Thursday 2 October 2008

“Xogta dhabta ah ee Guantanamo-da Afrika”


Warbixin laga qoray tuhunka Argagaxiso ee Gobolka

‘War uma hayo, mana jirto Siyaayad Qaran oo aan kaga hadli karo arrintan’
Jendayi Frazer

“Laba saacadood ka dib, waxay is-arkeen iyaga oo ku sugan Jidka Diyaaradaha ee Madaarka Muqdisho.”

‘Waxa ku jiray Rag, Dumar iyo Carruur. Indhaha ayaanu ka xidhnayn. Dadku way ooyayeen,”

Addis-Ababa (BBC/Ogaal)- Weriye ka tirsan Laanta Afka Ingiriisiga ee Idaacadda BBC-da oo lagu magacaabo Robert Walker, ayaa baadhis uu ku sameeyay xadhigga 10 Qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalal kala duwan, kuwaas oo muddo sanad ka badan arrimo argagixiso ugu xidhan Dalka Itoobiya ka dib markii laga soo qabtay meelo kala duwan ka dib waxa uu soo bandhigay xaqiiqooyinka dhabta ah ee xadhigooda, Jidh-dil la sheegay in lagu sameeyay, Doorka Maraykanku ku leeyahay arrintan iyo qoddobo kale.
Warbixintan uu Weriyuhu soo bandhigay oo uu dhinacyo kala duwan ku waraystay oo ay ku jiraan dadkan Maxaabiista ahi, ayaa waxa uu ku bilaabay sidan;
“Saalim Awadh wuxuu igala hadlayaa qol yar oo ku yaala meel ka mid ah Caasimadda Itoobiya ee Addis-Ababa. Waxa jira toddoba maxbuus oo kale oo Qolkan yare e madow kula jira, waxaanu bilaabay inuu ii waramo.
Dawladda Kenya ayaa muddo u arkaysay Somalia inay ka ka hawlgalaan Argagixiso. Si degdeg ah ayuu hadalkii u joojiyay. Waxaan hoosta Cod murugo leh. Dabadeed wuxuu ii sheegay inuu hadda hadalkiisa sii wadi karo. ‘Xaaladuhu runtii waa kuwo aad u xun, ma haysano cunto nagu filan iyo sidoo kale adeeg Caafimaad. Qolku waa mid qoyan oo caafimaad xumo taalo.’ Ayuu yidhi. Waxaanu intaa raaciyay, ‘Waxaanu seexanaa Dhulka, halkii aanu ka seexan lahayn Gogosha, hase ahaatee qoyday. Mid ka mid ah Dadka Maxaabiista ah ayaa si xun loo garaacay, Lug baana laga jebiyay.’
Saalim wuxuu awooday inuu ii waramo ka dib markii uu Laaluush siiyay mid ka mid ah Ilaaladii, si uu u helo Telefoonka Gacanta oo uu igala hadlay. Toddobaaddo ayaan isku dayay inaan xog ka helo isaga iyo Maxaabiis kale oo ku xidhan meeshan oo loogu yeedho ‘Guantanamo-da Afrika’. Arrintani waa mid Dawladaha ku lugta lehi aanay doonayn in laga hadlo.
Bishii January ee sanadkii 2007 Ciidamada Itoobiya waxay la wareegeen gacan-ku-haynta Caasimadda Somalia ee Muqdisho, markii ay ka saareen Ciidamadii Maxaakiimta Islaamka.
‘Waxay isku dayeen inay igu qasbaan inaan qirto in Ninkaygu ahaa argagaxiso. Waxay sheegeen inaan u sheego runta ama inay I deldeli doonaan.’ Sidaa waxa tidhi Fatma Chande.
Xubnaha Maxaakiimta, Dagaalyahannada Maleeshiyooyinka iyo Shacabkuba waxay dhammaantood u qaxayeen Kenya. Waxa ka mid ahaa, Saalim Awadh oo Kenyan ah iyo Xaaskiisa oo reer Tanzania ah Fatma Chande, labadoodaba waxa la soo xidhay iyaga oo ka tallaabayay Xuduudda (Somalia – Kenya). ‘Waxa Qol yar laygula hayay Dumar kale, dabadeed Ciidamada la-dagaallanka Argagaxisada ee Kenya ayaa I waraysanayay, waxay I waydiiyeen sababta aanu u tagnay Kenya.’ Ayay tidhi Fatma.
Fatma waxaan kula kulmay Gurigeeda oo ka kooban laba Qol oo yar-yar oo ku yaala Magaalada Moshi ee waqooyiga Tanzania. Waxay u hadlaysay si degan, isla markaana codkeedu wuxuu sawir ka bixinayay wixii dhacay. ‘Waxaan u sheegay (Booliska) in Ninkaygu uu u tegay Somalia in uu soo hagaajiyo Telefoonada Gacanta. Laakiin, waxay isku dayeen inay igu qasbaan inaan qirto in Ninkaygu uu argagixiso yahay.
Dawladda Kenya iyo xulafadeeda reer Galbeedku waxay in badan u arkayeen in Somalia ay ku sugan yihiin Argagixiso xidhiidh la leh Ururka Al-Qaacida oo ay ka mid yihiin xubnihii masuulka ka ahaa Weeraradii Bambaano ee Sanadkii 1998-kii lagula kacay Safaaradaha Maraykanku ku lahaa Magaalooyinka Nairobi iyo Tanzania.
Dhaqdhaqaaqa Maxaakiimta awgeed ayay ka baqo qabaan (Kenya) in ay ka gudbaan Xadka (u dhaxeeya Somalia iyo Kenya). Toddobaadadii u horaysay ee sanadkii 2007 ayaa kummanaan qof oo ay ka mid yihiin Caruur iyo Dumar lagu xidh-xidhay Xadka iyaga oo isku dayaya inay u gudbaan Kenya.
Al Amin Kimathi oo ah Madaxa Golaha Xuquuqda Aadamaha Muslimiinta Kenya, ayaa Kooxo tabarucayaal ah u diray Saldhigyada Booliska Nairobi si ay xog u soo ururiyaan. ‘Qaar ka mid ahi waxay ka cadhoodeen markii Sarkaal Booliska ka tirsani nagu yidhi kelmad bilaa macno ah oo ahayd, anaga nama khusayso ee waydiiya Ameerikaanka oo tega Safaaradda Maraykanka. Xitaa waxaanu aragnay Ameerikaanka oo keenay Maxaabiis, isla markaana u qaaday meelo aan ahayn Saldhigyada Booliska Nairobi.’ Ayuu yidhi.
Codsiyada Looyarada Kenya ee sii daynta dadkan oo ay rejaynayeen in la tixgeliyo ayay Masuuliyiintu ka qaadeen tallaabo qayral-caadi ah. ‘Waxay ahayd Sabti, Booliska ayaa noo yeedhay saqdii dhexe ee Habeenkaas. Waxay noo qaadeen Madaarka, ninkayga ayaa lagu qasbay inuu Jilbaha dhigo Jidka Diyaaraduhu ordaan.’ Sidaa waxa tidhi Fatma. ‘Gacmahayaga waxa laba-dible ugu xidhnaa Katiinnad Caag ah. Waxa ku jiray Rag, Dumar iyo Carruur. Indhaha ayaanu ka xidhnayn. Dadku way ooyayeen, balse Booliska ayaa isku dayayay inay aamusiiiyaan.’ Ayay raacisay.

