Tuesday 23 September 2008

Somaliya: Garabyada Nuur Cadde iyo Cabdilaahi Yuusuf oo isku khilafsan shirka Jabuuti

Jabuuti (Ogaal) – Shirka la doonayay in lagu heshiisiiyo Mucaaradka uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo dawlada Somaliya oo ka socda Magaalada Jabuuti ayaa dhaliyay khilaaf hor leh oo sii kala fogeeyay laba Garab oo ka wada socda maamulka ku meel-gaadhka ah oo ay kala hogaamiyaan Cabdilaahi Yuusuf iyo Raysal-wasaare Nuur Cade.
Khilaafkan ayaa wararku sheegayaan inuu sababey in shirka Jabuuti uga socda waftiga uu hogaminayo Ra'isal wasaraha Somalia iyo mucaaradka Asmara aanay ka soo xaadirin koox wasiiro ah oo intooda badan dhawaan Barlamanka Soomaaliya diiday inay dib uga mid noqdaan Xukuumada iyo Taliye-yaasha Ciidamada Dawlada ku meel-gaadhka ah, kuwaasoo ka qayb galey wajigii Kowaad ee kulankan.
Warku wuxuu intaa ku daray in waftiga Ra'isal wasaaraha Somalia ee ka qayb galay shirka aanay ka mid aheyn Taliye-yasha Ciidamada [ Taliyaha ciidamada Mileteriga, Taliyaha ciidamada Nabad Sugida, Taliyaha ciidamada Booliska ] kuwaasoo diidey inay ka qayb-galaan. Sababna ugu dhigay diidmaddooda inaan mucaaradku waxba ka qaban amaanka Somaliya sidii lagu balamay wajigii hore ee shirka"Wafitiga Ra'isal wasaarha DF ah uu hogaaminayo iyo mucaaradka Asmara garabkiisa Jabuuti waxba kuma kala duwana, waana isku-aragti sidaas awgeed wax ay ka heshiiyaan meesha ma jiraan." Sidaa waxa u sheegay shabakada wararka Intarnetka ee Garowe mid ka mid ah Wasiiradda la safan Cabdilaahi Yuusuf ee Baarlanku diiday. Waxana uu intaa ku daray oo uu ku dooday in aan mucaaradka Shariifyada eek u sugan Jabuuti aanay waxba ka qaban karin dagaalada ka socda Muqdisho.
Is-maandhaafka labada dhinac ee dawlada ku meel-gaadhka ah ayaa sidoo kale warku sheegay inuu salka ku hayo qaabka loo xuley waftiga uga qayb galey shirka Jabuti iyada oo ay Ra'isal wasaaraha ku eedeeyeen inuu kaxeystey xubno ay isku fikir yihiin.
Khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya ayaa soo laba kacleeyey ka dib markii Xildhibanada Barlamanku diideen qodob ka mid ahaa heshiiskii Madaxweyne Cabdulahi Yusuf iyo Nuur Cadde ku soo soo saxiixeen Addis Ababa.

Muxuu Weftiga Riyaale kala kulmay Ingiriiska


London (Ogaal) -Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wafti uu hogaaminayo ayaa xalay fiidkii ka degay magaalada London ee xarunta boqortooyda dalka Britain, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Rayaale iyo waftigiisa oo todobaadkii ugu danbeeyay-ba socdaal ku marayay wadamada Faransiiska iyo Jarmalka sida sheegayaan wararka laga halay wadanka Ingiriisku, waxa xalay ku qaabilay maadaarka Heathrow Airport, masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha dibada wadankaasi, mudanayaal ka tirsan Baarlamanka iyo sidoo kale, Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo mudo uga sii horeeyay una go’gol xaadhayay waftiga. Ma jiro war labada dhinac socdaalka Madaxweynaha iyo ujeedadiisa ka soo saareen. Hase ahaatee, sida lagu faafiyay shabakadaha wararka Intarnetka Somaliland qaarkood, Madaxweyne Rayaale iyo Waftisiigu waxay dalka Ingiriiska kala kulmeen soo dhaweyn ka miisaan roon qaabilaadii loo sameeyay laba jeer oo hore oo Mudane Rayaale dalkaas Socdaal ku tagay.
Waftiga Madaxweyne Rayaale waxa la sheegay inuu degay Hoteel aan ka fogayn qasriga Madaxtooyada Britain, iyadoo sida warku sheegay la siiyay waftiga Ilaalo khaas ah oo amaanka Madaxweynaha la socota mudada uu ku suganyahay dalka Ingriiska, kuwaasi oo u qaadi doona hadba goobaha uu kulamada kula leeyahay dawlada Ingriiska iyo jaaliyadaha Reer Somaliland.
Saxaafada umay suurto galin in ay Madaxweyane Rayaale iyo waftigiisa madaarka kulla kulmaan sidoo kale, wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale oo ahaa afhayeenka waftiga ayaa wax war ah ka soo saarin. Sidaa daraadeed, lama xaqiijin karo sida wax uga wadda jiraan wararka laga helayo dalkaasi.
Waftiga Madaxweyne Rayaale socdaalkoodan intii ay ku sugnaayeen Wadanka Jarmalka wax war ahi kama soo bixin, hase yeeshee Madaxweyne Rayaale hore ayuu u sheegay inuu dalkaas u tagayo arrimo caafimaad.
Sida uu sheegay afhayeenka waftiga Madaxweyne Rayaale intii ay ku sugnaayeen Wadanka Faransiiska waxay kulamo la yeesheen madax sare, oo dalkaas ka mid ah kuwaasoo ay ka dalbadeen inay ka caawiyaan Somaliland arrimo ay ka mid-yihiin dhaqaaluhu.
Lama oga Mudada uu qaadan doono Socdaalka Madaxweyne Rayaale iyo waftigiisu ku sii sugnaan doonaan Wadanka Ingiriiska ee ay xalay gaadheen iyo sidoo kale kulamada u qarshaysan.