Monday 24 November 2008

Qaramada Midoobay oo ka Biyo-diiday in Cabdillahi Yussuf Ka Qaybgalo Shirka Jabouti


Warar hordhac ah oo aan wali si rasmiya loo xaqiijin ayaa sheegaaya in Cabdillahi oo doonaayey in uu hogaamiyo wafdiga dib-u-heshiisiinta ee Maamulkiisa uga qayb-gelaaya shirka Jabuuti ay UN-ku ku gacan saydheen, iyada oo loo sheegay in aan wakhtigan wax laga bedeli karin gudiyadii hore u matalayey dhinacyada heshiiska saxiixay.
Dad ku dhow-dhow Cabdillahi ayaa ka sanqadhiyey in Odaygu uu aad uga cadhooday arintaas isaga oo dacwad u gudbiyey safaarada Jabuuti ee magaalada Nairobi si loogu fududeeyo in uu ka dego Jabuuti.

UN-ka ayaa la sheegay in ay ka shakisan tahay in Cabdillahi uu Carqaladeeyo heshiiskii hordhaca ahaa ee lagu gaadhay Jabuuti, waa haddii uu soo gaadho Jabuuti. Dowlada Jabuuti ayaa iyana laga dhadhansaday in ay ka dayrisay socdaalka uu Cabdillahi ku doonaayo in uu Jabuuti ku yimaado, iyada oo horeyba uga mid ahayd labada wadan ee u ololeynayey Is-casiladda Cabdillahi Yussuf si loo dhiso dawlad wadaag ah.
Wararku waxay sheegayaan in aanu Odaygu weli ka quusan tegitaanka Jabuuti isaga oo laga yaabo in uu si shakhsi ah uga codsado Madaxweyne Geele in uu yimaado Jabuuti.


Source:halganka.net

By: Osman Abdillahi Sool.
Freelance Journalist.

No comments:

Post a Comment