Thursday 20 November 2008

Komishinka Doorashooyinka, Xisbiyada iyo Wasaarada Daakhiliga oo xal ka gaadhday cabashadii hawlwadeenada Diiwaan-gelinta

Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa xalay xal u helay cabashadii hawlwadeenadii diiwaangelinta ee gobollada Saaxil iyo Awdal, oo sheegay in kharash maalmeedkoodii qeyb ka mid ah laga jaray, waxaanay soo saareen go'aamo lagu soo afjarayo cabashadii hawlwadeenadii goobaha diiwaangelinta. balse may sheegin inay lacagtii shaqaalahaasi tirsanayeen ay u hayaan iyo in kale.

Go'aamada lagu xalinayo cabashadii shaqaalihii ka hawlgalay diiwaangelinta ayaa ka dambeeyay shir ay maanta isugu yimaadeen komishinka doorashooyinka, xisbiyada iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland
.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Maxamed Ismaaciil (kaboweyne) oo ka hadlay go'aanka ay soo saareen shirkii ay la yeesheen wasiirka arrimaha gudaha iyo saddexda xisbi qaran ayaa wuxuu yidhi "Markii ilaa saaka aanu shir u wada fadhinay komishirnka, wasaarada daakhiliga iyo saddexda xisbi qaran, waxa lagaga hadlay sidii lacagtii ay shaqaysteen loo siin lahaa dadkii ka hawlgalay hawshii diiwaangelinta codbixiyayaasha ee gobollada Saaxil iyo Awdal, waxaanu go'aaminay qoddobadan soo socda.

Wakiiladii saddexda xisbi qaran ee ka soo shaqeeyay hawsha diiwaangelinta gobolada Awda iyo Saaxil ee lacagtoodii u hadhsanayd waxay tagayaan oo ka qadanayaan lacagtoodii 20 ka bishan xarunta xisbigiisii.
Hawl Wadeenadii komishinka doorashooyinka iyo kuwii maxkamadaha ka tirsanayd ee ka hawlgalay diiwaangelintii gobollada Awdal iyo Saaxil, waxay tagayaan huteelka Crown ee hore loo odhan jiray Araweelo, halkaasi oo lacagtoodii ugu diyaar tahay 20 ka bishan.
Dadkii tababarku u hadhsanaa ee ka hawlgalayay gobolka Hargeysa, waxaanu u sheegaynaa in tababarkii si dhakhso ah u bilaabmi doono".


Wasiirka arrimaha gudaha Md. C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro ayaa isaguna u mahad naqay hawl wadeenadii diwaangelinta gobollada Awdal iyo Saaxil oo uu sheegay inay ka aqbaleen inay joojiyaan buuq ay isniintii ka sameeyeen xarunta ciidanka birmadka oo la doonayay in lacagta lagu bixiyo.

Waxa kale oo uu ammaan u soo jeediyay wakiilada saddexda xisbi oo shalay uu tilmaamay inay ka hawlgaleen sidii xal looga gaadhi lahaa cabashada hawlwadeenadii diiwaangeinta gobolada Awdal iyo Saaxil oo sheegayay in badh laga jaray lacagtii ay xaqa u lahaayeen.
Sidoo kale waxa arrintaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ka socday xisbiga UDUB iyo C/kariim Maxamed (Xinif) oo isaguna ka socda xisbiga Kulmiye kuwaasi oo goob joog ka ahaa shirkii lagu soo afjarayay cabashadii shaqaalihii diiwaangelinta.
Khadar Iid Kaariye
XarshinOnline News Deck
Hargeysa, Somaliland

No comments:

Post a Comment