Saturday, 7 March 2009

Wasiir Cawil muxuu ka yidhi Guryaha isaga iyo Rayaale ka dhisteen dibada?

Hargeysa (XOL/Ogaal Newspaper)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Xusseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay in ay Xukuumadda ahaan diyaar u yihiin qabsoomida doorashada Madaxtooyada, isla markaana haddii damaanad looga baahanyahay waqtiga doorashada la waydiiyo Komishanka doorashooyinka oo uu tilmaamay inay xaq u leeyihiin muddaynteeda.
Wasiirka oo shalay u waramay Telefishanka Horn Cable, waxa uu ku doodday inay jiraan waxyaabo badan oo ay Xukuumad ahaan ku faani karaan inay wax ka qabteen, kuwaasoo uu sida uu tilmaamay ay ka mid yihiin dhismaha Ciidamada, gaadhista Xuduudda dalka, doorashooyinka iyo qodobo kale. “Waxaan u arkaa in Kulmiye khaldan yahay. Doorashada cida ka masuulka ah waqtiga la qabanayaa waa Komishanka....Adduunka oo dhan iyo jaarkeena aynu eegno, doorasho markay dib u dhacdo dawladda markaa joogta uun baa umadda gaadhsiisa doorasho. Dawlad cirka laga keenayaa ma jirto….Marka aad siyaasi tahay, waxa loo baahan yahay inaad Gartaada akhrisato, Kulmiyena Gartooda ha akhristeen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.
Cawil Cali Ducaale waxa uu ku baanay inuu yahay nin Qoraa ah, isla markaana uu mararka qaarkood ku fekero in taariikhdii 1960-kii dib u soo noqotay oo ay dabada ka riixayso fikirka xisbiga Kulmiye. “Waxaan mararka qaarkood is idhaahdaa nimankan mutacalimiinta ah ee Kulmiye intaa may garan waayine, waayo qofka caadiga ah ee suuqa marayaa garanaya in aan dawladdi ka bixin meel oo aan cid kale Cirka laga keenin, dawladd dhisana mid kale lagama dul dhiso. Marka taas rag dalkan u soo halgamay oo taariikh ku lihi ka leexdaan, Ingiriisku wuxuu ku maahmaahaa taariikhdu iyadaa isa soo celisa. Mararka qaarkood waxaan is idhaahdaa 50-kii sannadood baa la gaadhay, waayo 50-kii sannoba mar bay soo noqotaa. 1960-kii bay dawladdi inaga luntay, maantana kontonkii sano ayaa buuxsamay,” ayuu yidhi. Wasiirku waxa uu tilmaamay in xisbiga Kulmiye la mid yahay xisbigii SNL ee sannadkii 19960-kii Xamar geeyay dawladnimadii Somaliland ee xilligaa xoriyadda ka qaadatay Ingiriiska. “Siyaasiyiinta Kulmiye mawjad taariikheed bay dusha ka saaran yihiin, mawjaduna Maraakiib dhan bay Badda ku dartaa. Markaa mawjad culus oo intaas le’eg oo Dimoqraadiyada tuurta ayay dhakada ka saaran yihiin, aqoontii ay kaga degayeena ma laha……Sannad ka hor baanu heshiis galnay, kaasoo sheegayay haddii doorasho dhici waydo waxa la yeelayo, inay heshiiskaa dafiraana maaha,” ayuu raaciyay. Wasiirka Maaliyaddu waxa uu ka galgashay in heshiiskaa oo 8 qodob ka koobnaa ay fulin waayeen dhinacooda qodobaddii khuseeyay, sida qodob sheegayay in la sameeyo guddi joogto ah oo ka wada shaqeeya hawlaha doorashada iyo ilaalinta hantida qaranka in aanay cid gaar ahi adeegsan. Wuxuuna ku doodday in heshiiskaa qodobka ugu muhiimsani ahaa qodobka sheegayay haddii doorasho dhici waydo waxa looga gudbayo. “Ta damaanada waxa loo baahanyahay in Kulmiye, UCID, UDUB iyo dawladduba inta aanu horfadhiisano Guddiga doorashooyinka in aanu nidhaahno damaanad na siiya waqtiga aad ku qabanaysaan doorashada, haddii aad xilligaa ku qaban waydaana xalka noo sheega,” ayuu yidhi oo wax laga waydiiyay damanaad-qaad la xidhiidha dib u dhac mar kale ku iman kara doorashada Madaxtooyada.
