Saturday, 7 March 2009

Wasiir Cawil muxuu ka yidhi Guryaha isaga iyo Rayaale ka dhisteen dibada?

Hargeysa (XOL/Ogaal Newspaper)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Xusseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay in ay Xukuumadda ahaan diyaar u yihiin qabsoomida doorashada Madaxtooyada, isla markaana haddii damaanad looga baahanyahay waqtiga doorashada la waydiiyo Komishanka doorashooyinka oo uu tilmaamay inay xaq u leeyihiin muddaynteeda.
Wasiirka oo shalay u waramay Telefishanka Horn Cable, waxa uu ku doodday inay jiraan waxyaabo badan oo ay Xukuumad ahaan ku faani karaan inay wax ka qabteen, kuwaasoo uu sida uu tilmaamay ay ka mid yihiin dhismaha Ciidamada, gaadhista Xuduudda dalka, doorashooyinka iyo qodobo kale. “Waxaan u arkaa in Kulmiye khaldan yahay. Doorashada cida ka masuulka ah waqtiga la qabanayaa waa Komishanka....Adduunka oo dhan iyo jaarkeena aynu eegno, doorasho markay dib u dhacdo dawladda markaa joogta uun baa umadda gaadhsiisa doorasho. Dawlad cirka laga keenayaa ma jirto….Marka aad siyaasi tahay, waxa loo baahan yahay inaad Gartaada akhrisato, Kulmiyena Gartooda ha akhristeen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.
Cawil Cali Ducaale waxa uu ku baanay inuu yahay nin Qoraa ah, isla markaana uu mararka qaarkood ku fekero in taariikhdii 1960-kii dib u soo noqotay oo ay dabada ka riixayso fikirka xisbiga Kulmiye. “Waxaan mararka qaarkood is idhaahdaa nimankan mutacalimiinta ah ee Kulmiye intaa may garan waayine, waayo qofka caadiga ah ee suuqa marayaa garanaya in aan dawladdi ka bixin meel oo aan cid kale Cirka laga keenin, dawladd dhisana mid kale lagama dul dhiso. Marka taas rag dalkan u soo halgamay oo taariikh ku lihi ka leexdaan, Ingiriisku wuxuu ku maahmaahaa taariikhdu iyadaa isa soo celisa. Mararka qaarkood waxaan is idhaahdaa 50-kii sannadood baa la gaadhay, waayo 50-kii sannoba mar bay soo noqotaa. 1960-kii bay dawladdi inaga luntay, maantana kontonkii sano ayaa buuxsamay,” ayuu yidhi. Wasiirku waxa uu tilmaamay in xisbiga Kulmiye la mid yahay xisbigii SNL ee sannadkii 19960-kii Xamar geeyay dawladnimadii Somaliland ee xilligaa xoriyadda ka qaadatay Ingiriiska. “Siyaasiyiinta Kulmiye mawjad taariikheed bay dusha ka saaran yihiin, mawjaduna Maraakiib dhan bay Badda ku dartaa. Markaa mawjad culus oo intaas le’eg oo Dimoqraadiyada tuurta ayay dhakada ka saaran yihiin, aqoontii ay kaga degayeena ma laha……Sannad ka hor baanu heshiis galnay, kaasoo sheegayay haddii doorasho dhici waydo waxa la yeelayo, inay heshiiskaa dafiraana maaha,” ayuu raaciyay. Wasiirka Maaliyaddu waxa uu ka galgashay in heshiiskaa oo 8 qodob ka koobnaa ay fulin waayeen dhinacooda qodobaddii khuseeyay, sida qodob sheegayay in la sameeyo guddi joogto ah oo ka wada shaqeeya hawlaha doorashada iyo ilaalinta hantida qaranka in aanay cid gaar ahi adeegsan. Wuxuuna ku doodday in heshiiskaa qodobka ugu muhiimsani ahaa qodobka sheegayay haddii doorasho dhici waydo waxa looga gudbayo. “Ta damaanada waxa loo baahanyahay in Kulmiye, UCID, UDUB iyo dawladduba inta aanu horfadhiisano Guddiga doorashooyinka in aanu nidhaahno damaanad na siiya waqtiga aad ku qabanaysaan doorashada, haddii aad xilligaa ku qaban waydaana xalka noo sheega,” ayuu yidhi oo wax laga waydiiyay damanaad-qaad la xidhiidha dib u dhac mar kale ku iman kara doorashada Madaxtooyada.
