Thursday 20 November 2008

Dagaal culus oo galabta gabaldhicii xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku dhex maray ciidamada Ethiopia iyo Ururka Al Shabaab

Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootay mid kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray dagaal galabta gabaldhicii ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir kadib markii fariisimo ay daganaayeen ciidamada Ethiopia ay weerar ku soo qaadeen xoogaga Ururka Al Shabaab.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka waxaa dagaalkaasi ku geeroooday 2-askari oo ka tirsan ciidamada Ethiopia kuwaasi oo ay haleeshay rasaas ay ku fureen ciidamada Ururka Al Shabaab intii uu dagaallku socday.
Geerida askartaasi kadib ayaa ciidamada Ethiopia waxa ay baleen duqeyn xoogan kuwaasi oo ay u geysteen qaar ka mid ah xaafadaha degmada Yaaqshiid iyadoo madfac ku habsaday guri ku yaala xaafada Tawakal uu ku dhaawacmay hal qof oo rayid ah sida uu shabelle u sheegay saxafi deegaanka ah.
Dagaalka oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa la sheegay in la isku gabal dhacsaday iyadoo haatan ay xaaladu dagantahay,waxaana saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo la soo xariiray idaacada Shabelle ay sheegeen in khasaare xoogan ay u geesteen ciidamada Ethiopia-ka ee ku suganaa goobaha ay weerarka ku qaadeen.
Dagaalkani ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili saacado oo kaliya ay ka dhimanyihiin waqtigii lagu balamay in ciidamada Ethiopia ay faarujiyaan goobaha haatan lagu weeraray sida uu qorayo heshiskii dhawaan ay magaalada Jabuuti ku gaareen dowlada KMG iyo isbahaysiga dib u xoraynta garabka Jabuuti.

No comments:

Post a Comment