Wednesday 8 October 2008

“Markabka waanu sii daynaynaa maanta marka heshiisku dhammaado”

Afhayeenka Budhcad-Badeedka

-Sidee Cuntada loogu geeyaa Budhcad-Badeedda Markabka haysta?

-Shirkadda Markabka Hubka lagu afduubay oo shaacisay cidda dhab ahaan u leh Shixnadda

Nairobi (Ogaal/W.Wararka)- Wararkii u dambeeyay ee Markabka Hubka sida ee u afduuban Budhcad-Badeedda Soomaalida ayaa sheegaya in Budhcad-Badeeddu hoos u dhigtay Qiimaha Lacagta Madax-furashada ah ee ay hore u dalbadeen, waqti ay Dawladda Kenya Maraakiib iyo Ciidamo u dirtay goobta Markabka lagu haysto. Iyaga oo Budhcad-Badeedku sheegay in laga yaabo in ay maanta sii daayaan haddii guul laga gaadho wada-hadallo ay sheegeen in ay gebogebo ku dhaw yihiin, taas oo ku saabsan bixinta Lacagta Madax-furashada ah. Dawladaha Caalamka qaarkood ayaa wada olole ka dhan ah Budhcad-Badeedka oo lagu doonayo in la sameeyo qorshe loo dhan yahay oo lagaga hor tegayo fiditaanka iyo xoogaysiga intan dhaafsiisan ee Budhcad-Badeedda.
Ballanqaadka Budhcad-Badeedka:
Afhayeen u hadlay Budhcad-Badeedka Soomaalida ee afduubka u haysta Markabkan ayaa sheegay in uu gebogebo ku dhaw yahay, isla markaana meel fiican marayo wada-hadallo u socda iyaga iyo dadka arrinta Markabku khusayso. Waxaanay rejo wanaagsan ka muujiyeen sii daynta Markabka, iyaga oo ballan qaaday in ay sii dayn doonaan maanta oo ay shaacin doonaan isla maanta dhammaadka wada-hadalladan. “Heshiiska ayaa laga yaabaa in la gaadho Arbacada (maanta), ka dib waxaanu shaacin doonaa in heshiis la gaadhay.’ Sidaa waxa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay Sugulle Cali oo la sheegay in uu Kooxda Budhcad-Badeedda ah ugu magacaaban yahay Afhayeen. Sidoo kale, Budhcad-Badeedda ayaa la sheegay inay hoos u dhigeen Qiimaha Lacagta Madax-furashada ah ee ay hore u dalbadeen oo dhamayd 20-Milyan oo Dollar. Kaas oo ay sheegeen in ay hadda doonayaan 8-Milyan oo Dollar. “Waxa aad loogu rejo wayn yahay in aanu Markabka sii dayno saacado gudahood haddii ay bixiyaan 8-Milyan.” Sidaa waxa Wakaaladda Wararka ee AP Khadka Telefoonka Satelite-ka ugu sheegay nin Magaciisa ku sheegay Jaamac Aadan oo sheegay in uu metelayo Afhayeenka Kooxda Sugulle Cali oo uu sheegay in waqtigaa aanay suurtogal ahayn in la helo. Waxa kale oo uu ninkani sheegay in Budhcad-Badeedda Markabka saaran ay Cuntada iyo baahiyaha kale ee ay u baahan yihiin Markabka dushiisa ugu geyso Doon nooca yar-yar ah oo ay leeyihiin. “Kooxdu aad bay u fiican yihiin.” Ayuu yidhi Jaamac Aadan. Balse, waxa jira tuhuno tallaabadan ku xeeran, taas oo looga shaki qabo in Doonta yari Hubka fudud dejiso iyo in kale. Hase ahaatee Afhayeen u hadlay Ciidamada Badda Maraykanka ee ku xeeran Markabkan ayaa sheegay in arrintaasi aanay u suurtogalayn oo ay ilaalinayaan. “Maraakiibtayada ayaa Indhaha ku haya, waxaananu si adag ula soconaa Xaaladda.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Ciidamada US u hadlay Lt. Nathan Christensen.
Kenya & muranka lahaanshaha Shixnadda:
Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, Dawladda Kenya ayaa u dirtay goobta Markabkan Hubka siday lagu haysto ee Hobyo 49 Askari oo Ciidamada Badda Kenya ka tirsan oo ku gaashaaman afar Doonyood oo mid ka mid ahi nooca waawayn tahay, si ay uga mid noqdaan Ciidamada ku hareeraysan Markabkan. Waxa jira warar ka soo baxaya lahaanshaha dhabta ah ee Saanadda Milatari ee saaran Markabkan, kuwaas oo sheegaya in loo waday Koonfurta Suudaan. Hase yeeshee Shirkadda Markabkan leh oo lagu magacaabo Ukrspetsksport ayaa difaacday sheegashada Kenya ee lahaanshaha Hubka iyo saanadda kale ee Markabka saaran. “Saanaddan Milatari waxa lahayd Wasaaradda Difaaca Kenya.” Sidaa waxa yidhi Sarkaal u hadlay Shirkaddan. Dhinaca kale, Maxkamad ku taala Magaalada Mombaza ee Dalka Kenya ayaa sii daysay Madaxa Ururka marista Badaha ee Geeska Afrika Mr. Andrew Mwangura, iyada oo ku ridday Xukun lacageed oo dhan 20,000 oo Shilin Kenyan ah, una dhiganta ilaa 2,700 Dollarka Maraykanka ah. Mr. Mwangura ayaa lagu eedeeyay inuu ka been abuuray Wararka ku saabsan Markabka Hubku saaran yahay ee ay haystaan Budhcad-Badeeddu, isla markaana uu xidhiidh la leeyahay kooxaha Markabka haysta.
Qaramada Midoobay:
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobayna shalay ansixiyay qaraar cusub oo ku saabsan la-dagaallanka Budhcad-Badeedda. Kaas oo ugu baaqaya Dalalka Caalamka inay Diyaarado iyo Maraakiib Milatari ku daad gureeyaan Xeebaha Somalia, si ay uga qayb qaataan la-daggaalanka Budhcad-Badeedda. Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 1838 isla markaana uu dabada ka riixayo Faransiisku, ayaa cambaaraynaya falalka Budhcad-badeednimo. Bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay meelmariyeen qaraar dalalka shisheeye loogu ogolaanayo gelitaanka Biyaha Somalia. “Dadka Somalia 3-Milyan ayaa ku sugan Gaajo. Sidaa darteed, sidaad ogtihiin Budhcad-Badeeddu waxay argagaxisanimo ka bilaabeen Biyaha Xeebaha Somalia.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Qaramada Midoobay ee New-York. Waxaanu Xoghayaha guud ku amaanay Dawladda Kanada Maraakiibteeda Dagaal ee galbiya Maraakiibta WFP ee Raashinka gargaarka ah u sida Somalia. “Ilaa hadda ma jiro dal kaliya oo si mutadawacnimo ah u istaagay kaalinta Kanada iska taagtay arrintan.” Ayuu yidhi Ban. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Ilaalin la’aanteed Maraakiibta Caawimada sidaa iman maayaan, haddii aanay iman-na dad badan ayaa dhimanaya.”
Qiimo-korodhka rarashada Maraakiibta:
Shirkad fadhigeedu yahay Magaalada London ee Ingiriiska, laguna magacaabo Chatham House ayaa ka digtay in Ganacsiga adduunku waajaho jaha-wareer, waxaanay sheegtay in khataraha Budhcad-Badeedka awgeed ay Maraakiibtu markay ka imanayaan Waqooyiga Maraykanka iyo Qaaradda Yurub ay ka wareegi doonaan Dariiq dheer, iyaga oo mari doona dhinaca Biyaha Pasific-ga, isla markaana ay ka soo geli doonaan dhinaca Dalka Koonfur Afrika, magaalada Cape of Good Hope. “Haddii qiimaha Shirkadaha Caymisku ay kor u kacaan ama khataro badani ku yimaadaan, Shirkadaha Maraakiibtu way ka wareegi doonaan Gacanka Cadmeed, waxaanay mari doonaan Jidka dheer ee Waqooyiga Yurub iyo Qaaradda Afrika, kaas oo gala Magaalada Cape of Good Hope.” Ayay Shirkaddani ku tidhi War-murtiyeed ay arrinta Budhcad-Badeedda ka soo saartay. Iyada oo intaa raacisay in socdaalka muddada dheer qaadanaya jidka dheer awgii iyo Shidaalka ku baxaya ay kor u kici karaan qiimaha rarashada Maraakiibtu.

No comments:

Post a Comment