Thursday, 11 December 2008

Sideed ku noqon kartaa qof haybad leh oo dadka oo dhami jecel yihiin?

Hargeysa (Xarshinonline) - Ilaahay wuxuu addunkan ku abuuray bani’aadam, kuwaas oo uu ilaahay siiyey ku noolaanshaha iyo waliba ku tasarufkiisa, Wuxuu ilaahay ka dhigay kuwo ka kooban rag iyo dumar waxaa kale oo ay ku kala duwan yihiin xagga midabka, xaga dhaqanka, luuqadaha, iyo diimahaba, laakiinse waxay ka siman yihiin dadka kan adduunka ku nooli inay arkaan indhahoodu dhagahooduna maqlaan wax kasta oo la odhan karo waa wanaag amaba way wanaagsan yihiin.
In kasta oo ay ku kala aragti duwan yihiin, Laakiinse waxaynu odhan karnaa dhamaan dadka adduunka ku nooli waxay jecel yihiin inay noolaadaan waliba si fiican u nooladaan, laakiinse waxay ku kala duwan yihiin, Muminku wuxuu u noolayahay nolosha adduunyadu in uu badbaado aakhiro, halka dadka kale ee intaa ka soo hadhay ay iska noolyihiin iyagoon u aabo yeelin waadi kasta oo ay ku halaagsamayaan iyo waliba meel kasta oo ay addunyadu la gasho.
Waxaan intaas uga baxayaa muhiimada hadalkeena oo ah qodobo dhawr ah oo qofkii si dhab ah ugu dhaqmaa uu nolosha ku noolaanayo farxad iyo raaxo kaligii iyo dadka dhexdiisaba aakhirana uu ka mid noqonayo kuwa guuleysnaya ee liibaaney.
Qobobadan waxaanu inta badan ka soo turjumnay Risaalada qaaliga ah ee uu leeyahay Muftiga reer Suuriya iyo maser ee Dr. Mustafa Al-Subaaci Wuxuu sheikhu cinwaan uga dhigay Risaalada “sidaasay noloshu I bartey ” oo uu soo bandhigey sida uu tijaabo ahaan ugu arkay ku dhaqanka qodobadan iyo sida uu ugu liibaanayo nolosha qofka qaata qodobadan.
Waxaa uu sheekhu ku bilaabey sidan :Sideed guud ahaan u noolaanaysaa?.1: Ha quusan, quusashadu waa inaad ka gaalowday naxariistii Rabbi.2: Ha cadhoodhin, cadhadu waa dilaaga wanaaga nafta.3: Ha xaasidin qof kale, xaasidnimodu waxay xumeysaa nolosha quruxdeeda.4: Ha murugoon, murugadu waxa ay sababtaa in uu jidhkaagu diciifo.5: ku dadaal ilaalinta nadaafadaada.6: Hana iska noolaan adigoon u aabo yeelin waxaa kaa ag dhacaya dunid.a7: hana noqon mid markasta doorbida waxay naftiisu jeceshahay oo keliya.8:isku day inaad u ixtiraamto dadka kale sidaad u jeceshahay in laguu ixtiraamo.Sidee lagugu jeclaanayaa:-1: ilaahay wuxuu kugu jeclaanayaa, inaad badiso cibaadiisa, akhlaaq wanaagsan.2: dadku waxay kugu jeclaanayaan, deeqsinimo badan , wanaag aad u samayso.3: deriskaagu wuxuu kugu jeclaanayaa , waji furfurnaan , dhaqan wanaagsan.4: walaalahaa waxay kugu jeclaanayaan , inaad xusto wanaagooda iyo inaad Ilawdo khaladkooda5: macalinka ardaydiisu waxay ku jeclaanayaan ku dadaalida