Showing posts with label somalia. Show all posts
Showing posts with label somalia. Show all posts

Tuesday, 10 March 2009

Xildhibaan Indho-buur oo dalka laga mastaafuriyey

Hargeysa (XOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedaysay Mudane Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur),in isagoo ah muwaadin reerSomaliland ah, misna ahaan jiray badhasaab ku xigeenka gobalka Sool,Ayuu Masuulkani isagoon wax xil wareejinah samayn Xilkii uu, uhayey Somaliland, in ku Biiray Baarlamaanka dawladda Sheekh Shariif, markaas oo uu fasax ka qaatay dawladda Somaliland ee u xilka ka hayey Gudoomiye ku Xegeenimada G/Sool
Mr. Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur) ayaa,26-kii Bishii Febarwari ee la soo dhaafay wuxuu ka soo duulay Dalka Jabuuti isagooka mid ahaa 40ka mid ah Baarlamanka Dawlada Sheikh Shiriif ee dhawaan lagu soo dhisay Magaalada Jabuuti,Mr. Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur) ayaa loo diday in uu ka soo dego Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso, Garoonkas Diyaaradaha oo uu ka Arimiyo Mamulka (SSDF), ayaa Ogalaaday 39ka mid ah Baarlamanka Sheikh Shiriif in uu ka soo Dego Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso Balse (indhabuur) uu diiday in uu ka soo dego Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee mamulka SSDF, Mr.Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur), wuxuu dib ula soo labtay Daallo Airlane oo iyadu xiligaas Duulisteedu ku ekayd Magaalada Hargeysa, waxay ciidamada ammaanka Somaliland (Indhabuur) uu sheegeen in uusan dhaafi karin Airportka magaalada Hargeysa maadama uu hadeer ka tirsanyahay Dawlada Sheikh Shirif ee Somalia oo aysan jiriin wax Ogeysiis ah ama Fiise ah iyo isagoo ah Muwaadin uu dhashay Somaliland ahna jireyna Gudoomiye ku Xegeenka G/Sool oo usan si sharci ah ku wareejin Xilkaas, Sida darteed waxay ciidamada ammaanka Somaliland waxay sadex cisho ku hayeen indhabuur Hotel ku yaala Airportka Hargeysa Sadexda Cisho oo Baadhitan ku Socday Mr.Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur), baadhitanka ka dib waxay Ciidamada amaanka Somaliland Ogaadeen Mr.Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur), in safarkiisu usan ahayn Hargeysa ee Arintan ay ka danbeyeen Mamulka (SSDF) ee ka Arimiya Sadexda Gobol Bari/Nugaal/Mudug iyago doonayey in aay fidmo ka dhex abuuran Shacabka Somaliland Mr.Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur), iyadoon la horgayn wax maxkamad ah iyo Xabsi weyntona ayaa xukuumadda Somaliland Diyaarad uu saartay Magaalada Mudisho isbuuci la soo dhaafay, Maaha marki ugu horeyse ee Muwaadin Reer Somaliland ah, oo aaminsan Somaliweyn laga dhoofiyo Airportka Hargeysa ilaa Xiligii laga soo Bilaabo Madaxweynihii ugu horeyey Somaliland Mudane C/raxman Tuur Alle ha u naxariiste, oo Xiligii ina Cigaal laga dhoofiyey Airportka Hargeysa loona Diray Muqdisho,sido kale Jaamac Maxamed Qalib iyo Garaado iyo Suldano badan oo Xadhig ku mutaystay Somaliweynimo, Gabi ahaan Shacabka Reer Somaliland ayaa ku Qanacsan arintan iyada ah!!!Ugu danbaynti Mudane.Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur) wuxuu ka mid ahaa Shaqsiyaadkii sida Geesinimada leh uga Jafay Magaalada Laascaanood Mamulka SSDF ee huwan magaca Mamul gobaledka Puntland

Shabakadda Wararka Xaqiiqda ah


Xigasho: Afnugaal

Saturday, 7 March 2009

“Sh. Shariif wuxuu Saxaafadda ka sheegayo ma dhegaysanayno, balse..”

