Thursday 20 November 2008

Dowladda Sacuudiga oo shaacisay in ay Ciidamo u dirayso Xeebaha Soomaliyeed


HARGEYSA(XoL)-Dowladda Sacuudiga ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay ku biiri doonto dowladaha Ciidamada u diraya Xeebaha Soomaaliya ee la dagaallamaya Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta iyo Doomaha qafaasha.Amiir Feysal waxaa uu sheegay in Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida ay noqdeen cudur ku sii faafaya Caalamka, kaasi oo uu xusay in haddii aan wax laga qaban uu sii baahi doono, uuna gaari doono heer ay wax ka qabashadiisa adag tahay.Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa wuxuu ku soo aaday iyadoo kooxaha Af-duubtay Markab Sacuudiga laga leeyahay oo Saliid badan ay ku raran tahay ay dalbanayaan lacag madax furasho ah, taasi oo aaney cadadkeeda sheegin.Cajalad cod ah oo ay soo duubeen Kooxda Burcad Badeedka ah ee Markabkaas heysta, isla markaana laga sii daayay TV-ga Al-Jazeera ayay ku sheegeen in ay doonayaan in lacag madax furasho ah laga siiyo markabka Sirius Star, kaasi oo wada 2 Milyan oo Fuusto oo Saliid Ceyriin ah.“Waan-waan-wadayaasha waxay saaran yihiin Markabka dushiisa, dhulkana wey joogaan, mar kasta oo ay aqbalaan in nala siiyo lacagta madax furashada ah, waxaa lacagta naloogu keeni doonaa Markabka dushiisa, waana iska hubin doonna in ay tahay lacag been abuur ah waayo waxaan heysannaa makiinado lagu hubiyo lacagaha aan saxda ahayn”ayuu yiri nin u hadlay kooxdan Burcad Badeedka ah oo magaciisa ku sheegay Faarax Cabdi Jaamac.Markabka Sirius Star oo laga soo qafaashay meel 450 Mile Koofur Bari kaga toosan Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ayaa waxaa saaran25 shaqaale ah oo 19 ka mid ah Philippines u dhasheen, 2 ka mid ahna Britain, 2 kalena Poland, mid Croatian ah and mid Saudi u dhashay.
Xigasho: Qaran News

No comments:

Post a Comment