fahamkooda, iyo u dabacsanaantooda.6: Ardayga macalinkiisu waxu ku jeclaanayaan : fahamkaaga oo deg deg badan iyo ixtiraamkooda oo aad badiso iyo aragtidaada wanaagsan oo aanad la baqan.7: Qoyskaagu waxay kugu jeclaanayaan si fiican oo aad ula dhaqanto iyo mashaakilkooda oo aad fahanto.8: Madaxdaadu waxay kugu jeclaanayaan : shaqadaada oo wanaagsan iyo ixtiraamkooda oo aad badiso.9: Ilaahay iyo ummadiisu waxay kugu jeclaanayaan in aad sameyso wax kasta oo wanaagsan iyo in aad ka fogaato wax kasta oo xumaan ah.Iska Ilaali 6-dan Qoddob:Lixdan qodob ku dhaqankoodu wuxuu kugu sababi karaaa halaag adduunyo iyo mid aakhiro :1: Rabitaanka naftaada ee xumaanta oo badata.2: cilmi aanad u baran ilaahay dartii.3: maal aad heshey oo ku dhaxalsiiya bakheylimo damac badnaan.4: Wakhti firaaqo kugu soo mara oo aad uga faaidaysato macaasi.5: Caqligaaga oo ku siiya khiyaameynta dadka.6: In aad kula kacdo xaasidnimo qof uu ilaahey u nicmeeyey.Sidee ayaad u bari kartaa Carruurtaadu inay kuu samo falaan:1: In aad ula dhaqanto si wanaagsan.2: in aad tustid khaldkooda.3: in aad xusuusisid waajibkooda.4: in aad tusto sida fiican ee aad u jeceshahey iyaga iyo hooyadood ama aabahood.Dariiqa Tarbiyadda Wanaagsan:1: Tus dariiqa wax jecleysiinta ka hor intaanad wax necbeysiinin.2: Tus Dariiqa waanada ka hor intaanad canaanin.3: Tus dariiqa canaanta intaand garaacin.Xusuusnow Laba Meelood:Laba meelood ku ilmee Cibaado ku dhaaftey ka aanad ka faaideysan Macsiyad aad fashey ka dib markii ay u soo martey.2: laba meelood ku farax Wax wanaagsan oo laguu soo hadiyadeeyey Kheyr lagu tusay3: laba meelood khushuucda badi Janasada marka aad la socoto Dhacdooyinka waaweyn markaad aragto.4: laba meelood ku dadaal Ilaalinta sharaftaada ilaalinta caafimaadkaaga.5: laba meelood badi dadaalkooda Doonista cilmiga , Qabashada wanaaga.6: laba meelood u kaydso aakhiro Cilmigaaga iyo maalkaaga.7: laba meelood ilow naftaada Ilaahey marka aad is hor taagtid marka aad caawineyso cid kaaga baahan caawimo.8: laba meelood ha istaagin Meel aad danbi hore ku gashey Meel aad wanaag hore cid ugu gashay iyana haku noqnoqon.9: laba meelood ha kibrin Marka aad waajb samaynayso Markaad la fadhido qof is dhul dhigaya10: laba meelood ha is dhul dhigin Marka aad cadawgaaga la kulanto Marka aad la fadhido qof kibir badan.Sideed Ku Liibaanaysaa?.1- Waajibkaaga u gud sidii illaahay raali ka yahay.2- Ugu shaqee dadka sidii illaahay uu raali ka yahey.3- U fur qalbigaaga wax kasta oo wanaagsan.4- Ka xidh indhahaaga wax kastoo xumaan ah , waxaad noqon mid ka liibaaney dhulka iyo samadaba.