Xasan Daahir Aways
Asmara (XOL)- “Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu u shaqeynayaa Itoobiya, wuxuuna khiyaameeyay Islaamiyiinta, sidaas darteed waanu la dagaallami doonnaa ilaa ay Shareecada Islaamka uga soo rogaan Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi Xasan Daahir Aweys oo eedayn u jeediyay Maamulka cusub ee loo dhisay Somalia.
Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo Waraysi la yeelatay Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Garabka Isbahaysiga Dib-u-xoraynta ee Magaalada Asmara, Aweys waxa uu sheegay in aanay Mucaarad ahayn, isla markaana aanay aqoonsanayn Dawladda Somalia. “Ma nihin mucaarad ee waxaanu nahay Xornimo-u-dirir, mana jirto dowlad aan aqoonsannahay oo Soomaaliya ka jirta, ragga hadda joogana waa kuwo qayaanay dalkooda iyo dadkooda” ayuu yidhi Sh. Xasan Daahir Aweys. Waxaanu Dawladda Itoobiya eedayn ugu jeediyay in ay si indho-la’aan ah u taageertay Dawladda Shariif Sh. Axmed. “Itoobiya si indho la’aan ah ayay u taageertay una ammaantay Shariif, taasina waxay muujineysaa in wadanka ay weli lugta kula jirto Dowladda Itoobiya iyo wakiilladeeda, waana taas sababta aanu u dagaallameyno” ayuu yidhi Xasan Daahir Aweys, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Marka cadaw soo duulay uu dalkaaga soo galo, isla markaana uu isku dayo in uu kuugu qasbo in aad Diintaada ka baxdo, isla markaana uu diido Qarannimadaada iyo Madax-bannaanidaada, uuna si sharci ah u qaato kheyraadkaaga ma jirto Waddo kale oo kuu furan oo aan ka ahayn in aad dagaal gasho.” Mar Xasan Daahir Aweys la waydiiyay sida uu u arko hadal dhawaan ka soo yeedhay Shariif Sh. Axmed oo ah in Shareecada Islaamka uu Somalia ku dhaqayo, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Ma dhegeysaneyno waxa uu saxaafadda u sheegayo, laakiin si dhab ah ayaanu u fiirineynaa waxa ka suurtagala waxa uu sheegay” waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi ugu dambayntii, “Guryaha burbura dib baa loo dhisi karaa, laakin guri qurxoon oo aan xornimo lahayn qiimo ma laha”



Xigasho: Wargeyska Ogaal

Monday, 24 November 2008

Qaramada Midoobay oo ka Biyo-diiday in Cabdillahi Yussuf Ka Qaybgalo Shirka Jabouti


Warar hordhac ah oo aan wali si rasmiya loo xaqiijin ayaa sheegaaya in Cabdillahi oo doonaayey in uu hogaamiyo wafdiga dib-u-heshiisiinta ee Maamulkiisa uga qayb-gelaaya shirka Jabuuti ay UN-ku ku gacan saydheen, iyada oo loo sheegay in aan wakhtigan wax laga bedeli karin gudiyadii hore u matalayey dhinacyada heshiiska saxiixay.
Dad ku dhow-dhow Cabdillahi ayaa ka sanqadhiyey in Odaygu uu aad uga cadhooday arintaas isaga oo dacwad u gudbiyey safaarada Jabuuti ee magaalada Nairobi si loogu fududeeyo in uu ka dego Jabuuti.

UN-ka ayaa la sheegay in ay ka shakisan tahay in Cabdillahi uu Carqaladeeyo heshiiskii hordhaca ahaa ee lagu gaadhay Jabuuti, waa haddii uu soo gaadho Jabuuti. Dowlada Jabuuti ayaa iyana laga dhadhansaday in ay ka dayrisay socdaalka uu Cabdillahi ku doonaayo in uu Jabuuti ku yimaado, iyada oo horeyba uga mid ahayd labada wadan ee u ololeynayey Is-casiladda Cabdillahi Yussuf si loo dhiso dawlad wadaag ah.
Wararku waxay sheegayaan in aanu Odaygu weli ka quusan tegitaanka Jabuuti isaga oo laga yaabo in uu si shakhsi ah uga codsado Madaxweyne Geele in uu yimaado Jabuuti.


