Thursday 9 April 2009

Ismaaciil Yare Oo Sheegay In Askar Ka Tirsan Ilaalada Madaxtooyada Ay Ku Jireen Booliskii Rasaasta Ku Riday Guddoomiyaha KULMIYE

Hargaysa (XOL)- Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare), ayaa sheegay in askar ka tirsan ilaalada Madaxtooyadu ay ku dhex jireen ama lagu soo dhex daray ciidankii Booliska ahaa ee rasaasta ku riday guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo taageerayaashiisa Isniintii la soo dhaafay ee dorraad, markii ay isu soo baxa nabadgelyada ah ku sameeyeen xarunta xisbiga.
Ismaaciil Aadan Cismaan oo mar ahaa wasiirka ugu awooda badan xukuumaddii Daahir Riyaale Kaahin, si wayna ula tacaali jiray xisbiyada mucaaridka ah iyo dhaqdhaqaaqyadoodaba waxa uu sheegay in wali uu u arko in shacbiga Somaliland iyo ciidamada booliskuba aanay u bislayn mudaharaadada salmiga ah, balse waxa uu si adag u difaacay isu soo bixii xisbiga KULMIYE uu isniintii sameeyay iyo mudaharaadyada nabadgelyada ah ee hadda ay ku baaqayaan xisbiyada mucaaridku.
Wasiirkii hore ee wasaradda arrimaha gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan oo hadda ka tirsan garabka dimuquraadiyad doonka ah ee xisbiga UDUB oo maanta saxaafadda la hadlay isaga oo ka waramaya shirqooladii madaxtooyadu u soo maleegtay isa soo bixii xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi “Maalintan dhawayd ee la leeyahay mudaharaad baa la dhigay, muu ahayn mudaharaad, waa been, dacaayado ayaa lagu samaynayaa oo laga fidinayaa. Waxay ahaayeen dadkii taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee dhagaysanayay khudbadaha madaxdooda, oo doonayay in ay raacaan guddoomiyaha iyo madaxda kale ee xisbiga KULMIYE oo ay halkaa ka tagaan guriga guddoomiyaha.” Ismaaciil Yare waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Markii ay soo mareen dariiqa iyada oo ciidankii Boolisku hareeraha ka socdo, oo wax dhagax-tuur ah iyo wax rabshad ahi toona aanay jirin, ayaa ciidamo gaara oo waliba dhinac qudha ah oo marka qabiilka laga eego oo aad moodo in dad loo sii diyaariyay oo gaadhi ka buuxaa ka horyimaadeen , dabadeedna iyaga oo aan waxba waydiin ayay dadkii rasaas ooda kaga qaadeen.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyay Mudane Ismaaciil “Markaa waad garan kartaa in dawladdu qorshaysay in ay shacabka isku disho oo ay madaxa isu geliso, sida ay ciidamadii Booliska u kala qayb qaybinayso, oo cid gaara hawlahaasi loogu dirayo si ay dhibaato u gaystaan oo dadku damqado.”
Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu sheegay in Daahir Riyaale Kaahin aanu ahayn madaxwayne, balse uu yahay Khaayinul-wadan, “Daahir Riyaale Daahir Riyaale maaha Madaxwayne ee waa khaayin wadan khiyaameeyay wadanka oo wixii loo soo doortay iyo wixii loo soo dhaariyayba ka baxay oo Somaliwayn wax la saxeexday oo doonaya in uu dadka meel kale ku darro oo inta Sheekh Shariif uu dabada dhulka dhigayo ee Al-shabaab ka adkaysanayo kaliya sugaya weeye, oo waliba dawladdo aan garanayo oo aanan iminka halkan ka sheegayn intaa talada la haya oo talefoono kula soo xidhiidhayaan, markaa waa nin heshiis soo galay, waa wax dhab ah.” Ayuu yidi Ismaaciil Yare, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi “Waa Khaayinul-wadan, waa in Maxkamad lagu geeyaa, waa in halka uu ku jiro inta laga soo saaro la tusaa in aanu dadka inta uu madaxa isu geliyo aanu ka dhex bixi Karin. Dadkana waxaan leeyahay dantiina ilaashada.”
Ismaaciil Yare waxa kale oo uu sheegay in Ciidankii Booliska ahaa ee rasaasta ku riday Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Axmed Siilaanyo iyo taageerayaashiisa ay ku jireen oo lagu soo dhex daray Askar ka tirsan ilaalada Madaxtooyada oo loo soo xidhay dirayska booliska, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Isu soo baxaas oo ahaa mid salmi ah oo ay shucuurtooda ku muujinayaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa ciidamo lala soo hadlay ay yimaadeen, waxa kale oo jira ilaa 3 nin oo waliba nin ay isku sii jilib yihiin oo reer Dudub ah, oo naanaystiisa lagu magacaabo Banbiida iyo laba nin oo kale oo aan saddexdaba garanayo anigu oo ka tirsan askarta madaxtooyada, dharkii booliska ayaa loo soo xidhay ciidamadii Booliskana waa lagu soo dhex-daray.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyay, “Waayo maxay qabanayeen? Waad garankartaa in lagu soo dhex daray, waxa laga yaabaa in ay tooganayeen madaxda xisbiga KULMIYE iyo ragga u sharaxan xisbiga KULMIYE, oo marka xabadu bilaabanto haddii laba iyo saddex lagu dhufto xabada lama garanayo wax dilay, booliska uun baa dilay.”
Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Ismaaciil Yare waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland ay hore uga soo dagaalameen xabad lala dhaco iyo in ay xoriyadooda ku noolaadaan waxaanu yidhi “Dadkan xabadda loo adeegsanayaa wa’ayo, dadkani waxay ka soo dagaalameenba waa xabad lala dhaco iyo in qof waliba xoriyaddiisa ku noolaado, tiina Daahir Riyaale wuu qaaday, wuxuu moodayaa Kaabadahan waawayn ee shubka ah ee uu is hor-dhigay iyo guriga uu ku jiro; yacnihii waxa weeyaan wuu garanwaayay milgihii la siiyay. Inaadeer malaha, Abti malaha, Suldaan malaha, cid alaale cid uu leeyahay oo wax u sheegta oo qabanaysaa ma jirto, kaligii uun buu socdaa. Markaa waxaan leeyahay Riyaale dadkani maaha dad aad xoog ku haysan karayso, maaha dad aad xabad ku aamusiin karto.” Ismaaciil Yare waxa kale oo uu intaa raaciyay “Riyaale wuxuu ujeedaa in uu dalka burburiyo oo xaggaana ay Puntland ka soo gasho oo ay ka soo qabsato, gudahana olol ka kaco, dabadeedna qorshihiisii Somaliwayn ee uu saxeexay ee uu la galay Sheekh Shariif ee dhamayska tirnaa uu yidhaahdo waanigaa ku dhawaaqay ee dhameeyay. Markaa waxa weeye Riyaale dhiigyo-cabnimuu ku darsaday dhurwaagii aan hore u sheegay, in la iska qabto oo degdeg gacmaha la isu qabsado ayaana loo baahan yahay.”

Xigasho: Somaliland.org

No comments:

Post a Comment