Waxa kale, oo uu ku dooday in Xukuumad ahaan dhaqaalihii ay ku bixiyeen doorashada Xisaabiyaha dawladu u hayo, Islamarkaana ay filayaan in tii deeq-bixiyayaashu ay haystaan tii ay dhinocooda ku bixiyeen. Waxaana uu u soo jeediyay Kulmiye inay saxeexaan dhinacooda mudada cusub ee uu qabtay Komishanku.
Wasiir Cawil waxa la weydiiyay arragtida uu ka qabo sida ay ku doodaan Mucaaradku iyo Lexjaclada ay had iyo jeer ku doodaan inay dalka ka qabaan maadaama ay dagaal badan u soo mareen. “Baribaa dhageysanayay marxuukii Cigaal uu yidhi, Dalkan waxaan ka xoreynaynaa kuwii soo xoreeyay…waan yaabi jiray hadalkaa culeyskiisa… waxa weeye, wey dhacdaa Taariikhda aduunka hadaad dib u raacdo, rag u soo halgamay oo waxay u soo hal-gameen burburiyay aduunka waa ka dhacdaa inaga uun maaha” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku, waxaana uu ku dooday in horumar hadii xukuumad ahaan ay ku tilaabsadaan ay ka naxaan. Waxaana uu yidhi, “Kaanbeykoodaa I dhibay, UCID kaabeynkeedu wuxuu ahaa mid hufan… laakiin Kulmiye, wixii guul ah ee dawladu keentaba waxaan ogsoonahay inay ka naxaan oo ay u qaataan dawladaa ku helaysa cod.”
Wasiirka maaliyada oo la weydiiyay sababta uu xisaab xidhadii dawlada u geyn waayeen Golaha Wakiilada, waxaa uu ku dooday in hanti dhawrka dawladu uu hayo oo ay tahay inay Wakiilladu kala xidhiidhaan, islamarkaana ay cid kasta u fasaxayaan dakhliga iyo kharashka Miisaaniyada. “Xisbaayaha guud ayaa gaadhsiiya hanti dhawrka, anaga marka ay halkaa gaadho nama khuseeyo xisaab xidhku, ..Hantidhawrkuna wuu u gudbiyay Golaha Wakiillada” ayuu ku dooday.
Waxaa la weydiiyay Wasiirka maaliyada sida ay wax uga jiraan Guryaha uu ka dhistay magaalada Nayroobi iyo sidoo kale daaraha Madaxweyne Rayaale ka bineystay dalalka dibada gaar ahaan Masar iyo imaaraadka Carabta. Waxaana uu ku dooday in aanu shilin ka lunsan dalka, Islamarkaana ay arrintaasi been tahay. “Waxa jira wax wax haddaad nin weyn tahay laga xishoodo, qof been lagama sheego hadaad hadlayso. Waxaan xasuustaa Marxuum Cigaal, Ninkaa masuulka ah ee habeenka dhaweyd hadlayay, waxa uu odhan jiray Lacag buu banaanka dhigtey, Beeruu leeyahay, guryo ayuu leeyahay, Baxrayn ayay lacagi u taalaa. Markuu dhintay, I rumayso Boqol kun oo shilin kamuu tegin. Diyaaradii lagu qaaday, daynteedii anaa bixiyay markii Wasiirka Maaliyada la ii magacaabay, waan naxay, Cusbitaalkii la dhigay anaa bixiyay dayntiisii, anoo wasiiru-maaliye ah. waa ninkii ninkaa masuulka ahi uu lahaa lacag-buu haystaa.” Sidaas ayuu yidhi, waxaana uu ku dooday in waqti uu ka ahaa Safiirka Dawlada Soomaaliya ee Nayroobi sidan oo kale loogu yidhi waxaad dhisatay Guryo, balse aanay jirin. “Waa la iska jecelyahay, hebelbaa daaro dhistay. Xaasha Madaxweynuhuna sidoo kale, dalkan waa u daacad wuu u dhaartay.”
Wasiirka Maaliyada waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin xidhiidh gaar ah oo ka dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Rayaale oo ka duwan wasiirada kale.
Wasiirka Maaliyadu waxa uu sheegay in haddii Xisbiga UDUB hadii doorashada laga helo uu dib ugu noqon doono shaqo uu jecelyahay oo ah dhinaca qoraalka. “Hadaan doorashadan weyno, waxaan ku noqonayaa shaqadii aan ugu jeclaa oo ah inaan wax qoro” ayuu yidhi.






