Thursday, 26 February 2009

Xukuumadda oo lagu dhaliilay wax-ka-qabasho la’aanta muran-dhuleed muddo soo taxnaa

Hargeysa (XOL)- Laba qof ayaa ku dhintay, ugu yaraan sideed kalena way ku dhaawacmeen dagaal shalay ka dhacay deegaan u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki.
Dagaalkan oo dhexmaray laba maleeshiyo beelood oo wada degan deegaankaasi, waxa uu sida la sheegay bilaabmay abaaro 10:30 barqonimo ee shalay. Labadan dhinac ee dagaalku dhexmaray oo in muddo ahba muran u dhexeeyay, waxa khilaafkoodaa shalay gacan ka hadalka keenay salka ku hayaa muran dhul-beereed u badan oo u dhexeeya degmada Gabiley iyo Baki. Inkastoo sida la sheegay deegaamadaa muranku ka oogan yahay qaybo ka mid ah hore
Xukuumaddu ciidan ugu dirtay, haddana dagaalkan shalay ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel ka durugsan goobta ciidanku fadhiyaan, halkaasoo sida wararku sheegeen u dhow meel lagu magacaabo Buqdhada. Qaar ka mid ah Salaadiinta labada dhinac ee dirirtu dhexmartay oo xalay Wargeyska Ogaal khadka telefoonka kula xidhiidhay, ka sokow eeda dhinacba midka kale ugu jeediyay masuuliyada weerarka, waxay Xukuumadda ku dhaliileen inay ka gaabisay soo afjarida
khilaafkan oo in muddo ahba soo taxnaa. “Xukuumadda waxaanu isku ogayn in la sameeyo guddi khilaafkaa (muranka dhulka) dhamaysa oo qolo walba xaqeeda si Caddaalad ah u kala siisa, arrintaana si degdeg ah loo galo. Markaa shan oday baa nalagaga saxeexay damaanadaa, xaga kalena shan oday baa laga saxeexay. Sidaa darteed, sidii aanu u filaynay in maanta (shalay) la diro guddigii Guurtida iyo Xukuumadda ee dhexdhexaadka ahayd, ayuun baa abaaro 10:30-kii weerar lagu soo qaaday 20 inan oo beerahoodii iska jooga meesha la yidhaahdo Gacanka-madow. Markaa laba qof baa ku dhintay, lix kalena way dhaawacmeen.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Ismaaciil Sul. Cabdiraxmaan oo ka mid ah Madaxdhaqameedka degmada Gabiley.Suldaanka oo la waydiiyay inay goobtaa dagaalku ka dhacay ciidankii Xukuumaddu u dirtay joogeen iyo inkale, waxa uu ku jawaabay, “Ciidanku way joogaan, laakiin deegaanka ay dadkani wada degen yihiin ee ay sidaa isu dhinac galaan ayaa aag dheer oo badan ah.” Suldaan Ismaaciil waxa uu Xukuumadda ku eedeeyay inay ka gaabisay wax-ka-qabashada murankan. “Arrintan waa la baajin kari lahaa, waxaana lagu baajin kari lahaa laba dhinac oo cabanaya haddii ay dadku noqdaan cidii kala saari lahayd ee arrintooda geli lahayn waa hadba Xukuumadda markaa talada haysa. Markaa Anigu waxaan Xukuumadda ku dhaliilayaa inay ka gaabisay inay arrintaa degdeg wax uga qabato,” ayuu yidhi.
Wuxuuna intaa ku daray in labada qof ee ku dhintay magacyadoodu kala yihiin; Sayid Maxamed Xusseen Cige iyo Maxamed Xassan Xaaji Raage, kuwaasoo xalay lagu aasay degmada Gabiley. Waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan lix kale oo dhinacooda kaga dhaawacmay dagaalkaas, wuxuuna tilmaamay in aanay haatan xaaladda deegaankaa ka taagani wanaagsanayn, isla markaana ay sugayaan talaabada Xukuumaddu qaado. Waxa uu Xukuumadda ugu baaqay inay si degdeg ah wax uga qabato dhacdadaas, isla markaana waxa uu shacbiga u soo jeediyay in la ilaaliyo Nabadgelyada oo aan dadka reernimo lagu waxyeelayn. Sidoo kale, waxa uu ka sokow Xukuumadda, goleyaasha qaranka gaar ahaan Golaha Guurtidu ku dhaliilay in aanay qaadanin doorkii ay ku lahaayeen arrintaas, kana gaabiyeen soo dhexgelida murankan.
Dhinaca kale, Suldaan Cabdiraxmaan Xassan oo ka mid ah Madaxdhaqameedka degmada Baki oo aanu isna wax ka waydiinay arrintan, ayaa sheegay in arrintani in muddo ahba soo taxnayd. “Saaka (shalay subax) iyagoo ciidanku quraacanaya ayay soo weerareen iyagu. Dagaalku markuu muddo socday ayay haddana mar kale soo rogaal-celiyeen……Xaaladdu imika waa caadi, waana lays horfadhiyaa oo ma ogi cid kala dhex gashay.” Sidaa ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in Xukuumadda Somaliland ka gaabisay furdaaminta murankan oo muddo soo jiitamayay. Wuxuuna sheegay in dhinacooda laba qof kaga dhaawacmeen dagaalkaas shalay. Hase yeeshee, labada Suldaanba waxay muujiyeen in dagaalku yimaado marka laga fursan waayo, isla markaana aanay ku faraxsanayn dhacdadaas, taasoo ay sheegeen in loo baahnaa in xilli hore wax laga qabto.Marka laga tago aragtiyaha Madaxdhaqameedkaa labada dhinac, waxa la sheegay in arrintani sababtay xasaasiyad laga dareemayay magaalada Gabilay, ka dib markii la geeyay labada Marxuum ee ku geeriyooday dagaalkaas.Xukuumaddan oo aanay isku daynay in aanu arrintan wax ka waydiino ayaanay noo suurtogelin, mana jirto wax war ah oo ay dhacdadaas ka soosaartay.Dhinaca kale, xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Xukuumadda iyo goleyaasha Xeer-dejinta ku dhaliilay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada muran-dhuleedkan oo uu sheegay inuu muddo soo jiitamayay. Afhayeenka xisbiga, ahna Kusimaha Guddoomiyaha Xassan Xusseen (Codyare) oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Ogaal, waxa uu labada dhinac ee dagaalku dhexmaray ugu baaqay inay xaaladda dejiyaan. “Xisbiga UCID waxa uu aad uga xun yahay ugana tiiraanyaysanyay dagaalkaa khasaaraha keenay ee dhexmaray labada beelood ee xasabada ah. Waxaanu ku dhaliilayaa Xukuumadda iyo Goleyaasha kale ee qaranka oo ka gaabiyay wax ka qabashada murankan oo muddo soo taxnaa.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenku. Wuxuuna ugu baaqay Xukuumadda, goleyaasha Baarlamaanka iyo Madaxdhaqameedka reer Somaliland inay gurmad ka galaan sidii loo dejin lahaa xaaladdan colaadeed.Muranka u dhexeeya beelaha halkaasi wada dega ayaa wuxuu sii xoogaystay xiligii hawlaha diwaangelintu ay ka bilawdeen gobolka Awdal iyo Awdal. Isla markaana deegaankaasi ayaanay wax diwaangelin ahi ka dhicin murankan awgii.
Xigasho: Wargeyska Ogaal

