Friday 28 November 2008

Wasiirka Daakhiliga Oo Qaraxyadii 29-kii Oktoobar Ku Eedeeyay Inay Ka Dambeeyeen Urrurka Al-Shabaab


Hargeysa (XarshinOnline) Wasiirka daakhiliga C/llaahi Ismaaciil Ciro ayaa sheegay in qaraxyadii 29-kii bishii hore ka dhacay gobo ku yaala caasimada Hargeysa inay ka dambeeyeen ururka Al-shabaab,ka dib markii uu maanta shirjaraa;id oo uu xafiiskiisa ku dhawaaqay natiijadii ka soo baxday baadhista weeraradii ismiidaaminta ahaa ee 29-kii October 2008 lala beegsaday Madaxtooyada, Xafiiska Safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland iyo xafiiska hay’ada UNDP magaalada Hargeysa.
Wasiirku waxa uu sheegay in tiradii dadkii qaraxyadaas fuliyey ay dhammaayeen lix qof oo mid ka mid ahi uu u dhashay Somaliland, halka shanta kalena ay ka soo jeedaan koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in laba ka mid ah si toos ah u aqoonsadeen,inkasta oo aanu magacooda sheegin xubnahaasi ay aqoonsadeen.
“Dhacdadii dhacday 29-kii October ee dhimashada, dhaawaca iyo khasaarahaba geysatay ee Dawlada Somaliland gil-gilshay waxa laga joogaa maanta sagaal iyo labaatan maalmood, muddadaasna waxa lagu gudo jiray baadhis si xaqiiqada loo ogaado, iyada oo ay weli baadhisteedii socoto oo ay natiijada u danbeysa maxkamadu leedahay ayaan doonayaa maanta inaan idiin iftiimiyo oo ummada u sheegno in badan ayey dhegtu taagnayd, weerarkaas ciddii ka dambeysay ee soo abaabushay ee Madaxda ka ahayd ee hawlgalka fulisay kuwii dhintay iyo kuwa noolba meelkastaa oo ay joogaan-ba waxa weeyaan Ururka la yidhaahdo Al-shabaab,” ayuu yidhi Wasiir C/laahi Ciro.
Wasiir C/laahi Cirro oo ka hadlayey dhacdadan ugu dambaysay cidda ka fulisay iyo cidda ka dambaysayba wuxuu yidhi; “Kiiskan ugu dambeeyey Axmed Cabdi Godane iyo Mukhtaar Al-Mansoor Roobow labadoodaasi ayaa abaabulkiisa lahaa, halkan ninka isaguna abaabulaha koowaad ka ahaa waxa la yidhaa Cabdifataax Cabdilaahi Guutaale oo Green Card mareykan ah sita inuu sax ahaa iyo in kale mooyaane Baasaboor Soomaali ahna laba jeer kaga soo degay marna Airport-ka Hargeysa kagana dhoofay labada goorba Baasaboorka, waa isla kii hase yeeshee, Magaca ayaa kala beddelen, marna waxa u qoran Cabdilaahi Guutaale, marna waxa u qoran Axmed Muuse iyo Nin-kale oo la yidhaahdo Nuur Sheekh Muxumed oo baxsaday iyo nimanka iminka arrintan u xidhan oo markaan maxkamada u gudbino aad xaqiiqdooda ogaan doontaan.”
Wasiirku waxa uu sheegay in aanay ahayn markii ugu horreysay ee Al-shabaab soo weerarto Somaliland, balse ay ka dambeysay weeraradii hore uga dhacay ee lagu laayey dad ajaanib ah oo hawlo samafal u joogay dalka.
Isaga oo arrimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Kooxda Al-shaabab markii ugu horreysay ee ay Somaliland soo weerarto maaha, waxay soo weerartay marar badan oo is-daba jooga weerarkii ugu horreeyey waxa uu dhacay 19/9/2000, waxay afduubeen gaadhi ay lahayd WFP, kooxdii Afduubtay waxa madax ka ahaa Nin-kii la odhan jiray Kuutiye ee kooxdii Dhoqoshay-na watay waxa ku xigay dilkii nin la odhan jiray Martin oo 30 Dec 2002 ee Huteel Star horteeda ka dhacay”
Waxaanu intaa raaciyay “waxa ku xigay dilkii dhacay 05/10 2003 oo Boorma ka dhacay ee Alaneli tonelli loo geystay, waxa ku xigay dilkii lamaanihii dugsiga sheikh oo isaguna dhacay 8 November 2003, waxa ku xigay dhacdadii lacagta ahayd ee Wajaale laga dhacay 22 Novenber 2003, waxa ku xigay dilkii gabadhii Sawaaxiliyada ahayd ee lagu dilay tuulada la yidhaahdo Diin-qal 19/3/2004, waxa ku xigay miino aad u fara badnayd oo lagu qabtay Hargeysa 27 April 2006, waxa ku xigay hawlgal ballaadhnaa oo lala doonayey goob-joogayaashii doorashadii Barlamaanka oo Xamar laga soo abaabulay oo nimanka Al-shabab Madaxda ka ah gaar ahaan Aadan Xaashi Cayrow iyo ninka layidhaahdo Axmed Cabdi Godone, Ibraahim Jaamac Meecaad ay soo abaabuleen kaasina waxa uu dhacay 22 September 2005, waxa kooxda madax u ahaa Axmed Cabdi- Godane waagaas ayuu ka baxsaday Somaliland intii ka danbeysayna waa Madaxda Sare ee Al-shabaab.”Ayuu yidhi wasiirku
Waxaanu ugu dambeyntii wasiir C/laahi ciro yidhi “Cadowga Somaliland ee ilaa maalinta hore ilaa maanta waxa kiisas ah ee is-daba jooga ah cidda ka masuulka ah ee aan caalamkana u sheegaynaa, ummada Somaliland-na aanu u sheegaynaa ee aanu leenahay waa cadowgiina 1-aad ee ogaada Waa Al-shabaab , iyaaga Madax ka ah maalintii dhawayd markii ay arrintani dhacday waxa uu ina Cabdi- Godane ku khudbadeeyey Waajibaad ayaa la soo gutay aad iyo aad ayey ugu riyaaqeen, waxa isaguna ku jiray Xasan Turki,” ayuu yidhi Wasiirku.


Source: Somaliland.org

No comments:

Post a Comment