Wednesday 8 October 2008

Maxaa sababay in Shirkadda TOTAL ay mar kale kor u qaado Sicirka Batroolka

Hargeysa (Ogaal) Shirkadda Shidaalka TOTAL ayaa mar kale sare u qaaday qiimaha Batroolka, isla markaana halkii Foosto ku kordhisay 12 doolar, iyada oo uu hore u takhlanaa sicirka Shidaal dalka lagu iibiyo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Cabdiraxmaan Maxamed Cajab oo Ogaal xalay wax ka waydiiyay kor u kaca Shidaalka, waxa uu sheegay in sare u kaca sicirka Batroolka uu weheliyo hoos u dhac ku yimi Naaftada, isla markaana qiimayn ay Wasaarad ahaan sameeyeen kadib ay ogolaadeen ansixinta dalab uga yimi Shirkadda TOTAL oo u saabsan isbedelka qiimaha Shidaalka. “Markii ugu dambaysay ee la kordhiyay wuxuu ahaa Barmiilka (Foostada) Naaftada ahi oo ay TOTAL ku iibinaysay $ 203. Imika hoos u dhigid baa ku timi, waxaana Foostadii laga dhimay 9 doolar, waxayna noqonaysaa $ 194. Laakiin, Batroolku wuu kacay, horena Foostadu 167 doolar bay ahayd, imikana $ 12 baa ku kordhay, waxayna noqonaysaa 179,” ayuu yidhi Agaasimuhu.
Mar wax laga waydiiyay in Shirkadda TOTAL Wasaarad ahaan kala soo xidhiidhay korordhsiimada ay samaysay iyo waxa ay ku sababaysay, waxa uu ku jawaabay; “Haa waanu haynaa. Waxay soo dalbatay horaantii bishii hore. Dabadeedna bishii dhammaatay 14 keedii bay korodhsiimanadan la timi intaanu waanu eegaynay oo daraasad baanu ku samaynaynay. Waxa kale oo aanu eegaynay wixii Shidaal Kayd ah ee yaala Berbera. Waxaanu u ansixinay 27 bishii tegtay. Waxaanu ugu ogolaanay waxaanu haynaa waraaqihii ay ku oo iibisay oo aanu aragnay iyo sicirka Shidaalka adduunka oo sare u kacay. Markaa Shidaalka Naaftada ah ee yaalana waxaanu ku nidhi qiimahaa jaban baa lagu iibinayaa.” “Waxaanu muwaadiniinta Somaliland ee gaadiidka leh, Beeralayda leh, Kalluumaysatada leh ama cid walba leh qiimaha qaaliga ah ee Litirka Naaftada ahi inuu 5700 dhaafo maaha. Dhinaca Batroolka Litirku maanta waa 5500 inuu dhaafana maaha,” ayuu yidhi Mr. Cajab.
Agaasimaha Guud waxa uu tilmaamay in dadku aanay ka soo degin qiimaha ay gaadhsiiyaan sicirka waxa ay iibinayaan marka uu hoos u dhac ku yimaado, isla markaana aanay korodhsiimaha culusi Shidaalka ka iman TOTAL, balse dadku sameeyaan, mar uu arrintaa ka hadlayayna waxaanu yidhi; “Mushkiladu waxa weeye; dadkeenu waxay yaqaanaan kordhi oo qiimuhu ka socdo, laakiin soo deji (qiimo dhimis) ma yaqaanaan. Markaa marka wax dhacaan ama la kordhiyaba waxa loo foodsaaraa TOTAL. Laakiin, maaha Shirkadda ee inaga gudaheena ayay waxani ka dhasheen.” Cabdiraxmaam Maxamed Cajab waxa uu sheegay in hoos u dhaca kooban ee ku yimi sicirka Naaftadu uu wax weyn ka tarayo adeegyada bulshada. “Waxa nasiib-wanaag ah in hoos u dhac ku yimaado Shidaalka, gaar ahaan Naaftada. Waayo; wax-soo-saarkii baa ku xidhan, adeegii baa ku xidhan, hadday noqoto Nalka (Laydhka), Isgaadhsiinta iyo hadday isu socodka noqoto, wax-soo-saarkii Wershadaha iyo Kalluumaysiga hadday noqoto xiligan aad baa loogu baahan yahay, waana wax aan laga maarmi karin,” ayuu yidhi.

No comments:

Post a Comment