Wednesday 19 November 2008

Xukuumadda oo Sheegtay in Aanay Heshiis Dhoofka Xoolaha ah La Gelayn Ganacsadaha Carbeed Ee Al-Yaasir

Hargeysa(XOL) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, ayaa caddeeyey haba yaraatee in aannu jirin heshiis dhoofka xoolaha nool ah oo xukuumadda Somaliland la gelayso ganacsadaha carbeed ee Al-Yaasir.

Dr. Idiris Ibraahim oo qaar ka mid ah warbaahinta maanta ugu warramayey maanta huteelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in aan waxba iska beddelin heshiiskii dhoofka xoolaha Somaliland ee hore xukuumaddu ula gashay maalqabeenka Sucuudiga ah ee Saleebaan Al-jaabiri, isla markaana aannu jirin heshiis kale oo dawladdu la gelayso ganacsadaha Carbeed eel eh maxjarka caafimaadka xoolaha ee ku yaal dalka Jabuuti.

“Laba markab oo tegay Eritrea ayaa muranka aad sheegaysaan dhaliyey, laba nin oo ah ganacsato carbeed oo midna Berbera maxjarka samaystay midna Jabuuti ka samaystay, ayaa isyara qabtay, markaa ninkan Berbera xoolaha ka dhoofinayey ayaa ka cawday Jabuuti oo xooluhu sii maraan ninkii kale ee maxjarka Jabuuti maamulayey. Intii labadooda dawladaha Jabuuti iyo teenu ay ku dhex jireen ee ay isfahamsiinayeen ayuu muranku jiray, tiina iminka wa laga gudbay oo dhoofkii xooluhu toos buu u soconayaa,” ayuu yidhi Md. Idiris.

Wasiirka Xannaanada Xooluhu waxa uu meesha ka saaray warar maalmahan la isla dhexmarayey oo sheegayey in xukuumaddu heshiis dhoofka xoolaha ah la gashay ganacsade kale oo carbeed oo la yidhaa Al-Yaasir, isla markaana aanay wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin jirin xubno wasiiro ah oo la sheegay inay heshiiskaa ka dambeeyeen.

Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Arrimahaasi wax jira maaha, hawsha socotaana waa hawl dawladdeed ee mid Idiris iyo wasiiro gaar ah oo kale toona maaha, haddii ay tahay Cawil iyo Cali Warancadde ayaa diyaaradii uu la socday carabkii xoolaha doonayey ee Al-Yaasir ka soo raacay Jabuuti dee way wadda socdeen oo way yimaadeen waddanka, laakiin wax wasiiro wataan may ahayn. Cali Warancadde iyo Maayarku waxay ka soo noqdeen Shiinaha, Cawilna wuxuu ka soo noqday Kiiniya, markaa diyaaraddii Itoobiya markay joogsatay ayuu jidkoodii noqday Jabuuti, carabkuna isagaa gaar xoolo u doonayey. Al-Yaasir ma jiro wax heshiis ah oo lala galayaa, heshiis baynu ku jirnaa, kii baana soconaya.”

Waxa kale oo Md. Idiris sheegay in muddadii loo qabtay heshiiska dhoofka xoolaha ee xukuumaddu kula jirto ganacsadaha Al-jaabiri ee shanta bilood ahayd marka ay dhammaato sideedii loo fulin doono oo guud ahaan xoolaha la fasixi doono.

“Buuqii ka dhashay heshiiskii dhoofka xoolaha ee muddada shanta bilood ah loo qabtay, waxaan u malaynayaa December bay ku eegtahay waana sidiisii oo markay gaadho waqtigii haddii Maxjarku furmo iyo haddii aannu furminba xooluhu waa fasax oo kan maanta la celiyey baa imanaya oo halkan xoolaha ka iibsan doona, carabkii kasta ee nin reer Somaliland ahi wataba waa u fasax oo wuu iman doonaa,” ayuu yidhi Md. Idiris Ibraahim Maxamed.
Khadar Iid Kaariye
XarshinOnline News Deck
Hargeysa, Somaliland

No comments:

Post a Comment