Xigasho: Wargeyska Ogaal

Friday, 6 March 2009

Kulan laga yeeshay dhaqaalaha Doorashada oo

Hargeysa (XOL/Ogaal Newspaper) – Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ayaa ka dalbadey Wasaarada maaliyada iyo Komishanka doorashooyinka inay dib ugu noqdaan miisaaniyada loogu tala-galay doorashada Madaxtooyada, Islamarkaana maanta ahaan dib ugu soo celiyaan giddiga dhaqaalaha miisaaniyad ay isku raacsan-yihiin.
Guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo ku hawlan naaqishaada iyo dib u eegista odoroska miisaaniyada dawlada ee 2009 oo dhawaan Wasaarada maaliyadu u soo gudbisay, ayaa Isniintii todobaadkan kullan ay la yeesheen Gudiga doorashada ku ogaadey in aan Komishanku wax-ba kala socon kharashka wasaaradda maaliyadu u qorshaysay doorashada madaxtooyada ee ku xusan miisaaniyada 2009. Sidaa daraadeed, kullan sadex geesood ah oo ay shalay gudiga dhaqaaluhu isugu keeneen Wasaarada maaliyada iyo Komishanka doorashada.
Xildhibaan Cali Maxamed Xassan (Cali Mareexaan) oo ka mid ah guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo wargeyska Ogaal xog-waran gaar ah ka siiyay arrintan ayaa waxa uu yidhi. “Kullankii hore ee aanu la yeelanay, Komishanka doorashooyinka waxaa nooga soo baxday in aan Wasaaradda maaliyada iyo Gudiga doorashadu wax wadda tashi ah ka yeelan naaqishaada miisaaniyada ku baxaysa Doorashada Madaxtooyada. Sidaa daraadeed, waanu isugu yeedhnay kullan sadex geesood ah saaka (Shalay) oo ay ku kulmeen Wasaarada maaliyada, Komishanka iyo Gudiga dhaqaalahu si ay meesha uga soo baxdo miisaaniyad la isku raacsan-yahay oo doorashada lagu qaban karraa. Ujeedaduna waxay ahayd in la is waafajiyo bajadka doorashada ee ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyadu iyo ka ay sitaan Komishanka doorashooyinku oo farqi ayaa jiray. Laakiin, waxaanu u sheegnay inay iyagu ilaa beri (Maanta) gelinka hore, isa soo arkaan. Dabadeed-na Miisaaniyad la isku waafaq-san yahay ay keenaan.”
Xildhibaan Cali waxaa uu tilmaamay in Komishanka doorashooyinku xaq u leeyahay, inay soo qiimeeyaan oo sameyaan Bajadka ku baxaya doorashada maadaama ay gacanta ku hayaan. waxa kale, oo uu muujiyay in Komishan ahaan odoroska ay sitaan uu ka badan-yahay ka wasaarada maaliyadu ku soo dartey Miisaaniyada sanadka, sidaa daraadeed ay ugu dalbadeen inay dib isugu noqdaan.
Kullankan sadex geesoodka ah markii uu dhamaaday saaka, waxa sidoo kale saxaafada xog waran kooban ka siiyay Wasiirka Maaliyada Xusseen Cali Ducaale (Cawil.) “Waxa la nooga baahan-yahay inaynu ku darno kharashka doorashooyinku ku qabsoomayaan 25%, taasoo u dhiganta 8 - Milyan oo Shilinka Somaliland ah, anaga xukuumad ahaana waa naga diyaar, miisaaniyadana way noogu jirtaa, wixii dheeraad noqdana waxaanu balanqaadaynaa in aanu ku darayno.” Sidaa waxa hadalkiisa ku bilaabay Wasiirka Maaliyada Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil).
Wasiirku waxa uu sheegay in Doorashooyinku ay yihiin waxa keliya ee ay Somaliland ku faanto, isla-markaana ay xukuumada uu ka tirsan yahay wadanka ka hirgelisay 3 doorasho oo ka horeeyay ta fooda inagu soo haysa. “Doorashooyinkuna waxay ka mid yihiin waxyaabaha aynu ku faano oo saddex doorasho oo ay xukuumadani fulisay ayaa dalka ka soo qabsoomay taariikhdana way noo galaysaa. Muhiimada koowaad ee na hortaalaana waa doorashada, anigu in berito la qabto doorashada ayaan aad u jeclaa, dawlado badan oo aanu la kulanayna waxay noo sheegeen ta kaliya ee maanta mustaqbalkeena iyo ictiraafkeenu ku xidhan yahay inay tahay doorashada inagu soo fool leh. Waxayna yidhaahdeen taa markaad ka baxdaan ictiraafka cid aad u daba joogsanaysaan ma jirto.”
Wasiirka Maaliyadu waxa uu ku baanay in xukuumadu ay qayb libaax ka qaadatay, kana soo baxday waajibkii la saaray hawshii diiwaangelinta, isaga oo tilmaamay in diiwaangelintii dalka ka soo qabsoontay ay deeqbixiyayaashu markii hore xukuumada ku wargeliyeen inay bixiso kharashka 2 milyan iyo badh. Hase yeeshee ay markii dambe yidhahdeen malyuun iyo badh bixiya iyaga oo diyaar la ah oo ay xukuumad ahaan bixiyeen Malyuun iyo badh dollar, taasoo ay uga dambaysay kharashkii ku baxay goboladii uu kordhiyay Madaxweyne Rayaale ee Sanaag Bari iyo Sool oo aan iyagu ku jirin qorshihii diiwaangelinta ee Komishanka.
Wasiirka Maaliyada oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay mawqifka ay wakhtigan iska taageen xisbiga Kulmiye arrinta dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada ee Komishanku dhawaan shaaciyay oo anay ilaa xiligan ogolaanin inay saxeexaan, komishankana ay isku diidan yihiin ayaa waxa uu yidhi: “Siilaanyo iyo Muuse waa saaxiibaday, waa niman dalka magac iyo sharaf ku leh oo rag waawayn ah, xashaee kama filayo inay ku kacaan wax dalka iyo dadka khalkhal-gelinaya oo wax u dhimaya oo ay intoodii wanaagsanayd iyo sharaftoodii daamur-madaw ku marinayaan ee wuxuun baan leeyahay sidaa axsaabta iyo komishanku yeeleen idinkuna yeela.”