Waxa kale, oo uu ku dooday in Xukuumad ahaan dhaqaalihii ay ku bixiyeen doorashada Xisaabiyaha dawladu u hayo, Islamarkaana ay filayaan in tii deeq-bixiyayaashu ay haystaan tii ay dhinocooda ku bixiyeen. Waxaana uu u soo jeediyay Kulmiye inay saxeexaan dhinacooda mudada cusub ee uu qabtay Komishanku.
Wasiir Cawil waxa la weydiiyay arragtida uu ka qabo sida ay ku doodaan Mucaaradku iyo Lexjaclada ay had iyo jeer ku doodaan inay dalka ka qabaan maadaama ay dagaal badan u soo mareen. “Baribaa dhageysanayay marxuukii Cigaal uu yidhi, Dalkan waxaan ka xoreynaynaa kuwii soo xoreeyay…waan yaabi jiray hadalkaa culeyskiisa… waxa weeye, wey dhacdaa Taariikhda aduunka hadaad dib u raacdo, rag u soo halgamay oo waxay u soo hal-gameen burburiyay aduunka waa ka dhacdaa inaga uun maaha” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku, waxaana uu ku dooday in horumar hadii xukuumad ahaan ay ku tilaabsadaan ay ka naxaan. Waxaana uu yidhi, “Kaanbeykoodaa I dhibay, UCID kaabeynkeedu wuxuu ahaa mid hufan… laakiin Kulmiye, wixii guul ah ee dawladu keentaba waxaan ogsoonahay inay ka naxaan oo ay u qaataan dawladaa ku helaysa cod.”
Wasiirka maaliyada oo la weydiiyay sababta uu xisaab xidhadii dawlada u geyn waayeen Golaha Wakiilada, waxaa uu ku dooday in hanti dhawrka dawladu uu hayo oo ay tahay inay Wakiilladu kala xidhiidhaan, islamarkaana ay cid kasta u fasaxayaan dakhliga iyo kharashka Miisaaniyada. “Xisbaayaha guud ayaa gaadhsiiya hanti dhawrka, anaga marka ay halkaa gaadho nama khuseeyo xisaab xidhku, ..Hantidhawrkuna wuu u gudbiyay Golaha Wakiillada” ayuu ku dooday.
Waxaa la weydiiyay Wasiirka maaliyada sida ay wax uga jiraan Guryaha uu ka dhistay magaalada Nayroobi iyo sidoo kale daaraha Madaxweyne Rayaale ka bineystay dalalka dibada gaar ahaan Masar iyo imaaraadka Carabta. Waxaana uu ku dooday in aanu shilin ka lunsan dalka, Islamarkaana ay arrintaasi been tahay. “Waxa jira wax wax haddaad nin weyn tahay laga xishoodo, qof been lagama sheego hadaad hadlayso. Waxaan xasuustaa Marxuum Cigaal, Ninkaa masuulka ah ee habeenka dhaweyd hadlayay, waxa uu odhan jiray Lacag buu banaanka dhigtey, Beeruu leeyahay, guryo ayuu leeyahay, Baxrayn ayay lacagi u taalaa. Markuu dhintay, I rumayso Boqol kun oo shilin kamuu tegin. Diyaaradii lagu qaaday, daynteedii anaa bixiyay markii Wasiirka Maaliyada la ii magacaabay, waan naxay, Cusbitaalkii la dhigay anaa bixiyay dayntiisii, anoo wasiiru-maaliye ah. waa ninkii ninkaa masuulka ahi uu lahaa lacag-buu haystaa.” Sidaas ayuu yidhi, waxaana uu ku dooday in waqti uu ka ahaa Safiirka Dawlada Soomaaliya ee Nayroobi sidan oo kale loogu yidhi waxaad dhisatay Guryo, balse aanay jirin. “Waa la iska jecelyahay, hebelbaa daaro dhistay. Xaasha Madaxweynuhuna sidoo kale, dalkan waa u daacad wuu u dhaartay.”
Wasiirka Maaliyada waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin xidhiidh gaar ah oo ka dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Rayaale oo ka duwan wasiirada kale.
Wasiirka Maaliyadu waxa uu sheegay in haddii Xisbiga UDUB hadii doorashada laga helo uu dib ugu noqon doono shaqo uu jecelyahay oo ah dhinaca qoraalka. “Hadaan doorashadan weyno, waxaan ku noqonayaa shaqadii aan ugu jeclaa oo ah inaan wax qoro” ayuu yidhi.






Xigasho: Wargeyska Ogaal

No comments:

Post a Comment