibada?

Hargeysa (XOL/Ogaal Newspaper)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Xusseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay in ay Xukuumadda ahaan diyaar u yihiin qabsoomida doorashada Madaxtooyada, isla markaana haddii damaanad looga baahanyahay waqtiga doorashada la waydiiyo Komishanka doorashooyinka oo uu tilmaamay inay xaq u leeyihiin muddaynteeda.
Wasiirka oo shalay u waramay Telefishanka Horn Cable, waxa uu ku doodday inay jiraan waxyaabo badan oo ay Xukuumad ahaan ku faani karaan inay wax ka qabteen, kuwaasoo uu sida uu tilmaamay ay ka mid yihiin dhismaha Ciidamada, gaadhista Xuduudda dalka, doorashooyinka iyo qodobo kale. “Waxaan u arkaa in Kulmiye khaldan yahay. Doorashada cida ka masuulka ah waqtiga la qabanayaa waa Komishanka....Adduunka oo dhan iyo jaarkeena aynu eegno, doorasho markay dib u dhacdo dawladda markaa joogta uun baa umadda gaadhsiisa doorasho. Dawlad cirka laga keenayaa ma jirto….Marka aad siyaasi tahay, waxa loo baahan yahay inaad Gartaada akhrisato, Kulmiyena Gartooda ha akhristeen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.
Cawil Cali Ducaale waxa uu ku baanay inuu yahay nin Qoraa ah, isla markaana uu mararka qaarkood ku fekero in taariikhdii 1960-kii dib u soo noqotay oo ay dabada ka riixayso fikirka xisbiga Kulmiye. “Waxaan mararka qaarkood is idhaahdaa nimankan mutacalimiinta ah ee Kulmiye intaa may garan waayine, waayo qofka caadiga ah ee suuqa marayaa garanaya in aan dawladdi ka bixin meel oo aan cid kale Cirka laga keenin, dawladd dhisana mid kale lagama dul dhiso. Marka taas rag dalkan u soo halgamay oo taariikh ku lihi ka leexdaan, Ingiriisku wuxuu ku maahmaahaa taariikhdu iyadaa isa soo celisa. Mararka qaarkood waxaan is idhaahdaa 50-kii sannadood baa la gaadhay, waayo 50-kii sannoba mar bay soo noqotaa. 1960-kii bay dawladdi inaga luntay, maantana kontonkii sano ayaa buuxsamay,” ayuu yidhi. Wasiirku waxa uu tilmaamay in xisbiga Kulmiye la mid yahay xisbigii SNL ee sannadkii 19960-kii Xamar geeyay dawladnimadii Somaliland ee xilligaa xoriyadda ka qaadatay Ingiriiska. “Siyaasiyiinta Kulmiye mawjad taariikheed bay dusha ka saaran yihiin, mawjaduna Maraakiib dhan bay Badda ku dartaa. Markaa mawjad culus oo intaas le’eg oo Dimoqraadiyada tuurta ayay dhakada ka saaran yihiin, aqoontii ay kaga degayeena ma laha……Sannad ka hor baanu heshiis galnay, kaasoo sheegayay haddii doorasho dhici waydo waxa la yeelayo, inay heshiiskaa dafiraana maaha,” ayuu raaciyay. Wasiirka Maaliyaddu waxa uu ka galgashay in heshiiskaa oo 8 qodob ka koobnaa ay fulin waayeen dhinacooda qodobaddii khuseeyay, sida qodob sheegayay in la sameeyo guddi joogto ah oo ka wada shaqeeya hawlaha doorashada iyo ilaalinta hantida qaranka in aanay cid gaar ahi adeegsan. Wuxuuna ku doodday in heshiiskaa qodobka ugu muhiimsani ahaa qodobka sheegayay haddii doorasho dhici waydo waxa looga gudbayo. “Ta damaanada waxa loo baahanyahay in Kulmiye, UCID, UDUB iyo dawladduba inta aanu horfadhiisano Guddiga doorashooyinka in aanu nidhaahno damaanad na siiya waqtiga aad ku qabanaysaan doorashada, haddii aad xilligaa ku qaban waydaana xalka noo sheega,” ayuu yidhi oo wax laga waydiiyay damanaad-qaad la xidhiidha dib u dhac mar kale ku iman kara doorashada Madaxtooyada.