Thursday, 26 February 2009

Xukuumadda oo lagu dhaliilay wax-ka-qabasho la’aanta muran-dhuleed muddo soo taxnaa

Hargeysa (XOL)- Laba qof ayaa ku dhintay, ugu yaraan sideed kalena way ku dhaawacmeen dagaal shalay ka dhacay deegaan u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki.
Dagaalkan oo dhexmaray laba maleeshiyo beelood oo wada degan deegaankaasi, waxa uu sida la sheegay bilaabmay abaaro 10:30 barqonimo ee shalay. Labadan dhinac ee dagaalku dhexmaray oo in muddo ahba muran u dhexeeyay, waxa khilaafkoodaa shalay gacan ka hadalka keenay salka ku hayaa muran dhul-beereed u badan oo u dhexeeya degmada Gabiley iyo Baki. Inkastoo sida la sheegay deegaamadaa muranku ka oogan yahay qaybo ka mid ah hore
Xukuumaddu ciidan ugu dirtay, haddana dagaalkan shalay ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel ka durugsan goobta ciidanku fadhiyaan, halkaasoo sida wararku sheegeen u dhow meel lagu magacaabo Buqdhada. Qaar ka mid ah Salaadiinta labada dhinac ee dirirtu dhexmartay oo xalay Wargeyska Ogaal khadka telefoonka kula xidhiidhay, ka sokow eeda dhinacba midka kale ugu jeediyay masuuliyada weerarka, waxay Xukuumadda ku dhaliileen inay ka gaabisay soo afjarida
khilaafkan oo in muddo ahba soo taxnaa. “Xukuumadda waxaanu isku ogayn in la sameeyo guddi khilaafkaa (muranka dhulka) dhamaysa oo qolo walba xaqeeda si Caddaalad ah u kala siisa, arrintaana si degdeg ah loo galo. Markaa shan oday baa nalagaga saxeexay damaanadaa, xaga kalena shan oday baa laga saxeexay. Sidaa darteed, sidii aanu u filaynay in maanta (shalay) la diro guddigii Guurtida iyo Xukuumadda ee dhexdhexaadka ahayd, ayuun baa abaaro 10:30-kii weerar lagu soo qaaday 20 inan oo beerahoodii iska jooga meesha la yidhaahdo Gacanka-madow. Markaa laba qof baa ku dhintay, lix kalena way dhaawacmeen.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Ismaaciil Sul. Cabdiraxmaan oo ka mid ah Madaxdhaqameedka degmada Gabiley.Suldaanka oo la waydiiyay inay goobtaa dagaalku ka dhacay ciidankii Xukuumaddu u dirtay joogeen iyo inkale, waxa uu ku jawaabay, “Ciidanku way joogaan, laakiin deegaanka ay dadkani wada degen yihiin ee ay sidaa isu dhinac galaan ayaa aag dheer oo badan ah.” Suldaan Ismaaciil waxa uu Xukuumadda ku eedeeyay inay ka gaabisay wax-ka-qabashada murankan. “Arrintan waa la baajin kari lahaa, waxaana lagu baajin kari lahaa laba dhinac oo cabanaya haddii ay dadku noqdaan cidii kala saari lahayd ee arrintooda geli lahayn waa hadba Xukuumadda markaa talada haysa. Markaa Anigu waxaan Xukuumadda ku dhaliilayaa inay ka gaabisay inay arrintaa degdeg wax uga qabato,” ayuu yidhi.