Source:halganka.net

By: Osman Abdillahi Sool.
Freelance Journalist.

Thursday, 20 November 2008

Ciidamada illaalada Madaxatooyada Soomaaliya oo laga wareegay Ammaanka guriga Ra'isul wasaare Nuur Cadde.

Ciidamada illaalada Madaxatooyada ayaa laga wareegay gacan ku heynta Ilaalinta guriga Ra'isul wasaaraha Dowlada KMG Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Sida ay idaacadda shabeelle u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dawlada federal-ka Soomaaliya oo diiday in magacooda lasoo xigto galinkii danbe ee shaly ayaa waxaa lagu wargaliyay ciidamo ka tirsan madaxtooyada dawlada KMG Soomaaliya oo gacanta ku hayay amaanka guriga ra'isul wasaaraha dawlada in ay isaga tagan halkaasi islamarkaana aanay shaqo ku lahayn ilaalinta amaanka guriga raisul wasaaraha.
Markaa ka dib ayaa waxaa la sheegay in ciidanka ka tirsanaa madaxtooyada saraakiishoodu ay ka dhagadaygeen in ay u hugaansamaan amarkaan oo aan la shaacin cidda uu kasoo baxay iyo sababta loo qaatay toona waxaase wax yar ka dib halkaasi gaaray saraakiil ka kala tirsan milatariga dawlad federal-ka Soomaaliya iyo cidanka Ethiopia ee jooga Soomaaliya isla markaana taasi ay ku qasabtay ilaalada madaxtooyada in ay guriga isaga dhaqaaqaan sidaana amaanka guriga raisul wasaaraha ay kula wareegeen ciidamo ka tirsan milatariga dawlada federal-ka ah isla markaana ay ra'isul wasaaraha isku haybyihiin iyo saraakiil Ethiopian ah oo la sheegay in ay xaalada kor kala socdeen
Arintaan ayaa waxaa ay xiriir la leedahay qilaafka u dhaxeeya madaxwaynaha iyo ra'isul wasaaraha dawlada federal-ka Soomaaliya kaas oo hadda ay muuqato in uu u dusay qaybaha kala ee dawlada federal-ka Soomaaliya uuna meesha kabaxay isaaminaada labada dhinac hase ahaatee afhayeenka milatariga dawlada federal-ka Soomaaliya ayaa beeniyay arinkaan isaga oo sheegay in amaanka guriga ra'isul wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu wali gacanta ugu jiro ilaa lada madaxtooda dawlada federal-ka Soomaaliya
Dhacdaadaan ayaa kusoo aadaysa xili madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf iyo ra'isul wasaare Nuur Cadde uu qilaafkoodu hadda gaaray xili uu nin walba ku fikiro sidii uu meesha uga saarilahaa kan kale maadaama ay qarsanwaayeen qilaafkooda sida ay ukala aragtiduwanyihiin awgeed.
Khadar Iid Kaariye
XarshinOnline News Deck
Hargeysa, Somaliland

Wednesday, 8 October 2008

“Markabka waanu sii daynaynaa maanta marka heshiisku dhammaado”

Afhayeenka Budhcad-Badeedka

-Sidee Cuntada loogu geeyaa Budhcad-Badeedda Markabka haysta?