Source: Awdal News Network

Xisbiga Kulmiye iyo Urur-siyaasadeedka Qaran oo sheegay inay isu bahaysteen Hanashada Talada Dalka

Hargeysa (Xarshinonline)- Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Urur-Siyaasadeedka Qaran ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay ku guul-darraysatay sugidda Amniga iyo qaddiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland. Waxaanu Xisbiga Kulmiye ku dhaliilay Xisbul-xaakimka UDUB in aanu qabsan Shirweynihiisii, isla markaana aanu iska dhex dooran Musharaxiinta Jagooyinka M/weyne iyo M/weyne-xigeen ee Doorashada M/weynenimo.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in ay Xisbi ahaan haddii ay ku guulaystaan talada dalka wax ka bedeli doonaan Qaab-dhismeedka Dawladda, isla markaana ay fasaxi doonaan furashada Ururada Siyaasadeed. “Dastuurkeenu Waxyi maaha oo Kitaab Quraan ah ee Inaga ayaa samaysanay, ujeedo ayaa looga jeeday. Waa dhab Taariikhaha aynu soo marnay iyo sida Bulshadeenu u samaysan tahay waa lagu fikiray in Axsaabta iyaga oo aan jirin lagu soo koobo saddex Xisbi oo tartan loo galay oo saddexda Xisbi ee imika joogaa soo baxeen. Laakiin, wax walba waa koraan, meel haddii la taagnaa horaa looga sii socdaa. Waxay tahay in lays waydiiyo abid ma saddexda Xisbi ayaa waligood jiraya, mise dadka iyo Shacbiga iyo Jiilasha soo socda fursad baa loo siinayaa in ay Ururo furtaan, Dimuqraadiyadda qaab kale u dhigaan, horumarinta qaab kale loo dhigo oo loo farsameeyo” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo shalay ka hadlayay Munaasibad shalay loo qabtay Heshiis Iskaashi oo dhex maray Kulmiye iyo Ururka Qaran. Waxaanu sheegay in ay h
Guddoomiyuhu wuxuu Xisbul-xaakimka UDUB ku dhaliilay inaanu qabsan Shirweynihiisii. “Xisbiga laga waayo Dimuqraadiyad gudihiisa ah, mid dalka iyo dadkana ah ma soo wado. Maanta Xisbiyada nala tartamaya ee leh tartan baanu idinla galaynaa, weli Shacabku waa sugayaa oo waanu sugaynaa, ilaa maalintii Xisbiga UDUB la abuuray oo ah Xisbigii ugu horreeyay ee la abuuro, ilaa waqtigaa Shirweynihiisii ma hayno, oo Golihiisii dhexe ma hayno oo iyada oo aanu Waqtiba ka hadhin Doorashadii goor alla goor ay qaban doonaan iyo si ay u soo saari doonaan cidi kama war hayso. Xisbiga Kulmiye wuxuu ku faanayaa in uu yahay Xisbiga hawlihiisa dhammaystay ee maanta qarka u saaran waxyaabihii uu ku hanan lahaa dalkan iyo dadkan.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye.
Muuse Biixi Cabdi:
Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay khilaaf ka dhashay Shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye Burco, kaas oo keenay in muran dhex maro Hoggaanka Xisbiga iyo xubnaha Golaha dhexe. “Khilaafku sidiisaba inta Bani’aadamku nool yahay wuu la socdaa. Khilaafku waxay ku xidhan tahay hadba sida uu u maareeyo, faa’iidana waa ka soo saari karaa, khasaarena waa ka dhaxli karaa…Hddii Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo talo-qabeenka Somaliland ay iska hor iman waayaan oo Ra’yi isweydiin waayaan oo ay meel kaliya isku daba galaan soo Xisbigii Hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed soo noqon maayo. Soo in la helo maaha dad kala duwan iyo Aaraa kala duwan oo talada dalka ka danaysa..Xisbiyada waxa loo furtay inay soo ururiyaan muranka Siyaasadeed oo ay meel isugu keenaan Aragtiyo Kooxo badan oo Bulshada ka mid ah. Haddii Xisbigu taa ururin waayo ka uu yahayba, oo uu noqdo meel Ra’yi qudha ama Qof fikraddii ka socoto, wuxuu noqonayaa mid lagu jabo.” Ayuu yidhi Muuse Biix, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Beryahan dambe Saxaafadda qaarkeed waxay sii buunbuurineeyn Kulmiye khilaafkiisiibaa batay..Waxa jira Xisbiyo aan weli Shir qabsan oo laba Cali aanay ku wada hadal oo aan la hadal haynin, dadka qaar ayaa sidaa ku ammaanaya. Kula yaabi maayo oo ninka sidaa ku raacsani waa fikraddiisa..Ninka Kulmiye ah ee taa fulin waayay ee markuu tiisa waayay ka duday, mabada’’ii KULMIYE kumuu shaqayn, tu gaar ah ayuu ku dhuumanayay. Ninka Xisbigiisa u dul qaadan waaya ee u tudhi waaya ee arki waaya danta fog, waxaanu lahayn yool fog ee wuxuu lahaa gaaban ayuu lahaa.”
Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Kulmiye waxa uu Shacabka ku cannaantay in aanay ka fiirsan cidda ay Talada iyo Hoggaanka u dhiibanayaan. “Diimuqraadiyadda aynu hadh iyo habeen isku haysano, waxa bud-dhig u ah in Shacabku muddo cayiman oo uu awoodda gacantiisa ku qabsado uu Madaxda ku bedelo. Dimuqraadiyaddu in uu dalku horumaro oo Madax wanaagsan la helo..go’aankaa dadweynaha ayay gacanta u gelisay. Qolada Beeralaydu waxay yidhaahdaan Ciiddu kuma dafirto oo waxaad ku riddo ayuun bay soo saarataa. Haddii aad Tiin ku beerato ha filin in Canab iyo Rumaan gurato oo ay kuu soo baxaan oo aad cunto. Shacabku maalinta uu gacanta ku hayo Codkiisa haddii uu Tiin beerto yaanu Canab sugin oo berito horumar sugin. Haddaba waxaynu maqalnaa dadka reer Somaliland waa dad wanaagsan, Anigaa idiin marag-furaya in ay dad wanaagsan yihiin..Haddase taladoodu ma fiican tahay haddii ay halkaa ka wanaagsan yihiin? Haa iyo Maya qofku ka uu doonaaba wuu odhan karaa. Laakiin, waxa weeye laba isma qabato Madaxdaa xun iyo Shacabkaa wanaagsan. Waayo, Madax Somaliland xoog ku qabsataa ma jirto, mana jiri doonto oo taa Dhiig baynu ku qornay. Markaa haddii la yidhi Muwaadinta Somaliland-ow oo ninka Nolosha kuu qaabaynaya soo saar, oo waynu u simanahay Cirroole iyo Caruur wixii 16 jir ka wayn, maxaynu u canaananaynaa Madaxdaynu soo saarno. Ma marka hore ayaynaan ka fiirsan, ma wax baynaan garanaynin, ma taladay cid kale inoo haysaa. Su’aasha in Somaliland isweydiiso mudani waa taas.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Muwaadinta Waraaqda Diiwaangelinta qaatay ee codaynayoow, adiga ayay ku saaran tahay Masuuliyaddii berito Qarankani ama ku jabi lahaa ama ku guulaysan lahaa. Waxaynu goob-joog u nahay khaladka dhaca, in Shacabka badankiisu oo dadka ugu mutacalimsan iyo Salaadiintu ugu horrayso ay yidhaahdaan Inaga yaa inoogu jira iyo yaynu dooranaynaa. Weli ismaynu waydiin yaa wax ina taraya, Ninkaa aynu meesha gaynaynaa taariikhdiisu maxay ahayd iyo maxaa lagu yaqaanaa..Ninka aad masiirkaaga iyo Qarankaaga u dhiibayso ee aad doonayso in uu aayahaaga fog ka taliyo, miyaad u meel dayi wayday. Mise, waxa ka wayn Nin da’da uu doono ha ahaadee Af-maal ah oo firfircoon oo aqoontiisu tahay inuu shaqaysto ayaa Somaliland u taliya. Wuxuu odhanayaa, Inagu haddii aynu reer Hebel nahay, Hebel baynu Codka siinaynaa oo Inaga wuu inoo wanaagsan yahay, Odayaashiisana waanu is-naqaanaa oo hadhow iyaga ayaa inaga qaban doona. Somaliland uma baahna M/weyne la doorto oo dan qoys iyo mid reer fuliyee, waxa loo baahan yahay M/weyne danta Qaranka guud ka eega oo waxa Mandaqadda ka jira ka saara. Marka reer dhan oo 10,000 Cod haya uu nin kaliya u gooyo oo uu yidhaahdo halkaas ayaynu Codkeena marinaynaa ee ay Codka wada siiyaan, hadhow ma cannaanan kartid. Waayo, Adigu maad dooran ee Aw-Hebel baa doortay. Aw-Hebel Land-cruiser waa la siin, Kharash-na waa loo dhiibi, Albaabkana horaa looga furi doonaa, Inankiisana meel dhac-dhac leh ayaa loo geyn. Laakiin, 10,000 ee kale Biyana heli maysaan, Shaqana heli maysaan, Inammadiina Jaamacadaha dhammaystayna meesha ayay fadhiyi doonaan.”