Wuxuuna intaa ku daray in labada qof ee ku dhintay magacyadoodu kala yihiin; Sayid Maxamed Xusseen Cige iyo Maxamed Xassan Xaaji Raage, kuwaasoo xalay lagu aasay degmada Gabiley. Waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan lix kale oo dhinacooda kaga dhaawacmay dagaalkaas, wuxuuna tilmaamay in aanay haatan xaaladda deegaankaa ka taagani wanaagsanayn, isla markaana ay sugayaan talaabada Xukuumaddu qaado. Waxa uu Xukuumadda ugu baaqay inay si degdeg ah wax uga qabato dhacdadaas, isla markaana waxa uu shacbiga u soo jeediyay in la ilaaliyo Nabadgelyada oo aan dadka reernimo lagu waxyeelayn. Sidoo kale, waxa uu ka sokow Xukuumadda, goleyaasha qaranka gaar ahaan Golaha Guurtidu ku dhaliilay in aanay qaadanin doorkii ay ku lahaayeen arrintaas, kana gaabiyeen soo dhexgelida murankan.
Dhinaca kale, Suldaan Cabdiraxmaan Xassan oo ka mid ah Madaxdhaqameedka degmada Baki oo aanu isna wax ka waydiinay arrintan, ayaa sheegay in arrintani in muddo ahba soo taxnayd. “Saaka (shalay subax) iyagoo ciidanku quraacanaya ayay soo weerareen iyagu. Dagaalku markuu muddo socday ayay haddana mar kale soo rogaal-celiyeen……Xaaladdu imika waa caadi, waana lays horfadhiyaa oo ma ogi cid kala dhex gashay.” Sidaa ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in Xukuumadda Somaliland ka gaabisay furdaaminta murankan oo muddo soo jiitamayay. Wuxuuna sheegay in dhinacooda laba qof kaga dhaawacmeen dagaalkaas shalay. Hase yeeshee, labada Suldaanba waxay muujiyeen in dagaalku yimaado marka laga fursan waayo, isla markaana aanay ku faraxsanayn dhacdadaas, taasoo ay sheegeen in loo baahnaa in xilli hore wax laga qabto.Marka laga tago aragtiyaha Madaxdhaqameedkaa labada dhinac, waxa la sheegay in arrintani sababtay xasaasiyad laga dareemayay magaalada Gabilay, ka dib markii la geeyay labada Marxuum ee ku geeriyooday dagaalkaas.Xukuumaddan oo aanay isku daynay in aanu arrintan wax ka waydiino ayaanay noo suurtogelin, mana jirto wax war ah oo ay dhacdadaas ka soosaartay.Dhinaca kale, xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Xukuumadda iyo goleyaasha Xeer-dejinta ku dhaliilay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada muran-dhuleedkan oo uu sheegay inuu muddo soo jiitamayay. Afhayeenka xisbiga, ahna Kusimaha Guddoomiyaha Xassan Xusseen (Codyare) oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Ogaal, waxa uu labada dhinac ee dagaalku dhexmaray ugu baaqay inay xaaladda dejiyaan. “Xisbiga UCID waxa uu aad uga xun yahay ugana tiiraanyaysanyay dagaalkaa khasaaraha keenay ee dhexmaray labada beelood ee xasabada ah. Waxaanu ku dhaliilayaa Xukuumadda iyo Goleyaasha kale ee qaranka oo ka gaabiyay wax ka qabashada murankan oo muddo soo taxnaa.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenku. Wuxuuna ugu baaqay Xukuumadda, goleyaasha Baarlamaanka iyo Madaxdhaqameedka reer Somaliland inay gurmad ka galaan sidii loo dejin lahaa xaaladdan colaadeed.Muranka u dhexeeya beelaha halkaasi wada dega ayaa wuxuu sii xoogaystay xiligii hawlaha diwaangelintu ay ka bilawdeen gobolka Awdal iyo Awdal. Isla markaana deegaankaasi ayaanay wax diwaangelin ahi ka dhicin murankan awgii.
Xigasho: Wargeyska Ogaal

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska oo la tashi gaar ah la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE iyo Daahir Rayaale oo deg deg loogu yeedh

