Saturday 4 October 2008

“Boorama kama jiro dadweyne qaybsamay, waana barobagaando dawladdeed”


“Siyaasadda waan ku cusbahay mana jirto cid dibada ah oo taageeradayda kala soo xidhiidhay KULMIYE”

Cabdiraxmaan Seylici: Waraysi

Hargeysa (XOL)- Murashaxa Madaxweyne-Kuxigeenka xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Seylici) ayaa sheegay in aanu jirin qorshe hogaanka xisbigoodu ku doonayo in todobaadkan uu ugu socdaalo magaalada Boorama, isla markaana aanu jirin abaabul iyo diyaar garow arrintaa la xidhiidha oo uu ka wado magaaladaa.
Khamiistii doraad waxa la sheegay in ciidamo Boolis ah oo aan hore u joogi jirin la dhigay jidka isku xidha Hargeysa iyo Boorama, kuwaasoo baadhis ku samaynayay qaar ka mid ah gaadiidka gaarka ah, isla markaana dib ugu soo celiyay Hargeysa Dr Axmed Ibraahin (Obolos) oo xubin ka ah xisbiga KULMIYE, kuna sii jeeday dhinaca magaalada Gabiley. Waxaanu Dr Obolos oo arrintaa wax laga waydiiyay sheegay inuu tuhunsan yahay inay la xidhiidho olole xukuumaddu kaga hortegaysay wefti ay horkacayaan masuuliyiin sare oo xisbiga Kulmiye ka tirsan oo la filayo inay socdaal ku tegaan Boorama. Sidaa daraadeed, Cabdiraxmaan Seylici oo xalay Ogaal wax ka waydiiyay jiritaanka socdaalka weftigaa Kulmiye iyo ujeedadooda, waxa uu yidhi; “Socdaal hogaanka xisbigu ku yimaado Boorama maalmahan oo qorshaha noogu jiray ma jirto.”
Muddooyinkii u dambeeyey waxa jiray tibaaxo muujinayay in Ra’yulcaamka Boorama ku qaybsamay xulashada Cabdiraxmaan Seylici loogu doortay Murashaxa Madaxweyne-kuxigeenka KULMIYE. Hase yeeshee, Cabdiraxmaan Seylici waxa uu ku tilmaamay borabagaando xukuumadda Rayaale wado. “Waa arrin dabiici ah in haddii laba qof tartamayaan la kala taageero. Midda kale, arrin ah labada Murashax ee gobolka ka soo wada jeeday tartanka ka dhexeeyay waa lagu kala baxay sidaad ogtahay, wixii intaa ka dambeeyayna waxa meesha yaala ee keliyi waxa weeye; dawladda maanta dalka ka talisa oo u aragta in aan anigu caqabad ku ahay iyo in aan ahay ninka keliya ee gobolka codka kula qaybsanaya (Rayaale). Markaa taas uun baa taal, laakiin dadweyne kala qaybsamay ma jiro ee barobagaando dawladdeed.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Seylici.
Mar wax laga sii waydiiyay dooddiisa ah inuu yahay masuulka keliya ee gobolka Awdal kula tartami karaya Daahir Rayaale oo ah hogaamiyaha UDUB iyo madaxweynaha Somaliland in taas loo fasilan karo in Cabdiraxmaan aw Cali oo hore KULMIYE ugu sharaxay Madaxweyne-kuxigeen uu kaga cod badan yahay, waxa uu yidhi “Anigu hebel ku odhan maayo, laakiin shaqsiyadayda ayuun baan ka hadlayaa. Waxaanan ku leeyahay shaqsiyan waxay u arkaysaa xukuumaddu in culays kaga soo kordhay qof magac ahaan, maamuus ahaan iyo gobol ahaanba qiimaha uu ku leeyahay aad u weyn yahay, taageeradiisuna gobolka Awdal ku faro badan tahay, waana taa ta keenaysa in dawladdu borobagaando iyo culays badan samayso.”
Su’aal aan ka waydiinay inuu jiro culays dhinaca maamulka gobolka kaga yimi oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasaddeed , waxa uu ku jawaabay, “Wax toos ah oo ay iila yimaadeen ma jirto wax sharci daro ah oo aan ku dhaqaaqaana ma jirto. Laakiin, siyaabo dadbani way jiri karaan.”
Wararka laga helayo magaalada Boorama waxay sheegayaan in khilaafkii ka dhashay shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye kala qaybiyay maamulka xisbiga ee gobolka Awdal, isla markaana aanu fiicnayn xidhiidhka Cabdiraxmaan Seylici iyo maamulka xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal. Cabdiraxmaan Seylici oo arrintaa wax laga waydiiynayna waxa uu yidhi, “Maamulka xisbiga ee gobolku ma kala qaybsana. Laakiin, waxa jira hal nin oo ah kii magaca Guddoomiyaha haysan jiray, ninkaasina marka horeba nin naga ridoobay buu ahaa oo warbixin laga soo bixiyay intii aan Shirkii Burco-ba la tegin. Markaa waxaanu nidhi waqtigii aanu shirka tegaynay maadaama aan markii hore la bedelin hayska tago (Shirka) hortee iska daaya. Ninkaas oo aan xisbiga u tirsanayn Guddoomiyihiisii iyo arrimihiisiina loo dhisayo xisbiga mooyee, wax maamul ah oo qaybsani ma jirto.”
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Seylici waxa uu ku dooday in khilaafka soo dhexgalay xisbigu uu haatan gebogebo yahay, isla markaana ay isku soo laabteen dhinacyadii khilaafku kala kexeeyay intoodii badnayd. “In hawshaasi dhammaatay waa iska ogtihiin oo xisbiga aqlabiyadiisii isku soo noqday, inta hadhayna wax yar oo kooban ay yihiin. Waxa la yidhi gari laba nin kama wada qosliso, walaalahayaga hadhayna waxaanu jecelahay inay aqbalaan oo nala shaqeeyaan. Laakiin, khilaaf xisbi oo maanta la sheegaa oo hadhay ma jiro.” sidaa ayuu yidhi Mr. Seylici. Wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi; “Laba boqol iyo labaatan (220) weeye Golaha Dhexe ee xisbigu. Markaa miisaanku maaha qofka ee waa xaga loo badan yahay, qof qof haddii loo eegana mid aan miisaan lahayni ma jiro. Markaa 220-ka Golaha Dhexe haddii shan-lix nin cadho bani-aadam ku maqan yihiin ma odhan karo miisaan baa maqan. Laakiin, rag muddakar ah oo weli cadhadii ku maqani wey jiraan, kuwaana kama maarano oo waanu jecelahay inay noo yimaadaan.”
Saylici waxaa uu ku dooday in Xisbigu ku xushay dedaal iyo sabir uu mudadii Axsaabtu jirtay ugu soo shaqeeyay Kulmiye, waxaana uu beeniyay tibaaxo muujinaya in ay jiraan dedaalo dibadeed oo Axmed Siilaanyo ku dhiiri-geliyay inuu u doorto ku xigeenkiisa ku wehelin doona tarantanka Madaxtooyada. Su’aal arrintaa laga weydiiyay Cabdiraxmaan waxaa uu kaga jawaabay qosol kooban ka dib oo uu yidh “Waxaa weeye, sida aad saxaafad ahaanba qortaan, anigaaba weli saaxadda Siyaasada ku cusub, markaa Siyaasadaydu weli dibada Somaliland ugamay bixin….mana jirto, cid dibada igala soo xidhiidhay ama arrintayda danaynaysa oo Xisbiga kala soo hadashay dibadu.”

No comments:

Post a Comment