Muuse biixi waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha Nabadgelyada iyo Weeraradiii 29/10. “Waxaad moodda inuu inala dagaallamayo Cadow fiiro dheer, deggan, wixiisa qorshaynaya, inoo tudhayn oo doonaya inuu Xididdada inoo siibo. Qaran ahaan wali inaynaan siday tahay arrintaa u wajahin ayaan qabaa. Qolada Xukuumadda waa lagu garab-taagan yahay in ay Nabadgelyada ilaaliyaan. Laakiin, Su’aal baa jirta oo adduunka oo dhan haysata taas oo ah, sidee laysku waafajiyaa in Qofka Xorriyaddiisii la ilaaliyo iyo Nabadgelyada ilaainteeda..maalintii Qaraxyadii dhaceen ka dib waxa dhacay saddex tusaale ayaan ka soo qaadnaayaa. Mar haddii dadkii la ilaalinayay aan ahay waa in aan Dawladda ka nabad galaa, haddii ay I disho maxaad ilaalin, muxuuse Cadowgu igu soo gaadhi doonaa. Maalintii u horraysay waxaynu maqalnay Xildhibaan baa la garaacay oo lagaga dhiijiyay. Ma inankaa dembiga leh, ma Askarigaa leh? Muwaadinka ayaa dembigaa leh, waayo cid buu doortay, cid buu I yidhi I hoggaami oo I ilaali, oo ma bartay ha dhibin ee Cadowga ka ilaali. Mise waxay tidhi wixii I soo eega ee aan aniga ahayn Madaxa ku dhufo… waxa xigtay Nin Gabadhiisii oo Umul ah sida, dabadeed inta uu Askari joojiyay ayuu Madaxa ka toogtay..Intaas oo dil buu Ciidankeenii marayaa ee miyuu ina dilayaa, mise wuu ina ilaalinayaa. M/weynaha, Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka midna laguma canaanan. Waxa la odhanayaa Ninku (Askarigu) waa Qoloma, waa Reer Qudhac. La odhan maayo waa Ina Dawladeed, waa Ina Boolis oo Taliyaha ayaa ka masuul ah, Aabbihi waa Ninka Qoriga u soo dhiibay, intaas ayuu Shacabku garan la’ yahay. Muwaadin berito waxa la doonayaa in aad cid doorato, maxaad dhisaysaa?” ayuu yidhi Muuse Biixi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Arrimaha u baahan in aynu eegno oo haddii layna weeraray maaha in aynu Inagu Nafta iska qabano. Markaynu bil gudaheed saddex dil iska marayno, sanadkii maxay noqonaysaa. Waxaan leeyahay Hindiya sideenan ayaa loo weeraray oo la qarxiyay, Wasiirkii, Wasiir-xigeenkii iyo Taliyihii intiiba way is-casileen, waa Dad damiir leh oo way damqanayaan. Giriig Innamo ayaa Mudaharaaday, mid ka mid ah ayuu Boolisku dilay, toban cisho ayay socota Mushkiladdii..Waxaas oo khalad ah waxa leh Dadweyaha iyo Muwaadinka, waayo waxaynu xalaalaynay haddii ninka Masuuliyad loo dhiibto haddii uu joogo Kastamka inuu Lacagta cuno oo aan ku faaniya oo aan baryaa ayaan u xalaaleeyay. Haddii uu Boolis yahay inuu Aniga I garaacaa ayaan u xalaaleeyay. Maanta waxay ahayd dadkaa la laayahay in lagula xisaabtamo oo Maxkamad lagu soo taago Taliyaha Booliska, Wasiirka Daahiliga iyo Madaxweynaha.”
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose:
Sidoo kale Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa ka hadlay Doorashadii M/weynenimo ee ay dalka ka qabsoontay iyo doorashadii M/weyne Rayaale ka doortay. “Umad aan gefin ma jirto, Doorashadan Doorashadii ka horraysay markii ay dhammaatay ayaa waxaan isweydiiyay waxa Axmed (Siilaanyo) ku waayay, Rayaale-na (Madaxweynaha) ku helay. Haddaan Buuggii Taariikhda, Cilmiga iyo Aqoonta, Khibradda iyo dadnimada eegay, Caqligaygii waa keeni kari waayay, waxaanse u qaatay kufis inay ahayd. Axmed markaan Wejigiisa eego kama muuqato bar madow, waa kaa weli halgamaya. Balse Shacbigii bay bartii madoobayd ka muuqataa. Guri walba maanta waxay taagan yihiin Allow yaa naga dul qaada (Xukuumadda jirta).” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Qaran. Waxaaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Axmedoow (Siilaanyo) sannooyin badan ayaad Bacadka, Cadceedda iyo Kaneecada soo jiidhaysay, Abaal umaad lahayn in Daahir kaaga adkaado Doorashada.”
