Wednesday 19 November 2008

Gaadiidkii isaga Gooshayey Hargeysa iyo Wajaale oo gabi ahaanba Istaagay.

Wajaale (XOL) Maamulka Degmada Wajaale ayaa in ka badan Boqol Gaadiidka Dadwaynaha ah ee iskaga goosha Itoobiya iyo Somaliland mudo laba cisho ah ku xanibay magaaladaasi.Talaabada ay Maamulka Degmadu ku joojiyeen Gaadiidkaasi ayaa la sheegay in ay Xanibtay Dadwayne faro badan oo gaadiidkaasi Isticmaali jiray waxaana la sheegay in Dadkii Hargeysa u soo safrayey ku dhibaataysan yihiin Magaaladaasi.Gudoomiyaha Degmada Wajaale Cumar Aadan Qasaali oo aanu wax ka waydiinay in ay jirto arrintaasi ayaa waxa uu ku jawaabay“Way jirtaa arrintaasi waadigaa arkaya amniga iyo xalada wadanku ku jiro iyo dhibaatada inagu dhacaday maadaama oo ay hawshaasi jirto waxa dhacday in Nimankan Tagsiilayaasha ahi ay sameeyeen in ay Dadka ka soo Tahriibiyaan Itoobiya, Qaarkood waxay soo garab maraan Kaantaroolada, waxa kale oo dhaca in ay Dadka ku sameeyaan Dhibaato fara badan oo ah dhacdooyinka dhacay in Qofka iyo alaabtiisa la kala qaado oo laba baabuur la kala saaro waxa kale oo dhacay in Hooyo iyo Ilmaheedii yaraa laba Baabuur la kala saaro markaa markii aanu ka waynay cid maamusha iyo Fursad in ay samaystaan ayaanu hawshaa u galnay ilaa aanu hawshaa u samaynaynana waanu wadaynaa”Dhinaca kale mar aanu Gudoomiyaha waydiinay Tirada Baabuurta halkaa ku Xaniban inta ay yahiin waxa uu ku jawaabay“Gawaadhidaasi ilaa Boqol Baabuur bay ku dhawyihiin waana Tagaasidii Hargeysa u soo baxaysay uun markaa istaanka uu khalkhalku ka jiraa waa ka Hargeysa, lama qabo ka Boorame, Alaybaday, Sheed Dheer waxaas oo dhami lama qabaan Boqolkaa Tagsi xitaa waxa ay qaadayaan ma oga”Mar aanu waydiinay Gudoomiyaha Mudada ay Gawaadhidu Xanibnaayeen Waxa ay Dadku Isticmaalayeen waxa uu ku jawaabay“Laba arrin ba waa la helay Basas soo qaadana waanu helnay waxaana kolay jirta Tahriib in Dadku Koonayaasha ka soo baxaan”Dhinaca kale mar aanu waydiinay Gudoomiyaha intii uu joogay Degmada waxay u qabteen waxa uu ku jawaabay“Arrintaasi waxa weeyi Kolay Bini’aadamku guri ma dhisto ilaa uu Qorshe samaysto anagu waxaanu samaynay mudadii aanu joognay baahida ay Dadwaynahu qabaan ama mid maamul ha ahaato ama mid kale ha ahaatee waxa noo muuqata baahidu sida ay tahay taasina imika way noo dhamaatay waxaananu ka bilaabaynaa Xafiiskayagii aanu ku shaqayn lahayn”Mar aanu wax ka waydiinay Dhinaca amniga iyo Mukhaadaraadka wadanka la soo galiyo waxa uu ku jawaabay Gudoomiyahu“Makra aad eegto amniga waxa u xilsaaran Booliska hadana hawshaasi khamriga iyo mukhaadaraadka shayga ugu dhibta badan ee na haysataa waa khamriga oo Dalka aynu jaarka nahay ee intaa yar ee Togu inoo dhaxeeyo ayuu geesna uu xalaal ka yahay Geesna Xaaraan ka yahay markaa mudadii noogu horaysay qab qabasho badani way jirtay imika wax ka soo talawsho ah oo ka dhacaa ma jiro waayo askarta ayaa waxay ka hawl gashaa Xadka inoo dhaxeeya”Ugu dambayn,Waxa uu godoomiyuhu ka dhawaajiyay inay jecel yihiin inay dadka la sameeyaan wada-tashi mar walba, laakiin nidaamka iyo shuruucda ay ku soconaysaa uu iyaga saaran yahay.

No comments:

Post a Comment