Tuesday 21 April 2009

Madaxwayne Rayaale Iyo Labada Guddoomiye Ee Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Aqbalay Kulan La Isku Soo Horfadhiisinayo.

Hargeysa (XOL)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxda labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa si rasmi ah u aqbalay inay isku horfadhiistaan wada hadalo lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan. Toddoba xubnood oo ka tirsan guddiga la socodka hawlaha doorashooyinka, ayaa maalmihii u dambeeyay ku hawlanaa kulamo ay la yeelanayeen dhinacyada xukuumadda iyo xisbiyada, si ay isugu soo dhaweeyeen aragtiyaha kala durugsan ee ay dhinacyadani ka qabaan xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulamadaas, laakiin ilo xogo-gaala ayaa sheegay in ay ergadu ku guulaystay inay Madaxweyne Rayaale iyo madaxda labada xisbi mucaarad ku qanciyaan inay isugu yimaadaan wada hadal, si xal looga gaadho muranka siyaasadeed ee dalka hadheeyay. Warku waxa uu sheegay in ergadu si adag ula hadashay saddexda dhinacba, iyagoo u hogo tusaaleeyay inay iska daayaan madax adayga oo ay u tudhaan dalka iyo dadka ay xilkiisa u ordayaan.
Ilahan xogogaalka ahi waxa ay sheegeen inay Madaxweyne Rayaale iyo labada guddoomiye mucaaradba ergadan siiyeen damaanad qaad la xidhiidha inay ogolyihiin dhexdhexaadintooda, waxaanay u caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay isku soo horfadhiistaan wada hadal, si loo suuliyo muranka siyaasadeed ee dalka ka abuuray xiisadda adag. Waxaana la sheegay inay ergadu hadda ku hawlantahay sidii iyo qaabkii la isugu soo horfadhiisin lahaa dhinacyadan, waxaanu warku tibaaxay inay maanta kulan dambe la yeelanayaan Madaxweyne Rayaale.
Dhinaca kale, waxa la sheegay inay ergadani xukuumadda Somaliland ku qancisay in aanay wax dhibaato ah u gaysan taageerayaasha KULMIYE ee shalay isugu soo baxay dibad baxa ka dhacay xarumaha xisbiga ee gobalada dalka oo ay caasimadu ka mid tahay. Sidoo kale waxa ay ergadu xisbiga KULMIYE madaxdiisa ku qanciyeen inay iyaguna dhinacooda ilaaliyaan ammaanka iyo kala dambaynta. Waxaanay taasi suurto gelisay in dibad baxyadii uu xisbigu shalay ku qabtay Hargeysa, Berbera, Burco iyo magaalooyin kale uu ku dhammaado jawi degen oo nabadeed.

Magacyada guddiga ayaa waxa ay kala yihiin:
1. Aadan Baxnaan
2. Cabdiqaadir Cali Xuseen
3. Xuseen Cali Nuur
4. Dr. Aadan Abokor
5. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg)
6. Aadan Xirsi Suge
7. Jaamac Maxamed Axmed

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa dibad baxaas ay taageerayaasha xisbigiisu isugu soo baxeen shalay waxa uu si rasmi ah uga sheegay inay jirto ergo aanu magacaabin oo ku hawlana dhexdhexaadin. Waxaanu md. Siilaanyo isagoo ergadaas ka hadlaya uu yidhi, "Waxaan maanta war ahaan idinku siinayaa in ay jireen dad badan oo xilkas ah oo umadda ka mid ah oo culimo udiin leh, oo salaadiin leh oo waxgarad leh oo mutacalimiin ah oo dad xilku dhibayo leh oo, ku hawlanaa iyaga oo aamusan dhinac walba iskaga dab qaadayay oo raadinayay arinta maanta taagan in si nabadgalyo ah lagu xaliyo, dadkaasi way noo yimaadeen waxayna hore ayay noogu yidhaahdeen hawlo nabadgalyo haddaanu ka shaqayno, hawlo maslaxad ah ka shaqayno gartiina ma sheeganaysaan oo diyaar ma u tihiin, haa diyaar ayaanu u nahay ayaanu nidhi."



Xigasho: Geeska Afrika

No comments:

Post a Comment