Tuesday 23 September 2008

Muxuu Weftiga Riyaale kala kulmay Ingiriiska


London (Ogaal) -Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wafti uu hogaaminayo ayaa xalay fiidkii ka degay magaalada London ee xarunta boqortooyda dalka Britain, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Rayaale iyo waftigiisa oo todobaadkii ugu danbeeyay-ba socdaal ku marayay wadamada Faransiiska iyo Jarmalka sida sheegayaan wararka laga halay wadanka Ingiriisku, waxa xalay ku qaabilay maadaarka Heathrow Airport, masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha dibada wadankaasi, mudanayaal ka tirsan Baarlamanka iyo sidoo kale, Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo mudo uga sii horeeyay una go’gol xaadhayay waftiga. Ma jiro war labada dhinac socdaalka Madaxweynaha iyo ujeedadiisa ka soo saareen. Hase ahaatee, sida lagu faafiyay shabakadaha wararka Intarnetka Somaliland qaarkood, Madaxweyne Rayaale iyo Waftisiigu waxay dalka Ingiriiska kala kulmeen soo dhaweyn ka miisaan roon qaabilaadii loo sameeyay laba jeer oo hore oo Mudane Rayaale dalkaas Socdaal ku tagay.
Waftiga Madaxweyne Rayaale waxa la sheegay inuu degay Hoteel aan ka fogayn qasriga Madaxtooyada Britain, iyadoo sida warku sheegay la siiyay waftiga Ilaalo khaas ah oo amaanka Madaxweynaha la socota mudada uu ku suganyahay dalka Ingriiska, kuwaasi oo u qaadi doona hadba goobaha uu kulamada kula leeyahay dawlada Ingriiska iyo jaaliyadaha Reer Somaliland.
Saxaafada umay suurto galin in ay Madaxweyane Rayaale iyo waftigiisa madaarka kulla kulmaan sidoo kale, wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale oo ahaa afhayeenka waftiga ayaa wax war ah ka soo saarin. Sidaa daraadeed, lama xaqiijin karo sida wax uga wadda jiraan wararka laga helayo dalkaasi.
Waftiga Madaxweyne Rayaale socdaalkoodan intii ay ku sugnaayeen Wadanka Jarmalka wax war ahi kama soo bixin, hase yeeshee Madaxweyne Rayaale hore ayuu u sheegay inuu dalkaas u tagayo arrimo caafimaad.
Sida uu sheegay afhayeenka waftiga Madaxweyne Rayaale intii ay ku sugnaayeen Wadanka Faransiiska waxay kulamo la yeesheen madax sare, oo dalkaas ka mid ah kuwaasoo ay ka dalbadeen inay ka caawiyaan Somaliland arrimo ay ka mid-yihiin dhaqaaluhu.
Lama oga Mudada uu qaadan doono Socdaalka Madaxweyne Rayaale iyo waftigiisu ku sii sugnaan doonaan Wadanka Ingiriiska ee ay xalay gaadheen iyo sidoo kale kulamada u qarshaysan.

No comments:

Post a Comment