Thursday 9 April 2009

Khasaaraha Dagaal ka dhacay degaanka Ceel-bardaale iyo aragtiyaha labada dhinac ee diriray

Salaadiin iyo Cuqaal ka gurmatay Hargeysa oo isku shubtay Boorama
Wasaarada Arrimaha guduhu maxay ka tidhi shaqaaqadan?

Hargeysa (XOL) - Laba qof ayaa ku geeriyooday, afar kalena way ku dhaawacmeen dagaal shalay subixii ka dhacay deegaanka Geed-Duqsi oo ka tirsan deegaanka Ceel-bardaale oo u dhexeeya Gabiley iyo degmada Dila.
Dagaalkan oo dhexmaray laba maleeshiyo-beeleed oo hore shaqaaqo u dhexmartay, waxa uu sida la sheegay ka dhacay dhowr aag oo isku dhow, iyadoo labada dhinac midba midka kale ku eedeeyay masuuliyada dagaalkaas. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ah Suldaanka Guud ee Gobolka Gabiley, ayaa xalay Wargeyska Ogaal u sheegay in labada dhinac ay haatan kala dhex fadhiyaan ciidamo Xukuumaddu halkaa u dirtay. Islamarkaana waxa uu tilmaamay in dagaalkan sababta dib u soo cusboonaysiiyay ay tahay nin doraad lagu dilay deegaankaas, falkaas oo uu sheegay in aanay raali ka ahayn. “Halkii ay ahayd in la samro sidii aanu annaguba markii hore u samirnay markii labada nin nalaga dilay, laakiin may samrine weerar aargoosi ah ayay saaka (shalay subax) nagu soo qaadeen…Markaa, laba nin baa dhinacan Gabiley kaga dhintay, kuwaasoo la kala odhan jiray; Cabdillaahi Cali iyo Cali Yaasiin.” Sidaa ayuu yidhi, wuxuuna intaa ku daray, in markii shaqaaqadaasi dhacday ay isla shalayba halkaas gaadheen ciidamo dawladdu u dirtay, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha, Salaadiin reer Hargeysa ah oo gurmad waanwaan ah u socda iyo Guddigii hore Golaha Guurtidu ugu saaray xal-u-helida murankan oo muddo dheer soo jiitamayay. “Waxaanu Illaahay ka baryaynaa inuu arrintan inaga qaboojiyo belaayo dabo la qabto ma laha’e, Daaman la qabto ayay leedahaye….Ciidamo ayaa kala dhex fadhiya labada dhinac,” ayuu raaciyay. Suldaanku waxa uu sheegay in sidoo kale ay dagaalkaas dhinacooda labada dhimashada ah ka sokow, hal qof ku dhaawacmay. Waxa uu waxgaradka reer Somaliland ugu baaqay in loo gurmado xal-u-helida shaqaaqada ka dhex oogan labada beelood ee walaalaha ah, isla markaana loo dhamayn lahaa muran dhul-beereed u badan oo khilaafkoodu salka ku hayo, kaasoo muddo dheer soo taagnaa.
Dhinaca kale, Suldaanka Beesha deegaanka Dilla Suldaan Cabdiraxmaan Xassan Cige oo isna xalay Wargeyska Ogaal xog-waran kula yeeshay Khadka Telefoonka, waxa uu sheegay in saddex qof dhinaca beesha Dila ay kaga dhaawacmeen dagaalkaa shalay. Wuxuuna dhinaca deegaanka Gabiley ku eedeeyay inay masuul ka ahaayeen dagaalkaas, isla markaana ay weerareen, iyadoo uu sida uu sheegay ay jirtay waan-waan laga dhexwaday iyo min 25 oday oo labada dhinacba laga dhaariyay. “Waatii ay arrin hore dhacday, Guurtida ayaana dhexgashay. Dabadeedna, labada dhinacba 25 iyo 25 oday baa laga dhaariyay, waxaana laga saxeexay in muddada lagu gudo jiro ee arrintaa la dhamaynayo labada ciidan la kala qaado, cidii inta hawshaasi socoto rabshad keentana la ganaaxo. Laakiin, sidii arrintaa loo waday ee shalayna (doraad) loogu balansanaa in Guurtidu Dilla u soo wareegto oo arrinta ku gasho ayuun bay meel aan meeshii arrintii hore ka dhacdayba ahayn ay nin miskiin ah,… oo Beertiisa iska qodanaya intay u galeen ku dhex dileen.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Cabdiraxmaan, wuxuuna intaa ku daray, in Guddigii Guurtida ka tirsanaa ee arrintaa hore ugu jiray ay ka codsadeen inay ka war sugaan, hase yeeshee dhinaca kale ay subaxnimadii hore ee shalay saddex aag ka soo weerareen.. Suldaanka oo la waydiiyay magacyada dadkaa dhinaca deegaanka Dilla shalay ka dhawacmay, waxa uu magacyadooda ku soo koobay; Abshir, Maxamed iyo Mahad Daheeye. Wuxuuna muujiyay inay aaminsan yihiin in arrintu waanwaan ka gudubtay. “Waxa wanaagsan in Nabadda sida aad u jeceshay loo jeclaado,” ayuu raaciyay.
Marka Salaadiinta labadan dhinac laga gudbo, shalay koox madax-dhaqmeed ah oo ka gurmatay dhinaca magaalada Hargeysa ayaa gaadhay magaalada Boorama, Islamarkaana Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac oo ka mid ah salaadiinta Awdal ee la kulantay Salaadiintan gurmadka ah ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen madax-dhaqmeed ahaan inay kala dhex-galaan labadan Beelood oo muran dhinaca dhulka ah oo soo noq-noqday mudo ka dhexeeyey “Salaadniinta dhinaca Hargeysa ka timi, waxay u socdeen sidii looga hawl-geli lahaa arrintan.. waxaanay kala ahaayeen, Suldaan Xandule, Suldaan Xusseen, Boqor Daqare, Suldaan Barre, Suldaan Yuusuf Xiiray iyo hal Caaqil. Waxaanu isla-garaney madax-dhaqmeed ahaan in aanu kala dhex-gallo labadan Beelood ee Gabiley iyo Dilla., markaa odayaashii caawa (Xalay) ayay ku noqdeen Hargeysa oo ay ka soo anbabaxayaan, anaguna dhinacan ayaanu ka baxaynaa waxaananu u kala dhex-dagaynaa sida ugu dhaqsaha badan.”
Dhinaca kale, Maxamed Maxamuud Diiriye oo Guddoomiye u ah Guddi Golaha Guurtidu u saaray muranka deegaankaas, ayaa Xukuumadda ugu baaqay in ciidamo ku filan loo diro halkaas, isla markaana la kala dhexgalo labada dhinac ee dirirtu dhexmartay. Xildhibaan Maxamed Maxamuud waxa uu labada dhinac ugu baaqay inay colaada joojiyeen, isla markaana Nabadgelyada iyo wadajirkooda ilaaliyaan.
Wasiiru-dawlaha arrimaha Gudaha Xassan Axmed Ducaale (Xassan Macalin) oo arrintan warbaahinta dawlada uga waramay ayaa sheegay in ay aad uga xun-yihiin dhibaatada ka dhacday halkaasi, islamarkaana waxa uu ku dooday inay sida ugu haboon uga hawl-geli doonaan sugida amaanka. Wasiirku faah-faahin dheeraad ah kama uu bixin shaqaaqooyinka deegaankan lagu muran-sanyahay, waxaana uu tacsi u diray ehlada dadka waxyeeladu ka soo gaadhay dagaalkan.



Xigasho: Wargeyska Ogaal

No comments:

Post a Comment