-Shirkadda Markabka Hubka lagu afduubay oo shaacisay cidda dhab ahaan u leh Shixnadda

Nairobi (Ogaal/W.Wararka)- Wararkii u dambeeyay ee Markabka Hubka sida ee u afduuban Budhcad-Badeedda Soomaalida ayaa sheegaya in Budhcad-Badeeddu hoos u dhigtay Qiimaha Lacagta Madax-furashada ah ee ay hore u dalbadeen, waqti ay Dawladda Kenya Maraakiib iyo Ciidamo u dirtay goobta Markabka lagu haysto. Iyaga oo Budhcad-Badeedku sheegay in laga yaabo in ay maanta sii daayaan haddii guul laga gaadho wada-hadallo ay sheegeen in ay gebogebo ku dhaw yihiin, taas oo ku saabsan bixinta Lacagta Madax-furashada ah. Dawladaha Caalamka qaarkood ayaa wada olole ka dhan ah Budhcad-Badeedka oo lagu doonayo in la sameeyo qorshe loo dhan yahay oo lagaga hor tegayo fiditaanka iyo xoogaysiga intan dhaafsiisan ee Budhcad-Badeedda.
Ballanqaadka Budhcad-Badeedka:
Afhayeen u hadlay Budhcad-Badeedka Soomaalida ee afduubka u haysta Markabkan ayaa sheegay in uu gebogebo ku dhaw yahay, isla markaana meel fiican marayo wada-hadallo u socda iyaga iyo dadka arrinta Markabku khusayso. Waxaanay rejo wanaagsan ka muujiyeen sii daynta Markabka, iyaga oo ballan qaaday in ay sii dayn doonaan maanta oo ay shaacin doonaan isla maanta dhammaadka wada-hadalladan. “Heshiiska ayaa laga yaabaa in la gaadho Arbacada (maanta), ka dib waxaanu shaacin doonaa in heshiis la gaadhay.’ Sidaa waxa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay Sugulle Cali oo la sheegay in uu Kooxda Budhcad-Badeedda ah ugu magacaaban yahay Afhayeen. Sidoo kale, Budhcad-Badeedda ayaa la sheegay inay hoos u dhigeen Qiimaha Lacagta Madax-furashada ah ee ay hore u dalbadeen oo dhamayd 20-Milyan oo Dollar. Kaas oo ay sheegeen in ay hadda doonayaan 8-Milyan oo Dollar. “Waxa aad loogu rejo wayn yahay in aanu Markabka sii dayno saacado gudahood haddii ay bixiyaan 8-Milyan.” Sidaa waxa Wakaaladda Wararka ee AP Khadka Telefoonka Satelite-ka ugu sheegay nin Magaciisa ku sheegay Jaamac Aadan oo sheegay in uu metelayo Afhayeenka Kooxda Sugulle Cali oo uu sheegay in waqtigaa aanay suurtogal ahayn in la helo. Waxa kale oo uu ninkani sheegay in Budhcad-Badeedda Markabka saaran ay Cuntada iyo baahiyaha kale ee ay u baahan yihiin Markabka dushiisa ugu geyso Doon nooca yar-yar ah oo ay leeyihiin. “Kooxdu aad bay u fiican yihiin.” Ayuu yidhi Jaamac Aadan. Balse, waxa jira tuhuno tallaabadan ku xeeran, taas oo looga shaki qabo in Doonta yari Hubka fudud dejiso iyo in kale. Hase ahaatee Afhayeen u hadlay Ciidamada Badda Maraykanka ee ku xeeran Markabkan ayaa sheegay in arrintaasi aanay u suurtogalayn oo ay ilaalinayaan. “Maraakiibtayada ayaa Indhaha ku haya, waxaananu si adag ula soconaa Xaaladda.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Ciidamada US u hadlay Lt. Nathan Christensen.
Kenya & muranka lahaanshaha Shixnadda:
Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, Dawladda Kenya ayaa u dirtay goobta Markabkan Hubka siday lagu haysto ee Hobyo 49 Askari oo Ciidamada Badda Kenya ka tirsan oo ku gaashaaman afar Doonyood oo mid ka mid ahi nooca waawayn tahay, si ay uga mid noqdaan Ciidamada ku hareeraysan Markabkan. Waxa jira warar ka soo baxaya lahaanshaha dhabta ah ee Saanadda Milatari ee saaran Markabkan, kuwaas oo sheegaya in loo waday Koonfurta Suudaan. Hase yeeshee Shirkadda Markabkan leh oo lagu magacaabo Ukrspetsksport ayaa difaacday sheegashada Kenya ee lahaanshaha Hubka iyo saanadda kale ee Markabka saaran. “Saanaddan Milatari waxa lahayd Wasaaradda Difaaca Kenya.” Sidaa waxa yidhi Sarkaal u hadlay Shirkaddan. Dhinaca kale, Maxkamad ku taala Magaalada Mombaza ee Dalka Kenya ayaa sii daysay Madaxa Ururka marista Badaha ee Geeska Afrika Mr. Andrew Mwangura, iyada oo ku ridday Xukun lacageed oo dhan 20,000 oo Shilin Kenyan ah, una dhiganta ilaa 2,700 Dollarka Maraykanka ah. Mr. Mwangura ayaa lagu eedeeyay inuu ka been abuuray Wararka ku saabsan Markabka Hubku saaran yahay ee ay haystaan Budhcad-Badeeddu, isla markaana uu xidhiidh la leeyahay kooxaha Markabka haysta.
Qaramada Midoobay:
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobayna shalay ansixiyay qaraar cusub oo ku saabsan la-dagaallanka Budhcad-Badeedda. Kaas oo ugu baaqaya Dalalka Caalamka inay Diyaarado iyo Maraakiib Milatari ku daad gureeyaan Xeebaha Somalia, si ay uga qayb qaataan la-daggaalanka Budhcad-Badeedda. Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 1838 isla markaana uu dabada ka riixayo Faransiisku, ayaa cambaaraynaya falalka Budhcad-badeednimo. Bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay meelmariyeen qaraar dalalka shisheeye loogu ogolaanayo gelitaanka Biyaha Somalia. “Dadka Somalia 3-Milyan ayaa ku sugan Gaajo. Sidaa darteed, sidaad ogtihiin Budhcad-Badeeddu waxay argagaxisanimo ka bilaabeen Biyaha Xeebaha Somalia.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Qaramada Midoobay ee New-York. Waxaanu Xoghayaha guud ku amaanay Dawladda Kanada Maraakiibteeda Dagaal ee galbiya Maraakiibta WFP ee Raashinka gargaarka ah u sida Somalia. “Ilaa hadda ma jiro dal kaliya oo si mutadawacnimo ah u istaagay kaalinta Kanada iska taagtay arrintan.” Ayuu yidhi Ban. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Ilaalin la’aanteed Maraakiibta Caawimada sidaa iman maayaan, haddii aanay iman-na dad badan ayaa dhimanaya.”
Qiimo-korodhka rarashada Maraakiibta:
Shirkad fadhigeedu yahay Magaalada London ee Ingiriiska, laguna magacaabo Chatham House ayaa ka digtay in Ganacsiga adduunku waajaho jaha-wareer, waxaanay sheegtay in khataraha Budhcad-Badeedka awgeed ay Maraakiibtu markay ka imanayaan Waqooyiga Maraykanka iyo Qaaradda Yurub ay ka wareegi doonaan Dariiq dheer, iyaga oo mari doona dhinaca Biyaha Pasific-ga, isla markaana ay ka soo geli doonaan dhinaca Dalka Koonfur Afrika, magaalada Cape of Good Hope. “Haddii qiimaha Shirkadaha Caymisku ay kor u kacaan ama khataro badani ku yimaadaan, Shirkadaha Maraakiibtu way ka wareegi doonaan Gacanka Cadmeed, waxaanay mari doonaan Jidka dheer ee Waqooyiga Yurub iyo Qaaradda Afrika, kaas oo gala Magaalada Cape of Good Hope.” Ayay Shirkaddani ku tidhi War-murtiyeed ay arrinta Budhcad-Badeedda ka soo saartay. Iyada oo intaa raacisay in socdaalka muddada dheer qaadanaya jidka dheer awgii iyo Shidaalka ku baxaya ay kor u kici karaan qiimaha rarashada Maraakiibtu.