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska oo la tashi gaar ah la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE iyo Daahir Rayaale oo deg deg loogu yeedh

Hargeysa (XOL) - Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa looga yeedhay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Britain, waxaanu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Ingiirika u qaabilsan Afrika, Lord Mallach-Brown, si loola yeesho la tashi ku saabsan arrimo khuseeya siyaasadda Somaliland ee wakhtigan xaadirka ah iyo mawqifka xisbiga KULMIYE. Madaxwayne Daahir Rayaale na waxaa si deg deg ah loogu yeedhay inuu London yimaado si uu uga jawaabo dareenka KULMIYE iyo dib udhaca doorashada.
La tashiga KULMIYE iyo yeedhitaanka Daahir Rayaale waxay ka danbaysay warbixin uu xoghayaha arrimha dibadda ee KULMIYE dhawaan uu u gudbiyay dawladda Ingiriiska iyo barlamaankaba oo ka turjumaysay dareenka siyaasadeed ee shacabka Somaliland iyo aragtida xisbiga KULMIYE ee ku wajahan sida uu madaxwayne Daahir Rayaale u maamulayo hawlaha diyaargarowga doorashooyinka madaxwaynaha iyo faragalinta sharciga khilaafsan ee uu ku hayo golayaasha qaranka.
Ujeedada kulankan maantuna waxay ahayd in dawaladda Ingiriisku si qoto dheer ugu kuur gasho dareenka haatan ka taagan Somaliland ee la xidhiidha doorashada madaxwaynaha iyo mawqifka xisbiga KULMIYE oo ah xisbiga mucaaradka ugu wayn.
Arrimaha ay laba geesood kulankan ku lafa gureen waxaa ugu waynaa doorashada madaxwaynaha oo xukuumaddu ay ka shaqaynayso sidii mar kale dib loogu dhigi lahaa. Dr. Maxamed Cabdillahi wuxuu shirkan uu la galay dawladda Ingiriiska ka caddeeyay in haddii doorashadu wakhtigeeda dhici waydo ay masuuliyada dib u dhacaasi leedahay xukuumadda Daahir Rayaale, ee aan eedda dusha laga saari karin Komishinka Doorsshada Qaranka ama hayadaha shisheeye ee Somaliland la shaqeeya. Wuxuu xoghayuhu u sheegay Lord Mallach-Brown in arrinta dib u dhaca doorashadu ay ka turjumayso ujeedo siyaasadeed oo xukuumaddu leedahay, ee aan lagu sifayn karin cilad farsamo.