Waxa kale, oo uu ku dooday in Xukuumad ahaan dhaqaalihii ay ku bixiyeen doorashada Xisaabiyaha dawladu u hayo, Islamarkaana ay filayaan in tii deeq-bixiyayaashu ay haystaan tii ay dhinocooda ku bixiyeen. Waxaana uu u soo jeediyay Kulmiye inay saxeexaan dhinacooda mudada cusub ee uu qabtay Komishanku.
Wasiir Cawil waxa la weydiiyay arragtida uu ka qabo sida ay ku doodaan Mucaaradku iyo Lexjaclada ay had iyo jeer ku doodaan inay dalka ka qabaan maadaama ay dagaal badan u soo mareen. “Baribaa dhageysanayay marxuukii Cigaal uu yidhi, Dalkan waxaan ka xoreynaynaa kuwii soo xoreeyay…waan yaabi jiray hadalkaa culeyskiisa… waxa weeye, wey dhacdaa Taariikhda aduunka hadaad dib u raacdo, rag u soo halgamay oo waxay u soo hal-gameen burburiyay aduunka waa ka dhacdaa inaga uun maaha” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku, waxaana uu ku dooday in horumar hadii xukuumad ahaan ay ku tilaabsadaan ay ka naxaan. Waxaana uu yidhi, “Kaanbeykoodaa I dhibay, UCID kaabeynkeedu wuxuu ahaa mid hufan… laakiin Kulmiye, wixii guul ah ee dawladu keentaba waxaan ogsoonahay inay ka naxaan oo ay u qaataan dawladaa ku helaysa cod.”
Wasiirka maaliyada oo la weydiiyay sababta uu xisaab xidhadii dawlada u geyn waayeen Golaha Wakiilada, waxaa uu ku dooday in hanti dhawrka dawladu uu hayo oo ay tahay inay Wakiilladu kala xidhiidhaan, islamarkaana ay cid kasta u fasaxayaan dakhliga iyo kharashka Miisaaniyada. “Xisbaayaha guud ayaa gaadhsiiya hanti dhawrka, anaga marka ay halkaa gaadho nama khuseeyo xisaab xidhku, ..Hantidhawrkuna wuu u gudbiyay Golaha Wakiillada” ayuu ku dooday.
Waxaa la weydiiyay Wasiirka maaliyada sida ay wax uga jiraan Guryaha uu ka dhistay magaalada Nayroobi iyo sidoo kale daaraha Madaxweyne Rayaale ka bineystay dalalka dibada gaar ahaan Masar iyo imaaraadka Carabta. Waxaana uu ku dooday in aanu shilin ka lunsan dalka, Islamarkaana ay arrintaasi been tahay. “Waxa jira wax wax haddaad nin weyn tahay laga xishoodo, qof been lagama sheego hadaad hadlayso. Waxaan xasuustaa Marxuum Cigaal, Ninkaa masuulka ah ee habeenka dhaweyd hadlayay, waxa uu odhan jiray Lacag buu banaanka dhigtey, Beeruu leeyahay, guryo ayuu leeyahay, Baxrayn ayay lacagi u taalaa. Markuu dhintay, I rumayso Boqol kun oo shilin kamuu tegin. Diyaaradii lagu qaaday, daynteedii anaa bixiyay markii Wasiirka Maaliyada la ii magacaabay, waan naxay, Cusbitaalkii la dhigay anaa bixiyay dayntiisii, anoo wasiiru-maaliye ah. waa ninkii ninkaa masuulka ahi uu lahaa lacag-buu haystaa.” Sidaas ayuu yidhi, waxaana uu ku dooday in waqti uu ka ahaa Safiirka Dawlada Soomaaliya ee Nayroobi sidan oo kale loogu yidhi waxaad dhisatay Guryo, balse aanay jirin. “Waa la iska jecelyahay, hebelbaa daaro dhistay. Xaasha Madaxweynuhuna sidoo kale, dalkan waa u daacad wuu u dhaartay.”
Wasiirka Maaliyada waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin xidhiidh gaar ah oo ka dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Rayaale oo ka duwan wasiirada kale.
Wasiirka Maaliyadu waxa uu sheegay in haddii Xisbiga UDUB hadii doorashada laga helo uu dib ugu noqon doono shaqo uu jecelyahay oo ah dhinaca qoraalka. “Hadaan doorashadan weyno, waxaan ku noqonayaa shaqadii aan ugu jeclaa oo ah inaan wax qoro” ayuu yidhi.






