Wednesday 8 October 2008

Guatanamo Bay: Maxaabiis Muslimiin Shiine ah oo muran ka dhex abuurtay Maraykanka


Washington (New York Times/Ogaal)- Xaakim ka tirsan maxamadda Federaalka Maraykanka ayaa shalay ka dalbaday xukuumada Madaxweyne Bush inay si dhakhso ah u sii dayso 17 Muslimiinta Shiinaha ka tirsan oo ku xidhnaa 7 sannadood Xabsiga Guantanamo Bay, isla markaana ay ku noolaadaan Maraykanka, maadaama aan loo tixgelinayn inay ahaayeen cadow dagaal lagu qabtay.
Xukunkan oo gacanta ku soo qaaday Xaakimka Federaaliga ah ee Ricardo M. Urbina, ayaa noqonaya markii ugu horaysay ee maxkamad Ameerikaan ahi ay ka hortimaado dacwad dawladda dalkaasi wadato, isla markaana amarto sii-daynta maxaabiis ku jirta xabsiga Guantánamo Bay oo ah saldhig ciidamada badda Maraykanku ku leeyahay Jasiirrada Cuba. Xaakim Urbina ayaa sheegay in xadhiga 17-ka maxbuus oo ka tirsan qabiilka Uighur oo ka tirsan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dega galbeedka Shiinuhu ay ahayd tallaabo sharci-darro ah, isla markaana wuxuu xusay in dastuurka Maraykanku uu mamnuucayo xadhi xabsi oo aan eedaymo loo haynin. “Waxaan in immika la gaadhay xilligii la iftiimin lahaa dastuuriyan sababaha la xidhiidha xadhiga dadka,” ayuu yidhi xaakimka. Maxaabiista uu xaakimku xukumay in la sii daayo ayaa dhamaantood rag ah, kuwaas oo la hor-keeni doono maxkamaddiisa Jimcaha soo socda, hase ahaatee, dawladda Maraykanka ayaa soo jeedisay inay ambiil degdeg ah ka qaadan doonaan xukunkaas, isla markaana waxa la sheegay in laga yaabo in saraakiisha laanta socdaalku ay raggaas xidhi doonaan marka ay Maraykanka soo gaadhaanba. Waxase arintaa lafteedu aad u cadhogelisay xaakimkaas oo sheegay inuu doonayo in maxaabiistaas aanay si xun ula dhaqmin cid kasta oo xukuumada ka tirsani. “Waxa jirtay baahi cadaadis lagu saarayay in la helo sababaha ay maxaabiistaasi u xidhnaayeen toddoba sannadood — si wax looga bedelo xaaladdaha ay ku soo jireen,” ayuu yidhi Xaakim Urbina.
Xaakimkani wuxuu diiday dalab kaga yimi dhinaca wasaaradda cadaaladda oo sheegayay inuu ka joogo xukunka uu ridayo, isla markaana u soo jeedinayay inuu ka lumay dulqaadkii dawladda Maraykanku. “Dhamaan waxyaabahaasi waxay ka dhigan yihiin habsaamin,” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku sii daray, “Isla markaana habsaamintu waa magaca ciyaarta lagu metelayay ilaa immika.” Maxaabiistan Shiinayska ah oo laga soo xidhay dalka Afgaanistaan sannadkii 2002-dii ayaa sheegay inaanay weligood cadow ku noqonin Maraykanka. Isla markaana ay meesha ka saareen shakiyadii jiray sannadkii 2004, balse ay ugu sii jireen xabsiga sababo la xidhiidha carqalado ka taagnaa halka ay tegi karaan. Waxaanay sheegeen in xabsi lagu xukumayo ama la laynayo hadii ay Shiinaha ku noqdaan. Sidoo kalena dedaalo loo galay oo loogu raadinayay waddan ay ku noolaadaan ayaa waxa hadhaysay cabsi ay dalal badani ka muujiyeen saamayn ay ku yeelato xidhiidhada diblomasiyadeed ee ay la leeyihiin Shiinaha. Sannadkii 2006 dalka Albania ayaa gabood siiyay shan ka md ah Uighurs-ka ku jira xabsiga Guantánamo, inkasta oo taas ay dawladda Shiinuhu ka hortimi. Maamulka Madaxweyne Bush-ka Maraykanka oo diiday inay aqbalaan hoy-siinta 17-kaa maxbuus ayaa iyana sheegay inay ku guuldaraysteen inay u helaan waddan raba inuu dadkaa qaato. Dawladda Shiinaha ayaa shalay la sheegay inay sidoo kale dalbatay in dhamaanba maxaabiista dalkooda u dhashay ee ku jira xabsiga Guantánamo Bay loo soo celiyo dalkooda.

No comments:

Post a Comment