Dr Maxamed wuxuu sharaxaad ka bixiyay mawqifka xisbigiisu ka qaadanayo arrintan. Wuxuuna sheegay in dawladu ku fashilantay xil-gudashadeedii qabashada doorashada ee ku beegnayd April 2008 kii, markii loo dheereeyay muddo sanad ahna ay haddana muuqato inay ku fashilantay mar labaad in doorashadu wakhtigeedi dhacdo, sidaa awgeed loo baahan yahay in, iyadoo la raacayo distoorka dalka, ay golayaasha qaranku soo dhisaan maamul ka madax banaan xukuuamada oo dalka si ku meel gaadh ah u maamula kaasi oo xilkiisu ugu wayni yahay inuu dalka doorasho ka hirgaliyo.
Xoghayuhu wuxuu u gudbiyay dawladda Britain qorsha xisbigiisi ee ku aadan doorashooyinka iyo arrimaha siyaasiga ah ee ka socda dalka iyo gobolkaba, wuxuuna ugu yeedhay xukuumadda Somaliland in aanay u isticmaalin hantida iyo ciidanka qaranka in lagu cabudhiyo xorriyadda iyo rabitaanka shacabka Soomaliland, haddii ay tasi dhacdana ay waxyeeli karto nabadgalyada dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska ee qaabilsan arrimaha Afrika wuxuu shirka ka sheegay in barnaamijka dimuqraadiyada iyo xukunka ku dhisan doorashooyinku ay yihiin guulaha ugu waawayn ee adduunku umadda Somaliland ku ixtiraamo, looguna soo joogsada. Waxaana loo baahan yahay buu yidhi in aan hormarkaasi la dhaawicin.
Doorashoyinka oo la qaban waayaa wakhtigooda ama awooda xukunka dawliga ha la dheeraystaa waxay burburin kartaa horumarka Somaliland gaadhay, ayuu yidhi Lord Mallach-Brown. Waana arrimaha aanu sida wayn ugala hadli doona madaxwaynaha Daahir Rayaale marka uu noo yimaado todobaadka. Lord Mallach- Brown, wuxuu balan qaaday inuu sii wadi doona wadatashiga KULMIYE iyo dawladda Ingiriiska.
Dr. Maxamed Cabdillahi iyo Lord Mallach-Brown waxay kaloo kawada hadleen arrimo la xidhiidha kobcinta xidhiidhka Somaliland la leedahaya Ingiriiska iyo wadamada Afrika, iyo arrimo la xidhiidha dadalka Somaliland ugu jirto sidii ay aqoonsi siyaasadeed u heli lahayd. Wuxuuna Xoghayuhu ka waramay dadaalka xisbigiisa uu ugu jiro aqoonsiga Somaliland.
Kulanka waxaa labada masuul ku weheliyay saraakiil sare oo ka tirsan wasraasradda arrimaha dibadda ee Igiriiska. Kulanka ka dibna, wuxuu xoghayaha arrimaha dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, uu kulan gaar ah la yeeshay diblomaasiyiin ka tirsan qaybta Afrika ee wasarradda arrimaha dibadda ee Ingirriska oo ku saabsanayd Soomaliland, waxana halkaa lagu waydiiyay su’aalo la xidhiidha hinisayaasha xisbiga KULMIYE ee ku wajahan Somaliland iyo wadamada jaarka la ah.
Kulankani wuxuu ku soo beegbay xilli ay xukuumadda Somaliland doorbidayso in ay doorashada madaxwaynaha dib u dhigto, xisbiga KULMIYE na uu doonayo inaan dib loo dhigin.
Madaxwyne Daahir Rayaale marka uu yimaado London todobaadkan (jimcaha) waxay xukuumadda Ingiriiska oo u matalayo David Miliban iyo Lord Mallach-Brown ay lagali doonaan kulan adag oo lagu waydiin doono su’aalo la xidhiidha doorashada raagtay iyo dareenada ku hareeraysan.
Sanadkii hore, waxaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE kulan la tashi ah ugu yeedhay mudanyaal ka tirsan Aqalka Odayaasha ee Baarlamaanka Ingirrika oo uu ka codsaday in Daahir Rayaale loo yeedho.
Xigasho: Somaliland.org

