Monday 24 November 2008

Baaq ku socda Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool wadamada Yurrub iyo Ameerika.

Magaca Eebe ee naxariiskta mid guud iyo mid gaar ah.
Baaq ku socda Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool wadamada Yurrub iyo Ameerika.

Baaqan waxa aan ku bilaabayaa su'aal aan weydiinayo dadka reer Somaliland ee ku nool wadamada Yurub iyo Ameerika, su'aashaasi waxay tahay,

Illaah baan idinku dhaariyee maxaynu u qabanaa dalkeena marka ay noqoto wax ka ogaanshaha qadiyada Somaliland iyo Caalamka haddii aynu nahay dadka ku nool wadamada Yurub iyo Ameerica?

Anniga waxa ay ila tahay in aynaan haba yaraatee wax wax ku ool ah qaban, dalkeena iyo dadkeenana aynu dayacnay, marka laga reebo xilliyada la qayilayo oo howsha aynu qabanaa ay aad u mugweyn tahay, fududahayna!

Waagii uu wadanka Bangaladhaysh ka go'ay India iyo Pakistaan waxa ka shaqeeyey in la aqoonsado dhalinyaro wax baratey oo ku nooleyd Bariga London, gaar ahaan xaafada Whitejabal oo ay iminka u badan yihiin Jaaliyadaasi.

Waxa aad aragtaan meel kasta oo lagaga hadlayo xuquuqda aadanaha oo ay joogaan dad Falastiiniyiin ahi ay u hadlaan xuquuqdooda ilaa iyo ay caadi noqoto in meel kasta oo laga hadal hayo dad dhiban ay Falastiin ku jirto waayo dadkeeda ayaa u heelan in ay wax kasta oo ay qaban karaan u qabtaan umadooda iyo wadankooda.

Waagii ay jabhadii uu Zanaawi hogaaminayey qabsatey Itoobiya waxa cad in aanay jabhadaasi wax aqoon ah lahayn marka laga reebo maamulka, laakiin askari kasta oo ka tirsan jabhadaasi uu yaqaaney dastuurka dowlada ay ku dhiqi doonaan Itoobiya, waayo han ayey u hayeen waqbad buuxa in ay u qabtaan dalkooda.

Waxaan xasuustaa iyada oo laga sameeyey internetka bitiishan lagu doonayey 10 000 oo magic oo loo diro dowlada ingiriiska, 1000 ayuu gaadhi waayey. Ma dadka magacooda in ay meel ku qoraan laga kari waayey ayaa wax tayo leh laga filayaa??

Waagii uu madaxweynaha Somaliland yimi London, xaqiiqdii dadka reer Somaliland ee degan UK ee kasoo qayb galay socdaalkii madaxweynaha iyo wasiiradii matalayey Somaliland in ay ka yaraan 2000, ninkii yidhaahda wey ka badnaayeen waa beenaale.. Anigu waxaan filayey in ilaa Yurub laga yimaado oo shaqaalaha Heathrow ay yaabaan oo lasoo hadlaan Home Office ka, marka ay ka yaabaan dadka tiradan leh ee isku maalinta yimi London.

Waxa aan ku hamiyayey marka laga yaabo tirada dadka isugu yimaada mudaharaadkaas ay saxaafada Ingiriisku imanayaan hase ahaatee iskadaa TVyoo jariidada kasoo baxda London ee London Standard in aanay iman, waa nasiib daro..

Anigu waxaan u haystey waftida timi in ay Somaliland matalayeen ciddii doontaa ha hogaamisee, ta kale qarannimada iyo xisbi ama ta loo badan yahay qabiil jacaylka ay dadka u kala duwan yihiin.

Waagii Abdillahi Yussuf noqdey madaxweynaha ayaa BBCda laanteeda Afsoomaliga ee Yusuf Garaad xukumo ay ku bilowdey cadaadis qabyaaladeysan Abdillahi Yussuf, waa caadadii Yusuf Garaad oo qabyaalad ayaa dileysa'e, laakiin dadka ayuu ka arkaye, nacasba ishii lagu arkaa lagu dilaaye, reerka uu ka dhashay Abdillahi Yussuf mudaharaad ku dhigeen BBCda, una hanjabeen shakhsiyan Yussuf Garaad kadibna uu hakiyey dacaayadiisii, ileyn nacasku ma xishoodee wuu baqaaye,

Waxaynu ognahay in uu Yussuf Garaad tan iyo intii uu la wareegay BBCda uu Somaliland waxa aynu ognahay ku hayey, su'aashu waa maxay reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku nool UK ama reer Madhan oo aan anigu iminka inta badan ugu yeedho, maxay ka qabteen BBCda iyo Yussuf Garaad, WAXBA.

Reer Madhan land Waxa laga kari waayey in maalin isku mid ah ay dhamaan Yurub iyo Ameerika ay sameeyaan dibad u bax isku maalin ah oo ay aduunyadu is weydiiso waxa ay dadkani ka cabanayaan? Waxaan ka hadlayaa London ilaa Washington, Oslo, Copenhagen, Stockholm, Berlin, Denhag, Paris and so on iyo isku maalin. Adduunyada waxa ay wax ka maqashaa saxaafada. Markaas haddii aad dooneyso in lagu ogaado waa in aad isticmaashaa saxaafada sidda aadka ah looga daawado dalka aad dean tahay.

Run ayaan idiin sheegayaaye waxa aan isku xidh xidhayaa aqalka baarlamanka ee Ingiriiska ee yaa i wehelinaya. Allow yaa yidhaahda reer hebel ayaynu ku shireynaa!!! Waxa inaga maqan wadananimo oo ay inagala weyn tahay QABYAALAD. Boqolkiiba 90, dadka reer Somaliland ma waxa ay aaminsan yihiin XISBI MISE QABYAALAD, Ilaahay baan idinku dhaarshee runta ka sheega.

Ugu danbeyntii reer MADHAN land ayeynu nahaye ma dadaalnaa oo ma is daba qabanaa oo kheyrkeen wax la qabsanaa???

Iminka ma ka faa'iideysanaa siyaasada adduunka ee isbedeshay, sidda maamulka Obama oo diyaar u ah in ay wax la qabtaan Somaliland.

Aynu tashano oo umadeena bacadku suuqyada ku baabiiyey, magaalooyinkeena waayirada laydhka aad moodo xadhkaha lagu wadho dharka, waar ma qori dheer ayaa la waayey, dhirteenan aad moodo in ubax ku wadhan yahay ee bicihii qaadku kuwada dhagay, hooyooyinkeena dhakada milicdu ka hayso aynu wax u qabano, haddii addiga ilmahaagu haysto fursada uu ku doorto quraacda uu cunayo sidda witabix, konfalakes iyo brown bread, icaruur badan oo reer Somaliland ah ayaan quraacba cunin, iska daa in ay kala doortaane...



DIRIC KELI AHAANTII DALEEL GUUSHA KUMA HELO EE DADKAAGAA GEESI LAGU YAHAY.

Saaxiibada Somaliland

Abdi M.Farah


somalilandfriends@googlemail.com

No comments:

Post a Comment