Sunday 23 November 2008

Komiishanka Doorashooyinka S/land Oo Cayimay Wakhtiga Ay Diwaangelintu ka Bilaamayso Gobolka Hargeysa, Iyo Natiijada Gobolada Saaxil Iyo Awdal

Hargeysa (XOL)- Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay tirada hordhaca ah ee iska diiwaangeliyay gobollada Saaxil iyo Awdal oo bishii October ee aynu ka soo gudubnay laga hirgeliyay. Isla markaana waxay cayimeen wakhtiga rasmiga ah ee ay Gobolka maroodi-jeex [Hargeysa] ka bilaabmayso oo ah 01/12/08 ee fooda inagu soo haysaa.
Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed kooban oo xalay nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa,kaas oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Komishanka Maxamed Ismaaciil Maxamed, waxa tirooyinka iska diiwaangeliyay gobolladaas weli kumay kala shaandhayn qalabka kala saxaya inay jiraan dad laba jeer is-diiwaangeliyay.
Balse, waxa ay sheegeen in nidaamka lagu kala sugayo, laguna saxayo dadka isdiiwaangelinta ku noqnoqday ay socoto. “Waxay Guddiga doorashooyinka qaranka dadweynaha ogaysiinayaan in tirooyinka hordhaca ah ee iska diiwaangeliyay gobollada Saaxil iyo Awdal ay yihiin sida soo socota; gobolka Saaxil: 51,538 iyo gobolka Awdal oo ah; 133,864.
Haddaba, nidaamkii lagu ogaanayay qofka mar ka badan isdiiwaangeliyay shaqadiisu way socotaa. Marka taasi dhammaato Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay soo saari doonaan tirada kama dambaysta ah.” Sidaa ayuu Guddoomiye Maxamed Ismaaciil Kaboweyne ku yidhi war-saxaafaddeedkaas.
Dhinaca kale, Guddiga doorashooyinka qaranka, ayaa muddeeyay waqtiga ay rasmi ahaan dib u bilaabi doonaan hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo hore ay sababo amaan dib ugu riixeen. War-saxaafadeedkan oo xalay uu soo saaray guddiga komishanka Qaranku, waxa lagu sheegay in waqtiga cusub ee bilawga diiwaangelinta loo asteeyay ay tahay 1/12/2008 lagana bilaabi doono gobolka Hargeysa.
“Inkastoo ay ina hakisay dhacdadii weerarka ahayd ee 29 October, haddana Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu way socotaa. Khubaradii farsamo-yaqaanada ahaa waxay ku hawlan yihiin inay diyaariyaan habkii Diiwaangelinta ee loo waajihi lahaa gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa).
Sidaa darteed, Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay ogaysiinayaan in shaqaalihii la tabobarayay ay yimaadaan Jaamacadda Hargeysa, maalinta Salaasada ee taariikhdu tahay 25/11/08 toddobada subaxnimo (7:00 am).
Diiwaangelintu waxay ka bilaami doontaa Maroodi-jeex maalinta Isniinta ee bishuna tahay 01/12/08, waxayna soconaysaa lix casho oo ku eeg maalinta Sabtida ee taariikhduna tahay 06/12/08,” Sidaas waxa lagu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Maxamed Ismaaciil [Kabaweyne]

Mustafe-Janaale
Reporter Hadhwanaagnews.com
Hargeysa/Somaliland

No comments:

Post a Comment