Hargeysa (XOL) - Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa looga yeedhay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Britain, waxaanu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Ingiirika u qaabilsan Afrika, Lord Mallach-Brown, si loola yeesho la tashi ku saabsan arrimo khuseeya siyaasadda Somaliland ee wakhtigan xaadirka ah iyo mawqifka xisbiga KULMIYE. Madaxwayne Daahir Rayaale na waxaa si deg deg ah loogu yeedhay inuu London yimaado si uu uga jawaabo dareenka KULMIYE iyo dib udhaca doorashada.
La tashiga KULMIYE iyo yeedhitaanka Daahir Rayaale waxay ka danbaysay warbixin uu xoghayaha arrimha dibadda ee KULMIYE dhawaan uu u gudbiyay dawladda Ingiriiska iyo barlamaankaba oo ka turjumaysay dareenka siyaasadeed ee shacabka Somaliland iyo aragtida xisbiga KULMIYE ee ku wajahan sida uu madaxwayne Daahir Rayaale u maamulayo hawlaha diyaargarowga doorashooyinka madaxwaynaha iyo faragalinta sharciga khilaafsan ee uu ku hayo golayaasha qaranka.
Ujeedada kulankan maantuna waxay ahayd in dawaladda Ingiriisku si qoto dheer ugu kuur gasho dareenka haatan ka taagan Somaliland ee la xidhiidha doorashada madaxwaynaha iyo mawqifka xisbiga KULMIYE oo ah xisbiga mucaaradka ugu wayn.
Arrimaha ay laba geesood kulankan ku lafa gureen waxaa ugu waynaa doorashada madaxwaynaha oo xukuumaddu ay ka shaqaynayso sidii mar kale dib loogu dhigi lahaa. Dr. Maxamed Cabdillahi wuxuu shirkan uu la galay dawladda Ingiriiska ka caddeeyay in haddii doorashadu wakhtigeeda dhici waydo ay masuuliyada dib u dhacaasi leedahay xukuumadda Daahir Rayaale, ee aan eedda dusha laga saari karin Komishinka Doorsshada Qaranka ama hayadaha shisheeye ee Somaliland la shaqeeya. Wuxuu xoghayuhu u sheegay Lord Mallach-Brown in arrinta dib u dhaca doorashadu ay ka turjumayso ujeedo siyaasadeed oo xukuumaddu leedahay, ee aan lagu sifayn karin cilad farsamo.

Dr Maxamed wuxuu sharaxaad ka bixiyay mawqifka xisbigiisu ka qaadanayo arrintan. Wuxuuna sheegay in dawladu ku fashilantay xil-gudashadeedii qabashada doorashada ee ku beegnayd April 2008 kii, markii loo dheereeyay muddo sanad ahna ay haddana muuqato inay ku fashilantay mar labaad in doorashadu wakhtigeedi dhacdo, sidaa awgeed loo baahan yahay in, iyadoo la raacayo distoorka dalka, ay golayaasha qaranku soo dhisaan maamul ka madax banaan xukuuamada oo dalka si ku meel gaadh ah u maamula kaasi oo xilkiisu ugu wayni yahay inuu dalka doorasho ka hirgaliyo.
Xoghayuhu wuxuu u gudbiyay dawladda Britain qorsha xisbigiisi ee ku aadan doorashooyinka iyo arrimaha siyaasiga ah ee ka socda dalka iyo gobolkaba, wuxuuna ugu yeedhay xukuumadda Somaliland in aanay u isticmaalin hantida iyo ciidanka qaranka in lagu cabudhiyo xorriyadda iyo rabitaanka shacabka Soomaliland, haddii ay tasi dhacdana ay waxyeeli karto nabadgalyada dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska ee qaabilsan arrimaha Afrika wuxuu shirka ka sheegay in barnaamijka dimuqraadiyada iyo xukunka ku dhisan doorashooyinku ay yihiin guulaha ugu waawayn ee adduunku umadda Somaliland ku ixtiraamo, looguna soo joogsada. Waxaana loo baahan yahay buu yidhi in aan hormarkaasi la dhaawicin.
Doorashoyinka oo la qaban waayaa wakhtigooda ama awooda xukunka dawliga ha la dheeraystaa waxay burburin kartaa horumarka Somaliland gaadhay, ayuu yidhi Lord Mallach-Brown. Waana arrimaha aanu sida wayn ugala hadli doona madaxwaynaha Daahir Rayaale marka uu noo yimaado todobaadka. Lord Mallach- Brown, wuxuu balan qaaday inuu sii wadi doona wadatashiga KULMIYE iyo dawladda Ingiriiska.
Dr. Maxamed Cabdillahi iyo Lord Mallach-Brown waxay kaloo kawada hadleen arrimo la xidhiidha kobcinta xidhiidhka Somaliland la leedahaya Ingiriiska iyo wadamada Afrika, iyo arrimo la xidhiidha dadalka Somaliland ugu jirto sidii ay aqoonsi siyaasadeed u heli lahayd. Wuxuuna Xoghayuhu ka waramay dadaalka xisbigiisa uu ugu jiro aqoonsiga Somaliland.
Kulanka waxaa labada masuul ku weheliyay saraakiil sare oo ka tirsan wasraasradda arrimaha dibadda ee Igiriiska. Kulanka ka dibna, wuxuu xoghayaha arrimaha dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, uu kulan gaar ah la yeeshay diblomaasiyiin ka tirsan qaybta Afrika ee wasarradda arrimaha dibadda ee Ingirriska oo ku saabsanayd Soomaliland, waxana halkaa lagu waydiiyay su’aalo la xidhiidha hinisayaasha xisbiga KULMIYE ee ku wajahan Somaliland iyo wadamada jaarka la ah.
Kulankani wuxuu ku soo beegbay xilli ay xukuumadda Somaliland doorbidayso in ay doorashada madaxwaynaha dib u dhigto, xisbiga KULMIYE na uu doonayo inaan dib loo dhigin.
Madaxwyne Daahir Rayaale marka uu yimaado London todobaadkan (jimcaha) waxay xukuumadda Ingiriiska oo u matalayo David Miliban iyo Lord Mallach-Brown ay lagali doonaan kulan adag oo lagu waydiin doono su’aalo la xidhiidha doorashada raagtay iyo dareenada ku hareeraysan.
Sanadkii hore, waxaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE kulan la tashi ah ugu yeedhay mudanyaal ka tirsan Aqalka Odayaasha ee Baarlamaanka Ingirrika oo uu ka codsaday in Daahir Rayaale loo yeedho.
Xigasho: Somaliland.org

