Monday 13 April 2009

KULMIYE IYO TAAGEERAYAASHIISA OO DAREENKOODA KU MUUJIYEY ISU-SOO-BAX BALLAADHAN

Hargeysa - (XOL) Hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa mar labaad muddo todobaad ah gudihii ah maantataageereyaashooda kala hadlay xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa hortiisa, halkaasi oo ay iskugu soo baxeen Boqolaal Qof oo ka mid ah taageereyaashooda oo ka kala yimid shanta degmo ee caasimada Somaliland.Hogaanka iyo siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE waxay iska fogeeyeen eedo loo soo jeediyay oo la xidhiidhay inay halis ku yihiin nabadgelyada, waxaanay caddeeyeen inay si adag uga soo horjeedaan wixii nabad gelyo xumo keenaya oo ay uga lexjeclo badan yihiin xukuumada tallada haysa.Intii ay socotay Xafladaasi dhoolatuska ahayd waxa Ciidanka Booliska ee ku sugnaa duleedka wadooyinka ku gadaaman xarunta dhexe KULMIYE ay gacanta ku dhigeen nin baastoolad ula soo baxay taageereyaasha xisbigaasi oo xabad ku riday, oo ay taxaabeen xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa isla markaana uu Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen Maxamed Saqadhi Dubad uu sheegay inay baadhayaan ninkan, oo lagu eedeeyay inay dawladu soo abaabushay gaar ahaan Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Cali Xasan Maxamuud [Cali Asad].Xafladan waxa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], waxaanu yidhi “Waxaan idiinka mahad naqayaa sida aad u dedaasheen ee aad maalin walba iskugu soo baxaysaan idinkoo muujinaya sida aad uga xun tihiin waxyaabaha xun ee maanta ka dhacaaya dalkeena, boobka ummadda ku socota iyo Dinuqraadiyadii oo la baabiiyay ee aynu doonaynay inaynu ku dhaqano.”“Waxa la fidinayaa intaas dacaayad waxa ka mid ah KULMIYE Doorasho dooni maayo, KULMIYE doorasho ayuu doonayaa oo wuu isku kalsoon yahay,waxaanu rabnaa doorasho xor ah oo xalaal ah, meel aanu doorasho ku diidnay ma jirto, Taas macnaheedu ma aha in si aanu doorashada u galno inaanu xaq darrada qaado. Anagu waxaanu taagan nahay haddii wakhtigii Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne Ku xigeenku dhammaadeen, waanu dhammaadeene Anagu ma ictiaafsanin,”ayuu yidhi Md Axmed Siilaanyo.Mar uu ka hadlayay mudaharaadyadii ay xisbi ahaan ku baaqeen wuxuu yidhi “Inaanu banaan baxyo ka balaadhan kuwan aanu usoo baxno xaq iyo sharci aanu ugu soo baxno ayaanu leenahay cid aanu uga haybadaysanaynaa ma jirto, shacbigayagu waa shacbigayagii Askartu waa kuwayagii Anagaa uga tudhayna wixii dhibaato u geynaya. Xabad qaadan mayno, xabad baa la inalaga hor yimid xabad maynaan qaadan dhagax maynaan tuurin, waynu ka guulaysanay oo waxaynu kaga guulaysanay.”Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamuud [Siilaanyo], wuxuu sheegay inaanay maanta socod ku marayn jidadka, waxaanu yidhi “Maanta odhan maayo waynu lugaynaynaa oo balan baanu qaadnay, mar haddii aynu ka gashanay mar labaad ka gashan mayno, halkan ayaynu si wacan uga kala dareeraynaa oo inaga ayaa sidaasi ku balanay. Haddii aynu banaan bax iyo mudaharaad socod ah samaynaynaba mid walba xaq iyo sharci ayaynu u leenahay.”Md Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay in dawladii hore ee Soomaaliya dalkaasi oo dagaal ka socday oo Itoobiya lala dagaalamayay haddana ay qabanaysay doorashadii gaar ahaan xiligii Madaxweynihii C/Rashiid Cali Sharmaarke, waxaanu tilmaamay in Somaliland oo nabad gelyo ahi ay qaban la’dahay Doorashadii.Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Eng Maxamed Xaashi Cilmi, oo jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Wasiir Ku Xigeenka Gaashaan-dhiga Md Axmed Maxamed Filanwaa, oo la xidhiidhay in madaxda xisbiga KULMIYE aanay tagi karin xeryaha ciidamada. Waxaanu Maxamed Xaashi tilmaamay in ciidamadu aanay waxba u qaban dawlada Madaxweyne Rayaale, oo ay ku nool yihiin ciidamada Qaranku duruuf adag.“Inta aanan waxaan u baxay gelin inaan kalmad idhaahdo ninka Wasiir Ku xigeenka Gaashaan-dhiga ah, ninkaasi wuxuu yidhi Xisbiga KULMIYEmadaxdiisu inay ciidamada u timaado ma aha amarna waanu ku bixinaynaa inaanay iman oo aanay xafiisyada soo gelin bal aragtidaasi siday u gaaban tahay eega,Ciidamada yaa samaysay yaa keenay, xagay ka yimaadeen yaa Qarameeyay, xaga uu isagu ka keenay ciidanka uu sheeganayo, waxaanu leenahay Ciidanka uu sheegayo iyo shaqaalaha dawladu waa kuwa ugu darayada badan, waa kuwa aan bilaha mushaharka aan caadiga u qaadan waa kuwa lacag yar oo suququl ah la siiyo. Waa kuwaas darxumaysan, shanta subaxnimo ayaa la soo saaraa haddii uu Rayaale meel u baxayo.”“Wakhtigoodii wuu dhammaaday Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin iyagaa dhammeeyay, iyagaa wax qaban waayay oo ka seexday, kolkaas waxa weeyaan shaqaaluhu way baahan yihiin, ciidamadu way baahan yihiin.”ayuu intaas ku daray Eng Maxamed Xaashi.Eng Maxamed Xaashi wuxuu dhaliilay hab dhaqanka qaar ka mid ah salaadiinta ugu faca weyn madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu si gaar ah fariin culus ugu diray Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, oo uu ugu baaqay inuu yeesho hab dhaqankii iyo milgihii saldanada uu ka soo jeedo.Md Maxamed Xaashi wuxuu Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay inuu dalkii baabiiyay oo aanu wax uu ka rido mooyaane waxba ku soo kordhin, isla markaana uu curyaamiyay nidaamkii Dimuqraadiyada dalka.Sidoo kale waxa isu soo baxaasi ka hadlay Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland Md C/laahi Ibraahim Xirsi [Dhugad] oo Madaxweynaha Somaliland ku tilmaamay nin dilaal ah oo farro geliyay iibkii xoolaha nool ee wadanka.Md Dhugad wuxuu dawlada u soo jeediyay inaanay shacbiga ku hatigan una cago-jugleyn oo aanay xafiisyada axsaabta mucaaridka ah weerarin.Dhinaca kale, waxa isu soo baxaasi ka hadlay Xildhibaan Md Axmed Maxamed Diiriye [Nac-nac] oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, Marwo Ikraan Xaaji Daa’uud oo ka tirsan Aqalka Wakiilada iyo Cali Guuleed [Cali Maarshaal] oo ka mid ah siyaasiyiinta qurba jooga ah ee xisbiga KULMIYE waxaanay xubnahaasi ay sheegeen inay nabad gelyada xisbigoodu ilaalinayo isla markaana ay dalka la doonayaan isbedel ku dhisan nabad gelyo iyo miyir qab. Waxaanay beeniyeen eedaha xukuumadu ay u soo jeediso ee ah inay carqaladaynayaan ammaanka iyo xasiloonida Somaliland.Masuuliyiintaasi waxay ka warameen barnaamijka siyasadeed ee xisbigooda, ee la xidhiidha dhinayada horumarinta dhaqaalaha,caafimaadka, waxbarashada iyo qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland.

Xigasho: Ramaas news

No comments:

Post a Comment