Monday 24 November 2008

Ururka QARAN Oo La Sheegay in uu ku dadaali doono in uu taageero X.Kulmiye doorashada soo socota

Hoggaamiyeyaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE iyo ururka la mamnuucay ee QARAN, ayaa shalay kulan ay ku yeesheen xarunta xisbiga KULMIYE kaga wada-hadlay iskaashi wada-shaqayneed oo dhexmara labada dhinac, waxaanay labada dhinac mabda’ ahaan isla qaateen in ururka QARAN kala shaqeeyo xisbiga KULMIYE sidii ugu guulaysan lahaa doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto March 2008.

Ma jiro war rasmi ah oo ay labada dhinac ka soo saareen kulankoodan shalay, hase yeeshee ilo xog-ogaal ah oo kulankaas ka ag-dhawaa ayaa Haatuf u sheegay in masuuliyiin labada dhinac si qoto dheer uga wada-hadleen iskaashi iyo wada-shaqayn dhexmarta.

Kulankan oo ay xisbiga KULMIYE uga qayb-galeen gudoomiyaha xisbiga Axmed Siillaanyo iyo afartiisa gudoomiye ku-xigeen iyo Xoghayaha Guud, halka ururka QARAN ay uga qayb-galeen gudoomiyaha ururkaas Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, labadiisa gudoomiye ku-xigeen iyo weliba xubno kale oo hoggaanka ururkaas ka tirsan, ayaa labada dhinac waxay kaga doodeen qaabkii ay u wada-shaqayn lahaayeen iyo sidii ay u samaysan lahaayeen istaraatijiyad ay kaga wada-hawl-galaan sidii KULMIYE ugu guulaysan lahaa talada dalka.

Sidoo kale waxay labada dhinac kulankoodan iskula soo qaadeen sidii ay is-af-garad uga yeelan lahaayeen qodobo muhiim ah oo wax ka bedel u baahan haddii uu xisbiga KULMIYE ku guulaysto talada dalka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in ururada siyaasaddu ka qayb-qaataan tartanka doorashooyinka si ay fursad ay u helaan siyaasiyiinta reer Somaliland, isla markaana aanay saddexda xisbi oo keliya kooto ugu haysan siyaasadda dalka iyo taaba gelinta xukun wanaaga ku salaysan dimuqraadiyadda.

Inkasta oo aanay labada dhinac kulankaas aanay ku soo bandhigin barnaamijka iyo qaabka ay u wada-shaqaynayaan, haddana waxa laysku af-gartay in qolo waliba dhinaceeda u soo samaysato barnaamijka ay u aragto inay labada dhinac ku wada-shaqayn karaan, kadib kulan dambe laysugu yimaado, iyadoo kulanka dambe loo balamay inuu qabsoomo maalinta Khamiista ee toddobaadkan.

Maaha markii ugu horeysay inay KULMIYE iyo QARAN kulan noocan oo kale ahi dhexmaro, balse waxay hore masuuliyiinta labada dhinac uga dhawaajiyeen inuu jiro iskaashi iyo wada-shaqayn ka yeelanayaan sidii xisbiga KULMIYE ugu guulaysan lahaa talada dalka doorashooyinka Madaxtinimada ee soo socda.

Source: Haatuf Newspaper

No comments:

Post a Comment