Cabdillaahi Darawal oo ku Baaqay in Talada Dalka Lagu Wareejiyo Labada Gole Baarlamaanka

“Nimankan Saaxiibaday sharaftoodu waxa ay ku jirtaa, in ay iscasilaaan, talada
dalkana ku wareeiyaan Golayaasha Baarlamaanka”

Hargeysa (XOL)- Md. Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo hormuud u ah mucaaridka xisbiga UDUB dhexdiisa ayaa ku baaqay in hadii doorashdu Madaxtooyadu ku dhiciweydo wakhtiga loo mudeeyey ee 29-ka bisha March 2009,ay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu iscasilaan, isla markaana talada dalka ku wareejiyaan labada gole ee Baarlamaanka Somaliland si looga badbaado khilaaf siyaasadeed oo dhasha.
Md. Darawal oo u warramayey shalay Jamhuuriya iyo shabakadda wararka ee Ramaas News, ayaa isagoo daba jooga hadal Komishanka Doorashooyinku ku sheegeen in dib-u-dhac ku yimi waqtigii doorashada madaxtooyada waxa uu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan in yar ka idhaahdo arrimahan taagan iminka ee wakhtigii xukuumadda ee la kordhiyayna uu hadda soo gebageboobay, iyadoo aan wax doorasho ah dalka ka dhicin, Komishinkuna caddeeyeen inaanay wakhtigeedii dhacayn. Horta waxaan idiin sheegayaa in aanay la yaab lahayn in la maqlo arrintaas, dadka caadiga ahna waxay u noqotay wax caadi ah. Haseyeeshee, nimankan saaxiibaday ah ee aan meesha kaga imi maanta sharaftooda iyo magacoodu wuxuu ku jiraa haddii ay in uun dhaxal ka tagayaan, dalkuna uu ku badbaadayaa, iyagoo iscasila oo yidhaahda mar haddii aan ku guuldarraysanay inaanu doorashadii qabano, waannu iscasilnay, talada dalkana labada Shirguddoon ee goleyaasha Baarlamaanka u dhiiba, haddii ay taas diidaan waxaan u arkaa uun niman doonaya inay xoog wax ku haystaan.”
Md. Darawal waxa uu Golaha Guurtida ku eedeeyay in markii nabadgelyadii dalku taabbogashay ay shaqadoodii ka dhigteen muddo kordhin iyo dastuur jabin joogta, “Waxyaabaha aan anigu la yaaban nahay Golihii Guurtida oo waddankan ilaa halgankii ilaa intii Somaliland jirtay waddankan hawlo badan oo dhaxalgal ah ka soo qabtay oo qiime ballaadhan ku lahaa dalkan ayaad moodaa markii nabadgelyadii iska sugnaatay oo ay taabbogashay inay u digo rogteen inay kordhin uun shaqadoodii noqotay, oo had iyo goor ay qodobka 83-aad ee dastuurka dalka xarafkiisa shanaad ay cuskadaan oo dastuurkeenna marka la akhriyo ku ah dastuur jabin dadka baddidiisu u arkaan, qodobkaasi wuxuu sheegayaa nabadgelyo-darro iyo aafooyin uun in lagu kordhin karo. Iyagu laakiin mar kasta ay shraciga si caadi ah u jabiyaan iyagoo sabab ka dhiganaya dawlad la’aan ayaanu ka cararaynaa.”
Waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Golaha Guurtidu waxay iloowsan yihiin inay dhiirrigelinayaan in sharciyadii dalka in la jabiyo, taas oo aad mooddo inay gaadhsiisay xukuumadda iminka oo saddex jeer oo hore loo kordhiyay, markii u horreysay ee la saaray meesha Madaxweynahan [Rayaale] ee marxuumkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dhintay, waa la kordhiyay hal sanno ayaa lagu daray.