Cabdillaahi Darawal oo ku Baaqay in Talada Dalka Lagu Wareejiyo Labada Gole Baarlamaanka

“Nimankan Saaxiibaday sharaftoodu waxa ay ku jirtaa, in ay iscasilaaan, talada
dalkana ku wareeiyaan Golayaasha Baarlamaanka”

Hargeysa (XOL)- Md. Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo hormuud u ah mucaaridka xisbiga UDUB dhexdiisa ayaa ku baaqay in hadii doorashdu Madaxtooyadu ku dhiciweydo wakhtiga loo mudeeyey ee 29-ka bisha March 2009,ay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu iscasilaan, isla markaana talada dalka ku wareejiyaan labada gole ee Baarlamaanka Somaliland si looga badbaado khilaaf siyaasadeed oo dhasha.
Md. Darawal oo u warramayey shalay Jamhuuriya iyo shabakadda wararka ee Ramaas News, ayaa isagoo daba jooga hadal Komishanka Doorashooyinku ku sheegeen in dib-u-dhac ku yimi waqtigii doorashada madaxtooyada waxa uu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan in yar ka idhaahdo arrimahan taagan iminka ee wakhtigii xukuumadda ee la kordhiyayna uu hadda soo gebageboobay, iyadoo aan wax doorasho ah dalka ka dhicin, Komishinkuna caddeeyeen inaanay wakhtigeedii dhacayn. Horta waxaan idiin sheegayaa in aanay la yaab lahayn in la maqlo arrintaas, dadka caadiga ahna waxay u noqotay wax caadi ah. Haseyeeshee, nimankan saaxiibaday ah ee aan meesha kaga imi maanta sharaftooda iyo magacoodu wuxuu ku jiraa haddii ay in uun dhaxal ka tagayaan, dalkuna uu ku badbaadayaa, iyagoo iscasila oo yidhaahda mar haddii aan ku guuldarraysanay inaanu doorashadii qabano, waannu iscasilnay, talada dalkana labada Shirguddoon ee goleyaasha Baarlamaanka u dhiiba, haddii ay taas diidaan waxaan u arkaa uun niman doonaya inay xoog wax ku haystaan.”
Md. Darawal waxa uu Golaha Guurtida ku eedeeyay in markii nabadgelyadii dalku taabbogashay ay shaqadoodii ka dhigteen muddo kordhin iyo dastuur jabin joogta, “Waxyaabaha aan anigu la yaaban nahay Golihii Guurtida oo waddankan ilaa halgankii ilaa intii Somaliland jirtay waddankan hawlo badan oo dhaxalgal ah ka soo qabtay oo qiime ballaadhan ku lahaa dalkan ayaad moodaa markii nabadgelyadii iska sugnaatay oo ay taabbogashay inay u digo rogteen inay kordhin uun shaqadoodii noqotay, oo had iyo goor ay qodobka 83-aad ee dastuurka dalka xarafkiisa shanaad ay cuskadaan oo dastuurkeenna marka la akhriyo ku ah dastuur jabin dadka baddidiisu u arkaan, qodobkaasi wuxuu sheegayaa nabadgelyo-darro iyo aafooyin uun in lagu kordhin karo. Iyagu laakiin mar kasta ay shraciga si caadi ah u jabiyaan iyagoo sabab ka dhiganaya dawlad la’aan ayaanu ka cararaynaa.”
Waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Golaha Guurtidu waxay iloowsan yihiin inay dhiirrigelinayaan in sharciyadii dalka in la jabiyo, taas oo aad mooddo inay gaadhsiisay xukuumadda iminka oo saddex jeer oo hore loo kordhiyay, markii u horreysay ee la saaray meesha Madaxweynahan [Rayaale] ee marxuumkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dhintay, waa la kordhiyay hal sanno ayaa lagu daray.
