Saturday 4 October 2008

Ma jiraa wadahadal laga yeeshay Madax-furashada Markabka Hubka sida, yaase bixinaya lacagta?

Nairobi (XOL)- Wararkii u dambeeyay ee ka soo baxay Markab laga leeyahay dalka Ukraine oo siday Hub iyo Saanad Milatari, isla markaana ay Koox Budhcad-Badeed Soomaali ahi afduub ugu haystaan meelo ka tirsan Xeebaha Maamul-gobolleedka Putland ee Somalia, ayaa sheegaya in shir ay Dibloomaasiyiin ka kala socday dalal kala duwan oo Dunida ahi shalay ku yeesheen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay gebo-gebadii kulankoodaa isla garteen xalka kaliya ee lagu soo furan karo Markabkan Hubku ku raran yahay uu kaliya yahay in la bixiyo Lacagta Madax-furashada ah ee Budhcad-Badeeddu dalbadeen. Hase ahaatee, waxa iyana soo baxaya su’aalo ku wajahan cidda Lacagtan Madax-furashada ah bixinaysa.
Sida lagu baahiyay Shabakadda Wararka ee International Herald Tribune oo aanu Warkan ka soo xiganay, sidoo kale Dibloomaasiyiinta Shirkan isugu yimi ayaa soo bandhigay jid kale oo ay sheegeen in uu yahay in weerar Milatari lagu qaado, balse arrinkaas ayaan ahayn mid ay ku niyad-san yihiin. Waxa jira wada-hadallo ku wajahan Lacag Madax-furasho ah oo ay dalbadeen Kooxda Budhcad-Badeedka ahi oo u socda Kooxda Budhcad-Budeedka ah iyo dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Mulkiilaha Markabka, Shirkadda Maraakiibta ee Ukraine, Masuuliyiinta Dawladda Ukraine, Shirkadda uu Markabku caymiska kaga jiro iyo Ehelada dadka saaran Markabka dushiisa ee afduubka loo haysto. Iyada oo ay marba-marka ka dambaysa isa soo tarayaan su’aalaha ku wajahan haddiiba wada-hadalladan lagu guulaysto cidda bixinaysa Lacagta Madax-furashada ah. “Waxa jira qaybo badan oo wada-hadalladan ku lug leh. Sidaa darteed ma cadda cidda masuuliyadda bixinta Lacagta Madax-furashadu saaran tahay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ehelada dadka afduubka loo haysto ee Markabkan saaran oo u warmay Shabakaddan IHT.
Kooxda Budhcad-Badeedka ah ee Markabkani u afduuban yahay ayaa dalbaday Lacag Madax-furasho ah oo qaddarkeedu dhan yahay 20-Milyan oo Dollar. Inkasta oo Wararka qaarkood sheegayaan in ay hoos u dhigeen oo ay qiimahaas wax ka dhimeen.
Dhinaca kale, Saddex Markab oo ay in muddo ah Xeebaha Soomaaliya ku haysteen kooxaha Budhcad-badeeddu ayaa gaadhay dalka Jabuuti, kadib markii ay dhawaan sii daayeen. Isla markaana dawladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay inay ka qaybgasho dagaalka ka dhanka ah kooxaha Budhcad-badeedda Soomaalida. Waxaana shalay oo keliya ay weerar balaadhan ku qaadeen ilaa shan Markab oo marayay xeebaha Soomaaliya.
Saddexdan Markab ee ay Budhcaddu sii daysay waxa laba ka mid ah laga leeyahay dalka Malaysia, halka ka kalena ay leedahay dawladda Masar, mana cadda in sii dayntooda lay Madax-furasho ka qaateen iyo in kale iyo muddada ay Budhcaddu haysatay Xeebaha Puntland.
Wasiirka warfaafinta Jabuuti Cali Cabdi Faarax ayaa sheegay in dawladiisu ka qayb qaadan doonto la dagaalanka kooxaha Budhcad-badeedda Soomaalida. Wasiirku waxa uu tilmaamay in Soomaalidu xaq u leedahay inay xeebaheeda ka difaacdo kooxaha Kaluumaysiga u taga, balse falalka Budhcad-badeeddu aanu ahayn mid loo dulqaadan karo. Waa markii ugu horeysay ee Jabuuti si cad u sheegto inay ka qaybgalayso dagaalka ka dhanka ah Budhcad-baddeedda Soomaalida.
Weerarada kooxaha Budhcad-badeeddu ku hayaan Maraakiibta isticmaala Badda Cas ayaa noqday kuwo joogto ah, isla markaana shalay oo keliya waxay weerar ku qaadeen shan Markab, kuwaas oo mid ka mid ah laga leeyahay dalka Talyaaniga, halka mid kalena laga leeyhay Imaaraadka Carabta. Ururka Markableyda Jarmalka ayaa sheegay inuu diiwaangeliyay 500 boqol oo isku day oo kooxaha Budhcad-badeeddu ku qaaday Maraakiibta.

No comments:

Post a Comment