Geyntii Somalia:
Laba saacadood ka dib, Fatma iyo Saalim waxay is-arkeen iyaga oo ku sugan Jidka Diyaaradaha ee Madaarka Muqdisho. Dawladda Kenya ayaa Somalia u dirtay Diyaarad ay ka buuxaan oo ay saaran yihiin Maxaabiisi, siday caddeeyeen Rakaabka Diyaaraddan oo ay saarnaayeen 85 Qof oo Rakaab ahi. Badankooda waxa degdeg looga qaaday xabsiyo yaryar oo ku yaala Somalia, loona qaaday Dalka Itoobiya. ‘Toddobaad ka dib markii aanu nimi waxa na waraystay Caddaan ah – Maraykan iyo British ah. Waxa lay waraysanayay toddobaaddo.’ Ayuu yidhi Salim.
Waxaanu intaa raaciyay, ‘Waxay hayeen Fayl ay sheegeen inaan Lug ku leeyahay Qaraxyadii Safaaradda Kenya. Sidaa darteed, waxa lay qaaday oo la I geeyay meel cidlo ah oo aan kali ku ahaa muddo laba bilood ah, iyada oo ay Lugahayga iyo Gacmahaygu seetaysnaayeen oo uu Xadhig ku xidhnaa. Waraysiga lay waraysanayay wuxuu socday ilaa shan bilood. Had iyo jeer su’aalo isku mid ah ayaa ku saabsanaa Qaraxii Kenya.’
Dadkani waxay rumaysan yihiin in ay yihiin Ameerikaanka kuwa su’aalahooda iyo xadhiggoodaba ka msuulka ahi, balse aanay ahayn Itoobiyaanka. Ururada Xuquuqal-Insaanka ee Gobolka ayaa sheegay in arrintani ay tahay hab cusub oo aan caqli-gal ahayn.

