Thursday 9 April 2009

“Mudaharaadka waa la ogolyahaye, waxaanu diidnay 6-da Lixda la saaray”

Xoghayaha guud ee UDUB

Hargeysa (XOL) – Xoghaya guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin ayaa ku celiyey in xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in wadda tashi iyo is-qancin lagaga gudbo muranka siyaasadeed ee ka taagan muddo kordhinta madaxtooyada iyo dib u dhaca waqtiga doorashada. Islamarkaana waxa uu ku dooday in talaabadii ciidamada Boolisku ku qaabileen isu soo bax ay sameeyeen 6-dii April hogaanka iyo taageerayaasha KULMIYE ay ahayd mid lagaga hor-tagayay dhibaato ka dhalata isu soo baxaas.
Xoghayaha UDUB waxa uu qiray in xoryiyada hadalka iyo muujinta dareenka bini’aadmiga sharcigu ogol-yahay, balse waxa uu sheegay in loo baahanyahay in dareenkaasi ahaado mid aan wax u dhimin ammaanka qaran. “6-da April waxay ahayd mid ku suntan taariikhdii Hal-ganka ee SNM, mudaharaadkana sharcigu ma diidana, laakiin ta aanu diid-ney waxay ahayd waxa soo baxday 6-April oo cusub oo xisbiga KULMIYE doonayay inuu ku qariyo 6-dii hore…Lixda lixda saaran ayaanu diidney.” Sidaas ayuu yidhi xog hayaha guud ee UDUB waxana uu intaas ku daray in aan KULMIYE soo sheegin mudaharaadkiisa, Islamarkaana uu ka horeysiiyey wax uu ugu yeedhay hanjabaad siyaasadeed. “Xil-baa ka saaran dawlada inay ilaaliso nabada, sababta beerta xoriyada looga joojiyey in lagu qabto xuskii Lixda April-na waxay ahayd waxa ka horeysay dhawaaqyadii KULMIYE waxaana abuurmay jawi aan daganeyn,” ayuu yidhi Xog-hayaha guud ee UDUB “Annigu ma ogi cid, talaabadaasi ciidamadu kaga hor-tagayeen mudaharaadka ku dhimatay, anigu ma ogi cid ku dhawaacantay, waxaanay ahayd sidii ugu habooneyd ee looga hor tagi karayay dhibaato dhacda” ayuu raaciyey hadalkiisa.
Jaamac Yaasiin oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu daba-joogay war ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya oo soo xiganayay barta wararka Intarnetka ee Hadhwanaagnews.com, kaasoo tilmaamaya in xog-hayaha guud ee UDUB Madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal ku eedeeyey masuuliyada dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay waxaa uu yidhi, “Annigu ma odhan afkay-giina maaha, Marxuum Cigaal ayaa ka danbeeyey ama masuul ka ahaa dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay. Ilaa 1959-kii oo uu xog-haye guud ka ahaa xisbigii SNL waan la socday oo xisbigiisa ayaan ahaa Cigaal, dawlad-nimada Somaliland-na isaga ayaa dhidibada u taagay.” Ayuu yidhi, waxaana uu intaa ku daray “Madaxweynihii ka horeeyey ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali fursad-ba lama siin.”
Xog-hayaha guud ee UDUB waxa uu ku dooday in waqtigii dalka dib loogu soo noqday uu ka mid noqday hogaaminta xafiis Somaliland ku leeyahay dalka Faransiiska, islamarkaana uu xidhiidh fiican la lahaa Ala ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal ilaa laga soo gaadhay Aas-aaska xisbiga UDUB. “Markaan eegay, hogaankii UDUB iyo barnaamijkiisii waxaan door biday inaan taageero UDUB oo aan u arkayay inuu dalka gaadhsiin karro himilooyinkiisa.”ayuu yidhi.


Xigasho: Wargeyska Ogaal

No comments:

Post a Comment