Jamaal Caydiid Ibraahim:
Guddomiye-xigeenka 2aad ee Urur-Siyaasadeedka Qaran Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay ku guuldarraysatay gudashada Waajibkii loo igmaday. “Waxa dadkeena badankiisu Xukuumadda maanta jirta ay ku doorteen oo ay ugu codeeyeen laba Eray, midi waa Ictiraaf-raadin, midina waa Nabadgelyo. Dadkeena oo aynu ku ognahay Caqli oo aynaan odhan Karin Maskaxda ayaa laga xaday, waxay soo dhawaysteen in ay iska iloowaan wax walba oo ay iloowaan wax walba oo ay aaminaan in Ictiraaf iyo Nabadgelyo loogu maqan yahay. Maanta Nabadgelyadu waxay maraysaa in M/weynuhu Waddadii Gurigiisa hor maraysay uu xidhay. Dee, dadka kale ee inoo martida ahi kama caqli liitaane wuxuunbay is-yidhaahdeen malaha M/weynuhu wax buu ogyahaye, yaan meesha laydunku soo noqon oo way Inaga yaaceen. M/weyne-xigeenkiina Aqalkiiba Aqal buu ka hor dhisay. Dadweynaha intiisii kale, Magaaladii, Baayacmushtarkii iyo Daarihii cid alla cid ay ku halleeyeen, wuxuun baan is-yidhi malaha Ilaahay bay inagaga tageen. Ictiraafkiina Nabadgelyadii ayuu ka dambeeyay oo saaka Ilaahay uun baa inoo maqane, waxaanu is-nidhi ciddii u hawlgeli lahayd Kulmiye ayaa kow ka ah.” Ayuu yidhi Jamaal Caydiid. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Nabadgelyadii iyo Ictiraafkii laynoogu maqnaa wuxuu kallifay in Madaxtooyadii inoogu qiimaha badnayd Kadinka looga galo. Inagu inteenii waynu ilaashanay oo way degannahay Suuqeenii, Lacagteenii iyo Ganacsigeenii. M/weyne-xigeenkii Salaaddii Iidii khudbad uu jeediyay wuxuu yidhi, Waalidka Ubadkoodu Xamar tageen inta aananu u yeedhin ha noo yimaadaan, Waxaan xasuusin lahaa haba u yimaadaan oo ha u yeedhee in uu ku daro Waalidkii 17-ka sanno Ubadkooda Jaamacadda ka soo saaray ee Hargeisa, Burco iyo Borama isku tuuray in uu u yeedho oo uu yidhaahdo Caruurtiina maxaa badda geliyay. In uu Ubadka inoo dar yeelaan oo ay inoo dejiyaan oo ay akhlaaqiyaadka wanaagsan u bandhigaan iyaga ayaynu ka filaynay, markaaa kuwaana ha u yeedho ha waydiiyo sababta Ubadkaasi Badda geliyay. “
Baashe Cabdi Gaboobe:
Baashe Cabdi Gaboobe oo ka mid ah Hoggaanka Urur-Siyaasadeedka Qaran oo isna halkaa ka hadlay ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Madaxda Afrika dadka ugu dhaw ee la-taliyaha u ah ayaa khariba oo aan runtooda u sheegin oo aanay odhan ka joog way khariban tahaye. Maamulka maanta taagan nin alla nin Rayaale ku odhan kara waar waxan dalka ka daa ama Wasiir ha u ahaado ama La-taliye ha ahaadee, ma jiro. Intii u sheegi lahayd ee soo martayna nin la eryay iyo nin isaga tagay ayay noqdeen. Markaa Anagu wax cad baanu la qoranay Kulmiye oo Umadda dan u ah, dalkana dan u ah oo aanu ku garab-taagnaano oo aanu iska kaashanayno sidii loo fulin lahaa oo loo samayn lahaa Dawlad wanaagsaan oo kooban.”
Source: Ogaal Newspaper, Hargeysa, Somaliland