Doorka Maraykanka:
Maraykanku lug kuma laha qaadista iyo xadhigga dadka looga shakisan yahay falalka Argagixisanimo, balse in ay xukumaan waraysiyadooda iyo habka loola dhaqmo.
Madaxa Golaha Xuquuqal-Insaanka Muslimiinta Kenya Al Amin Kimathi wuxuu rumaysan yahay in Itoobiya tahay goobta ugu wacan ee Jidh-dilka dadkan loogu geysan karo. ‘Waa meesha dabiiciyan ugu wacan ee la geyn karo qof kasta oo la doonayo in la Jidh-dilo. Itoobiya way ogolaatay Jidh-dilka Maxaabiista.’ Ayuu yidhi Al Amin Kimathi.
Bishii April sanadkii hore, Itoobiya waxay sheegtay inay qab-qabaay 41qof oo ka kala yimi 17 Dal, oo ay sheegeen in looga shakisan yahay Argagixiso. Maxaabiista badankooda waa la soo daayay, kuwaas oo ay ka mid ahayd Fatma Chande oo ah Xaaska Salim, ka dib markii su’aalihii la waydiinayay la dhammeeyay isla markaana cadaadisyo ka yimaadeen dalalkoodii. Balse waxay sheegtay in ay hadda u xidhan yihiin 10 qof oo Ajanebi ahi.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Mr. Tekede Alemu ayaa BBC-da u sheegay, ‘Ma hubo in Maxkamad la hor geeyay iyo in kale, balse baadhitaanno ayaa socda. Waxa ku jira dad ka qayb-qaatay waxyaabo wax loogu dhimayo danta Qaranka iyo amniga. Dadkani maaha kuwo aan waxba galabsan.’ Waxa kale oo uu dedafeeyay wararka sheegaya in si xun loola dhaqmay iyo in Wakiillo ka socda Maraykanku xukumaan Waraysiyada Maxaabiista ajaanibka ah.
Sanad iyo badh in ka badan ka dib markii dadkan la xidh-xidhay, Dawladda Maraykanku wali way diiddan tahay in ay ka jawaabto eedaymahan ku wajahan doorka Maraykanku ku leeyahay arrimahan. ‘War uma hayo, mana jirto Siyaayad Qaran oo aan kaga hadli karo arrintan’ sidaa waxa BBC-da u sheegtay Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibedda Maraykanka Jendayi Frazer.
Booliska Kenya ayaa sheegay in aanay dad reer Kenya ahi ku jirin dadkan ay Kenya u dhoofisay Somalia. Iyada oo ay Fatma wali si murugo leh u sugayso Warka ninkeeda. Ka dib markii uu Salim helay Telefoonka Gacanta, wuxuu markii u horraysay muddo ka badan sanad awooday in uu Xaaskiisa kala dhex hadlo Qolkiisa yar ee uu ku xidhan yahay. Hadda Telefoonkii wuu joojiyay shaqadii, Salim-na mar kale ayuu qarsoomay oo ku dhex lumay Qolkii madoobaa.”

No comments:

Post a Comment