Xigasho: Wargeyska Ogaal

Friday 6 March 2009

Kulan laga yeeshay dhaqaalaha Doorashada oo

Hargeysa (XOL/Ogaal Newspaper) – Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ayaa ka dalbadey Wasaarada maaliyada iyo Komishanka doorashooyinka inay dib ugu noqdaan miisaaniyada loogu tala-galay doorashada Madaxtooyada, Islamarkaana maanta ahaan dib ugu soo celiyaan giddiga dhaqaalaha miisaaniyad ay isku raacsan-yihiin.
Guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo ku hawlan naaqishaada iyo dib u eegista odoroska miisaaniyada dawlada ee 2009 oo dhawaan Wasaarada maaliyadu u soo gudbisay, ayaa Isniintii todobaadkan kullan ay la yeesheen Gudiga doorashada ku ogaadey in aan Komishanku wax-ba kala socon kharashka wasaaradda maaliyadu u qorshaysay doorashada madaxtooyada ee ku xusan miisaaniyada 2009. Sidaa daraadeed, kullan sadex geesood ah oo ay shalay gudiga dhaqaaluhu isugu keeneen Wasaarada maaliyada iyo Komishanka doorashada.
Xildhibaan Cali Maxamed Xassan (Cali Mareexaan) oo ka mid ah guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo wargeyska Ogaal xog-waran gaar ah ka siiyay arrintan ayaa waxa uu yidhi. “Kullankii hore ee aanu la yeelanay, Komishanka doorashooyinka waxaa nooga soo baxday in aan Wasaaradda maaliyada iyo Gudiga doorashadu wax wadda tashi ah ka yeelan naaqishaada miisaaniyada ku baxaysa Doorashada Madaxtooyada. Sidaa daraadeed, waanu isugu yeedhnay kullan sadex geesood ah saaka (Shalay) oo ay ku kulmeen Wasaarada maaliyada, Komishanka iyo Gudiga dhaqaalahu si ay meesha uga soo baxdo miisaaniyad la isku raacsan-yahay oo doorashada lagu qaban karraa. Ujeedaduna waxay ahayd in la is waafajiyo bajadka doorashada ee ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyadu iyo ka ay sitaan Komishanka doorashooyinku oo farqi ayaa jiray. Laakiin, waxaanu u sheegnay inay iyagu ilaa beri (Maanta) gelinka hore, isa soo arkaan. Dabadeed-na Miisaaniyad la isku waafaq-san yahay ay keenaan.”
Xildhibaan Cali waxaa uu tilmaamay in Komishanka doorashooyinku xaq u leeyahay, inay soo qiimeeyaan oo sameyaan Bajadka ku baxaya doorashada maadaama ay gacanta ku hayaan. waxa kale, oo uu muujiyay in Komishan ahaan odoroska ay sitaan uu ka badan-yahay ka wasaarada maaliyadu ku soo dartey Miisaaniyada sanadka, sidaa daraadeed ay ugu dalbadeen inay dib isugu noqdaan.
Kullankan sadex geesoodka ah markii uu dhamaaday saaka, waxa sidoo kale saxaafada xog waran kooban ka siiyay Wasiirka Maaliyada Xusseen Cali Ducaale (Cawil.) “Waxa la nooga baahan-yahay inaynu ku darno kharashka doorashooyinku ku qabsoomayaan 25%, taasoo u dhiganta 8 - Milyan oo Shilinka Somaliland ah, anaga xukuumad ahaana waa naga diyaar, miisaaniyadana way noogu jirtaa, wixii dheeraad noqdana waxaanu balanqaadaynaa in aanu ku darayno.” Sidaa waxa hadalkiisa ku bilaabay Wasiirka Maaliyada Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil).
Wasiirku waxa uu sheegay in Doorashooyinku ay yihiin waxa keliya ee ay Somaliland ku faanto, isla-markaana ay xukuumada uu ka tirsan yahay wadanka ka hirgelisay 3 doorasho oo ka horeeyay ta fooda inagu soo haysa. “Doorashooyinkuna waxay ka mid yihiin waxyaabaha aynu ku faano oo saddex doorasho oo ay xukuumadani fulisay ayaa dalka ka soo qabsoomay taariikhdana way noo galaysaa. Muhiimada koowaad ee na hortaalaana waa doorashada, anigu in berito la qabto doorashada ayaan aad u jeclaa, dawlado badan oo aanu la kulanayna waxay noo sheegeen ta kaliya ee maanta mustaqbalkeena iyo ictiraafkeenu ku xidhan yahay inay tahay doorashada inagu soo fool leh. Waxayna yidhaahdeen taa markaad ka baxdaan ictiraafka cid aad u daba joogsanaysaan ma jirto.”
Wasiirka Maaliyadu waxa uu ku baanay in xukuumadu ay qayb libaax ka qaadatay, kana soo baxday waajibkii la saaray hawshii diiwaangelinta, isaga oo tilmaamay in diiwaangelintii dalka ka soo qabsoontay ay deeqbixiyayaashu markii hore xukuumada ku wargeliyeen inay bixiso kharashka 2 milyan iyo badh. Hase yeeshee ay markii dambe yidhahdeen malyuun iyo badh bixiya iyaga oo diyaar la ah oo ay xukuumad ahaan bixiyeen Malyuun iyo badh dollar, taasoo ay uga dambaysay kharashkii ku baxay goboladii uu kordhiyay Madaxweyne Rayaale ee Sanaag Bari iyo Sool oo aan iyagu ku jirin qorshihii diiwaangelinta ee Komishanka.
Wasiirka Maaliyada oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay mawqifka ay wakhtigan iska taageen xisbiga Kulmiye arrinta dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada ee Komishanku dhawaan shaaciyay oo anay ilaa xiligan ogolaanin inay saxeexaan, komishankana ay isku diidan yihiin ayaa waxa uu yidhi: “Siilaanyo iyo Muuse waa saaxiibaday, waa niman dalka magac iyo sharaf ku leh oo rag waawayn ah, xashaee kama filayo inay ku kacaan wax dalka iyo dadka khalkhal-gelinaya oo wax u dhimaya oo ay intoodii wanaagsanayd iyo sharaftoodii daamur-madaw ku marinayaan ee wuxuun baan leeyahay sidaa axsaabta iyo komishanku yeeleen idinkuna yeela.”