Doorashadii 2003-dii 82 maalmood ayay kordhiyeen, sannadkii 2007-kiina hal sanno ayey ku dareen, saddexduba waxay ahaayeen qayrul-dastuuri, sababtu waxaa weeye qodobka ay cuskadeen ma qeexayo waxay u cuskadeen, wuxuu qeexayaa nabadgelyo-darro iyo aafo midna ma jirin, balse iyagu waxay yidhaahdaan dal baanu badbaadinaynaa. Madaxweynuhu saxaafadda ayaabu ka yidhaahdaa si aan gabbasho lahayn, markii la yidhi, dastuurka ayaad jabisaa, dastuurka ma jabiyee qodobo aan micno lahayn ayaan iska il-duufaa, waayo wuxuu arkay in maalin walba qodob dastuuri ah la jabinayo oo Guurtidii sharci-dejinta ahayd ee la rabay inay sharciga ilaaliso ayaa jabinaysa. Ta kale waxay illowsan yihiin in xuquuq dad leeyahay ay ku tumanayaan bulshada Somaliland waxay xaq u leedahay shan sanno markay dhamaataba inay cid kale doortaan oo ay la xisaabtamaan, bulshadaas dhanna inay xuquudoodii dhaawaceen ma dareensana, waxaanay darreensanayn axsaabta mucaaridka ah ee dastuuriga ah ee shantaas sannadood u soo halgamaysay in xukuumadda kula tartamaan doorashashada, kuwaasna xuquuqdoodii way ku tumanayasaa.”
Waxa kale oo uu Guurtida ku tilmaamay kuwo aan dhuuxin xeerarka iyo qodobadda dastuurka dalka ee la xidhiidha muddaynta wakhtiga xukuumadda iyo qodobadda la xidhiidha la xisbaabtanka xukuumadda, isagoo arrintaas faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Golaha Guurtida waxaan leeyahay waxaa la idiin arkaa cid badhna sharcigii akhriyaysa badhna duudsiyaysa, dadka xaq looguma leh nin saddex jeer loo korodhiyay oo xaq u lahaa inuu shan sannadood madaxweyne ahaado in la yidhaahdo mar kalena ha loo kordhiyo ummadda xaq looguma leh, axsaabta xaq looguma leh oo dalka xaq looguma leh. Laba sanno ayuu dalku doorasho u dal-dalnaa, dadkan waxay u baahan yihiin dawlad la doorto oo dhaqaajisa, waxaynu arkaynaa sicir-bararka, meeshad xumada ka jirta dalka.”
Cabdillaahi Xuseen Iimaan oo ka hadlayey dadka dhawaan laga dhacay lacagaha ku jiray mashruucii fashilmay ee Fadhi-ku0dhereg la magac-baxay, wuxuu yidhi; “Waxaynu arkaynaa dadkii oo xataa tuugtii dhacayso oo maanta inta lacagahoodii si been-been ah looga gurto cirka loo dirayo oo aad arkaysaan in Somaliland oo dhammi ku wareersan tahay oo qoysas dhan ku baaba’een, waxaynu arkaynaa dhallinyaradii oo baddaha ku dhamaatay oo wada tahriibtay, dee dadkaasi waxay u baahan yihiin dawlad la doorto oo wax u qabata.
Golaha Guurtidu ma xisbaad tamaan oo qiimayn ma sameeyaan, markay kordhiyaan ma dabo galaan, marka dambe ee ay doonayaan inay wax ku daraan qiimayn ma soo bandhigaan oo cid dambiga ma saaraan, ha ogaadeen markay maalin walba kordhinayaan inay nabadgelyadii xumaynayaan, waxa lagu wada joogaa waa sharciga.
Golaha Guurtidu waa inuu tixgeliyaa dhibaatada maanta dalka ka taagan, balse waa inaanu tixgelin koox yar oo ku fashilantay inay dalka doorasho ka qabato oo ay xilkoodii ka soo baxaan, dadkuna imika wuu darreensan yahay ee ha ogaadeen, waxaana loo arkaa gole u taagan oo u fadhiya inuu wax kordhiyo mooyaane aan wax kaleba qaban,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Cabdillaahi Darawal.


Xigasho: Jamhuriya Online