Doorashadii 2003-dii 82 maalmood ayay kordhiyeen, sannadkii 2007-kiina hal sanno ayey ku dareen, saddexduba waxay ahaayeen qayrul-dastuuri, sababtu waxaa weeye qodobka ay cuskadeen ma qeexayo waxay u cuskadeen, wuxuu qeexayaa nabadgelyo-darro iyo aafo midna ma jirin, balse iyagu waxay yidhaahdaan dal baanu badbaadinaynaa. Madaxweynuhu saxaafadda ayaabu ka yidhaahdaa si aan gabbasho lahayn, markii la yidhi, dastuurka ayaad jabisaa, dastuurka ma jabiyee qodobo aan micno lahayn ayaan iska il-duufaa, waayo wuxuu arkay in maalin walba qodob dastuuri ah la jabinayo oo Guurtidii sharci-dejinta ahayd ee la rabay inay sharciga ilaaliso ayaa jabinaysa. Ta kale waxay illowsan yihiin in xuquuq dad leeyahay ay ku tumanayaan bulshada Somaliland waxay xaq u leedahay shan sanno markay dhamaataba inay cid kale doortaan oo ay la xisaabtamaan, bulshadaas dhanna inay xuquudoodii dhaawaceen ma dareensana, waxaanay darreensanayn axsaabta mucaaridka ah ee dastuuriga ah ee shantaas sannadood u soo halgamaysay in xukuumadda kula tartamaan doorashashada, kuwaasna xuquuqdoodii way ku tumanayasaa.”
Waxa kale oo uu Guurtida ku tilmaamay kuwo aan dhuuxin xeerarka iyo qodobadda dastuurka dalka ee la xidhiidha muddaynta wakhtiga xukuumadda iyo qodobadda la xidhiidha la xisbaabtanka xukuumadda, isagoo arrintaas faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Golaha Guurtida waxaan leeyahay waxaa la idiin arkaa cid badhna sharcigii akhriyaysa badhna duudsiyaysa, dadka xaq looguma leh nin saddex jeer loo korodhiyay oo xaq u lahaa inuu shan sannadood madaxweyne ahaado in la yidhaahdo mar kalena ha loo kordhiyo ummadda xaq looguma leh, axsaabta xaq looguma leh oo dalka xaq looguma leh. Laba sanno ayuu dalku doorasho u dal-dalnaa, dadkan waxay u baahan yihiin dawlad la doorto oo dhaqaajisa, waxaynu arkaynaa sicir-bararka, meeshad xumada ka jirta dalka.”
Cabdillaahi Xuseen Iimaan oo ka hadlayey dadka dhawaan laga dhacay lacagaha ku jiray mashruucii fashilmay ee Fadhi-ku0dhereg la magac-baxay, wuxuu yidhi; “Waxaynu arkaynaa dadkii oo xataa tuugtii dhacayso oo maanta inta lacagahoodii si been-been ah looga gurto cirka loo dirayo oo aad arkaysaan in Somaliland oo dhammi ku wareersan tahay oo qoysas dhan ku baaba’een, waxaynu arkaynaa dhallinyaradii oo baddaha ku dhamaatay oo wada tahriibtay, dee dadkaasi waxay u baahan yihiin dawlad la doorto oo wax u qabata.
Golaha Guurtidu ma xisbaad tamaan oo qiimayn ma sameeyaan, markay kordhiyaan ma dabo galaan, marka dambe ee ay doonayaan inay wax ku daraan qiimayn ma soo bandhigaan oo cid dambiga ma saaraan, ha ogaadeen markay maalin walba kordhinayaan inay nabadgelyadii xumaynayaan, waxa lagu wada joogaa waa sharciga.
Golaha Guurtidu waa inuu tixgeliyaa dhibaatada maanta dalka ka taagan, balse waa inaanu tixgelin koox yar oo ku fashilantay inay dalka doorasho ka qabato oo ay xilkoodii ka soo baxaan, dadkuna imika wuu darreensan yahay ee ha ogaadeen, waxaana loo arkaa gole u taagan oo u fadhiya inuu wax kordhiyo mooyaane aan wax kaleba qaban,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Cabdillaahi Darawal.


Xigasho: Jamhuriya Online