Saturday 4 October 2008

Soomaaliyad Xabsi ku mudatay ninkeedii oo


London (XOL)- Ninka noqon gabadhu u doonanayd oo noqon lahaa qarxiyihii July 21 khadadka marinada dhulka hoostiisa ayaa lagu xukumay saddex sannadood oo xadhig ah gabadhii ay is-guursan lahaayeen, ka dib markii ay ku cadaatay inay iyadu siisay Xijaabkeedii si uu dalka Ingiriiska dibada uga baxo. Sidaana waxa lagu faafiyay warbaahinta caalamiga ah.
Farduus Cabdillaahi oo 17 jir ahayd xilligii qaraxyadu ka dhaceen magaalada London, dhalashadeedana lagu sheegay Soomaali, ayaa lagu tilmaamay inay u gelisay Yaasiin Cumar dirays buuxa oo lebiska haweenka muslimka ah, isla markaana horseeday inuu ka baxsado magaalada Birmingham iyadoo aan la aqoonsan. Waxaanay sidoo kale u bedeshay talefoonkeedii si aan loo dhegaysan talefoonkiisa, halka waqti dambena ay been uga sheegtay booliska, iyadoo markaa sheegtay inaanay ogayn meel uu ninkaasi tegay. Mr Cumar waxa uu ka baxay London ka dib markii boorso uu ka buuxiyay waxyaabaha qarxaa uu ku guuldaraystay inay shaqeeyaan oo ku qarxaan jid-tareenka dhulka hoostiisa ee Warren Street. Mrs Cabdillaahi oo la sheegay inay leedahay uur 24 toddobaad jira, ayaa qiratay inay dembiile ku tahay caawimada ay siisay ninkaas. Maxkamadda ayaa dhegaysatay sida ay gabadhaasi maskaxda uga xanuunsanaysay ilaa markii ay jirtay 12 sannadood, isla markaana ay cadaadis ku saareen Cumar iyo qoyskiisu sidii uu u baxsan lahaa. Hase ahaatee, Xaakimka Maxkamadda Judge Paul Worsley oo la hadlayay gabadhaas ayaa ku yidhi, “Masuuliyadaada dalkani way ka waynayd masuuliyadda aad u haysay ninkaaga.” “Xabsigu waa inuu ka duulaa xaqiiqada ah in qof kasta oo caawiya kuwa ku dhaqaaqa tallaabo ay ku laynayaan dad fara badan, isla markaana waa in lagu ciqaabaa dembiyadooda,” ayuu raaciyay hadalkiisa xaakimku. Farduus oo Soomaaliya ka tagtay 1998-kii, isla markaana heshay sharciga muwaadinnimada Ingiriiska sannadkii 2004-tii ayaa lagu khasbay inay is-mehersadaan Yaasiin Cumar afar maalmood oo keliya ka hor qaraxyadii London ee July 21, 2005. Afar maalmood ka hor xilligaasna waxay Farduus ka soo baxday cusataal lagaga dawaynayay xanuunka qulubka iyo cuqdada, kaas oo ay ka soo qaaday waxyaabihii ay Afrika ku soo aragtay. Waxa Mr Cumar baray inaadeerkeed, waxaanay isku mehersadeen Masaajidka Finchley July 17. Inkasta oo aanay iyadu waqtigaa kala ogayn in Yaasiin Cumar uu qorshaynayay weerarada qaraxyada ahaa, hadana waxay ka caawisay inuu booliska marin-habaabiyo ka dib markii uu ku guuldaraystay qarxintiisii. Xeer-ilaaliyaha dacwaddan oogaysay Emma Gargitter ayaa la sheega inay tidhi, “Waxay ku taageertay inay siisay talefoonkeedii si aanu u isticmaalin kiisii uu lahaa. Waxay ka caawisay inay u alifto lebiska haweenka islaamka July 22, waxaanay u sii dhawaysay ilaa Istaanka Basaska waawayn ee Golders Green Coach Station, halkaas oo uu uga ambabaxay Birmingham. Waxaanay warar khaldan ka siisay booliska oo la xidhiidhay aqoontii ay u lahayd Yaasiin Cumar halka uu jiray.” Mrs Cabdillaahi waxay habeenkii uu ninkeedu baxsnayay kula qaadatay huteel ku yaala badhtamaha London, halkaas oo ay ku siisay lebiskeedii xijaabka ahaa. Jonathan Cooper oo ah looyarka daacayay ayaa sheegay inaanay la wadaagayn ninkeeddaas ujeedooyinkiisii, isla markaana ay ahayd qof jilicsan. Isaga oo dib u eegayay nolosheedii horena wuxuu sheegay inay maskaxiyan u buktay. “Mr Cumar ayaa ka xoog-badnaa, isla markaana maamulanayay,” ayuu yidhi garyaqaanku. Inkasta oo ay ka qiratay makamadda horteeda inay ninkaa caawisay bihii la soo dhaafay, hadana qirashadeeda lama soo bandhigin ilaa xilligan.
Si kastoo ay ahaydba, Mr Yaasiin Cumar oo ay weheliyaan Mukhtaar Ibraahim, Xuseen Cismaan iyo Ramzi Maxamed waxa bishii July ee sannadkii hore lagu xukumay xabsi daa’in. Isla markaana gabadhan guurkeedii guuldaraystay, ka dib markii aanay u suuragelin inuu ninkeeddaasi ka baxsado dalka Ingiriiska, waxaana lagu xukumay saddex sannadood oo xadhig ah.

No comments:

Post a Comment