Wednesday 19 November 2008

Qaramada Midoobay oo Ku Dhawaaqday inay Hoos u Dhigeen Heerka Qiimaynta Ammaanka Somaliland.

Hargeysa(XOL) Qaramada Midoobay, ayaa heerkii nabadgelyada Somaliland ee ay ka haysteen hoos u riday oo ka dhigay heerka 4-aad, halkii markii hore ay ka ahayd heerka 3-aad ee qiimaynta nabadgelyda
Waxaana Sidaa daboolka lagaga qaaday shirjaraa’id oo Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo isu-duwidda deeqaha caalamiga ah ee Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) maanta ku qabtay huteelka Maan-soor ee Caasimada Hargeysa, waxaannu sheegay in Qaramada Midoobay si rasmi ah ugu wargelisay inay dalka Somaliland ka saareen kaalintii 3-aad ee uu kaga jiray dhinaca ammaanka, una aqoonsadeen kaalinta 4-aad ee goobaha aan amniga laysku hallayn Karin ka jiraan.

Waxaannu idiinku yeedhnay war nagu soo biiray oo ah in aannu Qaramada Midoobay ka helnay qoraal ay noogu gudbiyeen go’aan ay yidhaahdeen waxa qaadatay qoladii New York, kaas oo runtii aan na qancin, waxa qoraalkaas ku yaala inay aad ugu dadaalayaan in barnaamijyadii horumarinta ee dalka ka socday in sidoodii u soconayaan oo ay aad ugu dadaalai doonaan in aanay is dhimin, hase ahaatee waxay yidhaahdeen aad baanu ula hadalnay qoladii New York, basle talo ayey gaadheen ah in heerkii nabadgelyada Somaliland siday iyagu u haysteen uu noqdo afar, halkii uu saddex ka ahaa, laakiin muddo yar in qiimeyn haddan lagu sameeyo oo kor loo qaado. Mashaariicdii sideedii bay u soconaysaa, waxase laga yaabaa in tirada shaqaalaha uun la yara yareeyo,” ayuu yidhi Md. Cali Sanyare,
Waxaannu intaa ku daray, “Marka jawaab baannu ku celinay aannu leenahay go’aankaa aad gaadheen haba yaratee waa mid aan noo cuntamin oo aannu diidannahay, annaga oo diidmadayada go’aankoodaas ku sababaynay, kow go’aankaa ay qaateen waa mid ku salaysan arrimo gudaha ah oo aan ahayn arrimo ka baxsan waxa dantooda ah oo ay ugu badnayd inay iminka bartilmaameed noqdeen. Ta labaad in badbaadinta shaqaalahooda darteed u qaateen, markaa waxaannu nidhi labadan qodob ee aad cuskataeen maaha qodobo nuxur leh ee waa qaar aad dantiina uun u qaadateen o aad ka boodeen nuxurku meesha uu ahaa oo ah la dagaallanka argagixisada oo inta badanna Qaramada Midoobay ku dhawaaqdo, laakiin aydaan arkayn inaad ku camal-fasheen, kana uu ka farxinayaba argagixisada, dadkii dhibaatadu soo gaadhayna aan wax siisay, sidaa daraadeed aannu gebi ahaanba diidannahay go’aankaas oo ahaa mid aan qoto dheerayn, Qaramada Midoobayna looga fadhiyin.”Ayuu yidhi Cali Sanyare
Mudane. Cali-sanyare wuxuu rajo fiican ka muujiyey in ay go’aanka ka laaban doonto Qaramada Midoobay, isla markaana ay wadahadal kala galayaan madaxda Qaramada Midoobay go’aankan ay qaadateen oo ay ugu tagayaan meel kasta oo suurtagal ah.


Khadar Iid Kaariye
XarshinOnline News Deck
Hargeysa, Somaliland

No comments:

Post a Comment