Thursday 2 October 2008

C/laahi Yuusuf iyo Xukuumaddiisa oo u guuraya Nairobi

Kismaayo: Kaniisad loo bedelay Masaajid, lagana eedaamay

Muqdisho (Press TV/Ogaal)- Madaxweynaha Maamulka TFG ee Somalia, Ra’iisal-Wasaaraha Xukuumaddiisa Nuur-Cadde iyo Xubnaha Baarlamaanka isla Xukuumaddaas, ayaa la sheegay in xarun loo dhigayo, isla markaana dib loogu rarayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ka hor intii aanay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay fadhiisin ka dhigan xarun u ahayd, waqti ay jiraan Dagaallo iyo Weeraro ay si joogto ah ugu dhimanayaan Dad u badan rayid. Isla markaana waxa Maamulka Maxaakiimtu Magaalada Kismaayo ka burburiyeen Dhisme Kaniisadeed oo halkaa ku yaalay.
Sida uu faafiyay Telefishanka laga leeyahay dalka Iran ee Press TV oo aanu Warkan ka soo xiganay, kulan muran badani hadheeyey oo ay isugu yimaadeen Midowga Afrika ayaa lagu go’aamiyey in 275-ka Xubnood ee Baarlamaanka Xukuumadda TFG oo ay weheliyaan Cabdilaahi Yuusuf iyo Ra’iisal-Wasaarihiisa Nuur-Cadde loo rari doono Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Inkasta oo aanay si rasmi ah u caddayn sababta keentay go’aankan, haddana Warar Madax bannaan ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Xukuumadda TFG ay dalbadeen arrintan, si ay wada-hadallo toos ah oo aan qas lahayn ula yeeshaan Hoggaanka Mucaaradka ee ka soo horjeeda Siyaasadooda, isla markaana ay u sameeyaan Dawlad Wadaag ah. Arrintan ayaa ku soo beegantay waqti ay gudaha Somalia si joogto ah uga dhacaan Weeraro, Dilal iyo hanjabaado is-daba joog ah oo ay waxyeellada ugu badani ka soo gaadho Dadka rayidka ah iyo Masuuliyiinta Maamulkan ka tirsan.
Baarlamaanka Xukuumadda TFG ee Somalia ayaa hore u degannaan jiray Deegaano ka tirsan Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya, ha hor intii aanay u guurin oo aan loo rarin Magaalada Baydhabo ee Somalia 26 February 2006.
Dhinaca kale, Maamulka taabacsan Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho oo ka taliya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ee Somalia, ayaa shalay burburiyay Dhismaha Kaniisad ku taalay bartamaha Magaalada Kismaayo. Kaniisaddan oo halkaa laga dhisay waqtigii Gumaystaha Talyaanigu ka talinayay Somalia, ayaa Xoghayaha Warfaafinta Maamulka Magaalada Kismaayo Xasan Yacquub Cali oo la hadlayay dad isugu yimi tukashada Saaladda Ciiddal-Fidriga, ayaa sheegay in goobta ay Kaniisaddan ka burburiyeen ay ka dhisi doonaan Masaajid. “Halkan waxaa lagu caabudi jiray Sheydaamo, sidaas darteed ayaan u burburinay, waxaana ka dhisi doonnaa Masjid Allaah lagu caabudo, maantana (shalay) waa laga adimay sida aad maqleyseen” ayuu yidhi Sh. Xasan Yacquub Cali oo la hadlayay dad isugu soo baxay burburinta Kaniisaddaas.
Mar Xasan Yacquub wax laga weydiiyay halkay ku dambeeyeen Dad Rayid ah oo muddooyinkan u dambeeyay deganaa dhismaha Kaniisaddaas, isla markaana ka geli jiray qabowga habeenkii iyo kuleylka Qorraxda, ayaa waxa uu sheegay in ay dadkaas u dhisi doonaan guryo.
Sanadkii 2005-dii ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho ay Maxkamadaha Islaamiga ahi ka qodeen, isla markaana ay Lafahii ka soo faqeen Qubuuro Talyaanigu waqtigii Gumaysiga ku aasay dad dalkaa u dhashay, iyaga oo goobtaa ka dhisay Masaajid.

No comments:

Post a Comment